Home » Warar »

Maalinta Carruurta Afrika 16ka Juun

Nolosha Carruurta Soomaaliyeed waa Dowlad la’aan iyo Waalid Danyar ah

Maanta oo kubeegan ama ku asteeysan Maalinta Carruurta Afrika waa maalin taariiq ah balse Dadkii lahaa aysan Awoodi karin ineey Xuquuqdooda uhadla’ aan ama udoodaan maxaa yeelay Carruurta Afrika kunool in tooda badan waxeey kunool yihiin Silac, iyo dhibaato joogta ah .

Carruurta Afrika oo Soomaaliya Crruurta kunool ay kamid yihiin ayaa waxeey laqeeybsanayaan dibaatadaas iyo kuwo iyaga ugaar ah oo aaneey jirin cid udiir naxeeysa cxarruurta Afrika gaar ahaan kuwa soo maaliaya hadaba haddii aan isweeydiino micnaha carruur ama aan sikale udhigno oo aan dhahno waamaxay Carruur? waxeeyno qoneeysaa jawaabta su’aashaas laga soo bilaabo waqtiga dhalashada ilaa laga gaaro waqtiga qaangaarka.

Xuquuqda kamaqan Carruurta Afrika.

1- Carruurta Afrika maheeystaan waxbarasho tayeeysan
2-Carruurta Afrika maheeystaan xarumo caafimaad
3-Carruurta Afrika maheeystaan cunto nafaqeeysan
4-Carruurta Afrika maheeystaan Amaan ama Nabadgelyo
5-Carruurta Afrka maheeystaan Biyo Nadiif ah.

Arimahan dhamaantood Dalka soomaaliya oo aan joogno waxa uu kala midyahay Afrikada kale ee aan kamid nahay balse waxaan dheer nahay Arimaha nabadgelyada oo aan la’anahay muddo dhan 20sano Dowlad dhexe oo dalka wada xukunta soo na celisa amaanka iyo kala danbeeynta Carruurtana siisa xuquuqdooda Aas-Aasiga ah mana jirto dowladahii dalkan soo maray mi ogo laatay ama saxiixday heshiiskii caalamiga ahaa ee dhowrista

Xuquuqda Carruurta.

waxaan ugu baaqeeynaa dhamaan shacabka soomaaliyeed ineey uguntadaan sidii waxloobari lahaa ubadka soo maaliyeed ee danyarta ah ee aan awooda ulaheeyn ineey carruurtooda waxbartaan sida carruurta kale ee deriskooda ah ,oo carruurtooda ay waxbartaan ilaa heer jaamacadeed taas oo keeni karta in carruurtaas ,ay cuqdad isku qaadaan madaama meesha ay kamuuqato nidaam dabaqaad ah, waa in aan ku dadaalnaa sidii looga hortegi lahaa nidaamkaas aan kuwanaag saneeyn bulshada dhexdeeda iyo sharciga caalamiga ah ee dhowrista Xuquuqda Carruureta iyo shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban ee bulshada soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan ugubaaqeeynaa beesha caalamka ineey laba laabaan wax uqabashada carruurta Afrika Gaar ahaan Carruurta Soomaaliyeed maadaama aaneey jirin nidaam utaagan ineey wax uqabtaa Carruurta ku dayacan gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan scz.

Besregards
Chairman Of Pasos.
Mohamed Jumale Ali.
Cellphon+252-1-5671427/5532729.- Mogadishu Somalia .
Cellphon +254-722 398986. Nairobi ,Kenya.
P.O.Box:-71637-00622,Juja-Road Eastleigh. Nairobi, Kenya.
www.passomali.org,passo97@hotmail.com,passo97@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.