Home » Maqaallo »

Dawladda shariif gudahana ma gumaadee dibeddana ma soo celee ?

A/C WWT,

Markan arkay qormadan oo sheegaysa in Sh. Shariif dawladda Holand si hoose ugu saxiixay in 8 qof oo soomaali ah qasab dib loogu celiyo soomaaliya oo ay naftooda kala soo carareen madaafiicda naxariis darrada loogu garaacayo habeen iyo maalin.

Waxaa mucjiso iyo filanwaa nugu noqotay in la leeyahay dano ayuu ku fushaday oo markii maxkamaddii xukuntay Human Right weydiisay ay ugu jawaabtay waa sir labada dawladood ka dhexeysa.

Haddaba bal aan is weydiinnee haba ku gaaraan dano gaar ahe, waxa shariif iyo kooxdiisa Villa somaliya ku go’doonsan 8 daas qof u hayaan waa maxay?

Kuwii ay yiraahdeen ka soo qaxa dhinaca mucaaradka ee afisyooni jiingadaha iyo cooshadaha ka samaystay sow kuwii barqo cad ka burburiyey oo weliba ku daray xaasaskii ciidankii qarankii soomaaliyeed ee weligi deggenaa Afisyooni iyo weliba isla qoysaskii ciidankooda u qoran, taasna ay ka dhalatay isku dhicii la ogaa ee Qoor leex iyo kooxdiisii ku dhimatay bariise iyo kuwo kalena ku dhaawacmeen?

– sow arrinkani dhabar jab iyo murugo kuma ahan qurba joogta oo dhan iyo kuwa aan weli sharciga helin, iyo kuwa waddada ku sii jira, iyo kuwa dalkii ku sugan hadda oo ugu yaraan kuwaas wax ka sugayey ?

Arrintan waa afkii oo juuqdii gabay soomaaliduna dareenkeedu ma joogo maanta maalin uu yimaadaba, sidaas darteed wax aan sii wadi karaba ma ahane bal yaa i dhaamoo wax sii raacin kara soomaaliyey?

Ali Jeyte bartilmaameed@gmail.com

……

The Netherlands: Do Not Deport Somalis

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.