Home » Maqaallo »

Lakulankaygii Ayaan Xirsi | Qore: Farah Aw-Osman

Qof aan asxaabnahay ayaa igu casumay kulan ka dhacay Magaaladda aan ku dhaqanahay ee Ottawa, kulankaas oo ahaa goob ay Ayaan Xirsi Cali kajeedinaysay hadal kusaabsan aragtideeda ku aadan Islaamka iyo weliba iyadoo soo bandhigaysay buug cusub oo ay qortay kaas oo loogu yeero (Nomad) ama reer-guuraa.  Hadaba,   Intii aanan aqbalin casuumada ayaan su’aalo badan isweydiiyay, sida: Waatuma Ayaan Xirsi?  Maxay ka hadli doontaa?  Maxaanse ka soo faa’iidayaa ama ka soo kororsanayaa hadaan tago kulankaasi?

Aqoonta aan u lahaa Ayaan runtii waxay ahayd min kooban, badanaana marjaca aqooneed ee aan Ayaan ulahaa waa mid ku koobnaa oo keliya macluumaadka aan ka akhriyay Saxaafadda Caalamka, iyo Mida Soomaaliyeedba.  Buugta ay qortay Ayaan sida (Infidel) Gaal, iyo (Nomad) Reer-guuraa qof akhriyay maan ahayn, kafool kafoolna warkiisaba daa.

Waxaanse nasiib u yeeshay inaan Magaalada Dubai iyo Boosaasoba nolol kula kulmo Alla u naxariistee Aqoonyahan Xirsi Magac Ciise oo ahaa aabihii Ayaan.  Aragtida ka sokoowna waxaan anigoo kuray ah dhagaysan jiray duruustii tacliimeed ee uu Xirsi ka soo dayn jiray Raadiyaha Kulmis, gaar ahaan barnaamijkiisii Laaska Daawadda.  Xirsi wuxuu ahaa aqoonyahan, siyaasi, iyo wadani ruug cadaa ah, kaas oo ay agtiisa aad ugu waynayd Mabaadida Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliguba.  Waxuu kaloo Xirsi ku caan ahaa aqoonta Luqadaha gaar ahaan fartii Cusmaaniyada iyo Mida Soomaaliga oo uu aad u jeclaan jiray in eray kasta oo afqalaad ah oo aan eray bixin loohayn inuu Soomaaliyeeyo, sida: Haashtariig (ashtray), oo uu ugu yeeri jiray (Dambas Qaad), Saacada oo uu ugu yeeri jiray (Goorayso) iwm….

Waxaan kaloo aad uga dharagsanaa Ayaan iyo ka bixitaankeeda diinta Islaamka iyo weliba Aflagaadada aan kala go’a lahayn ee ay ku hayso caqiidada, mabaadidi iyo dhaqanka Islaamka taas oo meelka dhac ku ah 1.6 Bilyan oo qof oo ku abrisada Caqiidada Islaamka.  Hadaba dood dheer kadib, naftaydu waxay igu qancisay inaan casuumada aqbalo, anigoo istusay inay haboontahay inta la iiga sheekayn-lahaa inaan dhagahayga ku soo maqlo, indhahaygana ku soo arko Ayaan iyo ololaha ay wado intaba si aan uga salgaaro hadaafteeda, u ogaado waxa ku kelifay cadaawada iyo dagaalka Islaamka ka dhanka.  Nabigeena Suuban Nabadgelyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee waxaa laga weriyey:  “Laysal Khabaru kal Mucayanah” oo micnaheedu tahay “war laguu soo tabiyay la mid ma’aha waxaad indhaha saartay”, sidaa awgeed inaan ka soo salgaadho Ayaan oo ilayn Ishu iyadaa macalin ahe inaan goobta tago ayaan goostay.

