Home » Warar »

Warbaxin ku soo baxda, saddex biloodlaha hey’adda hubinta Cuntada iyo Nafaqada FSNAU-Digniinteeda Hore ee Xilliga Guga 2010

Hay’adda FSNAU waxay hadda sii daysay Warbixin kooban oo Afar meella ah ee Sugnaanta Dhuuniga iyo Nafaqada: Hor dhicii  Xilliga Gu’ga 2010. Warbixintan kooban waxay iftiiminaysaa, xog waran qaybaha kala ah Cimilada, Colaadda Sokeeye, Beeraha, Xoolaha, Suuqyada iyo Nafaqada, iyo waliba isku dhafka falanqaynta sugnaanta dhuuniga ee reer magaalka iyo reer miyiga ee muddadii u dhaxaysay bishii 4aad iyo horraantii bishii 6aad 2010:

Hoos waxaa ku qoran qodobbada muhiimka ah ee ay warbixintani ka kooban tahay:

  • Roobabka Guga oo caadi ama ka sarreeya caadiga oo ka da’ay waddanka intiisa badan ayaa soo afjaray xaaladdii abaarta ee gobollada Bartamaha iyo qaybo ka mid ah Waqooyiga
  • Korriinka wanaagsan ee beerah ee dhul beereedka Koonfurta – ayay saadaashu tahay in wax soo saarka Guga noqon doono mid caadi ama caadiga ka sarreeya
  • Fatahaaduhu waxay u geysteen khasaaro lixaad leh beerihii webiga Juba – qoysaska ay dhibaatadu soo gaadhay ayaa wajahaya cunno yari ba’an muddo gaaban
  • Hoos u dhaca lama filaanka ah Qiimaha Kharashka ugu Yare ee Nolosha ayaa u fududeyn doona helitaanka cunnada qoysaska saboolka reer magaalka Bartamaha iyo Waqooyiga adeegsada Shilin Soomaaliga.
  • Colaadda dheeraatay ee ka aloosan Soomaaliya ayaa wali sababaysa Barakac xannibtayna gaadhsiintii samafalka
  • Xaaladda nafaqo oo aad dareen u leh ayaa ka jirta Hab-nololeedka Cadduunka ee gobollada Galgaduud iyo Mudug oo gaadhay 22.8% NG (Nafaqodarri Guud) iyo 7.1% NAD (Nafaqodarri Aad u Daran).

Xogtan oo dhan waxaad ka Akhri Halkan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.