Home » Maqaallo »

Xuuraan: Koob Asayle | Saxansoxo

Kaliga Asayle ee Sablaale gobolka Shabeelada Hoose waxaa foorara si saf ah boqolaal rag Soomaaliyeed ah, waxaa dushooda ku dul socda askar Gumeysiga Talyaaniga iyagoo sidii buundo ugu dul talaabaya kaliga.

Arrintani waxay dhacday nus qarni ka hor, waxaana halkaasi ku dhintey rag baddan oo Soomaaliyeed oo biyaha ku haftey, waxaa meeshaasi loogu magac dara Kaligii Asayle, sababtoo ah dumar baddan ayaa dartiis asaay u qaadey.

Raadadka uu gumeysigii Talyaaniga kaga tagay Soomaaliya ma ahan oo kaliya Kaligii Asayle, ee waxaa ka mid ah ciyaarta Kubbada Cagta oo nus qarni kadib asaay u saareysa Dumar baddan oo Soomaaliyeed isla markaasina qoysas baddan dumineysa.

Waxaa laga yiri “afeef hore lahoow, ama adeysi dambe lahoow”, Qormadani oo aan ku qaadaa dhigi doono koobka Aduunka ee kubbada cagta iyo daawashadiisa, marnaba looma qaadan karro in aan ku weerarayo qeyb ka mid ah bulshada oo ah dhalinta daawata ciyaaraha, mise aan kaga soo horjeedo go’aanada koonfurta looga mabnuucey daawashada ciyaaraha, waxaan ka eegi doonaa xagal kasta oo suurtagal ah si dhexdhexaad ah, anigoo soo gunti doona gunaanadka ugu macquulsan, intaasina waa iga afeef.

Waxaa xusid mudan in qormadani uu igu dhiirigaliyey aqriste ku nool dalka Maraykanka oo fariim iisoo qorey kaasoo lagu magacaabo Murshid Sayid, Murshid oo ah dadka sida weyn u xiiseeya ciyaaraha ayaa fariintiisa iigu sheegey in xaaskiisa uu ka dhaadhiciyey waagii ay isguursanayeen in marka ay dhacayaan ciyaaraha waaweyn ay u diyaargaroowdo in guriga ay yimaadaan marti qeeylo badan, iyo in ay suurtogal tahay in guriga kasoon daaho.

Sababta uu sidaasi u yeeleyna wuxuu iigu sheegey in ay sahlantahay in lamaanaha ay heshiisyo kala saxiixdaan kuna dhaqmaan marka koowaad ee ay aqal galayaan, taasina ay yareyneyso khilaafka qoyska ee dib kasoo baxa marka lasoo gaaro bishan oo kale.

Walwalka Murshid waxaa la wadaaga inta baddan raga Soomaaliyeed ee qoysaska leh, isla markaasina daawada ciyaaraha, marka ay timaado guryaha aysan dhalooyinka oolin xaalku waa kasii daranyahay oo waxay sababaysaa in ragu ay guryaha usoo hoydaan seq dhexe habeenkii oo aad fahmi karto dhibka ay taasi ku qabi karaan dumarka reeraha leh.

Dhawaan sida ay qortey saxaafada, magaalada Rasntanburg ee dalka Koonfur Afrika koox haween ah oo dalkaasi u dhashay ayaa shir balaaran isugu yimid, si ay uga wada hadlaan maareynta qoysaskooda iyo sidii ay uga badbaadin lahaayeen burbur ku yimaada, waxa ay wadaageen tabbo iyo talooyin maangal ah oo ay xaalada ku maareeyaan. Halkaasi waxaad ka fahmi kartaa in xaalada aysan ku koobneyn Soomaalida.

Caadi ahaan haween kubbada ma jecla, waxay daawadaan musassalaadka iyo aflaanta Taleeshinada ka baxa, haddii filim musalsal ah iyo kubbada ay isku soo aado waxaa guriga ka dhalana khilaaf weyn oo rimuutka ayaa la’isku qabsanayaa.