Kulankii Ayaan iyo Habeenkii Khamiista

Waxaan goobtii kulanka tagay 7 fiidnimo ee June 10,2010.  Intii aanan gudaha kulanka gelinba waxaan dibada kula kulmay Askar labisan iyo kuwo dharcad ah oo sugayay amaanka goobta.  Waxaan xaga danbe ka istaagay saf dheer, waxyar kadib ayaa islaan iga horaysay igu tiri tigidh ma haysataa , waxaan idhi haa, kadib waxay igu wargelisay in safkaani yahay mid loogu tala galay dadka aan tigidhada haysan.  Dabadeed waxaan ka baxay safkii anigoo toos u abaaray iridii Mayfair Theatre oo ahayd goobtii kulanku ka dhacayay.  Hadaan guddaha ugalay tiyaatarkii waxaan la kulmay goob dad la ciirciiraysa oo aan kursi la fariistoba lahayn.  Hadaan doon doonay kursi aan salka dhigo, waxaa ishaydu ku dhacday kuraas banaan nasiibdarose xaga danbe oo ugu koraysa tiyaatarku ku taal.  Goobtii hadaan fariistay waxaa dareemay inaan aad uga fogahay aragtida iyo il ka buuxsashada Ayaan.  Dabadeed waxaan isku dayay inaan kursi ka helo safafka hore, nasiib wanaag waxaan arkay saaxiibkay oo helay labo kursi oo xaga hore oo bidix ah, kana banaan safka labaad.

Wax yar kadib markaan salka dhulka dhigay ayaan jaleecooday wajiyadda dadka gollaha soo buuxdhaafiyay una yimid inay Ayaan dhagaystaan, mise waa wajiyo wada cad oo d’a walba leh, wax madow ah waxaa ishaydu ku dhacday labo nin, wax Muslim ah ama Soomaali ah oo aan ka ahayn aniga iyo Saaxiibkay goobta kumaan arag.   Hadaan ka fakaray sababta ay taasi ku dhacday waxaa iisoo baxday:

  • Maadaama ururka abaabulay kulanka uu yahay Ottawa Writers Festival, waxaan dareemay dadka meesha soo buuxiyay inay yihiin dad Ayaan buugteeda akhriyay, una yimid inay qof ahaan ula kulmaan
  • Waxaa kale oo aan dareemay in maadaama Muslimiintu guud ahaan , gaar ahaana mushtamaca Soomaalidu ay hore u maqleen ugana dhargeen Ayaan iyo aragtideeda inay doorbideen inaysan goobta imaan ilayn war la qabo xiiso malaha’e.

Wax yar hadaan goobtii fadhiyay waxaa soo galay rag ka tirsan ciidanka nabadsugida kuwaas oo isku hareereeyay goobtii ay fariisan lahayd Ayaan, waxay kaloo dhigeen ciidan la darays qaba oo ka tirsan Booliska Magaalada Ottawa dhamaan irridaha laga soo garo qaacadii aan fadhinay.  Inyar ka dib waxaa soo galay nin iyo haweenay aan u maleeyay inay ahaayeen gacan yarayaasha Ayaan kuwaas oo fariistay labo kursi oo naga horeeyay oo loo sii xajiyay.

Hadii iridii la furay waxaa goobtii soo galay Ayaan Xirsi kolkaas ayaa dadkii goobta wada joogay istaageen oo sacab iyo sawaxan gollahii isqabsaday.  Ayaan waxay fariisatay kursi aan sidaas nooga fogay, kadibna soo jaleecday xagii aan fadhinay aniga iyo saaxiibkay iyadoo muusoonaysa.  Waxaa hadalkii furay masuulkii Writers Festival isagoo ka hadlay dadka qoraaga ah ee sanadkaan lagu casumay Festival-ka kuna soo dhaweeyay Ayaan Ottawa, wuxuu makarafoonku ku soo dhaweeyay wariyaha ka tirsan Idaacada CBC Ottawa waa Lucy van Oldenbarneveld, haday ka yara sheekaysay taariikhda Ayaan waxay kadib ku soo dhawaysay makarafoonka Ayaan.

Ayaan waxay qadar labaatay daqiiqo ah akhriday cutub ka tirsay buugeeda cusub ee Nomad.  Buugaas oo ay ku tilmaantay mid sheekadii buugeedii hore ee Infidel sii wadaya.  Waxay tilmaantay in ay buugga u kala qaybisay afar qaybood oo kala ah: sheekada qoyskeeda, Waxa ka khaldan Islaamka , Lacagta iyo cudub ay tiri xal ayaan ku soo dhiraan dhiriyay.

Cutubkii dhaqaalaha ama lacagta ayay qadar 20 daqiiqadood ah noo akhriday.  Cudubkaas waxay kaga hadlaysay concept ama aragtida dhaqaalaha ee Islaamka iyo reer Galbeedku kala qabaan, gaar ahaan waxay sawirtay sawir aan oran karo aad ayuu mugdi u ahaa kaas oo ay ku tilmaantay khibradeedii qaxootinimo ee Holland.

Waxay ka soo sheekaysay nolosheedii xeryaha qaxootiga ee Holland, sida ay ku heshay sharciga, markii ugu horaysay ee la siiyo guri ay degto, lacagtii ugu badnayd ee gacanteeda soo gasha oo ahayd 5000 oo gildar.

