Home » Warar »

Siihayaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Jabuuti Amb, Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe oo Shir Jaraa’id Ku Qabtey Caasimada Dalka Jabuuti.

Xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti, tan iyo bur burkii dowladii dhexe kadib, kama helin daryeel guud iyo mid gaar ah seddaxdii dowladood ee lagu dhisey dalka Jabuuti oo ay madaxweyne ka ahaayeen Cali Mahdi Maxamed, Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Shariif Sheekh Axmed oo hada xilka haya, sidoo kale dowladii Cabdullaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha ka ahaa ee iyaduna lagu soo dhisey dalka Kiiniya.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti Madaxweynayaashan qaarkood waxay u soo magacaabeen Safiiro, sii hayeyaal iyo Qunsul, inakstoo safiiradii la soo magacaabey qaarkood ay geeriyoodeen, hadana ma jiro wax la taabankaro oo ay ka qabteen dhismaha safaaradda iyo qalabkeeda, waxaana xafiisyada Safaaradda yaala Qalabkii hore ee ay adeegsan jirtey Dowladii Militeriga berisamaadkii, kaasoo ah qalab aan la jaanqaadikarin xiligan.

Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti Marka aad eegto gudaheeda iyo dhamaan dhismaha ay ku fadhido ayaa waxaa ka muuqda, bur bur iyo dayacaad aad u weyn oo aan la qiyaasikarin, islamarkaana ay ku baxeen hareeraha darbiyada safaaeradda dhir qarineysa bilicdii ay lahayd, iyadoo gudaha marka aad gasho ay indhahaagu qabanayaan sawiro laga naxo oo kuula muuqanaya goob waa hore la deganaa oo laga guurey.

Ganacsato Soomaaliyeed oo xarumo kala duwan ku leh caasimada dalka Jabuuti ayaa waxay hore u sheegeen in ay dayactirayaan, dhismaha safaaradda guud ahaan, hase ahaatee hadalkaasi wuxuu u muuqdey mid si fudud loogu gudbiyey warbaahinta caalamka iyo xaflad gaar ah oo ay ku lahaayeen dalka Jabuuti oo loo jeediyey ka soo qayb galayaashii shirka, bal ee waxay iska sii wateen hawlahooda gaarka ah iyo sii hormarinta ganacsigooda oo leh dhisme Bank cusub iyo dhismayaal guryo cusub oo ay ka bilaabeen dalka Jabuuti.

Waxaa kale oo intaa dheer in dalka Jabuuti ay ku nool yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 10,000 oo qoys, islamarkaana Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti aysan ka hadlin baahiyaha guud ee ay qabaan, waxayna culeys ku hayaan Qoxootigan dalka Jabuuti, waxaana dalka jabuuti safaro kala duwan ku yimaada mas’uuliyiinta sare ee dowlada qayabahooda kala duwan, inta la ogahay sanadahan ma jiro mas’uul soo booqdey Qoxootigan goobaha ay ku nool yihiin, dowlada xiligan ka jirta dalka Soomaaliya ee maamulkeedu ku koobmay Xarunta Madaxtooyada, Garoonka diyaaradaha, Dekeda iyo ilaalada Mas’uuliyiinteeda sare, ayaa wararr soo baxaya waxay sheegayaan in maalinta Qaran ee 1-da Luuliyo ay ku xusayaan mas’uuliyiinteeda sare khilaaf ka dhashey Isku Shaandheyn cusub oo uu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda.

Siihayaha xilka Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti Amb, Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe ayaa shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo munaasabadda 1-da Luuliyo, mahadcelin kaalamada ay ka helaan dalka Jabuuti, tan iyo mudadii bur burka dowladii dhexe ee Soomaaliya, wax qabadka beesha caalamka iyo taageerada looga baahan yahay iyo hawlaha ay wado Dowlada Madaxweyne Shariif ku qabtey 30/06/2010 Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Jabuuti.

