Home » Warar »

Sheikh Cumar Faaruuq oo soo dhaweeyey Ciidamada Shisheeye, Taas oo ka duwan Mowqifkiisii 2007

Sheikh Cumar Faaruuq oo (July 2010) u waramayey idaacaadda wararka u faafisa Madaxtooyada DFKMG ee Muqdisho ayaa muujiyey in uu ogolyahay in dalka Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye.

Sheikh Cumar Faaruuq (2010) Halkan ka dhegeyso

28kii Janaayo 2007 oo ahaa markii muqawamadu la dagaalamayeen ciidamadii Itoobiyaanka ee dalka soo galay, ayaa Sheikh Cumar Faaruuq waxaa waraysi la yeelatay shabakada Addacwah.com oo weydiisey waxa ay sharciyan noqonayso xukunkooda kuwa soo duulay ee dalka xoogga ku qabsaday iyo muqaawamada ka soo horjeeda, waxaana Sheikha jawaabtiisa kamid ahaa: “Gaal wixii kaashada waa gaaloobayaan. Waana la kala baxay, qolo waa kuwa gaalada raacay, qololana waa kuwa Islaamnimada laga fujin la’yahay (oo ku dhegan / u dhimanaya.)”

Sheikh Cumar Faaruuq (2007) Halkan ka dhegeyso

Jamaacada Al-Ictisaam gudigeeda cilmi baarista oo July 7, 2010 soo saaray bayaan ka kooban shan qodob, ayaa waxaa ka mid ah in soo kor dhinta Ciidama shisheeye uusan xalku ku jir, ee dhibka ay sii siyaadinayaan, kuwa joogana ay xasuuqeen dadka. Qodobkaas oo u qornaa sidan: “Jamaacada Al-Ictisaam waxay u arkaan in aanay mushkiladda Soomaaliya xal u ahayn ciidamo dheeraad ah oo la keeno, iyada oo ay muuqato burburka iyo xasuuqyada ay muqdisho ka gaysanayaan kuwii hore u joogay, waana arin keenaya in wadanka o dhami faraaha kabaxo.” (Akhri Bayaanka).

Xoghaya Guud ee ururka IGAD Eng. Maxbuub Macallin oo ay waraysi la yeelatay idaacadda wararka u faafisa Maraykanka ee Codka Maraykanka ayaa muujiyey in ciidamada ugu horeeya ee la keenayo Soomaaliya ay u dhanyihiin IGAD. Markii la weydiiyey ciidankaas Itoobiya ma ku jiri doonaan hadaladiisii waxaa ka mid ahaa Shirka laguma sheegin ciidanka dalka bixin doona, lamana oga in Itoobiya ay ka mid noqonayso, laakiin mar haddii la yiri IGAD markaas waa ciidamada IGAD oo dhan, ayuu yiri xoghayah guud ee IGAD.. (Halkan ka dhegeyso).

Dhanka kale Sheikh Shariif oo (July 9, 2010) ay idaacadda codka maraykanku wax ka weydiisey ciidanka la keenayo Soomaaliya ayaa sheegay in aay ka imanayaan dalalka IGAD. Waxana uu intaas raaciyey “Ra’iisul wasaaraha itoobiya fadhigii IGAD ayuu uga hadlay in ciidamada Itoobiya aysan diyaar u ahayn in ay galaan Soomaaliya.” (Dhegeyso)

Isla maalintaas (July 9, 2010) waraysi kale oo idaacadda wararka u faafisa boqortooyada Ingriiska ee British broadcasting corporation ay la yeelatay madaxweynaha DFKMG ayaa la siiyey fursado badan oo uu ku caddeeyo in ciidamada Itoobiya aysan ka mid ahayd ciidamada ay dalbadeen, arrintaas oo uusaan caddayn, waxaana Shariif Axmed la xasuusiyey in uu kamid ahaan jirey ururkii DIB-U-XORAYNTA oo waxa xilligaas dalka laga xoraynayey ay ahaayeen ciidamada Itoobiya. Laakiin waxa  uu sheegay in ciidamada hadda la keenayo ay ka imanayaan dalalka ku jira IGAD (ayadoo la ogyahay dalalka ku jira IGAD in ay ka mid tahay Itoobiya)… (Dhegeyso waraysiga Shariifka)

