Home » Maqaallo »

Yaa u danqanaya shacabka Somaaliyeed?

Aslm Clkm

Inkastoo aan labaatankii sano ugu dambeeyay is weydiinayay su’aashan ayaa waxaa haddana igu dhaliyay in aan qoraalkan ka qoro sida ay dad badan oo mas’uuliyiin sheeganaya oo aan weligood ka hadlin dhibaatooyinka shacabkooda soo gaara uga hadleen qaraxyadii habeen dhaweyto ka dhacay magaala madaxda waddanka Ugandha ee Kambala.

Ugu horreyn inta aan u guda gelin qaraxyadii kambala ka dhacay waxaa waddankeena 20-kii sano ee ugu dambeeyay ka jiray dhibaatooyin isugu jiray is dil Somaalida dhexdeeda ah, Gumaad uu Gumeysi u geysto, Badaha oo ay ku dhamaadaan, Daryeel xumo ku heysata Xeryaha Qaxootiga ee waddamada deriska nala ah, laakiin dhibaatada ugu weyn ee shacabka Somaaliyeed heysata waxaan dhihi karaa waa iyaga oo aan helin cid u danqata amaba ka hadasha dhibaatooyinka iyaga soo gaara.

Haddii aan ku hormaro dagaalkii sokeeye ee 1991-dii waddanka ka dhacay waxaa ay dhibaato badani soo gaartay shacab aad u fara badan haba u badnaadeen kuwa aan is difaaci Karin sida Caruurta, Haweenka iyo Waayeelka, waxaa sida la wada ogyahay dhacday in waalidiin iyo caruurtoodi kala lumaan, in Rag badan xaasaskoodi ama gabdhihii ay dhaleen hortooda lagu kufsado, in Rag haweenkoodi xoog looga furto ama iyagoonba furin laga kexeysto haddii ay ka qoomameeyaanna xabbad madaxa looga dhufto, in dad guryahoodi laga ceyrsado oo xoolahoodina la xalaashado iyo in weliba dad badan xabbad lala daba galo illaa xuduudaha laga tillaabiyo. Waxaas oo idil waxa ay dheceen bilo yar gudahood mana jirin cid arrinkaa ka hadashay haddii ay noqon lahaayeen Culimadeenii iyo Waxgaradkeenii, kuwaasoo qaarna ka mid noqdeen kuwii la ceyrsanayay halka kuwii kalena sida loo arkayay maadaama aysan dhibatadaas ka hadal la safteen kuwii wax ceyrsanayay, sida igu maqaala ahna Culimada qaarkood wixii waagaas dhacayay ayba Jihaad ku tilmaameen, marka waa dhibaato inteeda la’eg oo musiibadii laga dhaxlay ay illaa haatan socoto oo miraheedi la guranayo.

Dhanka kale marka aan Muqdisho oo Hoygii dhibaatadu ka bilaabatay ah ka hadlo kagadaal markii dadkii la ceyrsanayay magaalada ka bexeen ayaa waxaa magaalada ka dhashay Hoggaamiye Kooxeedyo, kuwaasoo inta mid walba mooryaan reerkooda ah soo uruursaday qeyb magaalada ka mid ah xirtay oo wixii lacag baad ah “leejo” siin waayana dila amaba faraxumeeya, iyadoo dadka qaar looma ooyaan loo bixiyay oo dhiigoodi iyo xoolahoodi layska xalaashaday, waxaase taas ka sii daran in rag badan oo maanta oday dhaqameedyo ama culimo isku sheegaya ay waqtigaas oo idil magaalada joogeen dulmigana dhankooda ka sameynayeen amaba ay ku taageersanaayeen kuwii dulmiga sameynayay ee haweenka kufsanayay, ee dadka isbaarada u dhiganayay, ee looma ooyaanka xoolahooda xalaashanayay.

Marka taa laga soo tago waxaa haddana dhacday in dad mas’uuliyiin sheeganaya aysan marnaba ka hadlin dhibaatooyinka maalin walba soo gaara shacabka sida ay sheeganayaan mas’uulka ka yihin, tusaale kagadaal markii ay kambaala qaraxyadu ka dheceen ayaa waxaa dhacday in kuwii madaxda sheeganayay iyo wasiiradoodi ay idaacadaha ka hadleen iyagoo u tacsiyeeynaya Shacabka iyo Dowladda Uganda, sida Shariif Sheikh Ahmed, Omar Abdirashiid, Abdulqaadir Ali Omar iyo Inj. Yariisow, waana arrin fiican in shacab ama dowlad looga tacsiyeeyo masiibo ku dhacday, laakiin waxa ay su’aasheydu tahay weligood ma ka hadleen oo ma u tacsiyeeyeen Caruurta ay ciidamada Uganda agoonteeyeen ama Haweenka ay asayda u saareen, ama Aabaha caruurtiisiyoo idil madaafiifcdoodu dileen iyo weliba dadka faraha badan oo ay ciidamada Ugaandheesku maalin walba madaafiicda ku garaacaan, kuwaasoo dhimasho iyo dhaawacba geysta.

Waxaa xusid mudan in kuwa iyaguna mucaaradka sheeganaya islamarkaana Diinta ayaan u dagaalamaynaa leh in aysan iyaguna ahayn kuwa shacabka u naxaya ama u turaya maadaama ay marwalba ka dhex dagaalamaan ama u ku dhex dagaalamaan.

Waxaana ku soo gunaanadayaa qoraalkeyga su’aashaydii ahayd yaa u danqanaya shacabka Somaaliyeed?

Maadaama xaalku sidaa yahay waxaan Ilaahi na abuurtay ka baryayaa in uu wax na garadsiiyo nagana dhigo kuwii isu tura isuna danqada haddii aan Somaali nahay, aamiin.

Qore: Yahye Hurdaaye

yahyehurdaaye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Yaa u danqanaya shacabka Somaaliyeed? "

  1. Afkaaga caano lagu qabay wax runsheega la weynmaayo ee wax ka qaata baan Somali laga heleyn,Dadka Somaliyeed ee Ugandesku Xamar ku laynayo waa looma oyaankii kaaba qabiilku layn jirey,waa kuwii Xamar laga bara kiciyey la qabsaday guryahoodii iyo beerahoodii ,waa kuwa loogu magacdaray 0.5, waa qaxootiyaal ka yimi Wadanada deriska,laga yaabee waa Biduunta Kuweyd laga soo cayrshay iwm.
    hadey dadkaasu ahaan lahaayeen kuwii 2006 xiligii C/laahi Yusuf joogey Xamar ama ku noolaa waa loo banaan bixi lahaa,la dhehi dadka Madafaca halaga daayo,Mudaharaad baa ka dhici lahaa markuu Sheriifku codsaday 20,000 oo Ciidamo safka hore ku jiraan,tii xiintay oo booday baa dhici lahayd markii Sheriif xasan noqday Gudoomiyaha barlamaanka mar labaad ileyn isagaa Ethiopiankii waagii C/laahi gacantaag kusoo geliyee nasiib daro looma oyaan ka yaa umudaharaadi, yaa uhadlaya, Wiilashii ING Yariisow iyo Tarsan Wasiir iyo Gudoomiye bey noqdeen,Mujaahid Sheriif Madaxweyne buu noqday 4tii caruurahoodii iyo xaasakii meelo amaana bey geysteen .5 alle baa umaqan groupyada la jaalka ahna wey la xukumanyahiin.
    Mahadsanidin