Home » Maqaallo »

Maqaal: Koonfur Afrika iyo Soomaali maxaa kala haysto: Q.1aad| C/raxmaan

ASC.
HORDHAC

Qarankii dumay iyo qalalaasihii dhacay kadib somaalidu intii tabar reebtay mooyaanee ummadda inteedii kale waxay kafursanweeyday arintu ninba taaktii hatilaabsado oo ninba intuu soconkaray ayuu dhaqaaqay baadigoobna ugalay halkeey nafta kubabaadilahayd ,kala yaacaas iyo firxashada baahday waxay dhalisay in somaali qoxooti magangalyo doono kanoqoto dacalada dunida oo idil.

koonfur afrika waxay kamid tahay dalalka ay somaalidu nafbiday kanahelay runtii gabaad iyo hooy ay ooga badbaadaan baaska iyo musiibada ka aloosantay wadankoodii ,safarkaasi ay somaalidu kubeegsatay koonfur afrika oo dhaco cirifka qaarada taloo ma kalsooni iyo niyadsami ay kuqabeeyn baa oo dad badani maskaxdooda ay weli kukeedsantahay halgankii reer koonfur afrika ugaleen soo celistii xorriyadooda in somaalida ay qeeb libaax kaqaateen fikirrkaasi se dadyawga kudhaqan koonfur afrika ma mid ay laqabeeynbaa oo arintu ma xasuustaa xariirsho mise waa mala awaal somaalida abuuratay? -”waan arkidoonaa”sabab walboo loo aaneeyo waxaan shaki kujirin in naflacaari iyo dani kuguqasabtay ay horrseeday geeddiga dheer.
Hadaba intii aan ugalin dhibka iyo dheefta ay kuqabaan somaalida koonfur afrika waxaan jeclahay in sawirguud kasiiyo akhristayaasha sharafta leh koonfur afrika.

KOONFUR AFRIKAAY MAXAAD AHAYD?

Wuxuu dhacaa cirifka koonfureed ee qaarada afrika baaxada dhuleed uu wadanka kufadhiyo waxaa laguqiyasaa 1,134 sq.km ama 437,872 sq.mile.wuxuu xuduud wadaag layahay zimbabwe,mozambique iyo swaziland dhanka waqooyi bari ,namibia woqooyi galbeed ,botswana dhanka waqooyi .sidoo kale lesotho oo ah boqortooyo madaxbanaan waxay dhacdaa gudaha wadanka .

CIMILADA
Masaafada dhuleed oo balaaran awgeed,baddaha wadanka uu leeyhay ,kala sareenta dhuleed iyo dhirta ba waxay qeeb kaqaaten kala duwanaanshiyaha cimilada ,way adagtahay in qoraal lagusoo koobo dhamaan magaalo iyo degmo kasto cimilada ay leedahay heer kulu iyo xajmiga roobeed balse aan kaxusno dhowr magaalo :

HEER KULULKA
*Capetown———- 17.2 C
*Durban————- 24.4 c
*port ellezebeth—– 15.6c

ROOBABKA
*Durban———— 1,140mm
*Bloemfonten——– 530mm
*kimberly———– 400mm

MACDDANTA
wadanka wuxuu ilaahay kumaneeystay kheeraad aad ubadan ,macaddanta wadanka uu leeyahay waxaa kamid ah:
-Gold -silver
-Diamond -asbetoes
-nickel -uranium
-chrome -magnesium
-platinum -vanadium
-iron -copper & zinc

QOWMIYADAHA KUNOOL WADDANKA

Qowmiyaddaha wadanka kunool waxaa looqeebshaa
-madow oo ah tirada ugubadan dadka una dhashay wadanka waxayna usii kala baxaan
1/khoisan -loo yaqaan bush men
2/hottentots & bergdamara -oo ah dadkii wadanka loogu yimid
3/ Nguni -oo ku abtirsada negroid bantu una kala baxo :
– zulu -swazi
– ndebele -pondo
-tembu – xhosa oo iskuba ah
& sotho -tswana oo iskubah ah
isku geentooda waxaa lagu qiyaasaa 24,771,979 million
– caddaan oo xiligii gumeeysiga yimid waxaana lagu qiyaasaa 4.4 million wadamada ay kayimaadeen waxay kala yihiin :
* dutch *french
*british *germans
-waxaa kaloo soo raaca oo wadan ka dagan dad midab ah (coloured people) oo lagu qiyaaso 2.5 million .
– waxaa jiro ayagana hindi wadanka qeeb kadagan tiradoodana lagu qiyaaso 900,000
-iyo waliba ummadda kala duwan una badan afrikaan iyo asian oo wadanka kunool ha uyimaadaan qoxooti ahaan sida somaalida ama ganacsi ahaan trikoobkooduna ay adagtahay in la helo waloo aan isleeyahay safaaradaha ay udhasheen in lagaheli karo .
-luqadaha sida rasmiga ah looga hadlo (official languages) marka laga soo tago kuwa qabiilada ay gaar ka u isticmaalaan waxayna kala yihiin :
*afrikaan 65%
*english 35%
DHAQAALAHA WADANKA
LAcakta waddanka uu isticmaalo waxaa layirahdaa RAND qiimo ahaan $ 1—7.5 rand ,koonfur afrika waa wadan wax soo saarkiisu aad usareeyo bulshadana k qeeb gal ka kobcinta dhaqaale qoloba meel ayeey ku aaday nisbada halbowlayaasha dhaqaale iyo dadka sida ay qeeb ooga qaataan :
*dadka ku howlana beeraha ,dhirta iyo kaluumeeysiga waa 28%
*soo saarka macdanta dad ka kuhowlan 8%
*dhismaha 6%
*ganacsiga 35%
*socdaalka 2%
* dadka shaqo la’aanta waxaa lagu qiyaasaa 10%
wadanka waxa uu soo dhoofsado waxaa ugu mihimsan hubka iyo shidaalka ,wadamada uu gacansaarka ganacsi kala dhexeeyo waxaa kamid ah:
*usa *british
*german *swaziland
*india *angol iyo kuwa kale .