Dumarka waxa ay u tahay in muddo bil ah ay asaayo u saarantahay ninkoodii oo nool sababtoo ah maba ahan nin miyir leh, reerka kama warhayo, maankiisa waxaa ka guuxaya goolka dhashay, kooxda baxdey, tan barmoostey iyo tan koobka qaadey, garsooraha gefka ku galay firimbiga, ciyaartooyga lumiyey fursad gool loo filan karay iyo waxyaalo la mid ah.

Kama fikirayo cusbada guiga ka dhamaatey, ilmaha xanuunsaday iyo sodohdiis oo guriga booqasho ku timid.

Inta aan ka warhayo Soomaaliya waligeed uma aysan safan koobka kubbada cagta aduunka oo taariikh ahaan jirsaday 80 sanno tan iyo intii la bilaabey, laakiin taasi micnaheedu ma ahan in Soomaaliya aysan ahay qaran ku xeeldheer ciyaaraha kubbada.

Run ahaantii Kubbada cagta waa ciyaarta koowaad ee rasmiyan uga dhaqangashay Soomaaliya, waxaana jirey tartamadii gobolada in dalka oo dhan laga taageeri jirrey, xitaa iyadoo gobolada qaar ay dagaalo iyo duqeymo ka socdaan ayaa waxaa socon jirey tartan kooxo goboladaasi matalaya ay ciyaaraha ka qeybgali jireen, waxaadna xasuusan kartaa heestii Saado Cali ee ahayd “Been abuurka gobolada, Boorama iyo hargeysa, Burno iyo Sanaag, Buuhoodle Mudug iyo Baladweyne yaa tagay, Banaadir waaba joognee, Baydhabo Kismaayo, Yaa soo baarey arrimaha yaa soo Baarey”. Waxay heestu dureysay in gobolo ay dagaalo ka jiraan, gaar ahaan waqooyiga aysan ka jiri karin kooxo u tartamaha kubbada cagta.

Hase yeeshee si kasta oo loo ciyaari jirrey kubbada markasta waxaa ka badnaa inta la daawdo, gaar ahaan tan iyo burburkii, 10 kii dhalinyaro ah oo kaa hor yimaado 8 kamid ah ayaa ku waalan daawashada kubbada cagta, 5 ka mid ahna qubarro ayay ku yihiin aqoonta kooxaha Yurub ka dheela iyo taariikhdooda, 2 ka mid ah waxay leeyihiin naaneeso magacoodii rasmiga ahaa badalay oo ah magaca ciyaartooy Galbeedka ka dheela, kuuma sheegi karraan haddii aad weeydiiso ninkii dilley gaalkii ingiriiska ahaa ee astaameynayay xuduud beenaada Soomaaliya iyo Ethiopia, kamana warhayo in ardaydi dugsigii Gabileey oo uu ka mid ahaa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ay mudaaharaad ku qaadeen calaamadinta xuduudaasi, laakiin waxa uu si aan hakasho lahayn kuugu sheegi karaa inta daawadayaal ee ay qaadaan gagooyinka ciyaaraha Sansiiro( Rome) iyo Wembilli (London).

Laakiin sabab macquul ah ayay u heystaan daawashada ciyaaraha, gaar ahaan dhalinta koobfurta ku nool, bal ii sheeg ninka dhalinyarada ah ee shaqo la’aanta ah, waxbarasho la’aanta ah muxuu samayn lahaa? Qori inta uu qaato miyuu dadka dhici lahaa, mise kabarada ayuu qaad la fariisan lahaa? mise habar kuuleey ayuu toobi lahaa?.

Dhalinyaronimadu waa dareen layaab leh, waxaa qofka hor ordaya hamiyo sidii biriqda u xawaareynayo oo uu doonayo in uu soo haabto, hadaanan laga taxadarin ama la caburiyo hamigiisa waxaa suurogal ah in uu qarka ka dhaco.

Madadaalada kubbada cagta waxay dadka qaarkood ku tilmaamaan in ay tahay rakada kaliya ee la leeyahay in dhalinta ka badbaado tahluukooyin baddan.

