Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa 23/06/2010, Dhagax Dhigey bilowga dhisme ka koobnaan doona toban dabaq oo uu yeelanayo Salaam African Bank, iyadoo ay goob joog ka haayeen inta badan Golaha Wasiiradda, Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Md, Idiris Arnaaāuud Cali, qaar ka mid ah xildhibaanada, xubno ka socdey Dublamaasiyiinta caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti, qaar ka mid ah Culumaaāudiinka, marti sharaf iyo qaar ka mid ah masāuuliyiinta ururada Haweenka iyo Shirkadaha Ganacsi ee dalka Jabuuti.
Munaasabadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, islamarkaana u lahayd xiise kala duwan masāuuliyiinta dalka jabuuti iyo shacabkooda oo soo jiidanaya indhaha maalgeliyeyaasha caalamka bilowga sanadaha Qarnigan 21-aad ayaa masāuuliyiintii ka hadashey waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Jabuuti Md, Jaamac Maxamuud Xeyd, Gudoomiyaha Salaam African Bank Dr. Cumar Ismaaciil Cigaal, Agaasimaha Guud ee Salaam African Bank Md, Maxamed Yuusuf.
Masāuuliyiintan goobta ka Hadashey waxay si faah faahsan uga hadleen baahida loo qabo dhismaha xaruntan cusub iyo mudadda ay soconayso, qaybaha uu ka koobnaan doono dhismahan, dhaqaalaha ku baxaya oo lagu sheegey $10- Milyan oo Doolar, waxqabadka Salaam African Bank mudadii uu jirey iyo faaāiidada ay u leeyihiin hirgelinta bankiyada cusub iyo maalgelintooda dalka Jabuuti.
Gudoomiyaha Salaam African Bank Dr. Cumar Ismaaciil Cigaal oo ugu horeyn halkaasi khudbad ka jeediyey ,islamarkaana khudbadiisa ku baxaysey Carabi ayaa waxay u dhacdey sidan
ākhudbada oo dhameystiran halkan ka dhegeysoā
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Salaam African Bank Md, Maxamed Yuusuf oo isna khudbadiisa isugu jirta faah faahinta wax-qabadka Salaam African Bank, sida uu u shaqeeyo, lacagta ku baxaysa dhismahan oo Faran Jabuuti ah iyo waxa uu noqonayo dhismaha xarunta cusub ka jeediyey, khudbadiisa waxay u dhacdey
ākhudbadiisa oo dhameystiran, soomaalina ku baxaysa halkan ka dhegeysoā
Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Jabuuti Md, Jaamac Maxamuud Xeyd waxaa uuna sharaxaad dheer ka bixiyey faaāiidada ay u leeyihiin Bunuugta ku soo badaneysa dalka jabuuti, sababaha keeney iyo arimo kale oo muhiim ah
āHalka ka dhegeyso khudbadiisa oo dhameystira Jaamac Maxamuud Xeydā
Dhismaha bankigan oo socon doonaa ilaa iyo sanadka 213-ka sida ay sheegeen masāuuliyiintii ka hadashey goobta, ayaa Gunaanadkii xaflada, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa uu ku soo soo xirey Xafladii Dhagax Dhiga Xarunta Cusub ee Salaam African Bank. Salaam African Bank ayaa waxaa la aas aasey sanadkii 2009-ka, waxaana iska leh Ganacsato Soomaaliyeed, Salaam African Bank wuxuuna ahaa Bankigii ugu horeeyey oo ku shaqeeya Nidaamka Shareecada Islaamka waafaqsan oo ay yeeshaan dadka Soomaaliyeed, islamarkaana laga hirgeliyo noociisa Dalka jabuuti.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.