Shacabka Soomaaliyeed waxay xasuustaan in hore sidaas oo kale la sheegay in ciidamo 20,000 ah loo weydiinayo Qarammada Midoobay, oo la sheegay in aysan ku jiri doonin dalalka deriska ah, laakiin ay Itoobiya ciidankeeda gelisey gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Maxaakiimtii uu hoggaankeeda ka mid ah Sheikh Shariif, taas oo xasuuqday shacab Soomaaliyeed, xilligaas oo ay magaalada Muqdisho ka baxeen hoggaankii Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ka mid ahaa Sheikh Shariif oo hadda noqday madaxweynaha ku sugan Addis Ababa, oo ah meesha hadda (July 5, 2010) laga soo saaray wareegtada cusub ee lagu dalbanayo 20,000 oo ciidamo markale loo diro Soomaaliya.

Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa intii u dhexeysey Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009).

C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynahii hore DKMG, ayaa (July 6, 2010)  waxa uu yiri “Ma qabo (in Soomaaliya la keeno) ciidamo ka socda gobolkaas aan deriska nahay oo cadaawadda soojireenka ahi naga dhaxayso sida Dawladda Itoobiya maanta maamusha ee Tigreega iyo kuwa la midka ahba ciidamo ay hoggaaminayaan in hadana ummadda Soomaaliyeed markale lagu baabi’iyo.”

Dr. Raabeh oo SomaliTalk u warameyey , kana hadlayey sida madaxda Soomaaliyeed aysan uga war hayn taariikhda dalalka Geeska Afrika ayaa yiri: “Nimanka madaxda ka noqonaya Soomaaliya warba kama hayaan waxa ka dhacaya Geeska, marka lagu daro Sheikh Shariif, wax Alla iyo wax dhulkan ka dhacaya taariikhiyan ee weli socoda oo xabashi daba socoto warba kama hayaan.”

Wasiirka dhowaanta loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFKMG ayaa (July 5, 2010) isagoo ku sugan Addis Ababa waxa uu sheegay in ciidamadaasi ka imanayaan “dalalka aan mushkilad xuduudeed iyo mushkilad kale aan la lahayn dadka Soomaaliyeed”.

AKHRI: Wareegtadii ka soo baxday IGAD July 5, 2010.


Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)

Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay dib u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in “markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”. Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la guaystay Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by fascists”. Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: “Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country that has never been colonized’”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama (Italy colonized Ethiopia for five years).

Waxaa wax aad loogu qoslo ah in buug ka mid ah kuwa taariikhda uu qoray sidan: “Brief HistoryThe Ethiopian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a five-year occupation by fascist Italy in the middle of the twentieth century)” – “Taas oo marka la tarjumo nuxur ahaan ah: “Itoobiya waa dal aysan gumaysan quwadihii reer galbeedku, marka laga reebo shan sano oo ay haysteen  faashiistihii Talyaaniga bartamihii qarnigii labaatanaad”. Sow taasi wax lagu qoslo maaha in la yiraahdo waa dal aan reer galbeedku qabsan, Marka laga reebo shan sano oo faashiiste haystey – laakiin akhristow xusuusnow faashiistuhu waxa uu ahaa reer galbeed – laakiin haddii taariikhda laguu wanaajinayo cudurdaar laguu waayi maayo.

Itoobiya iyo gumaystayaashii kale weligood kuma guulaysan in ay Soomaalida si rasmi ah u gumaystaan, balse waxaa Soomaalida gumaystay qabyaalada indhaha ka tuurtay oo kala qoqobtay, taas oo ilaa hadda loo adeegsado.

Gabagabadii, Waxa ka jira geeska afrika waa arrin ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan ka hor inta aan laga masaxin khariidadda.

Let us rewrite Somalia history: “Brief HistoryThe Somalian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a one-century occupation by Qabaliyah)”

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

33 Jawaabood " Sheikh Cumar Faaruuq oo soo dhaweeyey Ciidamada Shisheeye, Taas oo ka duwan Mowqifkiisii 2007 "

  1. Abu Muslim says:

    Asalamu Alaikum Wa Rahmatullah Wa Barakatuh Jamiican akhyaarta meeshan iskuugu timid.

