Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Magaalada Bursaalax waxaa la aasaasay qiyaasta sannadkii 1961kii. Waxaa kaloo lagu magacaabaa Burar. Magaalada waxaa loogu magacdaray Alle ha u naxariistee halgamaagii Saalax Jaamac Kaarshe oo isagu magaalada aasaasay, kana mid ahaa halyeyadii ururkii gobanimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.
Waa magaalo muhiima oo ay maraan waddooyin waaweyn, sida: waddada Gaalkacyo ku xirta dhulka ciidka ah iyo woqooyiga Soomaaliya, iyo waddada magaalada Boosaaso ku xirta Galdogob iyo Ceelcad. Waxay u jirtaa magaalada Galdogob 32km, Gaalkacyona 52km. Waa dhul xoolo daaqeen ah oo la xiriira dhulalka loo kala yaqaan Ciid, Dul iyo Mudug.
Sooyaalkii Bursaalax
Magaalada Bursaalax waxaa dega qabaa’il Soomaaliyeed oo kala duwan, waxayna caan ku tahay nabad ku wada noolaansho iyo xiriir wacan oo ka dhexeeya beelaha wada dega magaalada iyo miyigeedaba, waxaana saldhig u ahaa dhaqankii wanaagsanaa ee Saalax Jaamac kula macaamilay bulshada deegaanka dhagax-dhiggeedii hore.
Magaaladu waxay ahaan jirtey tuulo aan ceelal lahayn oo barkado biyo u yihiin, waxaana soo maray xilliyo uu joogsaday koboceedu gaar ahaan xilligii la gubey Riig-oomane iyo tuulooyinka xad-beenaadka ka xiga, iyo markii Xabashidu qabsatay magaalada Galdogob oo labada jeerba aad looga qaxay magaalada Bursaalax. Saas oo ay tahay magaaladu mar walba waxay ahayd meel nabadeed oo lagu soo hirto, wayna ka nabadgashay burburkii ku dhacay deegaanada ku dhawdhaw.
Burburkii dalka iyo hanaqaadka magaalada
Hadday magaalada iyo miyigeeduba berigii hore barismaad ku ahaan jireen daaqsinta wanaagsan, xiriirka walaalnimo ee dadkeeda ka dhexeeya iyo nabad ku wada noolaanshaha waxay burburkii dowladda ka dib ku barismaadday horumar dhinacyo badan leh oo ay ku tillaabsatay. Magaaladu aad bay u kobocday dhinacyada: a) dhismaha iyo deegaanka, b) ganacsiga iyo shaqada, c) mashaariicda danta guud iyo adeegyada bulshada, d) dacwada iyo waxbarashada iwm.
Dacwada iyo waxbarashada diimeed
Burburkii dowladda ka dib magaaladu waxay horumar weyn ka gaartay dhinaca dacwada iyo aqoonta diimeed. Waxaa ku yaal toddobo masjid oo seddex ka mida lagu tukado jimcaha. Gaar ahaan masjidka jaamica ee Abuubakar waxaa ku yaal maktabad isugu jirta mid la akhristo iyo mid la dhagaysto. Waxaa magaalada jooga culumo iyo ducaad har iyo habeen u taagan dacwada, waxbarista bulshada iyo ilaalinta daneheeda guud, waxayna masaajidda ka akhriyaan kutub cilmi ah oo isugu jirta Tafsiir, Xadiith, Siiro, Caqiido, naxwe iyo kutub kaloo yaryar. Waxaa magaalada ka furan 13 malcaamadood oo Qur’aanka lagu barto.
Waxaa ka furan madraso weyn oo lagu magacaabo Nuur-Alyaqiin oo lagu barto Qur’aanka, culuumta diinta iyo maaddooyinka kaleba. Waxay madrasadu leedahay qayb xadaano ah oo ilmaha yaryar loogu talogalay iyo iskoolka oo heer dugsi dhexe gaarsiisan. Habeenkii waxaa ardayda lagu siiyaa madrasada dhexdeeda duruus diini ah oo heerar kala duwan ah.
Si loo xoojiyo dacwada iyo waxbarashada diimeed ee dumarka waxaa hadda magaalada laga dhisayaa xarun dumarku wax ku bartaan oo lagu magacaabo madarasada hooyada. Hadday hirgasho waxaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaadato sare u qaadista aqoonta diimeed ee dumarka, wacyigalintooda iyo xifdinta Qur’aankaba. Horay waxaa magaalada uga furnaa seddex malcaamadood oo dumarku ku bartaan Qur’aanka iyo duruusta cilmiga ah, madarasada hooyaduna waxay noqon doontaa tillaabo horay loo sii qaaday.
