Home » Warar »

Xaflad lagu furayay Cusbitalka Manhal oo Laascaanood lagu qabtay

iyo Warar Goos goos ah…

Waxaa lagu qabtay hallka shirarka ee Manhal Hospital ee magaalada Laascaanood xaflad lagu furayay cusbitaalka oo ay dhistay hay’adda khayriga ah ee Manhal, hadaba xafladda ayaa u dhacday sidan:

(June 23, 2010) Ugu horrayn waxa xafladda lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka iyo wacdi kooban waxana xidhiidhinayay wakiilka Jamciyadda Manhal u qaabilsan Gobolka Sool Dr. C/naasir Maxamed Barre wuxuu ka xog warramay heerarkii uu soo maray mashruucan lagu dhisay dhismaha cusbitaalka manhal ee magaalada Laascaanood wuxuu tibaaxay in cusbitaalka dhismihiisa ay ku tabaruceen muxsiniin reer Kuwait ah oo ka qayb qaatay dhismaha mashruucan wuxuu intaa ku ladhay in cusbitaalku u qabto adeegyo caafimaad bulshada ku dhaqan magaalada laascaanood iyo nawaaxigeeda oo isugu jira sida qaliinka, daaweynta, baadhitaanada kala duwan iwm.

Waxa hadalka qaatay Sh. Axmed Maxamed Sulaymaan oo ku hadlayay afka culimada Sool wuxuu aad ugu dheeraaday muhiimadda ay diintu siisay arrimaha caafimaadka oo ay diinteenu inagu dhiiri gelisay inaynu aad ugu dedaalno arimaha caafimaadka.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Sidoo kale waxa khudbad ka jeediyay Gudoomiyaha Manhal Society ee Soomaaliya oo ka warbixiyay mashruucan maanta furitaankisa aanu joogno ee lagu furayay cusbitaalka manhal ee Laascaanood wuxuu sheegay inay ku deeqeen dad reer kuwait ah oo ku tabarucay cusbitaalka oo uu uga mahad celiyay dedaalkaas wuxuuna ku soo geba gebaayay in lagu dadaalo ilaalinta iyo daryeelka cusbitaalka, wuxuu intaa ku ladhay in dhismaha kharashkii lagu dhisay ay jirto deyn lagaga leeyahay oo 21,000/- dollar loona baahan yahay in maamulku ka qayb qaato hawshan maadaama ay tahay hawl dan guud ah.

Waxa isaguna ka hadlay goobta Dr. Shiine oo ah Agaasimaha Manhal hospital ee magaalada Laascaanood isagoo ka warbixiyay hawlaha ay qabtaan oo uu sheegay inay isugu jiraan baadhitaanada caafimaadka, qaliinka sidoo kale Ultra sound oo ah qalabka computerka lagu baadho jidhka, aaladda ICG ee lagu baadho wadnaha, wuxuu intaa ku ladhay inay doonayaan inay ku baahiyaan adeegyadooda caafimaad deegaanada kale ee gobolka Sool oo ay u direen Teams soo qiimeeya aagagaasi si ay ugu sahlanaato in halkaas la ogaado baahiyaadka caafimaad ee ka jira wuxuuna sheegay in deegaamadaas ay ka mid yihiin Xuddun, Taleex, Sarmaanyo iyo Buuhoodle.

Waxa hadalka qaatay C/le Xaaji Warsame oo ku hadlayay afka dadweynaha reer laascaanood oo sheegay in bulshadu aad ugu baahnayd cusbitaalkan oo qalabkiisu u dhamaystiran yahay iyadoo ay bulshadu waayadii hore u aadi jireen wixii daryeel caafimaad ah deegaanada kale taasina waa mahad ilaahay in maanta cusbital manhal laga furay si rasmi ah magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, waxa ka hadlay xafladda Isuduwaha Was. Caafimaadka ee Gobolka Sool Dr. Muuse Geelle Maxamuud oo isaguna ku dheeraaday muhiimada hawshani leedahay isagoo intaa raaciyay inay wada shaqayn ka dhexayso cusbitaalka iyo wasaaradda caafimaadku wuxuu ka codsaday in dadweynaha loo naxariisto loona fududeeyo baahiyaha caafimaad ee ay u baahan yihiin wuxuu kula dardaarmay in dadweynaha loo sameeyo qaliinanada loo raaciyo daryeel muddo lagaga war sugo inta xaalada qofku si noqonayso oo loo yaqaan (post operative care).

