Home » Faallo »

Damiir La’aanta Madaxda Soomaalida iyo gumaadka foosha xun ee ragiimka etoobiya. | Kalafoge

Ugu Horeyn Waxaan Salaan Guud udirayaa dhamaan Shacab Weynaha Soomaaliya meel kasto ey Ka jogaan Aduunka.

Dhab ahaantii Qoritaanka maqalkan, waxa ugu weyn ee igu qasbay waxey ahayd markii aan arkay gumaadka aan naxariista laheyn ee Ragiimka Etoobiya kula kacayaan Shacabka soomaaliyeed iyo Damiir La’aanta Hogaamiyaasha Somaaliyed iyo Ka Hadal la’aanta dhibaatada lagu hayo dalka iyo shacabka ku dhaqan dhamaan.

Hadii aan usoo laabto dulacda maqaalka, dhamaan waxaan ka wada dharagsanahey in shacabka soomaaliyeed cadaawad weyni kala dhaxeeyso waddanka etoobiya. Markii dib loo jaleeco taariiqda etoobiya iyo Somaalida, iyadoo cadawadaani iyo colaadani jirto ayaa hadane waxaa meesha ka baxey doorkii madaxdii soomaaliyeed ee dalka soo marey 20-sano ugu danbeyey ee dalka ku jiray dagaalada ku salaaysaa qabiilka.

Xukuumadda etoobiya waxaa had iyo jeerba ku dhiirataa kuwaadka iyo xasuuqa shacabka aan wax galabsan ee soomaaliyeed, hadii ey ahaan laheyd Soomalida ku dhaqan ismaamul gobaleedka dalka etoobiya iyo Soomaaliya inteeda kale, iyadoo sidoo kale fursad u heshay ugaarsigii horey ugu heeysay soomalida ku dhaqan kalinka 5-aad ee etoobiya ku soo wareejiso gudaha dalka soomaaliya, inta badan dilalka ugu xun waxeey kadhacaan gobolada ku teedsan xuduudka soomaaliya iyo etoobiya.

Dhamaan dhibatoyinkaas waxa mar walbo loogu soo gabadaa qashsiyaad had iyo jeerba sheegta magaca shacabka soomaaliyed, waxaane nasiib daro weyn u ah shacabka soomaaliyeed madaxdii masuulka ka ahaa dalka ey ayagii ku soo hogaamiyaan cadowgii soo jireeynka ahaa ee soomaaliya waa etoobiyee, waxa ilaa hada shacabka soomaaliyeed fajac ku noqotey, sababta Masuul kastoo soo mara Soomaaliya uu dalabkiisa 1-aad ka dhigto in dalka lasoo galiyo ciidamo ka socdo dowladaha dariska, gaar ahan rajiimka dowlada etoobiya.

Sida la wada ogyahey, dowlada etoobiya waxa ey faraha kula jirtay arimaha soomaaliya

Sanadihii la soo dhaafay, waxeyne ku guuleysatay in Soomaalida gooni-gooni u shiriso, iyagoo markaa midba wuxuu jecel yahay u balan qaadayey hadii uu iyaga la shaqeeyo, iyagoo dhanka kalena ku baaci jirey in hadii uu la shaqeyn waayo ay heli doonaan mid ka mid ah dadka ka soo horjeedo oo diyaar u ah in uu iyaga la shaqeeyo.

Balanqaadyada ay Itoobiya sameysay waxaa ka mid ah: Amaankaaga annagaa sugeyno, hub ayaan ku siin, siyaasada dibada ayaan kaa caawin, lacagtaad ku hawl galeysid annagaa ku siin, Mareykanka annagaa kaala hadli iyo waliba annagaa caalamka ka dhaadhicin doono in uu aqoonsi buuxa ku siiyo.

Dhamaan hagar damadaas ey dowlada etoobiya ku heyso dalka iyo madaxda soomalida ayaa hadane waxaa mesha laga waayey damiirkii iyo garoowshihii waddanimo ee looga baahnaa madaxda dalka, waxane badalkeydii galay in dhamaan hogaamiyashii soo marey dalka midba midka kale u tartamaan sidii xariir saxiibtinimo ulasameysan lahaa cadowga shacabka soomaaliyeed ee etoobiya, iyagoo mar waliba iska dhaga tira danta guud ee dalka.

Sidoo kale dowlada etoobiya iyadoo ka fa’iideysaneyso madaxda dalka aya habeyn iyo maalinba guddaha dalka soo galisaa ciimadamo farabadan eey ugu talagashay in ey kaga aargoosato jabkii kasoo gaarey dagaaladii ciidamadii xooga dalka kaga qabsadeeyn qeybo badan oo katirsan dalka etoobiya, loogane laayey ku manaan askarta ciidamadooda, waxaane sidoo kale etoobiya ey caan kutahay ugaarsiga raga markaas ey isleeydahay waxa caqabad kunoqon karaan mowqifkeyda guracan ee la damacsan tahay shacabka soomaaliyeed.

Inkastoo aan dhihi karo etoobiya kaligeed kuma aha dagaalka ka dhanka ah soomaaliya , ayaa hadane waxa tageeyro xagdhaqaalo iyo militariba waxa ugu deeqa dowladaha ey ugu weyntahay mareeykanka, isra’iil iyo qaar ka mid ah waddamada dariska la’ah soomaaliya, inta badana iska dhiga kuwo kashaqeeya danaha soomaaliya lakin ayaga qudhooda waxey door muhiim ah ka qaataan howlgalada ragiimka etoobiya.

Waxan sidoo kale ognahey in dowlada etoobiya awood weyni ku leedahay ururka lagu magacaabo IGAD oo aay soomaaliya xubin ka tahay , waxaane xusid mudan in xaruntiisa ugu weyne kutaal caasimada dalka etoobiya ee addis ababa.

