Home » Announcements »

Xiriirka FIFA soo Dhaweeyey Doorashadii Gudoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Hayadda ugu sareeysa Xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa hambalyo iyo Bogaadin u soo dirtey gudoonka cusub ee xiriirka Kubada somalia oo dhowaan dib loogu doortey Congresskii 8aad ee lagu qabtey magaalada Muqdisho

Warqadda ayaa waxaa uu gudoomiyaha FIFA ku yiri Mudane Said Muganbe aad ayaan ugu faraxsanahay qaabka wacan ee laguugu aaminey in 4 sano oo kale aad hogaamiso xiriirka kubadda cagta somalia,waana ku faraxsanahay adadaalkaaga ku aadan waana kuu hambalyeynayaa.

Xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Cabdi Qani Said arab ayaa sheegey in maalin ka dib doorashii 8aad ee xirriirka kubadda cagta ay hambalyo ka heleen fifa taasi oo micnaheedu yahay in la aqoonsadey doorashadii ay sameeyeen.

Waxaa jira hambalyo naga soo gaaraya tababarayaal masuuliyiin iyo ciyaartoy ku dhaqan dalka gudahisa iyo dibadiisaba, waxaana ay inoo muujineysa in ay aad ugu qanacsan yihiin qaabka iminka loo agaasimey doorashada 8aad iyada oo lagu soo darey markii ugu horeysey masuuliyiin laga soo xuley gobolada dalka ayuu yiri xoghayaha

Xiriirka kubadda cagta ee Somalia ayaa dhowaan Magaalada Muqdisho waxaa mar kale loo doortey inay 2010-2014 ay hayaan jagadaasi iyada oo gudoomiyhii 3da sano si ku meel-gaar ah u hayaey ee Said Muganbe loo doortey,iyada oo 2 gudoomiye ku xigeen ah oo cusub laga soo xuley gobolada dalka, dhinaca xubnaha waxaa ku jira ilaa 5 xubnood oo ka socda dhinaca gobolada dalka iyo guddiga garsoorka.

Masuuliyiinta cusub ee xiriirka kubadda cagta ayaa markii la doortey waxaa ay saxaafadda u sheegeen inay sameyn doonaan isbedel weyn oo ku aadan dhinaca horumarinta ciyaaraha kubadda cagta,sida youth,dhismaha garoomo cusub,siminaaro iyo qalabeyn lagu sameyn doono naadiyada hoos taga, iyada oo sidoo kale sheegey in kubadda cagta ay ku baahin doonaan dhamaan goboladda dalka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.