Home » Warar »

Saciid Mugaambe oo mar kale loo doortey Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed

Shirweynihii 8-aad ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Saxafi International ee magaalada Muqdisho. shirweynahan ayaa waxaa lagu doortay xubnaha guddiga fulinta ee maamulaya afarta sano ee soo socota waxaana guddoonka sare ee XSKC cod aqlabiyad ah loogu doortay Saciid Maxamuud Nuur [Mugaanbe].

Masuuliyiin ka kala socotay wasaarada isboortiga iyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa goob joog ka ahaa qaabkii ay doorasahdu u dhacday waxaana kadib ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin habka doorashadu ku gudubtay oo ay sheegeen in uu ahaa mid dimoqoraadi ah.-

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Soomaaliya Saacid Maxamed Abuukar oo doorshada kadib saxaafada war siiyay ayaa sheegay in wasaaradiisu ay aad ugu faraxsan tahay doorashada ayna u hambalyeyneyso masuuliyiinta loo doortay in ay 4-ta sano ee soosocota hogaaminaya xiriirka Soomaaliyeed.

“Aniga oo wakiil ka ah dowlada Soomaaliya waxan halkan ka cadeynayaa in aan si buuxda u soo dhaweynay natiijada doorashada ,waxaana ku faraxsanahay sidii maanta halkan wax uga dheceen ee cadaalada ku saleysneyd”ayuu yiri agaasimaha guud.-

Dhankiis ayaa waxaa goobta ka hadlay Maxamed Cali Cadow oo wakiil ka ahaa gudidga Olombikada Soomaaliyeed waxaana uu saxaafada u sheegay in doorshadii uu goob jooga ka ahaa ay ku dhacday cadaalad gudidga olombikaduna uu aqbalay natiijada codbixintii dhacday.-

“Aniga oo ku hadlaya codka guddoomiyaha olombikada soomaaliyeed waxaan u hambalyeynayaa guddoomiyaha la doortay iyo gudigiisa fulinta,waxaana kula dar daarmayaa in ay sii laba jibaaraan howsha wanaagsan oo ay markii horaba dalka iyo dadka u hayeen”ayuu yiri wakiilka ka socday guddiga Olombikada soomaaliyeed.-
Gudoomiyaha dib loo doortay siciid Maxamuud Nuur oo isna doorashadiisii kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xiriirku sanadihii laso dhaafay uu qabtay howlo aad u baaxad weyn walina ay ka go’an tahay marxaladaha adag in ay ku sii shaqeeyaan.-

Waxaa uu sheegay in mudo sanado ah oo dib u dhac ah kadib uu maanta ku fraxsan yahay in qaab dhismeedka kubada cagta Soomaaliya uu dhameystiran yahay.-

Guddoomiyuhu waxaa uu la taliyihiisa gaarka ah u magacawday kabtankii ugu horeeyay ee soomaaliya Maxamed Qalaf Shangole taas oo si weyn uu congress-kuna u soo dhaweeyay.

“Mudanayaal/Marwooyin Waxaa mahad leh ALLAAH oo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/07/010 halkaan Igu doorateen in aan noqdo Hoggaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Muddada 4-ta sanno ee socoto, taasoo aad igu qiimeyseen shaqooyinkii dhibka badnaa aan soo qabtay annigoo la kaashanayo Xubnihii Guddiga Fullinta iyo Xoghaynta” sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha XSKC Saciid Maxamuud Nuur [Mugaanbe] oo ku daray in isaga , Guddiga Fullinta iyo Xoghayntaba inay laba jibaari doonaan wixii Karaankoodana isugu geyn doonaan howlaha culus ee horyaala.

Afartii sanadood ee lasoo dhaafay ee magaalada Muqdisho ay la kulmeysay dagaalada maalinleyaasha ah waxaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu waayay shaqsiyaad badan oo masuuliyiin iyo cayaartoy ay ku jireen.-
Dadka uu xiriirku dagaalada ku waayay waxaa ka mid ah Cali Xuseen kaariye oo xubin ka ahaa gudiga fulinta, Garsoore heer caalami Cabdi Cabdulaahi, Cabdi Gafaar CabdulQaadir oo guddoomiye ka ahaa naadiga TOP iyo 10 cayaartoy oo 9 ka mida oo ahaa dhalinyaro loo tababarayay kubada cagta uu gantaal kusoo dhacay goobtoodii tababarka 13-kii Janaayo ee sanadkan oo halkanaa ay ku baabe’een.

Xubnaha Lagu Doortay Shirweynaha 8aad ee Xiriirka K/Cagta:
GUDDOOMIYE
1. Saciid Maxamud Nuur (Mugaambe)

GUDDOOMIYE KU XIGEENADA
Cali Saciid Guuleed
C/rashiid Xasan Xersi
C/aahi Abow Xuseen
XUBNAHA
Bashiir Maxamuud Geesey
Yaxye Maxamed Abuukar
C/rashiid Xuseen Caddow
Saciid C/lla Maxamed
Xiirey Axmed Rooble
Xasan Macallin Yuusuf
Cisaman Jamac Diraac
Cali Cabdi Maxamed
Mustaf Cilmi Afrax
C/qani Saciid Carab Xoghaye Guud
Waxaa iyana xiriirka la sii shaqeynaya Amiin Yuusuf Khasaaro iyo Yuusuf Gacal Gaabshe ka dib markii loo arkey Xubno Firfircoon waxaana loo doortey Xubno Sharafeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.