Waxa hadalka lagu soo dhaweeyay mayorka degmada Laascaanood Axmed Aw Daahir X. Xassan oo ka sheekeeyay muhiimadda iyo farxadda uu u hayo cusbitaalkan oo ku tilmaamay in la furay xili uu mayor ka yahay degmada laascaanood uuna ku darsan doono waxqabadyadiisa wuxuu kula dardaarmay in la ilaashado cusbitaalka.

Waxa hadalka qaatay isaguna Wasiirka Boosaha iyo isgaarsiinta ee Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) oo isaguna goobta ka jeediyay khudbad taabanaysay baahida loo qabay furitaanka cusbitaalka wuxuuna goobta kaga dhawaaqay tabaruc gaadhaya 500$ dollar oo sheegay inuu ku darsanayo dhismaha cusbitaalka, isla markaana isla goobta ku wareejiyay 500$ tii boqol maamulka cusbitaalka Manhal gaar ahaan wakiilka cusbitalka Dr.C/naasir Maxamed Barre.

Waxa soo xidhay xafladii furitaanka Wasiirka Caafimaadka Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo isaguna sheegay in ay la shaqaynayaaan cusbitaalka una mahad celiyay walaalaha muslimiinta ee bixiyay nafaqada lagu dhisay cusbitaalka wuxuuna isla goobta kaga dhawaaqay inuu bixinayo 500$ dollar oo uu sheegay inuu ku darsaday cusbitaalka wuxuuna shaqaalaha iyo maamulka cusbitaalka kula dardaarmay in loo naxariisto dadka la daaweynayo oo aad mooddo in raxmadii dhakhaatiirku noqotay mid ka hoosaysa siday ahaan jirtay ee ahayd in loo naxariisto bukaanka.

Hadaba, xaflada ayaa ku dhamaatay jawi aad u heer sareeyay oo ay u riyaaqeen dhamaan ka soo qayb galayaashu.

W.D. Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood, Sool
subeyr1425@hotmail.com

……………….

Axmed Maxamed Zaahid”Burcad Badeeda Somaaliya waxay Howlahooda Burcad Badeednimo u rogeen Marinka Baabul- mandab

Khabiir Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ahmed Mohamed ayaa sheegay Xalay mar uu waramaayay Alhiwaartv in burcad-badeedda Soomaali ahi ay howlahooda burcadnimo u weeciyeen dhinaca marinka baabal mandab halkaasoo ay maalmo gudahood weerraro isdaba joog ah ka geysteen.Khabiirkaani ayaa ah mid aad wax uga qoro kana faaloodo arimaha Burcad badeeda isagoo mar waliba la socdo xogta burcad badeeda somaalida ah sida ay ku shageen hordhaca Barnaamjkooda, khabiirka ayaa soo xiganayay xalay markii uu waramayay Alhiwaartv Warbixin ay soo saareen Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen iyo qaar kamid ah kooxaha Burcad badeeda Soomaaliada isagoo shaaca ka qaaday in burcad-badeedda Soomaalida ahi ay howlohoodii burcadnimo u weeciyeen goobta lagu magacaabo Baabal Mandab iyo kanaalka Suweys oo iyagu isu socodka dhinaca badda caalamiga ah muhiimad gaar ah ugu fadhisa kadib markii ay cimilada Bada kacaday ayna ku soo bateen ilaalada Caalamiga ah ee ka socda Nato gacanka cadmeed oo ay si aad ah uga howl gali jireen.

Khabiirku waxa uu xaqiijiyey in burcad-badeedda Soomaalida ahi ay weerareen tan iyo billowgii bishan aynu ku jirno wax aan ka yareyn 10 markab oo kuwa shidaalka qaada ay ku jiraan oo laga leeyahay waddankan Yemen ,hase ahaatee dhamaan weerradaasi ay fashiliyeen xoogag ilaalo ahaa oo isugu jira saraakiil iyo askar bileyska xeebaha kamid ah kuwaasoo la socday maraakiibta la weeraray.