SIYAASADA
Wadanka waxaa gumeeystay ingiriiska wuxuuna xoriyadiisa di u hantay 1994 kii hoggaanka waxaa la wareegay dadyoowga madow u wadanka u dhashay waxayna kala wareegeen cadaankii gumeeysan jiray ,madax weeynihiin u horeeyay wuxuu noqday nelson mandela afar sano kadib waxaa xilka kala wareegay tambo mbeki labo wareegto kadib oo ah 8 sano waxaa xilka qabtay jacob zuma oo hada aha madaxweeynaha wadanka .xisbiga taada hayo waa african national congress ANC oo la aas aasay 1912 kii ,madaxdii u soo halgantay xoriyada wadanka waxaa ugu caasan -nelson mandela ,olive tambo,chief buthelezi,steve biko,tambo mbeki iyo jacob zuma .sidoo kale gumeeystayaashii wadanka soo gumeeystay waxaa laga xusi karaa -pieter .w. both,p.w klerk, dr conne mulder,vorster. xisbiyada wadanka kajirijiray iyo kuwa hada ka jiro waxaa ugu weeyn african national congress 1912-hada, black peoples conversion 1972,south balck alliance 1978,south african indian congress 1940 iyodemocratic alliance oo cadaan ah hada wali dhisan.
CAAFIMAAD KA
koonfur afrika caafimaad ka aad ayuu ugu horeeyaa heer ilaa tayadiisu ay gaarto in looga yimaado dacalada dunida waana wadankii ugu horeeyay oo kuguuleeysto beerida wadnaha .
WAXBARASHADA
dhanaka waxbarashada iskuma dheeli tirno qaabka ay dadka u helaan waxbarashada tusaale qowmiyada cadaanka ah oo lagu tiriyo in ay tahay dabaqada sare xaga nolosha tayada waxbarasho ay caruurtooa helaan way kasareeysaa mida dadyoowga kale waloo xiliyadaan dambe kor loo qaaday tayada waxbarasho ee qowmiyadaha kale , waxaa xusid mudan luqadaha ay waxbarashada kubaxdo waxaa jiro qaanuun ogalaanayo in luqadaha ingiriisiga iyo afrikaanska lagu dhigi karo hadba baahida loo qabo laguna asaleenayo badnaashiyaha mutamaca wax labarayo luqada ay kuhadlaan .jaamacadaha wadanka ugu caansan waxaa kamid ah
*johannesburg university *western cape university
*pretoria university wits (loo akhriyo viits) university

ISGAARSIINTA
wadanka waa mid tixgaliyo xoriyada saxaafada ,wargeeysyada kasoo baxo wadanka waxaa ugu horeeya :
*daily sun *pretoria news
*cape times *sunday times
*the sowetan
iyo the weekend & african magazine oo xiligii xoriyadoonka lamamnuucay
sidoo kale dhinaca taleefishinada waxaa laga xusi karaa SABC oo ah codka dowlada lana aasaasay 1976 ,etv iyo e-news . dhanka radio yada waxaa ugu caansan radio islam ,cape talka iyo capital fm.

FIIRO GAAR AH/ cabirka roobka iyo heer kululka magaalooyinka waa iskucecelis sanadiiba -annunal mean .

wixii khalad ah uu qoraal kani yeesho aniga ayaa qaadayo masuuliyadiisa, talo iyo saxniin ba waxaa la iigu soo gudbin karaa ciwaanka ibnushiikh114@hotmail.com.

fadhlan hamoogaan qeebta labaad oon ooga hadlidoono dhibka iyo dheefta ay somaali kuqabto koonfur afrika.

MAHADSANIDIIN
CABDIRAXMAAN SHEEKH MAXAMED
DOXA /QADAR .
ibnushiikh114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.