    Salaan ka dib waxaan dhihi lahaa Allah Subxanahu Wa Tacaalaa ha noo dambi dhaafo anaka iyo Sheekha aakharina Jana hanaga waraabiyo.

    mida labaad sanad kii lasoo dhaafay baan canjalad uu Sheikh Xasaan Xuseen leeyahay aan u malayayo inay ahayd Kashbu Shubahaad ama xukmu mawaalaad fii ahli ishraak canjaladaas oo la duubay labo mise 3 sano ka hor buu sheekh xassan ka hadlay arinta sheekh Cumar faaruq wuxuuna yiri waxaa fiican in shiikha su’aalaha la waydiinaya laga dhaafo maadaama uu d’a yahay xaalkiisa caafimaadna uusan wanaagsanayn, jawaabaha uu sheekha bixiyano ay yihiin wax sheekha looga baranin markuu caafimaadkiisa taam ahaa.

    Run ahaanii waxaan is iri markaa amuu Sheekh Xassan wax yar dag dagay laakiin dabcan waxaan markaas anaka la soconin buu ka war qabay.

    waxaan kaloo ku dari lahaa intaa, in Inshaa Allah arimaha somalia ka socdo cajaladaha uu sheekh Shiblle ku leeyay ee la yiraahdo Xuruubu Ta’wiil ee laga heli karo Halgan.net la dhagaysto.

    Barak’Allah Fiik

  2. السلام عليكم, salan ka dib, “Ninna hadalka si uyiri, ninna si u qaaday”, ” fiiri waxa uu yiri, lakin ha fiirin qofka yiri” waxan ula jeeda; waxaa fiican , in la raaco wixii dan u ah, dhammaan bulshada soomaaliyeed, iyo qof walba oo soomaalinimo sheegta, qurba joog iyo qaran agjoogba,
    somaliya waa dal u baahan in nabad laga dhaliyo, lakin waxaa la isku khilaafsanyahay qaabkii nabad loosoo dabaali lahaa,
    ” Intaydaan falin ka fiirsada” .

  3. ugaas says:

    walaahi aad baan u naxay markaan maqlaay codkaan lagu sheegay in uu yahay shiikh cumar faaruuq,, Shaki weyn ayaan ka qabaa codkaan in uu isaga yahay, haduu yahayna waxaan filaa in jawaabta uu bixinayo iyo waxa laweydiiyay aanay islahayn amaba la isku jarjaray hadalkiisa,, si kasta oo ay ahaataba waxaan hubaan hadalkaani in uusan ku taagneyn wadadii aan uga baranay shiiqa ee aan ardaydiisa ku ahayn. waxaan ku naqaanay in uu aayadu iyo axaadiista suubanaha uu soo daliishado markuu mas’alo diini ah ka jawaabayo, laakiinse hadda wuxuu soo daliishaday Jamaal C/naasir oo yiri shaydaan xitaan waan u yeeranaynaa, iyo gaalo in lasoo gelinkaro waayo bini’aadanimo ayaan wadaagnaa.. Subxaanalaah
    illaahayow u dambidhaaf haduu isagii yahay ruuxa hadalkaan ku hadlaya, walaahi waan qaracmay, shiiqa ceebtiisa allaha asturo wadada toosana ilaahay kama weecsho

  4. caga yare says:

    dal baa ba ay on cidi u noolayn iga dheh culimo ilaa caruur iyo caamo isma dhaaman dadkan caqligii saliimka ahaa baa ka guuray yaan lala yaabin

  5. Mohamed says:

    ASC, Walaal horta sheekha allaha u naxariisto, una dambi dhaafo aakhiro iyo aduunba, laakiin runtii wan ka xumahay arin uu ka fiirsan inuu ka fatwooday, midaa oo aan oran karo ma uusana arag sawirka siyaasada somalia ama waxa geeska africa ee ka damacsanyihiin somalia, ragii ku qudbeeyay markee joogeen jaamacadaha mareykanka, WAXAA CADOWGEENA AH OO ETHIOPIA AMA KENYA MARNABA DOONEYN INEY ARKAAN SOMALIA OO NABAD AH ma umalyneesaan inee nabad keeni karaan, dabcan waa maya dhankale nimanka Alshabab iyo xisbul islaam iyo kuwa dowlada intaba majiro mid wada danta somalia nin walba waa calooshiis ushaqeyste inta ururada kale hogaamiyana waxa hubala hadii la dhaho kursiga adinkaa laidiin dhiibaa inee manta so dhawenayan keenida ciidama shisheeye marka somalia allaha u gargaaro cidi uma maqnee.

