Home » Warar »

Natiijdii Imtixaanka Simisterka Labaad ee Sannad Dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Muqdisho oo soo baxday

Waxaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 21/06/2010 si rasmi ah usoo baxday natiijadii imtixaankii ugu danbeeyey ee simisterka labaad ee dhamaan kuliyadaha jaamacadda muqdisho sanad waxbarashadeedka 2009-2010.

Kulan ay soo xaadireen golaha akaadeemiyada jaamacada laguna ansaxinayey natiijada imtixaanaadka simisterka labaad uuna ka sooqeybgalay gudoomiyaha jaamacada muqdisho Dr-cali sheikh axmed abuubakar ayaa waxay ku ansixiyeen natiijada imtixaanka simisterka labaad oo ay soo gudbiyeen Qeybta imtixaanaadka jaamacada

Ka dib soo bandhigii natiijada imtixaanka ayaa waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha jaamacada muqdisho oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay maqsuudna uu kayahay natiijadan wanaagsan ee soobaxday isagoo umahadceliyey qeybta imtixaanaadka jaamacada muqdisho iyo hormuudyada kuliyadaha iyo guud ahaan arimaha akaadeemiyada sida wanaaga leh ee ay ugu howlgaleen ka shaqeynta imtixaanka iyo ku soo gudbintiisa xilligii loogu talagalay.

Dhanka kale munaasabada soo dhajinta imtixaanka oo ay aad usagayeen ardada jaamacada ayaa si farxadi ku dheehantahay ugu dareeray xarumihii waxbarashada boorarkii imtixaanka lagu soo bandhigay iyadoo uu halkaas ka eegayo qofwalba natiijadii uuka gaaray da daalkiisa wax barasho ee simisterka labaad .

Sanadkaan ayaa waxa uu ku soogabagaboobay jawi aad uwanaagsan iyadoo ardada ay aad ugu faraxsanyihiin sida ilaahay ugu fududeeyey.

Dhanka kale waxaa iyagana Qalinjebiyey uuna udhamaaday qaarkamid ah ardada dhigata kuliyadaha kalagedisan iyagoo qaadanaya shahaadadoodii ay4 afarta sano usoohalgamayeen iyagoo diyaariyey buugii loogu talagalay aadna ugu faraxsan iyagoo dalkooda hooya jooga ay waxbarasho helleen.

C/NAASIR YUUSUF MACALIN

QEYBTA WARFAAFINTA JAAMACADA MUQDISHO

MUQDISHO SOMALIA

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Natiijdii Imtixaanka Simisterka Labaad ee Sannad Dugsiyeedka 2009-2010 ee Jaamacadda Muqdisho oo soo baxday "

  1. Jaamac says:

    Aad ayaan ugu faraxsanahay sida wacan ayey ardayda u dadaaleen ayagoo ku jira jawi naxdin leh.
    laakiin sawiradda madaxda jaamacadda lee ka muuqadee aaway ardaydii.