Home » Warar »

Wakiilka Cusub ee Qarammada Midoobay oo Taageeray Go’aankii IGAD ee Soomaaliya

Wakiilka cusub ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga, oo maanta (July 9, 2010) Warsaxaafadeed ka soo saaray Nairobi ayaa taageeray go’aankii urur Goboleedka IGAD ay Addis Ababa ku gaareen 5tii July 2010.

IGAD oo shir ku yeeshay Addis Ababa ayaa July 5, 2010 waxay ku baaqeen in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya u dirto ciidamo gaaraya 20,000.

Warsaxafadeedka Mahiga waxa uu xusay “Qarammada Midoobay waxa ay dhawreysaa heshiiskii Is-afgaararka (Memorandum of Understanding) ee ku saabsanaa Soomaaliya ee ay 28kii April 2010 kala saxiixdeen UN, IGAD iyo AU.”

Mahiga waxa uu dhashay 28 August 1945, dhalashadiisuna waa Tanzanian, waxana uu July 1, 2010 bedeley Axmed Walad Cabdalla.

Warsaxafadeedka ka soo baxay Ergeyga Cusub ee QM waxa uu u qornaa sidan:

Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WAR-SAXAAFADEED 15/2010

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyay taageerada ay dowladaha gobolku u fidiyeen geeddi socodka nabadda Soomaaliya

Nayroobi, 09 July 2010 – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine P. Mahiga, ayaa maanta soo dhoweeyay go’aanka uu Urur Goboleedka IGAD ku qaatay shirmadaxeedkii lagu qabtay magaalada Addis Ababa 5tii bisha July ee 2010, go’aankaaso ah in si xoogan looga qaybqaato xal u raadinta colaadda Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah Mahiga wuxuu hoosta ka xarriiqay taageerada uu Urur Goboleedka IGAD siiyay geeddi socodka Jabuuti oo ah saldhiga keliya ee nabadda iyo dibuheshiisiinta Soomaaliya. Taageeradan ayaa lagu qeexay warmurtiyeedkii laga soo saaray shirka.

“Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa iskaashiga ay la leedahay IGAD iyo Midowga Afrika ee ku wajahan arrinta Soomaaliya iyadoo la raacayo Heshiiskii Isafgaradka ee Soomaaliya ee ay seddaxda Hay’adood kala saxiixdeen 28kii bishii Abriil ee 2010”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi. Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133, Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org


Muqdisho: 23 Haween iyo Carruur ah ayaa ku dhaawacmey Duqeyn

Dhaawacyada Ayaa La Dhigey Cusbitaalka Dayniile, Waxaana Daweeyey MSF

Nayroobi/New York, Luulyo 4, 2010—Iyada oo dagaallo xooggani ay mar kale ka dhacayaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa Médecins Sans Frontières (MSF) waxa ay 42 qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaarey qarax ay dhigtey cusbitaalkeeda ku yaalla degaanka Dayniile muddadii u dhaxaysay Khamiistii iyo Jimcihii. 42da qof ee dhaawaca ah ee lagu daweeyey qolka xaaladaha degdegga ah ee cusbitaalka, ayaa 23 ay ahaayeen haween iyo carruur ay da’doodu ka yar tahay 14 sano jir.

“Tani waa tiradii ugu badneyd oo haween iyo carruur dhaawacmey ah ee aan 24 gudahooda aragno muddo afar bilood ah” ayaa uu yiri Madaxa Ergada MSF Axelle de la Motte St. Pierre. “Qaar badan ayaa qabey dhaawacyo aad u culus”.

Ilaa bilowgii sanadka, ayaa 450 haween iyo carruur dagaallada ku soo dhaawacmey ah la dhigey Cusbitaalka Dayniile, arrintan oo muujineysa dhibaatada weyn ee dadka rayidka ah ka soo gaareyso iskahorimaadka socda.