Waxaa jira duruus joogto ah oo suuqa laga dhagaysto, ayna reer magaalka iyo dadka miyiguba ka wada faa’iidaystaan. Duruustaas waa cajalado isugu jira culuumta kala duwan ee shareecada iyo luqada carabiga, waxaana loo sameeyay shan xarumood oo laga dhagaysto iyo waqtiyo kala duwan oo lagu soo talagalo. Muxaadarooyin muuqaal ah baa iyana habeenadii laga shidaa goobo magaalada dhexdeeda ah; si ay dadweynuhu uga faa’iidaystaan.
Magaalada iyo horumarka waxbarashada
Magaaladu waxay ku tillaabsatay horumar weyn oo xagga waxbarashada ah. Waxaa ka furan dugsiga Cirro oo leh heerarka aasaasiga iyo sareba, iyo madarasada Nuur-Alyaqiin oo ilaa heer dugsi dhexe ah. Sidaa darteed ma jiro culays xagga waxbarashada ah. Dalka waxaa ka jira magaalooyin waaweyn oo gobollo caasimado u ah oo aan lahayn dugsi sare iyadoo magaalada Bursaalax ay yeelatay dugsi sare oo sannadka soo socda laga qalinjabin doono, haddii Alle idmo.
Mashruuca biyogalinta magaalada
Horumarka la taaban karo ee magaaladu gaartay waxaa ka mida in dadweynaha reer Bursaalax miyi iyo magaalaba laga haqabtiray biyaha, iyadoo guryaha magaaladana biyo la galiyey. Waxaa ku yaal magaalada seddex ceel biyood oo labo ka mida ay xoolaha iyo reer miyigu ka cabbaan, midka seddexaadna magaalada waraabiyo. Biyogalintu waxay aasaasi u tahay koboca iyo horumarka magaalooyinka. Magaalo aan biyo lahayna ma noqon karto deegaan joogto ah; sidaa darteed bay dadka deegaanku isu xilqaameen sidii ay mushkiladda biyo la’aanta uga bixi lahaayeen, Ilaahayna waa ku guuleeyay.
Adeegyada korontada, telefoonada iyo waddooyinka
Si dal ama magaalo horumar u gaarto waxaa loo baahanyahay mashaariic iyo adeegyo badan oo horumarka lagama maarmaan u ah, waxaana ka mida biyaha, korontada, isgaarsiinta iyo waddooyinka. Haddaba waxaa magaalada si weyn looga haqabtiray adeegyada korontada iyo isgaarsiinta oo leh Telefoono land land ah, Mobile iyo Internet. Waxaa kaloo magaalada la galiyey koronto waqtiga badankiisa shaqaysa. In kastoo magaalada ay shirkado isgaarsiineed oo kala duwan xarumo ku leeyihiin haddana waxaa adeegyada isgaarsiineed iyo koronto magaalada hadda wada siiya shirkadda isgaarsiinta Golis oo xarunteedu si xoogle u shaqayso.
Dhinaca kale dadweynaha deegaanka oo ay horkacayaan culumada, ducaadda, aqoonyahanka, ganacsatada iyo waxgaradka kale ayaa waxay dadaal weyn ku bixiyeen sidii loo hagaajin lahaa waddada isku xirta Bursaalax iyo Beyra oo ahayd waddada ugu liidata jidadka soo gala magaalada Bursaalax. Taas oo qayb weyn ka qaadan doonta xoojinta xiriirka ganacsi iyo isu socod ee magaaladu la leedahay magaalada Gaalkacyo.
Adeegayada xawaaladaha iyo bangiyada
Magaaladu maadaama ay yeelatay dhaqdhaqaaq ganacsi, ayna dadweyne farabadan soo dageen waxaa xarumo ka samaystay shirkado xawaaladeed oo farabadan; si ay dadweynaha uga haqabtiraan adeegyada xawilaadda iyo kaydinta lacagaha, waxaana shirkadahaas ka mida: Amal, Dahabshiil, Tawakal, Mustaqbal, Kaah, Iftin iyo kuwo kale.
Hay’adda Read Horn Of Africa (RHOA) iyo Mashaariicda ay hirgalisey
Hay’addu waxay magaalada ka hirgalisey mashruuc ballaaran oo isugu jira dibu-dajin, horumarin guud iyo waxbarsho isugu jirta mid diimeed iyo mid adduunyaba. Hay’adda RHOA waa (local NGO) gaara oo isu xilqaamay waxu-qabashada dadweynaha Soomaaliyeed ee aqoondarridu la hartay. Hay’addu waxay qabatay dhul ballaaran oo ka baxsan magaalada, waxayna si nidaamsan u dajisay dadkii danaynayey inay ka faa’iidaystaan mashruucaas. Waxaa xaafadda laga hirgaliyey masaajid, malcaamado, iskuul ilaa heer dugsi sare ah, kulleej lagu xereeyo ardayda ay hay’addu kafaala-qaadday iyo kuwa dadkoodu ka bixinayaan masaariiftaba.
