Home » Faallo »

Koonfur Afrika: Sidaan idinkuugu lisnay Noogumaydaan Hambeyn!! | Amiin

Sanadkii 2000-dii ayay ahayd markii Qaxooti u dhashay wadanka Zansibaar ee Tanzania ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, xiligaas waxaa dalka ka jiray dagaalo iyo dhibaatooyin fara badan mana aheyn Soomaaliya dal qaabili kara qaxootigaas, maalintaas

Idaacadda BBC-da oo aan  dhageysanayey waxaa daadihinayey idaacadda Weriye Axmed Xasan Cawke, waxa uuna cinwaan uga dhigtay Qaxootiga Soomaaliya yimid (Addoo Harsan waayey ma laguu soo Hergalay), hase yeeshee qaxootigaasi isagoo shacabka Soomaaliyeed ka duulaya islaamnimada iyo afrikaanimadda ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, waxayna shacabka Soomaaliyeed ku taaakuleeyeen qaxootigaasi wixii ay awoodeen, mid keena Derin lagu jiifsado, mid keena Macuun wax lagu cuno iyo wixii la mid ah, waxay maanta dadkaasi Sansibaarka ah ku dhex milmeen dadka Soomaaliyeed, qaarkoodna waxay heleen shaqooyin, mar haddii sidaasi ay dhacday maxaad u maleyneysaa in dalka Soomaaliya oo leh dowlad sida qaxootigaa loo qaabili lahaa sow ma ahaan laheyn mid sidaasi ka sii wanaagsan.

Dib aan u qooraansano taariikhda ay dadka Soomaaliyeed ku leeyihiin Qaaradda Afrika, waxay ahaayeen dad si aad ah u jecel afrikaanimadda iyo isku duubnaanta qaaradda Afrika, waxaana dalka Soomaaliya ka dhacay banaanbaxyo lagu diidanaa midabtakoorkii ka jiray dalka Koonfur Afrika, iyadoo xitaa la sameeyey banaanbaxyo looga soo horjeeday xarigii Nelsan

Mandela, sidoo kale waxaa lagu waramay in xitaa taakuleyn dhinaca dhaqaalaha ay dadka soomaaliyeed siin jireen shacabka Madowga ah ee Koonfur Afrika si ay uga hoos baxaan gumeysiga xun ee ay ku jireen, waxaana lagu waramay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta la siiyey Baasabooro Soomaali ah si ay ugu socdaalaan islamarkaana hadafkooda ku aadan xornimo doonkana ay caalamka gaarsiiyaan, qaarkood waxaa la dejiyey Hoteelo ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaa ka sii xusid mudan in dalal kale ee afrikaan ah oo iyana xornimo doon ahaa  ay madaxdooda imaan jireen Soomaaliyaa, waxayna qaarkood wax ka barteen jaamacadaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale xusid mudan in mid ka mid ah Madaxweynayaashii Burundi soo maray Magangalyo laga siiyey Soomaaliya, isagoo  Aakhirkii ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, waxaana loo sameeyey Mudane Inkunberro Xus Qaran, waxaana si sharaf loogu dhoofiyey wadankiisii, Soomaaliya waxaa kale oo Muqdisho joogay madax ka tirsan jabhaddihii ka dagaalamayey Afrika, waxaana ka mid ah Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo madaxweynaha Eritrea Afawerki oo labadoodaba la siiyey dhalasho Soomaalinimo.

Waxaa kale oo xasuusin mudan in ay jiraan heeso guubaabo ah oo ay sameeyeen fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah hees loo sameeyey madaxweynihii hore ee Kongo markii uu geeriyoodey oo ahayd (Lamumba Mana Dhiman Mana Noola, Labadaba midna ha u maleynina ee Muuqiisaa la waayey), waxaana heestaas ka dhex muuqda Allaha u naxariistee C/llaahi Qarshe waxaana heestaas si aad ah loogu amaanay waxqabadkii Batrik Lammunba, waxaa kale oo jiray heeso iyana lagu kicinayey qaaradda Afrika si ay uga baxaan dhibaatada uu gumeystuhu ku yahay Afrika,

Sanadkii 1974‑tii Waxay soomaaliya martigelisay shirkii Midowga Afrika, waxaana ka soo qaybgalay Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika, waxaana ka mid ahaa Madaxweynayaashaasi Boqorkii Itoobiya Xayle Salaase oo ay inaga dhexeysay cadaawad aad u weyn, balse shacabka Soomaaliyeed iyagoo fiirinaya Afrikaanimadda ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho, waxaa kale iyana in la sheego mudan in qaar ka mid ah wax soo saarkii warshadaha Soomaaliya mucaawino ahaan loogu diri jiray wadamada Afrika ee ay halgamadu ka socdaan, iyadoo warshaddii Daawada ee Soomaaliya Daawooyin ay sameysay loo diray qaar ka mid ah wadamada Afrika ay ula tacaalaan dadka ku dhaawacmay dagaalada xornimo doonka ah.