  6. Waxaan rabi ka baryaa inuu udanbi dhaafo sheekheyna cumar faruq lkn soomalida midaan u sheega taas oo ah ma qaldame waa rabi culimo ka sareysa ayaa qalad diin ku dhacay marka diinta barta kana taga hebalaa saa yiri iyo hebalaa saa… Wax walba holly Qur’an iyo prophet’s tradition ayay ku yaalan ka daya. Waxaan salaama walalaha webka

  7. warfaa says:

    scw sheikh waa gaboobay marka ka daaya waraysiyada idaacada .Shiekh cumer faaruuq Alaha u naxariisto ummadda wax badan buu u sooqabatay

  8. xuseenyare says:

    ASC.waan ka xumahay hadduu yahay shiikhii waxaanse anigu u malaynayaa cod been abuura inuu yahay waayo qaabka uu u hadlayaa maaha qaab culimo :wax walba waan ogolahay gaal iyo sheydaanba ayuu leeyahay waana arrin khaldan,hadduu isagii yahayna alla ha u naxariistu

  9. Omar says:

    RUNTA RAGE KAMA NIXISA, SHEEKHA UMMADA SOOMAALIYEED BUU XAL U RAADINAYAA YAAN KHALAD LOO FAHMIN, WALIGISIINA SIDII XAL SOMALIA LOOGU HELI LAHAA BUU KA HADLAYEY

  10. Soomaali says:

    Sheekha dambigiisa Allaha dhaafo, laakiin sawirka siyaadda Soomaaliya aad uguma fiirsan. Xitaa aan tixgalino sida hadalka shiiqu uu u dhigay; Marka ilmaha ay xamar ku dirireen, looma soo dirin waayeel, ee waxaa loo soo diray iskari jaahil qari wata, gaal kaadida aan iska dhaqin, oo shiir iyo nacaladi ku taal, oo in uu wax dilo, burburiya,dhaco ama kufsado u socda, isla markaasna kumiyaal inuu aruursado raba. Arinku waa saas, ee ma aha waxu waayeel sida sheekhu mooday.

  11. A/s waa ku raacsanahays sheikh cumar faruuk fatwadiisa waxuu kayaabay dalkii oo wax aan lagaranaynin wadado ku sheeg takfiir iyo munaafaq labaxsaday markaa wax allaale waxii wax nagala qabanaya waa welcome ugandayska iyo Ethoipianka ayaa dhaama ina godane sheikhuna c/llahi yousuf oo bilabay dhibka iyo sheriif midna dan kamaleh ee Dadka iyo dalka nasteexadiisa ayaa ka hadlaa waana da’a qiiraysan diintiisii iyo dalkiisii lumay Illahay ha xafido..sheikh cumar iyo culamaa’u soomal..not shaydan shabab

  12. Abdullahi says:

    Bismilah.Al-calaamah Sh. cumar faaruuq haduu sax san yahay laba ajir buu leeyahay, hadii uu khaldamayna hal ajir buu leeyahay. Waxaan ilaah ka baryaan in uu sheekh inoo xafido.

  13. Bismilaah, Arinta culumaa’udiinka soomaaliyeed wax badan ayay soo qabtaan oo ay ka mid tahay faafinta diinta iyo cilmigaba. Laakin waxaad moodaa in aysan badankood lahayn aragti dheer ama aysan warba u hayn istaraajiyada gobolka geeska africa, wadama geeska afrika ku yaala hankooda ku aadan somaaliya, ama danaba reer galbeedka iyo faragelin lagu hayo umadda somaaliyeed. Arimaas oo dhan oo aysan la socon ama aysan si fiican u fahmaynin ayaa keenaysaa in ay ku fududaan wax yaabo badan.

    Arimaha kale oo aysan fahansanayn waxaa ka mida dhalinyarada dagaalamaysa iyo waxa ay ka horjoogaan diinta, dadka iyo dhulka soomaliyeed. Taas oo ah hanqaltaaga shisheeye iyo gumeysiga casriga ah ee qarniga 21aad.

