Home » Warar »

Soomaali ku banaanbaxday New Delhi, India

Qoxooti soomaaliyeed oo ku noolka dalka India gaar ahaan magaalada New Delhi ayaa dhigay banaanbax balaaran kaasoo ay kaga cabanayaan xaqirid ay ku hayso dowladda India iyo daryeel la’aan ay sheegeen in ay kasoo daristay dhanka hey’adda qoxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Qoxootigan oo intoodan badan ku noolaa dalka India in ka badan 10-sano ayaa ka cabanaya sharci daganaansho la’aan, waxayna sheegeen in xukuumadda India ay iska indha-tireyso amaba siineyn wax muhiimad ah.

Sidoo kale banaanbixiida ayaa waxaa uu ku wajahnaa cabasho ay u jeedinayeen hey’addan qoxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR taasoo ay sheegeen in ay xaqirtay xaqooda.

Waxay ka dalbadeen dowladda India in ay soo farageliso xaqiraada ay ku hayso hey’adda qoxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan ayaa ku rafaadsan dunida dacaladeeda xilli uu dalkoodu ka socdo dagaalo jahli ah oo u dhexeeyo garabyo kursi doon ah.

by:Kassim Isse Dhuhulow (mr.blackgod).
Independent Journalist,newdelhi, India.
Tell.no(0091) 8897741950.
Email: kassimblack@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Soomaali ku banaanbaxday New Delhi, India "

  1. Bashir Yusuf says:

    Somaliyay, Maxaa wadankale dhibaatadiisa baray in aan u adkaysano oo aan waliba dhibaatada inagu haysato wadankale aan isku dayno in aan wax ka badalno oon ku dadaalno in aan isbadal ka samayno wadankaas, Laakiinse aynu isbadal iyo dadaal aynaan ka samaynin wadankeena dhibaato kasta oo timaado. Allohayow Somali wadankooda u dadaali waysay dhibaato gali oo waligood haka saarin ilaa intii wadankooda ay gartaan in ay u dadaalaan. Maxaa inagu diray wadankeena? Aduun waynaha ha ina diino oo hanala canaado. Anaga iyo caruurteenaba dhib ha loo geesto si aan u jeclaano una dadaalno dagaalna u galno sidii aan u wanaajin laheen wadankeeena.

  2. Cabiboqor says:

    waa Nasiib darro iyo Calool xumo inteeda la eg, in Marrasa Ummadeena Soomaaliyeed sidan meelkasta ugu Bahdilantahay oo eey ugu rafaadsantahay. Allaah ayaan ka rajeeyneeynaa in Ummada Allaah u soo saaro dad damiirkuudu shaqeeyo ee Dhibka ummada ka damqada. insha Allaah!