Dhamaan go’aanada shirkaasi lagu gaaro ee ku saabsan amuuraha soomaaliya waxa inta badan ka dhaxmuuqda magaca etoobiya, shirkii ugu danbeyey ee ururkaas yeesho waxaa uu dhacay bishan aan kujirno ee jully, iyadoo kal fadhigaasine lagu go’aamiyey in kabadan 20-kun oo askar ciimado etoobiyaan ah loogu diro dalka soomaaliya, Waxane halkaa ka muuqda in eysan wali dhamaan hagardaamadii etoobiya ee soomaaliya ku heysay.

Mida layaabka leh ee dhacday waxey tahay, iyadoo dhamaan xubnaha ururka IGAD ka war hayaan Jabkii labo sano ka hor etoobiya loogu geystay gudaha soomaliyeed iyo xadeyxadii kasoo gaartay halkaa, ayaa waxa hadane ladoonayaa in ciimada etoobiya ka socda dib loogu celiyo gudaha dalka iyagoo xanbaarsan magaca IGA, laguna xasuuqo mar labaad shacabka soomaaliyeed ee horey unaafeyey gaajada iyo dagaalada sokeeye, sidoo waxaan ognahay xiligii eey soomaaliya gudaha usoo galeeysay ciidamada etoobiya, aysan heeysan magaca ey manta soomaaliya ku imanayaan ee IGAD, waxane muuqata in Xukuumada meles Zanawi xaqiiqsatey in uu usharciyoobey daadinta dhiiga shacabka soomaaliyeed mar labaad.

Qaar ka mid ah ama dhamaan xubnaha ururka IGAD aya marwaliba ku riixaya etoobiya galitaanka soomaaliya, iyagoo taageyro mid toos ah iyo mid dadbanba lala garabtaagan yahey. waxaadne modaa in IGAD loo dhiseyba duminta Soomaaliya, waayo shir walboo dhaco agandaha ugu weyn ee laga hadlo waa arinka soomaaliya.

Iyadoone aadan marne ka maqleeynin, war murtiyeedka eey soo saran IGAD sidii shacabka soomaaliyeed ee dhibada heysta loo gargaari lahaa, waxaane taasi meeshidii ay kadoor bideeyn buun buuninta iyo ka hadalka hal ama labo askar AMISON oo lagu dilay magaalada muqdisho.

Waxane meesha ka muuqata in IGAD aysan marne dooneynin dowlad iyo nabad ka dhalata gayiga soomaaliya.
Aqristoow iyadoo arintaasi jirto ayaa hadane waxa layaabka leh waxey tahay madaxdii labo sano ka hor shacabka usheegi jirey in etoobiya tahay cadowga umada soomaaliyed, ayaa ayagii qudhoodii manta soo hogaaminaya cadowga shacabka soomaaliyeed ee etoobiya,

Hadii aan tusaale usoo qadano, madaxweynaha hada wadanka ka arimiya ee sheikh shariif sheikh axmed xiligii uu hogaanka u hayey golahii maxaankimtii islaamka waxa lagu yiqiinay naceeybka etoobiya iyo waxii la hal maala, hadaladii uu madaxweyne shariif shacabka kaga raadin jirey taageerada xiligii etoobiya waddanka soo galeysay, isla markaane kaga soo horjeeday ayaa waxa ka mid ahaa hadaladaan.

“’waanu sii wadi doonaa dagaalka ay dagaalyahanadayadu kula jiraan Cadowga Ethiopia iyo weliba daba dhilifka u adeega kamana daali doono ilaa iyo inta aanu lasoo noqonayno karaamadii ay umada soomaaliyeed lahayd ”

ayuu yiri sheikh shariif sheikh axmed waqtigii uu gudoomiyaha u ahaa ururka dib uxoreeynta ee fadhigiisu ahaa magaalada casmara ee waddanka eritria.

Inkastoo madaxweyne shariif uusan aheyn hogaamiyahii ugu horeeyey ee soomaaliyeed dalbada ciidamada etoobiya, hadane arintaan ayaa waxaa dadka qaar ku micneeyen mid ey Hogaamiyayashii waxii ka danbeyey 20-kii sano iyo kuwa hada,eey ku doonayen sidii ey usii xoogsan lahaayen kursigooda madaxtinimo, iyagoo marne aan eegin danta shacabka iyo dalka mar walbane iska dhiga tira dhibaatoyinka eey sababi karaan joogintaanka ciidamo shisheeye ee dalka.

Hadaba marhadii ey dhamaan madaxda soomaaliyed kal sooni eysan ku qabin waxan ka aheyn ciidamada cadoowga ee itoobiya, waxaa suura gal aheeyn in ladhiso ciidamo uu mar labaad waddanka yeesho, waxaane sidoo mesha ka baxaya kal soonidii lagu qabey ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

Gaba gabadii iyo gunanadkii, waxan jeclaan lahaa in aan halkaan ku xuso dhacdadii naxdin laheyn ee ciidamada etoobiya ku xasuuqeyn shacab waxbo aan galabsan, ku waasi oo gardaro ah lagu yimid deeganadii ey ku sugnayeen ee gudaha dalka, halkaasi oo si asxan daro leh logu xasuuqay barakacne loogu geeystay deeganka ceel-dibir ee ismaamul gobaleedka somaalida etoobiya.

Waxaan tacsi udirayaa Dhamaan qooysaskii eey ka geeriyodeyn dadkii lagu laayey Degaanka ceel-dibir.

W/Q: Momahed Hussien Kalafoge

Email: Mohakalafoge@yahoo.com

Karachi-Pakistan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.