Sidoo kale Saraakiisha xoogagga ilaalada xeebaha Yemen ayaa iyaguna waxa ay intaasi ku dareen in dhamaan weerarradaasi ay keeneen inay israsaaseyn xooggani dhex marto burcad-badeedda iyo ilaalada maraakiibtaasi kuwaasoo marka la weerarayay ay dhamaantood ku sugnaayeen marinkaasi baabal mandab la yiraahdo.
Wasaaradda arimaha gudaha dalka Yemen oo iyaduna war arintaasi ku saabsan soo saartay ayaa sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ahi ay howlohooda masrax uga dhigteen marin biyoodkaasi muhiimka ah ee u dhexeeya Jibuuti iyo Yemen, waxaanay wasaaraddu intaasi sii raacisay in ay qaadatay dhamaan wixii tallaabooyin ah ee looga hor tagayo falalkaasi burcad-badeednimo ee kusoo kordhay marinka baabal-mandab.
Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in doon ama markab walba oo laga leeyahay dalka Yemen loo gaar yeelay ciidamo qalabeysan oo amaankooda dhowra , iyadoo sidoo kalena doonyaha dheereeya iyo ciidamada badda iyo kuwa ilaalada xeebaha oo is kaashana lagu baahiyay nawaaxiga marinkaasi.

Khabiirkaan ayaa sheegay in doonyaha ay burcad-badeedu ku qowleystaan oo aan awood sidaasi ah laheyn aawadeed aanay xilliga hadda lagu jiro usuurto galeynin in ay weerar ka geystaan biyaha badda cas ama gacanka cadmeed oo haatan iyagu aad u kacsan.

Waxa uuna intaas ku daray Khabiirkaan Soomaaliyeed in Marinka Baabal mandab oo ballarkiisu uu yahay 27 km oo kaliya ayaa muhiimad dheeraad ah u leh kala gooshidda maraakiibta ganacsiga dunida waxaanu isku xiraa badda cas gacanka cadmeed iyo waliba bad-weynta hindiya isagoo ku yaalla dhamaadka koofureed ee badda cas waxaanu kala qeybiyaa qaaradda aasaiya oo waqooyi bari kaga toosan iyo Afrika oo dhinaca galbeed kaga beegan waxaana darafka kaga taalla Jaziirad ay Yemen leedahay oo uu bedkeedu yahay 8km oo laba jibaarran oo kaliya isagoo sidoo kalena kala qeybiya dalalka Jamhuriyadda Jibuuti iyo Yemen.

Dhacdadii ugu dambeysay oo halkaasi ka dhacdana waxa ay aheyd weerar ay in kabadan 10 doonyood oo ay burcad-badeeddu wateen maalin kahor ku qaadeen doon nooca lagu dalxiiso ah oo laga leeyahay waddankan Yemen inkastoo isku daygaasi afduub doontaasi laga badbaadiyay.

W/D Ismaaciil Maxamed Xalane
E-Mail imxalane@hotmail.com

….

IMTIXAANKII ARDAYDA MACALINIMADA AY UTABABAREYSO JAAMACADA MUQDISHO OO LAQABTAY

Boqolaal ardaydii ka soobaxday dugsiyada sare ee dalka soomaaliya ayaa ufariistay imtixaan qabuulka ahaa ee ay jaamacada muqdisho ugu tababareyso macalinimo ayna ku qaadanayaan DIPLOMA laba sano ah.

Madaxa qeybta imtixaanaadka jaamacada muqdisho Dr- maxamed xasan nuur ayaa sheegay in 22/06/2010 ay jaamacada muqdisho ay imtixaan ufariisteen boqolaal ardayda dugsiyada sare iyo macaahidyada soo dhameysatay oo lootababarayo macalinimo socondoonta mudo 2 labao sano ah oo ayku qaadan doonaan DIPLOMA Maxamed xasan nuur ayaa sheegay in aysan ahayn tababarkii ugu horeeyey ee ay jaamacadu uqabato macalimiinta, iyadoo qaban jirtay siminaaro,dowraad iyo tababaro ceynkaan ah laakiin uukan kaga duwanyahay mudada uusocondoona oo la kor dhiyey markii la,arkay baahiyo jira.

Dhanka kale waxaa kormeer kutegay xarumaha ay ka dhacayeen imtixaanaadkan gudoomiyaha jaamacada muqdisho Dr-cali sheikh axmed abuubakar isaga oo ardada ku booriyey inay muujiyaan da daal dheeri ah sabab too ah waxaad tihiin dad loo tababarayo macalinimo ayna fahmaan yoolka ay hiigsanayaan .
Imtixaankan oo isugu jiray mid qoraal iyo oral waxa uuna ku soogabagaboobay jawi farxadleh oo wanaagsan.

C/NAASIR YUUSUF MACALIN
Cnaasir114@hotmail.com
XAFIISKA WARFAAFINTA JAAMACADA MUQDISHO
MUQDISHO-SOMALIA

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.