    Sidaa darteed, culumada soomaaaliyeed waxaan leenahay wax fahma, oo umada u horseeda in aysan qoor dhiiban ama aan la qabsan, ama cadow shisheeye ama shisheeye kalkaal aan qiil loo dayin.
    Abdirahman

  14. waa,arin aan laga fiirsan, ciidamo afrikaan, xal kama gaari karaan Somaliya, waxaa lagama maarmaan ah in la keeno Ciidamo ka socda Nato, Maadaama Argagixiso joogto Somaliya,waxayna la mid tahay maanta Somaliya Afganistaan

  15. Asalaamu aleikum.
    mahad oo dhan waxeey u sugnaatay ALLAH subxaanuhu watacaalaa.
    walaalayaal dadkiinaan halkaan ka qiireeysan ee u qiireeysan qabyaalada iyo cabdullahi yuusufbaa gaal la yiri ILLAHI idin abuurtay ka baqa. teeda kale soow ma ogidiin kuwa maanta isku heeysta siyaasada soomaaliya sida shabaab. sharif iyo waliba xisbul sheeydaanka xassan daahir ineey iyaga ka daranyihii shisheeyaha??? walaahi xusuuqa eey umada ku hayaan xitaa laguma hayo umada reer soomaali galbeed oo mudo ka badan 60 sano ay ethiopia gumeeysaneeysay. qaar badan oo umada soomaaliyeed ka mid ah oon aniga ka mid ahay waxaan qabnaa in maanta waxa shacabkeena lagu hayo eey noo dhaami laheeyd ithiopia marka waxaan leenahay cidwalba oo naga difaaceeyso sheeydaamadaan kor kusoo xusay WELCOME TO HELP AS.

  16. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, (Xafidaka Al-laah) yaa sheekh Cumar Faaruuq, sida cad ee aad u bayaamisay arrintan ayada ah, kuwa ayaga ka hor imanaya Bayaamintaan waxaan aaminsanahay in ay yihiin Mooriyaan ee aanan dooneynin marna in dalka la dejiyo, ayna ku sii dhex jiraan Xaaraanta iyo Boobka ay ku hayaan, sidaa darteed, waa la idin talinayaa haddii aad tashan weyseen, waana soo dhaweynayaa.
    Caalamka oo dhan markii uu idin arkay in aad tihiin dad tashan waayey waxaa la go’aansaday in dib leydinku celiyo in ay horta idin soo taliyaa IGAD, ka dib arrinta ka timaado IGAD in ay iyadana idin talin weydo oo markaa Caalamka UNka si rasmi ah ula wareegi doonto dalkii la oran jiray Soomaaliya, waa in aad ogaataan in ay tahay marka fursaddii ugu dambeysay ee leydin siiyo haddii aad Soomaalinimo sheeganeysaan, haddaba, dib u fekera ee joojiya dhibka aad ku haysaan dunida, waxaan filayaa in aad sidaasi iila garan doontaan.

    ALLAA MAHAD LEH

  17. Abdille says:

    A.S.C Sheekha haloo cudurdaaro oo bal hala waydiiyo waxa uu uga jeedo ama sida ay isu waafaqaayaan labada ifto tan hadda ah iyo tii hore.Shiikhuna waa nin da’ ah marka ayaan lagu xadgudbin oo ha la iska ilaaliyo hilibka culimadu waa sun.
    wabilaahi towfiiq.

  18. “Bismilaah”
    awalan waxaan mahad u celinayaa allaah kadibna hawlwadeenada somalitalk waxaana leeyahay marna ha kaleexanine wadada aad haysaan intaa kadib. walaalahayga soomaaliyeedow ha ku qaldamina culimada ee ha la,hubsado warka waayo waxaa lagayaabaa in war qaldan loo geeyo sida in dawlad kusheegta marba wacdo oo u sheegta war beenta cad ah ee soomaalida lagu mijahabaabinayo oo ah in dad badan oo ajaanib ah ay soomaaliya kusoo duuleen oo aan lagaranayn meel ay joogaan inkastoo aan ku raacsanayn sida ay wax uwadaan nimanka wadaadada ah marka sheekh cumar faaruuq waa ibni aadam waana qaldami karaa ee yey carado god idin karidin.
    wabalaahi tawfiiq.