Waqti uu dagaalku dhibaato weyn geysanayo oo uu ka sii darayo oo qaar ka mid ah tas-hiilaadka caafimaadka ee ku yaalla Muqdishana uu hub ku soo dhacayo, ayaa MSF waxa ay ugu baaqeysaa dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadka in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka looga fogaanayo in dhaawac iyo dhimasho ay soo gaaraan dadka rayidka ah iyo in ay ixtiraamaan waajibka ka saaran ilaalinta tas-hiilaadka caafimaadka.

MSF waa hay’ad caafimaad oo madax bannaan oo mashaariic ka wadda siddeed gobol oo Soomaaliya ka tirsan. In ka badan 1,500 shaqaale Soomaali ah, oo ay taageerayaan ku dhowaad 90 shaqaale ah oo Nayroobi jooga, ayaa bixiya daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, daaweynta nafaqo-xumada, qalliin, taageeridda dadka barokacay, iyo bixinta biyaha iyo sahayda gargaarka. MSF kama qaadaneyso dowladna wax maaliyad ah oo ay ku fuliso mashaariicdeeda ay ka waddo Soomaaliya. Deeqaha waxa ay ka imanayaan shakhsiyaad kala jooga dunidan daafaheeda kala duwan.

Ahmed Dahir Noor
Somalia Information Officer, Medecins Sans Frontieres, East & Central Africa Regional Information Office
Email: msf-press-somalia@msf.org, Tel: +254 20 444 4474/444 0536, Mobile: 0733665424


Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya

Xafiiska Ergeyga Khaaska ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa madax xilligan ka ah Axmed Walad Cabdalla. Haddaba waxaan si kooban u guud maraynaa taariikh ahaan sidii uu ku bilowday iyo ciddii xilalka ka soo qabatay iyo shaqada xafiiskaas.

Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (January 1, 1982 – January 1, 1992) Javier Pérez de Cuéllar, oo u dhashay dalka Peru, ayaa Decmber 1991 waxa uu Soomaaliya u diray wafti xaqiiqo raadis ah si ay u soo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirtay Soomaaliya. Waftigaas waxaa hoggaaminayey James O.C. Jonah, oo u dhashay dalka Sierra Leone. Waftigaasi waxay soo diyaariyeen warbixin ay aad uga dayriyeen xaaladda Soomaaliya. Warbixintaas ayaa la tilmaamaa in ay sabab u ahayd in Qarammada Midoobay ay Ergey ama wakiil gaar ah u magacawdo Soomaaliya.

Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (1 January 1992 – 1 January 1997) Boutros Boutros-Ghali, oo u dhashay dalka Masar, ayaa April 28, 1992 waxa uu Wakiilkiisa Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Maxamed Sahnoun, oo u dhashay dalka Algeria. Waa xilligii UNOSOM I (April 1992 – March 1993). Laakiin October 26, 1992 ayaa Sahnoun iska casilay xilkaas kaddib, sida la sheegay, markii khilaaf soo kala dhex-galay isaga xoghayaha guud QM.

Markaas ayaa waxaa Xoghayaha Guud ee QM waxa uu November 8, 1992 Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Ismat T. Kittani oo reer Ciraaq ah. Ismat Kittani waxa uu ahaa ergeyga gaarka ilaa March 1993 markaas oo ay bilaabatay UNOSOM II (March 1993 – March 1995) iyo xilligii hawlgalkii UNITAF ee “raja soo celinta Soomaaliya” (December 5, 1992 ilaa May 4, 1993).

March 9, 1993 ayaa  Admiral Jonathan T. Howe, oo u dhashay Maraykanka, waxaa uu noqday Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya. Waxana uu xilkaas hayey ilaa February 1994 markaas oo uu is-casilay.

Waxaa markaas (February 1994) Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya si kumeel gaar ah u sii qabtay kuxigeenkii oo ahaa Lansana Kouyaté, oo dhashay dalka Guinea.

July 1, 1994 ayaa Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, Boutros-Ghali, waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Victor Gbeho (oo ah reer Ghana).

March 1995 markii ay ciidamadii UNOSOM II ay ka baxeen Muqdisho, waxaa Qarammada Midoobay u muuqatay xagga nabadgelyada awgeed in aysan xafiiskeeda ergeyga gaarka ah uusan sii ahaan karin Muqdisho.

