Home » Warar »

Lacag dhan 17.5 billion Sh.So. oo ah Deyn ay DFKMG ku lahaayeen Laba dumar ah ayaa lagu Dhacay Gaalkacyo…

Lacagtaas oo sida maamulka Puntland sheegay si sharci darro ah loo geeyey Galkacyo, laakiin markii dambe waxaa dhacay koox aan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin…

Wareegto ku qornayd luqadda Ingriiska oo Arbacadii (July 7, 2010) ka soo baxday Dawlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in 23kii June 2010 ay diyaarsadi magaalda Gaalkacyo keentay lacag gaareysa 17.5 billion oo Shillinka Soomaaliga (So.Sh.), lacagtaas oo Garoonka Gaalkacyo ay keentay Diyaaradda Gallad oo la soo kiraystay. “Sirdoonka Puntland waxay xaqiijiyeen in lacagtaas macmalka ah in lagu soo daabacay meel bannaanka ka ah Soomaaliya kaddibna loo soo dhoofiyey Puntland.”

Puntland waxay la xiriirtay madax sare ama sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) oo qiray in uu ka dambeeyey daabacada lacagtaan sharci darrada. DFKMG waxay ku andacootay in lacagtaasi ay qayb ka ahayd lacag la daabacay xilligii madaxweynahii hore ee DFKMG (Cabdullaahi Yuusuf Axmed), waa sida warsaxafadeedku hadalka u dhigay’e.

Waxaa warsaxaafadeedka Puntland intaas ku daray: DFKMG oo faahfaahin ka bixisay 17.5 billion Sh.So. ayaa sheegtay in sababta lacagtaas Puntland loogu soo dhoofiyey ay ahayd lacag deyn ah oo (DFKMG) ka qabay laba dumar ah oo reer Puntland. Laakiin Puntland ma aysan aqbalin sharaxaadaas. Sidaas daraadeed ayadoo Puntland iyo shacabkeeda laga badbaadinayo lacagtaas sharci darrada ah waxay Dawladda Puntland soo saartay xeer, waxyaabihii xeerkaas qeexay ka mid ahaa:

  • Dawladda Puntland waxay mamnuucday in lacagtaas sharci darrada ah lagu isticmaalo ama lagula kala wareego Puntland, waxaana loo yeeray labada dumarka ah ee lacagta ku lahaa DFKMG iyo oday dhaqameed-yada gobolka Mudug ee matalayey labada dumarka ah si wada xaajood looga galo shixnadda lacagta ah ee sharci darrada ah, waa sida wareegtada ku cadayd’e.

Warsaxafaadeedku waxa uu intaas ku daray in wadaxaajoodkii kaddib oday-dhaqameedyada iyo dawladda Puntland ay 27kii June 2010 ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid ahaayeen:

  • In lacagtaas la mamnuuco si aan loogu isticmaalin suuqyada Puntland, iyo in lacagtaas ay lawareegto Dawladda Puntland si loo gubo ama loogu celiyo DFKMG ee Muqdisho iyo in labada dumarka ah ee lacagta ku lahaa DFKMG lacagtooda sida ku haboon loogu qaan gudo ama loo siiyo.

Laakiin intii arrintaas lagu dhex jirey, oo la doonayey in lacagtaas laga soo qaado Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa shixnaddii lacagta ahayd waxaa dhacay (ama xaday) koox malaysiyo ah iyo shakhsiyaad kale oo ahaa kuwii markii hore lacagta sharci darrada ah keenay. Kooxdaad oo ilaa hadda aan gacanta lagu hayn ayagoo ku sugan Muqdisho iyo meelo ka baxsan degaanka Puntland, waa sida ku cad warsaxafadeedka Puntland.

Wareegtada oo lambarkeedu yahay WK/WM/DPL/085/2010, ayaa July 07, 2010 ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxaana ku qornaa
Mr. Abdi Ibrahim Warsame (Qowdhan),Wasiir ku xigeenka, ahna ku simaha wasiirka Maaliyadda, waxaana faafiyey xafiiska madaxtooyada Puntland.

Waxaana warsaxafadeedku sheegay in Puntland ay guddi u saartay soo baara sidii lacagtaas (17.5 billion Sh.So.) loo dhacay (ama loo bililiqaystay.), isla markaana la aqoonsado dadkii k adambeeyey si loo horkeeno sharciga.

Warsaxaafadeedkaas oo ku qoran luqadda Ingrisiisiga ka akhri HALKAN…

..

Dowlada Sheikh Shariif oo Lacag Cusub kusoo daabacanaysa $17 million oo dollar, iyo iyadoo Malaysia Lagaga Xanibay $14 million oo doolar oo aan la aqoon meesha ay ka timid: Akhri https://somalitalk.com/lacag/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.