  19. S.C waa nasiib daro arinta sheekh Cumar Faaruuq uu soo dhaweeyay arintan way cadahay inuu ku qaladan yahay culumadu inkastoo ay ku jiraan booskii anbiyada hadana sidii anbiyada ma’ahan macsuumiin qaladkaa uu ku dhacay mid ILaahay garansiinyo oo uu ka towbad keeno Allaha ka dhigo. teeda kale shacabka Soomaaliyeed waa umad taqaana cadowgooda si kasta oo ay madaxdoodu ay ugu tilmaamaan dad deris ah Insha Allah waynu ka guuleysan doonaa gaalada nagu soo duulaysa ee aan ka joogi la’ nahay.

  20. abdirisaaq says:

    cumar faruq arinta uu ka hadalay waa arin hada u muuqatada inaysan haboonayan iyadoo xambaarsan qabyaalad maha wadaaad kumana tilaami karo lkn waxaan u arkaa nin neceb qabiil uu xitaa gaarsiinay heer gaalnimo qabiilna jecel . sidaas darteed ayuu dawaladii c\lahi yusuf uu gaalo ugu tilmaamay tana uu sharifku madaxda ka yahay ugu tilmaamay dawlada islaam marka sheekadu waa qabiil isku soo duuboo

  21. Dal Jir says:

    ASC. Allaha weyn ee waaxidka ah ee aan Sheekhyo iiga dhigin Sheekh Cumar Fuuruq, Shek Sharif iyo Shek Xasan Daahir Aweys, ayaa mahad iska leh. Culumaa’udiinkii Soomaaliyeed waxay ahaayeen rajadii oogu iftiinka badneyd ee Soomaali sugeysay, waxay se noqdeen kuwa ka liita dagaal ooga yaasha iyo mooryaantii dalka burburisey.

    Sheekh Cumar Fuuruqna wuxuu shalay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo dalbadey intuu uu haddeer Sheekh Shariif dalbaday oo ah keenis ciidamo shisheeye ku tilmaamay in ay gaalo raac yihiin sidaa darteedna ay gaalo noqdeyn Diintii Islaamkana uu isagu ka saarey sida ay isaga la tahay. Halka Shekh Shariif iyo DFKGS ee munaafaqiinta u badan ee dalbaday ciidamo shisheeye oo ay IGAD IYO ETHIOPIA ku jiraan, wuxuu yiri Cumar Fuuruq ; in dalka ay IGAD iyo wadamada dariska ah ay soo galaan waajib Diinta ina fareyso weeye ! Subxaanallah.

    Sheekh Cumar Fuuruuq lagu sheeg in hadba cidii shillin ku siiso diinta sida ay iyagu u rabaan aad oog fasirto, ooguna fatwooto, waxaana dhihi karaa waxa hadda arrintan kugu dhaliyey maadaama uu ku biilo Ismaaciil Cumar Geelle, isaguna uu mowqifkan aaminsan yahay IGAD, si uusan adiguna biilkaaga kaa go’in ayaad oogu fodwootey in ciidamo shisheeyo oo ay Ethiopia iyo Isreal ku jiraanba la keeno karo, maadaama aad tidhi ; muslin iyo gaalaba Soomaali ha soo galaan.

    Marqaati beenaalayaasha lacagta qaata waxba ma dhaantid, dumarka la meher xaddi jirey kuwii cagaaran wax ku mehrin jirey oo aan waalidkii dhalay gabdhaha iyo cida walaayada sida qofna wax weydiin jirin waxba ma dhaantid. Alle ayaana kaa jaaseyn doona hadba sidii aad rabto in aad diinta wax oogu raadsatid, dadna u gaaleysid. Runtiina adiga iyo Sheekh Shariifba in aad munaafaqada wadaagtaan Soomaali hadda ayey u cadaatey

    Diinta Islaanku waa xalka dhabta ah ee Soomaaliya iyo Dunidii rabta in ay shar ka badbaado, balse inta caada qaatayaasha, calooshood u shaqeystayaalka, diinta sharafteeda dilay sida ; Shek Sharif, Shek Cumar Faaruuq iyo Xassan Daahir Aweys ay Soomaali hor boodayaan, Rajo tan Rabbi ayey noqon.

