Home » Warar »

Shir looga hadlayey Qorshaha Madbacad cusub oo lagu Kordhinayo Jaamacadda East African University oo lagu Qabtay Minneapolis

Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 07/18/2010 lagu qabtay Hall weyn ee kulliyadda Ausburg College ee Magaaladan Minneapolis shir aad iyo aad ay u soo agaasimeen aqoonyahano soomaaliyeed oo ku nool Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota shirkan oo looga hadlayey sidii loogu kordhin lahaa Madbacad cusub Jaamacadda East African University ee ku taal Magaaladda Boosaaso ee Dowlad Goboleedka Puntland shirkan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u fara badan ayaa ahmiyadda ugu weyni waxay ahayd sidii dhaqaalle iyo horumarin loogu heli lahaa Mashruucan cusub ee lagu dhisayo Madbacadda Jaamacadda East African University dadweynihii halkaa isku yimi ayaa soo dhoweeye fikradani una ballan qaaday Jaamacadda inay ku tabarucayaan dhaqaale taasoo ay u noqon doono Sadakhatul Jaariyaha , sababtoo ah Jaamacaddu waxay waxbaraysaa arday Soomaaliyeed iyadoo Kutubadeeduna ay inta badan yihiin kuwa intifaac u leh bani’aadanka Adduunka iyo Aakhiraba.

Halkan ka daawo Sawirada

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Dr. Saadiq Eenow oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu Saraysa Jaamacadda East african University wuxuuna ka si qota dheer ugu dheeraaday warbixinta iyo horumarka ay Jaamacaddu gaartay 12kii Sano ee ay jirtay wuxuuna qayb qayb uga hadlay qaybaha kala gedisan ee Jaamacadda iyo waxtarka ay u leedahay Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo horumarkii iyo is bedelkii ay sameeyeen ardaydii Jaamacadda ka Qalin jebisay ee imminka ka shaqeeya Goboladda Dalka Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah Dunida ama aqoon kororsi u aaday Waddamada India, Malasiya, iyo Masar ama Dunida inteeda kale, wuxuuna aad uga mahad celiyey dhallinyaradii barnaamijkani ka soo shaqaysay ee soo diyaarisay iyo dhammaan dadweynaha reer Minnesota sidii ay uga qayb qaateen gacan ka geysashada Mashruucan lagu dhisayo Madbacadda Jaamacadda East african University ee Magaalada Boosaaso wuxuuna ku booriyey dhammaan Soomaalida meel waliba ay joogaan inay Mashruucani wax ku darsan karaan si ay ugu noqoto Sadakhatul Jaariyaha oo ay ku baxsadaan maalinta lays xisaabin doono.

Sh. Cabdirisaaq Xaashi oo ka socday Masjidka Abuubakar al sadiiq ayaa hadalkii qaatay wuxuuna aad uga hadlay ahmiyadda ugu weyn oo qofka sadaqada baxsadaa uu helayo ama uu sugayo , in diinteenu meela fara badani ay kaga hadashay Sadakhatul Jaariyaha waxa ay tahay iyo sida uu qofka ugu badbaadi karo Sadaqada haddii uu baxsado xitaa haddii uu qofku xannuun aad u darrani hayo Ilaahay wuu ka qaadayaa ama uu ka nafisinayaa wuxuuna soo qaatay tusaalooyin iyo Qisas dhab ah oo dhacay Sh. Cabdirisaaq Ilaahay ha ka abaal mariyo wuxuu dadkii halkaa isugu yimi xusuusiyey in Sadaqadu ay tahay Caafimaadka oo dhan. waxaa kaloo hadalkii wax ku darsaday Agaasimaha Hay’adda Gargaarka ee Camuud foundation oo u ballan qaaday sanad waliba inay ka bixin doonaan Scholarship saddex ka mid ah ardayda Jaamacadda East african University.

Madaxda sare ee Mashruucani Madbacadda East african University ayaa wuxuu u mahad celiyey dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Maraykanka sidii diiranayd ee ay ugu soo dhoweeyeen mudadii uu booqashada uu ku marayey carrigan Maraynka gaar ahaan Gobolkan Minnesota wuxuu si gaar ah u xusay Guddoomiyaha Confederation of Somali Community ee Miinesota Saciid Faahiye, dhammaan Culumaa’udiinka Waqooyiga Maraykanka ku nool sidii ay ku soo dhoweeyeen una soo bandhigeen codsigii ay Jaamacadda soo hordhigya Ummadda Soomaaliyeed ee ahaa in loo dhiso Madbacad lagu daabaco Buugaagta Jaamacadda iyo kuwa Sharciga Islaamiga ah ee Jaamacad laga barto. gabagabadii ayaa waxaa lagu soo gunaanuday in qofkii aan ka soo qaybgelin maanta uu weli ka qayb qaadan karro Sadaqada Marshruucan Madbacada Jaamacadda East African University ee Magaalada Boosaaso uuna la xiriiri karo Maajidda Rowda, iyo Abuubakar Al Sadiiq ee ku yaalla Waddankan Maraykanka Magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota.

Halkan ka daawo Sawirada

Waxaa soo diyaariyey
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.