Home » Warar »

Dhalinyarro Soomaaliyeed oo lagu diley Wadanka Koonfur Afrika

Kooxo Hubaysan ayaa dil ugu geysteen 2 Dhalinyarro Soomaali ah Deegaanka Even Park ee hoostaga Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Marxuumiinta oo la kala oran jiray Maxamed Cali Xassan 22 jir iyo Mukhtaar Cali Dhuxulow 35 jir ayaa waxaa lagu weeraray xili habeenimo ah iyaga oo ciyaartii Spain iyo Germany ku daawanayay meel Dukaan ah oo ay ku ganacsan jireen.

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay Cabdicasiis Cali Maxamud oo xilligaaa la joogay ragga la dilay. Isla markaan wax ka Daawanayey Ciyaarta

Wararka laga helayo Soomaalida ku ganacsato Even Park ayaa sheegaya in marxuumiinta ay soo weerareen ragg bastoolado ku hubysan kawaasi oo rabay in ay dhacaan Dukaanka.Waxaana goor dambe goobta soo gaarey Ciidamo Boliis ah markii ay tageen Kooxihii dilka geystey.

Soomaalida ka ganacsato Koonfur Afrika ayaa ah kuwo cabsi baahsan ku nool waxaana badanaa dhacda in la dilo iyaga oo ku gudda jira howlahooda ganasi.

Xukuumada Koonfur Afrika ayaan wax badan ka qaban falal dambiyeedka lagula kaco dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ganacsiga u aada.

Waxaa maalmahan Dadka soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Koonfur afrika soo gaarayey Hanjabaadyo iyo Cagajugleyn waxayna sii xoogeysteen markii Xulka Koonfur Afrika uu ka harey Koobka Aduunka hase yeeshee Dadka soomaaliyeed ayaa ka codsatey Dowladda Federaalka in ay wax ka qabato falalka dilka ah ee lagu hayo dadkooda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Nin la sheegey in uu Basaas u ahaa Itoobiya oo lagu toogtey meel Fagaaro ah

Maamulka Islaamiga ee Xarakada Alshabab ee degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa shalay xukun dil ah ku fuliyay in ay ku sheegeen in uu basaas u ahaa dowladda Ethiopia.

Dilka ayaa ka dhacay fagaaraha garoonka Dr. Ayyub halkaasi oo ay usoo daawasha tageen dad gaaraya boqolaal.qofood kuwaas oo doonayey in ay arkaan sida loo qisaasayo Ninkaas waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa Masuuliyiin ka tirsan Xarakadda Al- Shabaa iyo Ciidamo sugayey Amaanka

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray; Ibrahim Cabdiqadir Xassan, ahaana 38 jir, waxaana todobaad ka hor gacanta ku soo dhigay Ciidamada Xisbada ee ay leeyihiin Xarakadda ALshabaab

Kuxigeenka Khaaliga Maxkamadda Xarakadda Alshabab ee magaalada Baydhabo, Sheekh Adan Dheere oo ka hadlay goobta dilka lagu fulinayay ayaa sheegay in ninka la dilay uu qirtay dambigiisa uuna ahaa Basaas u shqeeya Dowladda Ethiopia si buu yiri loo bur buriyo awooda Mujaahidiinta.

Alshabab ayaa inta badan sheega in dadka ay xukunka ku fulinayaan ay qirteen dambigii lagu haystay taasi oo aysan jirin cid marqaati u ahayd.iyadoo dhawaan Deegaanka Degmadda Dayniile lagu toogtey nin la sheegay in uu Basaas u ahaa Ciidamada Amisom waxaana lagu toogtey Goob Fagaaro ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dhalinyarro Soomaaliyeed oo lagu diley Wadanka Koonfur Afrika "

  1. muslimah says:

    As salaam aleykum waraxamtullaahi wabarakaatuh
    Subxaan Allah…Inna Lillaah wa Inna ILayhi Raajicuun.
    walaalyaal waxaa haboon in Soomalida u dhoofayaan South Africa ay iska dayaan haddi ay mar halis wayn ku suganyihiin, waxaa u roon in haddi aysan u guuri karin magaala madaxda south Africa, in ay u guuraan wadankaa Tanzania ama Zanzibar intooda badan waa dad muslim ah.
    walaal yaal ka soo taga South Africa.
    wa asalaam aleykum waraxamtullaahi wabrakaatuh
    wa billaahi Tawfiiq.