Home » Maqaallo »

Soomaaliya: Afganistaanta Cusub | Xalane

Dadka sida weyn ugu dhuundaloola xaaladda Soomaaliya waxay haatan rajo xumo ka muujiyaan arrinta Soomaliya, waxaana dalka Soomaaliya lagu tilmaamay mid guuldareystay marka loo eego 20 sano uu ku jiray burbur iyo kala dambeyn la’aan, taas oo keentay in ay meesha ka baxdo wixii rajo ah ee Dadka Soomaliyeed dibadda iyo dalkaba ku nooli ay qabeen ama ay sugayeen, waxaa hartay in yar oo maro ku dheg ah oo iyana dadka kale ugu baaqaya in aan meesha laga saari Karin Hadalka Alle ee Qur’aanka Kariimka oo sheegaya in aan laga quusan Naxariista alle, waxayna middaas daliil uga dhigeen in ay mar un Soomaaliya heli doonto xasilooni waliba ay noqon doonto meel loo tamashla tago heerka ay dhanka nabadgelyada ka gaarto.

Marka aragtiyadda dadka laga soo tago, waxaa muuqata in Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho xaaleeda ka sii dartay, isla markaana hadda ay ka so ifbaxeen arrimo cusub oo Soomaalida ay horey dhaqan iyo caado ugu laheyn middaas oo sii xoojeysay dhibaatadii jirtay, waxayna arrintu noqotay (ka dar oo dibi dhal), waxaa isweydiin mudan meesha ay uga soo dhooftay arrintaan cusub ee hadda soo ifbaxday, dadka qaar ayaa hoos hoos u sheegaya in Badda lagu keenay halka kuwo kale ay leeyihiin “wax bad ku yimid way ka weyn tahay arrintu balse cirkaa laga soo riday”.

Haddaan xaaladda cusub ee Soomaaliya labo u kala qaado, qaybta hore waxaan dhihi karnaa waxaa arrinta murugsan ee Soomaaliya qayb weyn ka qaatay fikirka cusub ee dhanka badda lagu keenay, kaas oo anfariir ku riday dad badan oo soomaaliyeed, inkastoo ay jiraan qaar kale oo la dhacsan, Soomaaliya lagama aqoon qof naftiisa miidaamiya oo is qarxiya sidoo kale waa wax cusub in baabuur lagu rakibo waxyaabo qarxa oo lagu dumiyo dhismooyin, intaas oo ka sii daran ayay leeyihiin dadka wax indha-indheeye in la arkay Wadaado u xaydan dagaal isla markaana ka goos adeegaya in geed hoostiis wax lagu xaliyo sida ay dhaqanka soomaalidu ahaa, waxaa la yaab leh in Wadaad kasta uu aaminsan yahay in uu isagu wadada saxda ah ku socdo isagoo markaa ka duulaya in uu u qidmeynayo Diinta Islaamka isla markaana uu jihaad ku jiro.

Wadaadii sida weyn xushmadda iyo qadarinta u lahaa ee laga raacan jiray cilmiga waxay intooda badan noqdeen hadda bar-kuma-taal aan warkoodu dhaqaaq laheyn, waxaa soo baxay rag cusub oo hogaanka u hayey doomaha badda ku yimid, wadaadadaan cusub runtii marka laga eego hadalkooda waxay u muuqdaan kuwo xalka Soomaaliya raadinaya, sidaas oo kale waa laga yabaa in ay jiraan rag ka run sheegaya waxa ay ku hadaaqayaan, waxaase meesha laga saari Karin in ay ka dambeeyaan ururo islaami ah oo mudooyinkii ugu dambeeyey si weyn ugu soo ququlayey Soomaaliya kuwaas oo ka yimid wadamo dhowr ah oo ay ku galeen dagaal aad u culus, waxayna ururadaani doonayaan in ay helaan wadan ay gacanta ku hayaan iyaga ama rag taabacsan si ay ugu fududaato dagaalka ay kula jiraan Dowladaha reer galbeedka oo ay si weyn isku maandhaafsan yihiin.