Dhawaan koonfurta waxaa laga mabnuucey daawashada, taasi sax iyo khalad midka ay tahay waxay ku xirantahay hadba qofka aad weeydiiso aragtidiisa, laakiin waxaan hubaa in aanan marnaba loo qiilsamayn karin in qof naftiisa loo goooyo “kubbad ayuu daawanayay” sidaba ka dhacday Afgooye oo lagu dilley 2 dhalinyaro ah, marka aad nin dhalinyaro ah u disho kubbad ayuu daawanayay maxaad rabtaa in aad ku garaacdo, maxaadse rabtaa in aad ku canaanato, maxaadse ka rabtaa in aad ka waaniso?

Macalinkeenii dugsiga waa nagu garaaci jirey ciyaarista kubbada cagta, waxaanan xasuustaa murti aanan waligeey hilmaamin oo uu yiri “kumaa ka caqli xun nin wax uu isaga laaday hadana ka daba ordaya oo ku daalaya gaaristeeda?”, Sheekh Maxamed Cusmaan Caruus oo ah Xisbul Islaam waxa dhawaan laga soo xigtey in uu yiri “Ragaasi waalwaalan ee kor iyo hoos u boodboodaya daawashadooda waxbo ka faa’iidi maayaan” , farqiga u dhaxeeya labbadani nin waa in macalinkeeniina uu nagu uleyn jirey ciyaarteeda, halka Caruus uu nagu tacshiiradeynayo daawashadeeda oo nagu dilayo. Macalinka wuxuu na barayay Qur’aanka, Caruus wuxuu na barayaa qoriga.

Jacaylka ay dadka u qabaan daawashada ciyaaha waligiisba wuxuu ahaa mid sareeya, dadka reer Kismaayo waxaa lagu xantaa in inta baaf biyo kusoo shubtaan halkaasi ciyaaraha ka daawan jirey sidii dhalo, iyagoo isticmaalaya cilmiga sixirka, xiligaasi waxay ahayd todobaatameeyadii dadku meeysan heeysan dhalooyin, waxayna iska ahayd dacaayad reer Banaadirka ay ku dhaleeceyn jireen reer Jubooyinka oo xagga kubbada ku dheereyey.

Waxaan qabaa in dadka laga reebo daawashada ciyaaraha waa xili daahsan, halisteedana leh, waxaa haboon in lala yimaado aragtiyo kale oo lagu saameynayo quluubta dhalinta, sida in la qabanqaabiyo tartamo waaweyn oo ciyaaraha nooc kasta ah, lana dhiiro galiyo taageerista ciyaartooyga Soomaalida ah, iyadoo munaasabadahaasi loo isticmaalayo wacyigalin kale oo ka xeeldheer ciyaaraha.

Dadka ciyaaraha ku waalan waxaa haboon in ay hakameeyaan jaceylkooda, waxkastana ku saleeyaan faa’idada shaqsiyan kasoo galaysa, gaar ahaan in ay ka hortagaan in dhibaatada kasoo gaareysa ay yareeyaan tusaale ahaan dadka xaasaska leh.

Waxaad ogaataa in FIFA 3 bilyan oo doolar ka macaasheyso ciyaaraha, ciyaartooy kastana uu ka helayo dhaqaalo noloshiisa oo dhan ku fillan, adiga oo daawade ah oo shaqo la’aan ah, aanan heysan qarashkii jaamacada ama Kuleejka, sideed u aqbalaysaa in ay dhibatao kaasoo gaarto daawashadeeda adigoo og in aysan faa’iido kaasoo gaareyn, waxaa kaaga haboon in aad is waafajiso daawashada kubbada iyo danahaaga gaarka ah oo aad ka shaqeeyso sidii aad isugu keeni lahayd.

W/Q: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo),

Email: saxansoxo1@hotmail.com

Xuuraan: Qormo joogto ah oo laffo-gur iyo Fallanqeyn ah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.