Home » Warar »

Heerka nafaqo-darrida oo si aad ah u kordhay gobolka Jubbada Hoose, Soomaaliya

Tirada carruurta nafaqo-darridu hayso ee lagu dawaynayo Cusbitaalka Mareerrey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa si aad ah u soo kordhayey toddobaadyadii la soo dhaafey, ayaa uu yiri ururka caafimaadka ee Medecins Sans Frontieres (MSF).

“MSF hadda waxay ku daawaynaysaa rugteeda nafaqynta carruur bukaan-jiif iyo bukaan-socod isugu jirta oo tiradoodu gaarayso 750 ” ayuu yiri Kaaliyaha Isuduwaha Caafimaadka ee MSF Dr. Sheikhdon, “Intii u dhaxaysay bishii January iyo bishii May ee sanadkan waxaan qaabilnay 1,975 caruur nafaqo-dari ay hayso ,tiradaani waxay ku labanlaabmaysaa tirada carruurtii nafaqo-darridu haysay ee aan dawaynay xilligaan oo kale sannadkii la soo dhaafay ”

Ilaa iyo bartamihii bishii May, daadad ba’an oo ka dhacay guud ahaanba aagaas ayaa baabíyey dalaggii beeraha, barakiciyey dad, ugana sii darey xaaladda hellitaanka daryeelka caafimaad oo horaba aad u liidatay. Musiibadaan ayaa degaanka ugu darsantay dhibaatooyinkii hore u jiray sida abaaraha, rabashadaha iyo nabadgelyo-xumida, adeegyadii caafimaadka oo gebi-ahaanba maqan iyo gargaarka bani’aadamnimada oo awalba aad u koobnaa.

Shaqaalahayaga oo booqday dhawr tuulo oo degaanka ah, ayaa xaqiijiyey in ay jiraan carruur badan oo nafaqo-darro hayso oo ku dhex nool guud ahaan bulshada.Daadadka oo xiray waddoonyinka ayaa aad u adkeeyay isu-socodka. Dadka qaarkood ayaa istacmaalaya doomo yar-yar oo macmal ah si ay ku soo gaaraan cusbitaalka. Saansaanka muuqdaa wuxuu tilmaamayaa xaaladda welwel badan leh.

MSF waxay sameyneysaa wixii karaankeeda ah si ay wax uga qabato baahida sii kordheysa iyada oo qoraysa shaqaale dheeri ah iyo iyada oo dhiseysa teendhooyin si ay u ballaariso goobta dadka lagu daweeyo ee ay buuxdhaafsheen bukaannadu.

“Shaqaalaha MSF ee Marerrey ayaa iyaga oo aan nasan shaqeyneya si ay wax uga qabtaan baahida aadka u ballaaran ee jirta.Hase yeshee, waxaan ka walaacsanahay in dad badan oo uu baahan daryeel caafimaad aysan u suurtagalayn in ay nasoo gaaraan iyo inaga oo aysan duruufuhu inoo saamaxayn in aan iyaga gaarno . Waxaan dib u bilownay adeegyo dadka degaannadooda loogu tagayo, annaga oo adeegyo daryeel gaarsiiney dhawr tuulo. Waxaan rajeyneynaa in aan sii kordhinno adeegyadeenna.” Ayuu ku soo afjaray Dr. Sheikhdon

________________________________________________
MSF Waxay ka fidinaysay daryeel caafimaad oo lacag laáan ah gudaha Soomaaliya ilaa sanadkii 1991-gii. MSF waxa ay leedahay waax bukaan-socod, waax bukaan-jiifka carruurta ah, iyo waax hooyooyinka/haweenka. Shaqaalaha caafimaadku waxay buxiyaan adeegyada cunto ku daweynta iyo quudinta dheeriga ah, qalliin, adeegyada bukaan-socod-eegtada ee daaweynta iyo ka hortagga iyo kuwa daaweynta qaaxada iyo sidoo kale adeegyada ka umulinta, oo ay ku jiraan daryeelka uurreyda iyo umulaha.Sanadkii 2009kii, 35,644 qof ayaa la siiyey la-talin iyo daaweyn lacag la’aan ah, oo ay ka mid ahaayeen 12,756 carruur ay da’doodu ka yar tahay shan jir.1,308 qof ayaa la dhigey Isbitaalka oo lagu daweeyey waxaana 2,882 carruur ahi ay ku heleen daryeel nafaqeyn.

MSF waxay ka wadaa fidinta adeega caafimaad goboladda Banaadir, Bay, Hiiraan, Galgaduud, Jubadda Hoose, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Mudug.Waxaana suurta galiyay 1300 shaqaalaheena somaaliya ku sugan oo ay caawinayaan ku dhowaaad 100 shaqaalaha ku sugan Nairobi.

La xiriir:

Ahmed Dahir Noor,
MSF Somalia information officer,
MSF East & Central Africa Regional Information Office
msf-press-somalia@msf.org
+254733665424.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.