Home » Warar »

Xasuuqii Ciidamada Itoobiya ka gaysteen Ceel Dibir oo isa soo taraya

Maalintii shalay ahayd ayaa baadiyaha deegaanka Ceel-Dibir oo 80 Km u jirta Magaalada Cabud-Waaq ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa laga helay labo qofood oo mayd ah oo laga soo saaray dhulka Baadiyaha ah, kadib markii ay ka firxadeen rasaas ay ciidamada Itoobiya ku fureen dad degan deegaankaasi.

Wararka soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dhimashadda dadka ay mareyso ila aiyo 19 ruux oo isugu jira Carruur, Haween iyo Nabadoono deegaankaasi laga yaqaano, waxaana maydkii iyo dhaawicii loo soo daadgureeyey Magaalada Cabud-Waaq, iyadoo dadka deegaanka ay aad uga caroodeen falkaasi oo la sheegay in ay gaysteen ciidamo Itoobiyaan ah oo loogu magacdaray (New Police) .

Xasuuqaan ayaa ka dambeeyey kadib markii dadka deegaanka ay si weyn uga caroodeen baabuur ay xoog ku wateen ciidamada Itoobiya kadibna maalinkii xigay ayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo wata hub culus waxay weerar ku soo qaadeen deegaanka Ceel Dibir, waxaana la sheegay in dadka dhintay xitaa ay ku jiraan dad waan waan u tagay halkaasi, ilaa iyo haddana dowladda Itoobiya wax war ah kama bixin wixii ka dhacay Ceel Dibir.

Dadka deegaanka odoyaashooda ayaa warqad cabasho ah waxay u gudbiyeen Dowladda Itoobiya oo ay kaga codsanayaan in gacanta lagu soo dhigi askartii ka dambeysay xasuuqii ka dhacay Ceel Dibir, sidoo kale Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa waxay sheegeen in dadka halkaasi lagu laayay ay ahaayeen dad Ahlusunna ah ayna dilkaasi gaysteen dad doonaya inay iska hor keenaan Ahlusunna iyo Itoobiya.

Dadkii ku dhaawacmay qaarkood ayaa la soo gaarsiiyey Magaalada Muqdisho kuwaas oo haatan xaaladooda ay aad u liidato, mana ahan markii ugu horeysay oo ciidamo Itoobiyaan ah ay xasuuq ka gaystaan dhulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii deegaanka Buuhoodle uu dagaal ku dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo dadka deegaanka oo ka carooday Gawaari ay xanibeen Ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in dagaalkaasi labada uu ka soo gaaray khasaare xoog leh, waxaana la sheegay in maxaabiis laga qabsaday ciidamada Itoobiya kadibna odoyaasha deegaanka ay dib ugu celiyeen Dowladda Itoobiya, waxaana lagu waramay in ciidamada Itoobiya dib ugu soo laaban deegaanka Buuhoodle wixii ka dambeeyey dagaalkaasi dhex maray iyaga iyo dadka deegaanka.

Dhinaca kale waxaa maalintii shalay ahayd la bedelay madaxweynihii mamulka Kililka Shanaad Daa’uud, kadib markii uu mudo gaaban yahay xilkaasi, waxa uuna noqonayaa madaxweynihii 12-aad ee soo mara maamulka Kililka Shanaad laga soo bilaabo 1993-dii ilaa iyo haddana lama oga sababaha loo bedelayo madaxweynaha yaasha maamulkaasi, balse warar ayaa waxay sheegayaan in arrintaani ay ka dambeyso dowladda Itoobiya oo ah dowlad aan dooneyn in Soomaalidu ay yeeshaan maamul, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in sababta loo bedelay madaxweynaha Kililka shanaad ay tahay in madaxweynimada loo wado xubniho la sheegay in ay ka tirsanaan jireen ONLF oo la sheegay in ay ku biiray Dowladda Federaalka Itoobiya.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Ururka Hormarinta Ardeyda Beesha Sare (SASDO) oo cambaareynaya Xasuuqii Cadawga Itoobiya ay ka geysteen Tuulada Ceel-Dibir

Annaga oo ah Ururka Hormarinta Ardeyda Beesha Sade waxaan halkaan ka cambaaraynaynaa Xasuuqii uu cadawga Itoobiya uu ka geystay Tuulada Ceel-dibir, oo uu ku laayey Odayaasha iyo Biri-mageyda Soomaaliyeed ee halkaas ku noolaa.

Waxaan halkaan ku caddeynaynaa sida aan uga xunnahay dhac dadaas foosha xun ee lagu xasuuqey Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan halkaan ka Cambaareynaynaa Dawladda Itoobiya oo runtii si bareer ah u laysay Shacab Masaakiin ahaa oo Xoolo dhaqata ah.

