Home » Warar »

Wariyayaasha Muqdisho waxay ku shaqeeyaan Xaalad Khatar waxayna Dhacdadi ugu dambeysey ay ahayd markii…

Iyadoo marba marka ka dambeysa ay ka siii dareyso xaalada Soomaaliya ayaa sidoo kale Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho waxay ku shaqeeyaan Xaalad la dhihi karo Naf hurnimo ama Biimo waxaana maalin weliba soo gaara Dhimasho , Dhaawac , Xabsi, Barakac iyo Hanjabaadyo , sidoo kale Xarumahooda ayaa lala beegsadaa Duqeymo waxyeelo ka soo gaarta iyaga iyo Hantidooda waxayna ahay dhacdadii ugu dambeeysey markii Ugu yaraan 8-Wariye oo ka tirsan kuwa xilligan ka shaqeeya Magaalada Muqdisho ku dhaawacmeen Madaafiic ku dhacday degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, inkastoo dhaawacyadoodu ay yihiin kuwo fudud.

Wariyeyaasha ayaa sheegay in duqeynta ay bilaabatay iyagoo ku sugnaa xarunta Gaadiidka Booliiska oo uu shir Jaraa’id ku qabanayay Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage kaddib markii ay la wareegeen xaruntaas

Wariyayaashii ku dhaawacmay duqeyntaas ayaa waxaa ka mid ah: Muuse Maxamuud Jiisow, Ilyaas Axmed Abuukar, C/naasir Xirsi Iidle, C/risaaq Cilmi Jaamac (Black), Sawirqaadihii Telefishinka Al-Jazeera C/naasir iyo wariyeyaal kale oo ka shaqeeya Xarumaha Muqdisho.

“Suxufiyiinta waxaa gaaray dhaawacyo fudud, aniga Madaxa ayaa firir iga galay, dhaawacayguna ma ahan mid weyn” ayuu yiri Ilyaas Axmed Abuukar, isagoo intaas ku daray inay ku dhaawacmeen Madaafiic dusha sare kaga dhacay Dhismihii hore ee Nabadsugidda Soomaaliya oo ay doonayeen inay gabbaad ahaan u galaan.
“Madaafiicdu markay bilaabatay aad ayaan u baqnay,u argagaxney waayo Madaafiicdu waxay ahaayeen kuwo aad u culus oo u dhawaaq weyn” ayuu yiri Ilyaas Axmed Abuukar oo sheegay inay ahayd khatartii ugu weynayd ee uu la kulmo intii uu shaqeynayay.

Wariyeyaasha ayaa xilliyada ay dhaawacyadu soo gaarayeen ayaa waxaa u soo gurmadey Dhaqaatiir ka tirsan Xarakada Alshabaab kuwaas oo u fidiyey Gargaar Deg deg ah waxayna ku gudo jireen markii ay dhaawacmeen howlahooda Saxaafadeed, ilaa iyo hadda lama oga waqtiga ay wariyayaasha ku shaqeyn doonaan Xaalad Degen oo nabad ah waxyna maalin weliba u bareeraan Xaalad Khatar ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.