Home » Warar »

Baladwayne: HARO oo 100 Qoys gaarsiiyay deeq isugu jirta Raashin iyo Baco…

Xerrada lagu magacaabo Alla Aamin oo ku taala duleedka Xaafadaha Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne waxaa ay ka mid tahay Xeryaha ay ku jiraan Qoysaska ugu badan ee ku barakacay gudaha Goballka Hiiraan kadib markii ay uga soo tageen deegaannada ay ku noolaayeen daruufo dhinaca nolasha ah ee la soo darsay.

Hadaba iyada oo taa lagu duulayo ayaa waxaa markii ugu horeysay Qoysaska ku jirra Xerada Alla Aamin oo gaaraya ilaa 100 Qoys gaarsiiyay deeq isugu jirta Raashin iyo Baco NGO Maxli ah oo lagu magacaabo HARO kaasoo ka hor inta uusan qeybin raashin-ka qiimeyn guud ku sameeyay daruufaha guud ahaan heysta Qoysaska barakacayaasha.

Halkan ka daawo Sawiro Dheeraad ah

Wakiilka NGO-ga deeqdan bixiyay oo lagu magacaabo Muxu’yidiin Shiikh Ibraahim Aamiin ayaa sheegay in Qoyskiiba la siiyay ilaa 36 Koonbo oo Galey ah iyo waliba 2-liitar oo saliid ah simarkaa ayuu yiri ay uga wada faa’deystaan deeqda dhamaan Qoysaska ku jirra Xerrada, waxaana uu intaa ku darray in sidoo kale ilaa 22 Qoys oo ka mid ah 100 Qoys ee ku jirta xerada la gaarsiiyay Baco ay saartaan guryaha cooshadaha ka sameysan ee ku dhax yaala gudaha Xerada All Aamin.

Muxu’yidiin Shiikh Ibraahim waxaa uu intaa ku darray in ay iska jiraan wali daruufo dhinaca nolasha ah ee heysta Qoysaska barakacayaasha ah, isaga oo intaa sii raaciyay inkastoo ay u aheyn markii ugu horeysay oo ay deeq noocan oo kale ah ay gaarsiiyaan dadka barakacayaasha haddana ay sii wadi doonaan kaalmada ay u fidinayaan Qoysaska ku dhibaateysan daafaha Magaalada.

Qoysaska Barakacayaasha ah ee Xeryaha macmalka ah ka sameytay daafaha Magaalada Beledweyne waxaa ay isugu jiraan kuwo kuwo ka soo barakacay dagaallo, Abaaro, iyo Fatahaado ku dhuftay deegaannadii ay ku noolaayeen, waxaana xusid mudan in bilihii ugu danbeeyay Qoysaskaasi helin kaalmo la taaban karo oo ugu timaada dhinaca Hay’addaha Samafalka marka laga soo tago deeqaha noocan oo kale ah oo ay gaarsiiyaan NGO-da Maxaliga ah.

Waxaa soo tebiyey
ali haji
Email: ahabdinur@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.