Home » Warar »

In ka badan 200-qoys Barakacayaal Soomaaliyeed ah oo loo qeybiyay Bacyaal ay ka galaan Roobabka iyo Qorraxda

In ka badan 200-qoys oo barakacayaal ah kana qaxay magaalada Muqdisho kaddib markii ay u adkeysan waayeen dagaalada joogtada ah ee maalin walba ka soconaya magaalada Muqdisho oo xilligan degaanka Ceel Cirfiid ee gobolka Sh/dhexe ayaa la gaarsiiyay bacyaal ay ka galaan roobka iyo qorraxda.

Gabdhaha Jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqan Dalka Sweden Gaar ahaana magaalada Gottonbeg ayaa waxay ugu deeqeen qoysaskaasi lacag dhan 2000$ oo ay ugu tala galeen in qoysaskaas loogu iibiyo bacayaal si ay uga hoos galaan roobka, qorraxda iyo dhaxanta, kuwaasoo haatan ay ku heysato degaanada ay ku nool yihiin duruufo aad u adag oo isugu jira nolol xumo, caafimaad darri, hoy la’aan iyo guud ahaan arrimaha asaasiga u ah nolosha bani’aadamka.
Deeqda ay ku bixiyeen gabdhaha jaaliyadda Soomaalida Sweden gaar ahaan magaalada Gottenberg ayaa waxay ahayd mid ay si weyn ugu baahnaayeen qoysaska barakacayaasha ee xilligan ku sugan degaanka Ceel Cirfiid, iyadoo inta ka faa’iideysatay iyo inta harsan ay ka badan yihiin qoysaskii helay bacayaashaasi.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Gabdhaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Sweden gaar ahaana Magaladda Gottonbeg oo soo gaarsiiyay lacagta dhan $2000 Dollar, ayaa waxay u soo wakiisheen maxamuud xasan Cumar {aduunyo} oo ah wakiilka websidka Calayaale.com, iyadoo qoysaskaasi loo gaarsiiyay sida ugu dhaqsiyaha badan maadaama lagu jiro xilli roobaad, waxaana bacayaasha la guddoonsiiyay qoysas guryahooda ka sameysan Buushash aysan saarneynin wax baco ah, iyadoo loo eegay sida ay u kala daran yihiin, waxaana soo baxday inaysan ku filneyn kaalmo hal mar ah, maadaama maalinba maalinta ka dambeysa ay ku sii badanayaan degaanadaasi.

Guddoomiyaha degaanka Ceel Cirfiid ninka lagu magacaabo Xasan Sakaay iyo howlwadeenno kale oo ka tirsan degaankaas ayaa waxay si weyn uga mahad celiyeen deeqdaasi wax ku oolka ah ee la gaarsiiyay qoysaska barakacayaasha ah ee haatan yaalla ceel Cirfiid, iyadoo guud ahaan u mahad celiyay Gabdhaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden Marwo Xaliimo Abuukar Axmed iyo Khadra Calasow, iyadoo si gaar ah ugu mahad celiyay Marwo Khadra Calasow doorka muuqda oo ay ka qaadatay iyo is xilqaanka dheeriga ah oo ay isaga xilsaartay sidii deeqdaan loo soo gaarsiin lahaa barakacayaasha ku tabaaleysan degaanka Ceel Cirfiid.

Sidoo kale waxay baaq degdeg ah u jeediyeen jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa, inay gurmad sidaan oo kale la soo gaaraan qoysas fara badan oo ku dhibaateysan degaanada Ceel Cirfiid, Calyaale, Ceel Muuri ilaa degaanka Guddo Yarey iyo Guddo weyn, waxayna sheegeen guddigu inay jirto nafaqa darri iyo nolol xumo la soo deristay caruurta iyo dadka da’da ah ee ku nool degaanadaasi.

Ma aha markii ugu horeysay oo gabdhaha Soomaaliyeed ee jaaliyadda Sweden ay soo gaarsiiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudihiisa, iyadoo marar badan horay u soo gaarsiiyay gargaar kan la mid ah, waxaana mar kale laga codsaday inay sii laba laabaan dadaalkooda ku aadan samatabixinta walaalahooda ku dhibaateysan dalka gudihiisa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Doorashadii Hogaanka Sare Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee Suudaan oo ku beegan..

25ka bishaan oo ku beegan maalinta jimcaha ayaa lagu wadaa in ay qabsoomi rabto doorashada hogaanka sare ee ururka ardeyda soomaaliyeed ee maqarkiisu yahay wadanka sudan,taasoo in badan uu hakad ku yimid.

Xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashada ayaa tilmaamay in ruux walba oo doonaya inuu qabto hogaanka ururka uu markaasi isasoo sharaxi karo,inkastoo uu carabka ku dhuftay in laga rabo inuu soo dhameestiro sharuudaha looga baahan yahay musharaxa.

Murashaxiin badan oo isusoo taagay inay qabtaan hogaanka sare ee ururka ayaa iminka olole xoogan ugu jiraan sidii uu mid waliba ku gulaysan lahaa,waxaana magaalada khartoum oo xarun u ah wadanka sudan laga dareemaya hadal heynta cida ku haboon inay qabato hogaanka ururka ardeyda soomaaliyeed.

Mid ka mid ah murashaxiinta isasoo taagtay in ay qabtaan hogaanka ururka oo aan kula kulmay safaarada soomaaliya ay ku leedahay wadanka sudan ayaa ii sheegay inuu rajo aad u buuran uu ka qabo inuu ku guuleysto dorashada jimcaha soo socota dhici rabta,islamarkaana howl iyo wax qabad fican uu la imaan doono waa sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba ha ahaatee waqti un ayaa inaga xiga maalinta jimcaha,waxaana lawada sugaya cida ku guuleysan karta hogaanka sare ee ururka ardeyda soomaaliyeed ee sudan.

Wariye Axmed Shariif C/llaahi{Axmed Cdde}
E-mail:cadde23@hotmail.com
Khartoum/sudan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.