Intaan kor ku soo sheegay iyo in kale oo ka badan waa abaal ay shacabka Soomaaliyeed ay dhigteen hase yeeshee markii ay dagaalada soomaaliya ka bilowdeen waxay dadka Soomaaliyeed iyagoo naftooda la cararaya gaareen qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo Carabta, waxayna kala kulmeen silac iyo

saxariir taariikhda gashay, haddii aan u soo daadego dulucda maqaalka, dhibaatadii Soomaaliya ka dhacay kadib waxay dad badan oo Soomaaliyeed u baxsadeen Wadanka Koonfur Afrika, uma aysan tegin in ay halkaasi qaxooti ka noqdaan, balse waxay u tageen in ay ka xoogsadaan wadankaasi oo ay ganacsi ka sameeyaan, sidoo kale uma aysan tegin arrimo siyaasadeed, hase yeeshee waxay koonfur afrika kala kulmeen dhibaato aysan shacabka Soomaaliyeed marnaba hilmaami doonin, qaarkood waa la gubay iyaga iyo hantidoodiiba waxaana wax laga xumaado ah in aysan Dowladda Koonfur Afrika waxba ka qaban.

Soomalida qaarkeed waxaa la sheegay in xubno jirkooda ka mid ah lagala baxay markii dhaawacyo soo gaaray dartood loo geeyey isbitaalada Wadankaas , waxaa sidoo kale loo adeegsaday in lagu sameeyo tababar la xiriira dhinaca caafimaadka, qaarkood waxaa la geliyey xabsi halka qaar kalana ay Dowladda Koonfur afrika kala wareegtay hantidoodii, waxaana maalin walba dadka Soomaaliyeed soo gaara hanjabaadyo kaga imaanaya dadka madowga ah ee Koonfur Afrika, waxaa jira wadamo afrikaan ah ama Cadaan ah  oo nala mid ah oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey wadankaasi, waxaana lala yaaban yahay cadaawadda ay dadka  koonfur afrika u qabaan Soomaaliya meesha ay ka timid, iyadoo la og yahay sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga qayb-qaateen ka Xoreyntii Koonfur Afrika caddaankii tirada yaraa ee koonfur afrika haystay.

Wiil soomaali ah oo ku sugan wadankaasi ayaa la weydiiyey waxay ku kala duwan yihiin dilka ka jira soomaliya midka haatan ku haysta koonfur afrika, waxa uuna yiri “Dilka Soomaaliya waa mid aan dhaqaale laheyn, balse koonfur afrika waa mid dhaqaale leh waana middaas midda nagu qasabtay in aan isaga adkeysanayo wadanka Koonfur Afrika maadaama aan lacag heleyno”.

Anaga oo dhex socda Magaalada Muqdisho ayaan waxaan ku soo baxay meel ay dhallinyaro ku buuqeyso oo ay ka sheekeysanayaan koobka adduunka ee ka socda dalka Koonfur Afrika, qaarkood waxay taageero xoog leh u hayeen wadamada Afrika ee ka qaybgalaya tartankaasi, qaar kale ayaa si weyn uga soo horjeestay koonfur afrika, waxaana weydiiyey waxa ay u taageeri la’ yihin mar haddii ay tahay dalka Afrikaan, mid ka mid ah dhallinyaradii meesha joogtay ayaa isaga oo careysan waxa uu iigu jawaabay “Koonfur afrika weligay taageeri maayo, waayo dadkeena ayay si xun ula dhaqmaan oo waliba bani’aadannimada ka baxsan”,

mid kale ayaa soo booday oo isna sii raacsaday “Waa runtii oo ma ahan dal afrikaan ah oo taageere mudan, waxa ay dadkeena ku sameeyeene waa uu ka soo bixi doonaa, waana ka aarsan doonnaa, aad baana u soo dhaweyneynaa in ay ka harto koobka Adduunka”, waxaa la sii yaabay markii mid dhallinyaradii isna ka mid ah uu sii daba dhigay “Koonfur Afrika iyo Yahuud hadday cayaarayaan waxaan taageerayaa  Xulka Yahuudda”.

Isku soo wada duuboo Koonfur Afrika waxay noo gaysatay ma ahan wax ay shacabka Soomaaliyeed hilmaami karaan, waxayna baal madow uga jiraan taariikhda uruursan ee Soomaliya, xadgudubyada ay noo gaysteen waxay noqon doonaan xasuus ma Hadho ah, soomaaliduna waxay tiraahdaa “Abaal nin galay waa la arkay, laakiin nin guda lama arag”, marka Koonfur Afrika sidaan ugu lisnay noogumaydaan Hambeyn.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.