Waxaa kaloo xaafadda laga dhisay xarun weyn oo ay fulisay jamciyadda Almanhal ee khayriga ah, taas oo ay hay’adda Kafaalo ee daryeelka agoontu goosatay inay ku xarayso boqol carruura oo agoon ah.
Hay’addu waxay kaloo dadweynaha reer Bursaalax ku soo kordhisay mashruuca biyo-galinta magaalada iyo warshad roodhiga samaysa. Waxaa kaloo la aasaasay dhisme loogu talogalay dugsiga sare ee magaalada, haddana waxaa socda isku day lagu doonayo in magaalada loo dhiso isbitaal.
Hay’adda RHOA iyo waxay magaalada u qabatay
Hay’addaan oo ay hormuud ka yihiin rag aqoonyahana oo isu xilqaamay waxu-qabashada dadkooda iyo dalkooda waxay dadweynaha reer Bursaalax iyo deegaanada ku xeeran u soo kordhisay waxqabad ballaaran oo aysan haysan magaalooyin badan oo waaweyn. Waxyaabaha hay’addu deegaanka u tartay waxaa ka mida:
- xoojinta dacwada iyo aqoonta diimeed ee magaalada, taas oo ku timid xoogga la galiyey in ubadka la baro Qur’aanka iyo culuumta diinta, in masaajidda xaafadda mashruucu ku yaal laga bixiyo duruus diini ah oo dadweynuhu ka faa’iidaystaan iyo in macallimiinta college-ka iyo iskuulka wax ka dhiga magaalada uga faa’iideeyaan aqoontooda xilliyada ay firaaqada yihiin.
- sare u qaadista aqoonta oo ka dhalatay markay hay’addu hirgalisay dugsi h/dhexe iyo sare oo magaalada iyo deegaanka ku dhawba ka heli karaan waxbarasho. Waxaa kaloo la tilmaami karaa waxtarka ay deegaanka u leeyihiin dadka aqoonyahanka ah ee ay hay’addu keentay magaalada oo siyaabo kala duwan aqoontooda looga faa’iidaysan karo.
- hirgalinta mashruuca biyo-galinta magaalada iyo samaynta warshadda roodhiga oo labaduba wax weyn ka badalay nolosha bulshada.
- ballaarinta iyo nidaaminta magaalada oo ka dhalatay dadka faraha badan ee hay’addu soo dajisay ama u soo dagay ka faa’iidaysiga adeegyada hay’addu keentay.
- sare u qaadista sumcadda iyo magaca magaalada, gaar ahaan dhinaca isxilqaanka iyo xoojinta danaha istiraatiijiga ah ee waxbarashadu ugu horrayso.
Maxaa looga dayan karaa hay’adda RHOA?
Hay’addaan oo ay hirgaliyeen aqoonyahan iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Reer Khalaf waxa tooska ah ee ay bulshada Soomaaliyeed tartay waxaa ka muhiimsan fikradaha mirodhalka ah iyo qorshaha waqtiga dheer ee ay ku hawlgashay. Taas oo keenaysa inay dadkeenu ka faa’iidaystaan ama kaga daydaan waxyaabo badan oo aan ka xusi karno:
- xilkasnimo iyo dareen masuuliyadeed oo kaashanaya go’aan adag iyo sabir xoog leh.
- isku tashi iyo ka faa’iidaysiga cid kastoo kugu taageeraysa ujeeddadaada saxda ah.
- yeelashada ujeeddooyin cadcad oo loo dajiyey qorshe lagu gaaro, ayna xubnaha hay’adda iyo taageerayaashoodu si buuxda isugu kaashanayaan.
- ka gudbista caqabadaha faraha badan ee ay dadka wax ma garadka ah hordhigaan mashruuc kasta oo ummadda wax loogu qabanayo gaar ahaan hadduu magac reer wato.
- in mashaariicda horumarineed lagu hago nidaam maamul oo ka hufan loolanka jifooyinka iyo dadka aan indhohoodu kor eegin.
Si kastaba ha ahaatee hay’addaan iyo mashaariicda qiimaha leh ee ay hirgalisey waxay mudanyihiin in looga mahadceliyo, lagu bogaadiyo, laguna sii dhiirrigaliyo, isla markaana lagu taageero. Waxaa kaloo habboon in beelaha iyo deeganada Soomaaliyeed meelay joogaanba kaga daydaan tijaabadaas guulaysatay gaar ahaan beelaha kalee wax ka degan mahaalada Bursaalax oo ay qabato inay iyana dhankooda magaalada ku soo kordhiyaan wax dadweynuhu ka wada afaa’iidaysan karo.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.