    Wa Billahi Towfiiq

  22. Geele Yuusuf says:

    Cumar Faaruuq wuu qarsan waayey wixii calooshi ku jirey, inkasta dadka
    intiisa badani ogeyd sidaa uu Qabiilika u yahay oo markasta dumiga kaal-
    mayn jirey, hadana dad yar ayaa waxay u heysteen Nin Allaah yaqaan,
    laakiin maanta ayaa fashilkii ugu weyna ku yimid, markii uu u hadlay sidii
    midka dulloobey ee madaxweynaha sheegayaa

  23. sahal Sacid says:

    salaan kadib waan ku raacsanahay in ciidamo shiyeeye la keeno waxaana ka masuul ah dhibaatada na habsatay ninamka afka duubtay oo musiibada ah

  24. abdi says:

    ilaahay koonfur dhibaatada haka qaado oo shicibka dhiigooda labanaystay nasri qayr qaba ala hasiiyo, madaxda koonfurtra waa inay isu tanaa sulaan daacadna isu noqdaan

  25. anigoo ah muwaadin soomaaliya, muslim ah waxaa iga yaabshey hadalada ay ku hadlaan dadka soomalida uh dabaqada sare, sida siyaasiin iyo culimada qaarkeed sida shiikh cumar faaruq, oo waxyaalaha ay ku hadlayaan aan caamada soomalidu ku hadlin. tusaale ahaan cumar faaruq wuxuu horey uga hadley gelitaankii ciidamada itoobiya ee soomaliya xiligii cabdulaahi yuusuf ay gaaladu u soo magacaabeen in uu soomaliya u dhibaateeyo, wuxuuna yiri faaruq gaal iyo gaal raac waa gaalo, hada oo shiikh shariif ay gaaladu u soo magacaabatay in uu u dhibaateeyo soomaliyana wuxuu yiri itoobiya in ay soo gasho soomaliya diinta islaamku waxba kama qabto, waxaa iga su’aal ah anigu shiikha ma aqaan ee ma nin waayeel ah baa oo saqiirnaba u noqdey, mise waa nin dad kale u shaqeeya oo ah sirdoon wadan kale, ma qabiil ma shiikha hadaladiisa sal u ah, mise wax kalaa shiikha ka khaldan.
    shiikha waxaan oran lahaa ummada soomaliyeed oo awalba diin fiican aan aqoon,culima diineed fara badana aan lahayn ha ku dirin diintooda iyo culimadooda sababtoo ah markii la yiraahdo wax aan caqli iyo diinba sheegayn shiikh hebel baa yiri dadku way ka diidaayaan shiikh oo dhan

  26. NAFIE OMAR says:

    A/S/C marka hore yaa lagu fududaadin culimada tas oo aad u ah halis dhinaca dinta, Shiekh Omar Farug mahan nin sahlan warkas hala hubsado horta wuxuu ka so fulay Idaacad hal dhinac ah Radio Mogdisho,
    mida labaad hadii ay arintasn rumodo waa qatar weyn o culumada so wajahday coz marna diinta islaamka ma baneyneso in ciidamo Salibin ah aad u soo ka xeysato dad muslimin ah taas o ku horseedeyso diin ka bax cad ‘mudaharatul Kufar Calal msulimiin ‘