Ururka inta badan lagu riixo in uu si toos ah uga hawlgalo Soomaaliya waa Ururka Al-Qaacida oo si weyn ay xulufo isla shaqeysa u yihiin Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin, Ururka Al-Qaacida waxaa Afgistaan ku soo dhaweeyey Ururka ay saaxiibda yihiin ee Dhaalibaan, waxayna mudo ka wada talinayeen Dalka Afgistaan ilaa markii dambe gaashaansbuurta NATO ee uu hor boodayo Mareykanku weerar ku soo qaadeen Afgistaan, waxaynta taasi keentay in Dhaalibaan iyo Al-Qaacida u baxsadaan dhanka Buuraladeyda u dhexeysa Afgistaan iyo Bakistaan, is uruursi kadib waxay labada urur xoog u heleen in ay dib u qabsadaan Gobolo dhowr ah oo ka tirsan Dalka Afgistaan, taariikhda Afgistaan waxaan filayaa in si weyn looga war qabo, sidaasi darteed xaaladda hadda Soomaaliya ka jirta ayaa si aad ah ugu eg tan Afgistaan ka jirtay welina ka jirta, Ururka Alshabaab ayaa dhowr horey u sheegay in ay Soomaaliya joogaan Mujaahidiin dibadda ka timid oo iyaga gacan siiya, waxayna Alshabaab haatan u muuqataa in ay tahay ururkii labaad ee Al-Qaacida garab siiyey kadib Dhaalibaan, hadda warbixino dhowr ah oo laga helayo ilooyin kala duwan waxay caddeynayaan in Soomaaliya ku yaalaan Xerooyin lagu tababaro Dhallinyaro Soomaali ah, waxaana xerooyinkaasi gacanta ku haya qaarkood Ajaanib dibadda ka timid, Alshabaab waxay haatan u xuubsiibteen Urur Caalami ah kadib markii ay sheegteen Qaraxyadii labada ahaa ee ka dhacay Magaalada Kampla ee dalka Uganda oo ay sheegeen in ay ugu aargudayeen Dadka Soomaaliyeed ee ciidamada AMISOM madaafiicda kula beegsadaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, haddii aan wax ka aragnay fikirka lagu keenay dhanka Badda, waxaa xusid u baahan in laga faaloodo arrin horey uga jirtay Soomaaliya oo la dhihi karo waa midda dhulka dhigtay rajada Soomaaliya arrintaasuna waa faragelin shisheeye oo aan ka marneyn xaaladda Soomaaliya, Dowlad kasta oo loo soo dhiso inay wax ka qabato arrinta murugsan ee Soomaaliya ka taagan waxaa dhinac socda qorshe ay dowladaha deriska ah iyo waliba kuwa reer galbeedku ku fashilinayaan in ay shaqeyso dowladda markaa la soo magacaabo, middaan ayaa sidoo kale dadka wax indha-indheeya waxay tilmaamayaan in Dowladaha Deriska ah aysan diyaar u aheyn in Soomaaliya dowlad cagaheeda isku taagta ay ka dhalato sababo dhanka xuduudaha ah, sidaas oo kale Dowladda Mareykanka oo lagu sheego in ay tahay midda ugu tunka weyn caalamka haatan waxaa cad in aysan raali ka aheyn dal Soomaaliyeed iyo dad Soomaaliyeed oo dib isku hela, arrintaas waxaa daliil kaga filan ka bixiye Xoghayihii hore ee dhanka Dibadda ee Mareykanka Mrs Gondeleza Rise ayaa hadal la yaab leh waxay jeedisay xiligii ay Midowga Maxaakiimtu la wareegeen inta badan Koonfurta Soomaaliya waxa uu ahaa hadalkaasi “Mareykanku waxa si weyn uga walwalshan yahay xaaladda Soomaaliya oo meel xun ku sii socota”, xiligii ay dagaalka wada galeen Midowga Maxaakiimta iyo Dowladdii uu horkacayey C/llaahi Yuusuf ee garabka ka heleysay dalka Itoobiya waxaa dhacday in Itoobiya dalka soo gasho gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, waxaa bilowda barakac iyo dhibaato, waxaana dhacay xasuuq aad u balaaran mar kale ayay hadashay Mrs Rise waxayna tiri “Caalamku waxa uu u hambaleynayaa Dowladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay, waxaana ku faraxsanahay in xaaladda Soomaaliya haatan soo hagaageyso”.

Qof kasta oo caqli u saaxiib ah waa uu fahmi karaa danta meesha ku jirto, weli si dhab ah looma shaacin danta laga leeyahay Soomaaliya, balse aragtiyo kala duwan ayaa bixinaya in reer galbeedku doonayo in ay gacanta ku dhigaan Soomaaliya, gaar ahaan Mareykanka oo doonaya in gudaha Soomaaliya ka sameysto saldhigiyo, Mareykanka waxaa caado u ah in wax walba uu u sameeyo marmarsiyo isla markaana uu shabad uu isagu sameystay ku dhifto ciddii uu u arko inay ka hor imaaneyso dantiisa si uu taageerayaashiisa u tusiyo in ay ku saxsan yahay talaabada uu qaadayo, haddaba si taasi mareykanka ugu suuragasho marnaba daacad kama noqdo dhismaha Dowlad Soomaaliyeed iyo waliba in ay uu siiyo taageero, balse taa bedelkeeda waxa uu heshiis gaar ah un la galaa ragga markaa hogaanka u haya Dowladda oo si weyn ugu harqiyo qarash aysan ujeedadiisu aheyn in wax loogu qabto Soomaaliya balse ay tahay in lagu sii dabar gooyo. Waxaa tusaale kaaga filan Dowladda Sheekh Shariif uu hogaamiyo waxa loo ballanqaaday taageero dhaqaale taas oo aan ilaa iyo hadda soo gaarin, dhanka kale mucaaradka dowladda ka soo horjeeda waxaa muuqaneysa in maalinba maalinta ka dambeysa ka sii xoogeysanayaan sidii hore halka Dowladdu tababar yari u sii kordheyso.

Ugu dambeyn xaaladdu waxay u eg tahay in Soomaaliya la doonayo in laga dhigo Afgaanistaanka Cusub si taas loo helana reer galbeed waxay ku riyoonayaan in cunaha lagu dhego Dowladda tababarta daran ee haatan jirta si taa bedelkeeda ay xoog u yeeshaan Koooxaha Mucaaradka ah gaar ahaan Alshabaab oo lagu tiriyo inay xiriir xoog leh wada leeyihin Al-Qaacida, waxayna arrintaan oo sidaas noqota ay ka dhiman tahay shabadda Mareykan la doonayo Soomaaliya.

Ismaaciil Max’ed Xalane
imxalen@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.