Amb, Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe ayaa sidoo kale isagoo ku hadlaya magaciisa waxaa uu Hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, islamarkaana ka codsadey in ay taageeraan dadaalada ay wado dowlada iyo dowladaha la jaarka ah.

Amb. Hiraabe waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey “maanta waa maalintii xornimadda Soomaaliyeed ee 1-da Luuliyo, ma ahayn mid dheel dheel lagu soo heley, waxaana u daatey dhiig badan oo ay ka soo qayb qaateen Geesiyaal Soomaaliyeed, markii ugu horeysey oo calan Soomaaliyeed la saaro waxay ahayd 26-kii Juun 1960-kii oo ay Gobolada woqooyi ka xoroobeen gumeysigii Ingiriiska, waxaa iyaduna noqotey maalin weyn oo ah maalintii ay midoobeen labad qayb ee ay kala gumeysanayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waana maalin aad ugu weyn shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, anigoo ku hadlaya magaca safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti magaceyga gaar ah inaan tahniyad u diro, Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan” ayuu ku sheegey shirkiisa jaraa’id

“waxaan keloo tahniyad u dirayaa, Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle, dowladiisa iyo shacabkiisa, kuwaas oo aan marna uga weecan intii dhibaatada ay jirtey Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu istaagana wuu u hormariyaa arinta Soomaaliya, wuxuu ku cadeeyaa inaysan marna meelnaba uga hareyn arinta Soomaaliya, cidii diideysa iyo cidii ku jecel, waxaan keloo taas ku darayaa” ayuu yiri isagoo hadalka shirkiisa jaraa’id sii wata ayaa intaa ku darey

“safaarad ahaan safaaradda Soomaaliyeed, hadii aysan ahayn dowlada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha ka yahay, in aysan waxba qabateen oo aan helno waxyaabaha laga mamaarmanka ah oo ay u baahneyd dublamaasiyiintu ama safaaraddaha nala mid ah ee wadanka ku yaala, taasoo ay ka mid tahay is-gaarsiinta gudaha iyo dibadda, korantada iyo biyaha intaba oo aan ku helno lacag la’aan sidaas aw-geed, wax aan cid kale uga baahanahay aysan jirin oo ay naga ciil tirtey dowlada Jabuuti wax kasta oo diblamaasiyadeena ku xirneyd, waxaana ilaahay uga baryayaa shacabka reer Jabuuti iyo dowladooda in ay sii haystaan nabadooda oo ay sii adkeystaan, anaguna dadaalkii ay nala dadaali jireen ay nala sii wadaan” ayuu yiri Amb, Hiraabe .

Mar uu ka hadlayey Amb. Hiraabe dowlada uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed “Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed, waxay ku jirtaa sidii loo habeyn lahaa ama loo dhisi lahaa wadanka oo dhan iyo sidii nabad looga dhalin lahaa, isagoo kaalmo ka helaya wadamada IGAD oo ay ugu horeyso dowlada Jabuuti, kaasoo ah nabadgelyo in lagu soo dabaalo ah, si loo helo wax walba oo ay shacabku u baahnaayeen”.

Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Hiraabe waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegey “anigoo ka faa’iideysanaya maalinta 1-da Luuliyo, waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay garab is-taagaan geedisocdka iyo dadaalka ay wado dowlada Soomaaliyeed iyo kuwa ya ka wado dowladaha jaarka ah, hadii aan miithaal u soo qaato, dowlada Jabuuti oo hada ay ka socoto dastuurkii Soomaaliya oo gebagebo jooga, sidaas aw-geed waxaa loo baahan yahay cid walba in ay qabteeda ka qaadato, sida aad la socotaana hay’adaha caalamiguna door muhiim ah ayey ka qaateen waana ay ku talo jiraan in Soomaaliya wax noqdaan, hay’adaha caalamiga naftooda waxaan ugu baaqayaa iney kordhiyaan dadaalka ay wadaan, waadna mahadsan tihiin”

(Codkiisa oo Dhameystiran Halkan Ka Dhegeyso)

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.