  27. Asc wr wb. Dadkagayagoow hadal haan ma buuxsho, xaasidnimana guul lagu taamo laguma gaaro, arintani waa arin Qaran oo idil intii ka hartay lagu masaxayo, waxa suura galiyayna waa aniga iyo adiga muranka iyo hayi kaca, khiyaaliga ku nool iyo kuwa Madaxda iyo Diinta sheeganaya, ku xadgudbaya xurmadeeda, kaliyana doonaya in ay Mansab ku gaaraan Shacabkana u sheegaan waxaan jirin, berina leysweydiindoonin meesha ay ku danbeeyeen iyo intii Dad iyo Duunyo Salfatay laguna xadgudbay xuquuqdooda naf iyo maal. Hadii aad dantaada garan cid kuu garaneysa ma jirto, in laguugu ciyaaro sida hada socota mooyaane. Suura gal ma tahay in aan dhidibada u taagno Urur Soomaaliyeed oo qurbo joogtani u badan ayna bixiyaan qofkiiba $10 bishii, lehna shuruucyo cad cad iyo nidaam adag dadka kala haga Saldhigna ay u tahay Diinteena suuban, wadankiina ka howgala, qarashaadka soo xaroodana lagu maalgeliyo ubdadka dagaalada lagu shidayo taasoo u suura galineysa in wax lagu baro dabadeedna wuxuu bartay loo suuro galiyo in uu wax kusoo saaro, sida beer tabcasho, kaluumeysi, farsamo, macalinomo iwm. Kadidna bil walbo uu iska bixiyo 10-15 % wixii daqli soo galo si jiilka ka danbeeya sidiisa oo kale aqoon ay wax ku qabsadaan leh. Bulshadana la baro in iyaga wax qabdasaadaan aysana wax ka sugin Cid kale; iyo in Bulshada Somaliyeed ka kaaftoomaan wax lagu magacaabo Bulshada caalamka iyo wixii la hal maala si ay ugu madaxbanaanaadaan horumarkooda. Howlahaasi iyo in kabadan waxay u yaaliin inta Damiir Islaanimo iyo Soomaalinimo ku harsan tahay oo rajeynaya in uu guto waajibka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa. sida adiga iyo aniga.( Dhul waxaa iska leh cidii daryeesha ee ku nacfisa ee looma yeesho waan u dhashay iyo waan ku dhashay oo kaliya). Doodo badan aan ka qeyb galayna ayna soo qaban qaabiyen dad aan soomali aheyn, loogana hadlayay Somalia, waxa iigu yaabka badnaa an ka dhaxlay waxay aheyd in dadkeyga yihiin dad nasiib daradu iyaga is badey yacnii ” Dhul qani ah oo nimcooyin badan Alle ku maneystay iyo Dadka ku nool goobtaas sidey ugu war la,yihiin uguna qatoon yihiin”. Runtii qoraal faahfaahsan oo aan ka qoray wax qabsiga Urur Somaliyeed waa jiraa, waxaanse u baahanay waa fikrado Saliim ah oo an ku kabo qoraaladaas. intana kuma aan soo qorin. Hadii aad deneyneysid fikraddaas oo faahfaahsan, .
    Mahdsandiin.

  28. Ina Shiikh says:

    Wahaabiyo waa Cadeysatay Waxey qarsan jirtay ee aheed in Diinta lagu dumiyo magac diimeed.
    Meyd waxaa ugu danbeeyay kan lasii wado.
    Ciddii maanta kadib daah ka saaranyahay ayay dhibeysaa.
    Cumar Faaruuq iyo Shariif iyo Shabaab kuligood waxa ey ku abtirsadaan Nidaamka Wahaabiyo ee ilaahey haka cabsadeen aduunka waa laga tagayaahe

  29. cumarfaaruuq iyo midka kale oo aad leedihiin sheekh shariif midna mabda maleh waa iman jirjiroo layaal ah
    oo hadba meesha ay dabay shu iyo hawadoodu ujeediso ujeedsa .
    wax aan khasaaro ahayna umahayaan uamada soo maliyeed.

  30. muno says:

    a.s.c alle muslimiinta ha guuleeyo
    meel walba oo ayi joogaanba
    waxaanse leeyahay culumadu
    yey qaldamin ee halaga noqdo arinkaan

  31. siciid nuur says:

    somalitalk dadaalka aad wadiin waa mid aan ku faraxsanahay oo aan aad usoo dhaweenaayo madaama aad shacabka soomaliyeed ku baraarujineysan iney fadhiga ka kacaan oo ay wax fahmaan faladani waa mid aan ka kororsaneno qibrad iyo waayo aragnimo soomalidu waa inay dantooda gartaan oo ay iska difaacaan cadawga oo ay ugu horeyso dalka ITHOPIA oo ah dal ay naga dhexeeso cadawad aad u weyn waa in ay shacabka soomaliyeed sidaas ogaadaan

  32. allaahu akbar ma tanaa inoo dambeysay in culimadii qaar ka mid ahaa aay taageeraan in markale xabashi injirleey dalka soo gasho nin adduunyo joogoow maxaa aragtii kuu laaban waligeey ma fileyn in culimo taageerayso gaalo dalka duulaan ku ah ilaahoow ummadda soomaaliyeed ee muslimka ah ka badbaadi halista aamiin

  33. Jama says:

    Waa nasiib daro in ragii Al-shabaab lacnadayay ay hada isu bedelaan daba-dhilif, oo weliba illaa ay heerkaas gaadhaan! Waan ka guulaysan doonaa gaaladda iyo dabadhilifka dalkeena kusoo duulay, daanyeer iyo doc kacyeer daankaa la jebiyaa…