Sidaas daraadeed waxaa April 15, 1995 ay Qarammada Midoobay xafiis qaabilsan arrimaha Soomaaliya ka furtay Nairobi, xafiiskaas oo loo bixiyay United Nations Political Office for Somalia (UNPOS). Qarammada Midoobay waxay sheegtay in xafiiskaasi loogu talo galay “Horumarinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ayadoo lala kulmayo hoggaamiyaasha Soomaalida, ururada bulshada iyo dalalka iyo ururada danaynaya.”

Sida ku cad shabakada un-Somalia.org, xafiiska UNPOS hawshiisu waa mid siyaasadeed, waxaana garab siiya oo korka kala socda Qarammada Midoobay Waaxdeeda Arrimaha Siyaasadda ee loo soo gaabiyo DPA (Department of Political Affairs).

Waxaa xafiiskaas UNPOS madax ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, kaas oo si dhaw ula socda xaaladda gudaha Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira Soomaaliya. Ergeyga Khaaska ah waxa uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyaa warbixinno waqtiyo ah oo kooban, waxa kale oo uu warbixino u gudbiyaa Golaha Ammaanka ee QM. Xafiiska Soomaaliya u qaabilsan QM (UNPOS) waxa uu bixiyaa hagid siyaasadeed markii loo baahdo, oo uu siinayo rugaha Qarammada Midoobay iyo hay’adaha UN-ta ee maaraynaya mucaawinada bini’aadamino iyo ururada UN-ta ee dalka Soomaaliya, sidaas waxaa qortay shabaka xafiiskaas ee Nairobi.

Waxa kale oo shabakada xafiiska UNPOS ku qoran in Xafiiskaasi uu taageero soojeedinta dalalka gobolka ee ku aadan in la horumariyo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxa kale oo shabakaasi (www.un-somalia.org) xustay in ammaanka Soomaaliya oo liita awgeed uu xafiiska UNPOS ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in uu ka hawl galo Nairobi Kenya.

Dabayaaqadii September 1995 ayaa Ergeyga Soomaaliya loo maagacaabay Dr. Abdul Hamid Kabia oo u dhashay Sierra Leone, isagoo xilka hayey ilaa October 1996.

November 1996 ilaa September 1997 waxaa Ergeyga Soomaaliya ee QM hayey Felix Mosha oo u dhashay Tanzania.

October 1997 ilaa February 2002 Ergeyga Soomaaliya waxaa haa David Stephen oo u dhashay dalka Britain.

Xoghayahii Guud ee QM (1 January 1997 – 1 January 2007) Kofi Atta Annan, oo u dhashay dalkaGhana, ayaa February 25, 2002 waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabayWinston A. Tubman oo u dhashay  Liberia. Waxana uu xilkaas hayey ilaa  April 2005.

Kofi Annan waxa markaas kaddib ergeygiisa khaaska ah ee Soomaaliya uu May 3, 2005 u magacaabay François Lonseny Fall, oo u dhashay dalka Guinea, waxa uu xilkaas hayey ilaa September 2007. (Waxay ku beegan tahay xilligii ciidamada Itoobiya ay galeen Muqdisho December 28, 2006 ilaa Janauary 15, 2009).

Xoghaha Guud ee QM (ee xilka qabtay January 1, 2007) Ban Ki-moon, oo u dhashay dalka South Korean, ayaa Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu September 12, 2007 u magacaabay Axmed Walad Cabdalla (Ahmedou Ould-Abdallah) oo u dhashay dalka Mauritania, oo xilkaas hadda haya, isagoo ah madaxa xafiiska UNPOS. Walad Cabdalla waxaa  bedeley Mahiga oo u dhashay tanzania oo xoghayaha guud ee UN uu magacaabay 9 June 2010. Waxana uu xilka la wareegey July 2010, kaddib markii uu is casilay Walad Cabdalla.

Tarjumadii: SomaliTalk.com: http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda108.html

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.