Waxaan u soo jeedinaynaa Ururka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ka arrimiya Deegaanka Beesha Sade ay dagto in ay arrintaas wax ka qabtaan, kalana hadlaan Dawladda Itoobiya Dhibaatada culus ee ay u geysatey Shacabka Soomaaliyeed.

Waxan sidoo kale u soo jeedinaynaa Dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed in ay arrintaas ay kala hadasho Dawladda Itoobiya maaddaama ay Shacabka Soomaaliyeed matalayso.

Cali Cabdi Rude
Maxammed Xuseen Kala Foge
E-mail: sasdo@live.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Xasuuqii Ciidamada Itoobiya ka gaysteen Ceel Dibir oo isa soo taraya "

  1. Salama alaykum,

    Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, intii gacan ka gardarani ay dishay eebe ha u naxariisto, ameen.

    4 tii sano oo la soo dhaafay waxa dhowaan ka dhacay Ceel-Dibir Muqdishu iyo nawaaxigeeda waa ay ka taagnayd – Deegaan ahaan beelaha aanan degin dhulkaas kama aysan hadlin – Nasiib Daro

    Hirran sidoo kale markii ay donaan ayay soo galaan cadawgu oo sidoo kale ka yeelaan – Dadka meesha degan keliya ayaa looga aamusay oo cid kale oo ka danqata ma jirin – Nasiib Daro

    Sidoo kale dhowaan waa iyadii ka dhacday Buuhoodle – Cid ka danqatay waa iyadii la waayay, marka lagu daro Puntland oo sheegata in ay gobolka Cayn leedahay – Nassib Daro

    Puntland iyo Somaliland waa iyaga “Exporting” ka muslimiinta camal ka dhigtay, cid gobolada kale si rasmi ah uga cambaaraysa lama hayo – Nasiib Daro.

    TFG – gebigeeduba nasiib daro.

    Cadawgo soomaaliyeey mid mid ayuu noola baxayaa marka aynun wada tashano oo xal arimaheena guud u helno, beeliba gees ha u baroordiiqdo marka la xasuuqo xal inooma aha.

  2. cali says:

    waxaan aad ooga xumahay xasuuqa dawlada ITHOPIA ay ugeesatay shacabka soomaliyeed waligeed itoobiya waxay leeysaa shacabka birimageydada ah oo aan waxba ka galabsan taai waa in ay kajawaabaan dawlada iyo ahlu sunah wal jamacah ayna muujiyaan sida ay ooga naxsanyihiin

  3. cise says:

    Nimanka suufiyada iyaga ayaa ku hayay itoobiya waa walaaladeen oo la dagaalamay muslimiin si ay u qanciyaan mastarkooda zenawi markii qabiilkooda la laayo ayey leeyihiin xasuuq ayaa ka dhacay ceel dibir. Ma hadey ogaadeen in xabashi aan la aamini karin oo ay kuu neceb tahay diin ahaan waa iyagii lahaa waxaan la dagaalameynaa wahaabiyo. Waan ka xumahay dadka la laayay ee masaakiinta ah laakiin dadka maamula caabud waaq wey ku fiican tahay maanta iney arkaan xabashi waxey tahay waa iyagii daba dhilifka u ahaaye.

  4. A/C
    ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay xasuuqii ay Ethiopia ka geysatay deegaanka Ceel dibir runtii ariinta ka dhacday Ceel dibir waa arrin fool xun waana xasuuq loo geystay dad aan waxba galabsan runtii xasuuqa ay Ethiopia ku heyso dadka Soomaaliyeed ma ahan mid indhaha laga qarsan karo Allow adigaa Soomaali u maqan ee sidaan si ugu badal,

  5. Somalida lagu xasuuqayo meel walba sida ceel dibir tii buuhoodle iyo tan maalin kasta ka dhacda caasimadii dalka iyo meelo kale oo badan oo ku dhimanayo gacanta ethiopia ama tan kuwan amison lagu sheego aduunyadan wax ka hadlaya maqlimaysid oo xataa somalida dhexdoodii wax canbaaraynaya maqlimaysid oo xataa qolalka ay wax ku qoraan intooda badan waxay ka dhigayaan dhacdo iska caadi ah kuwa maamulada sheegta iyo xukuumad ku sheegtuba midna ma soo qaado maalinta meel kale wax ka dhacaan waxaad maqli codad fara badan oo ka soo yeedhaya kuwo maamulo sheegta iyo xataa kuwo odayaal sheeganaya iyo ururo waxaase iswaydiin mudan yay odayaal u yihiin yayse ururo u yihiin yaysanse rabaan kuwan xukunka sheeganayaa in ay maamulaan Rabiyaw dadkaan adigaa leh adiga mooyee cidkalena uma maqna