Runtii waxaan aad ula yaabay sawirka khaldan oo ay Ayaan ka bixinayso Islaamka iyo mabaadida dhaqan dhaqaale, sidoo kale nolosha aadka u khaldan ee ay ka bixisay Haweenka Soomaaliyeed.  Waxyaalihii iigu yaabka badnaa ee ay ka hadashay waxaa ka mid ahaa:

  • Inay tiri maadaama aan dumar ahay lacagna aysan gacantayda soogeli jirin lacagtii iigu badnayd ama aan arko waa dayntii xafiiska caydha i siisay si aan guriga qalab ugu dhigto
  • Markii social worker-ku iwaydiiyay inaan wax lacag ah oo “Saving” ah haysto waxaan ugu jawaabay bay tiri waa maxay “saving”?, waxay igu tiri bay tiri waa lacag aad meel dhigatay si aad hadhow u isticmaasho, waxay  tiri waa markii igu horaysay ee concept ama figrada ama micnaha saving aan maqlo ama fahmo, waxaan arki jiray oo keliya bay tiri ayayday oo lacagta hooyaday ama aabahaysiiyo ku qarsata barkinta.
  • Waxay kaloo tiri lacagtii markaan qaatay ayaan waxaan la tegay dukaan lagu iibiyo Kaarbadada iyo daahyada waxaana lacagtii oo dhan marka laga reebo 400 oo Gildar ku soo iibsaday labadaas shay.  Waxaa iitimid gabar ibari jirtay afka oo Holandees ah waxayna aragtay guri qaawan oo aan sariir, kuraas, TV iyo maacuun midna oolin waxayna la yaabtay bay tiri jahliga ihaysta.  (waxay si shucuur leh dadka ugu gudbinaysay adoonsiga dumarku ku jiraan, iyo sida aan lacag inay gacantooda gasho loogu ogolaan jirin, xornimo ay wax ku kala ogaan karaana u heli jirin qaxootinimada iyo nolosha macaan ee Qaxootinimada Yurub ka hor)
  • Waxay kaloo aad uga hadashay sida ay Soomaalidii Holland ku noolayd lacagaha daynta ah ee ay caydhu siiso iyo lacago ay Credit Cards ka xoqdeenba ugu diri jireen Kenya si eheladooda loogu soo tahriibiyo Yurub, iyadoo tiri kadib markaan luqada bartay oo aan turjubaan noqday waxaan go’aansaday inaan xiriirka u jaro dadkaan iyaga ah, iyadoo tiri lamaan hadli jirin Soomaalida marka laga reebo kuwa aan u turjubaanayo mooyee.

Markii ay dhamaysay akhrintee buugeeda ayaa waxaa la guda galay waraysi dhex maray iyada iyo wariyihii.

Su’aalaha la waydiiyay waxaa ka mid ahaa:

  • Sidee baa adigoo ka dhex baxay Islaamkii u doonaysaa inaad isbadal ku samayso?
  • Maxaa kugu kalifay inaad ka baxdo Islaamka, goorma ayayse figradaasi kugu dhalatay?
  • Dadka kaa soo horjeeda waxay leeyihiin Ayaan waxay dhagaha dadka Cadaanka ah ee dhaqan ama dabaqada dhexe ah maqashiisaa waxa ay jecelyihiin in dhagahoodu maqlaan, sidaa awgeed dhagaystayaashada iyo akhristayaashaadu waa kuwaas oo keliya soo maaha?

Waxay Ayaan sawirtay sawir sakhiif ah oo aad mugdi iyo naxdin u leh oo ku aadan Islaamka, iyadoo ka hadashay in adoonsi lagu hayo dumarka, in Islaamku khatar ku yahay jiritaanka aadanaha.  Silicii ay hooyaday iyo ayayday ku jireen ayaa igu kalifay inaan islaamka ka baxo anigoo go’aansaday inaanan iyagoo kale noqon, waxay tiri hooyaday waxay ii diiday inaan iskuul dhigto meesha aabahay uu ii dagaalamay.  Waxay kaloo tilmaantay inay 1991 xero qaxooti ee ku taala xuduuda Kenya iyo Soomaaliya kulana kulantay gabar Soomaaliyeed oo ay Askarta Kenyaatigu kufsadeen dabadeedna dadkii xeradu ka kala carareen kaligeedna ay meel cidlo ah deganayd, halkaas oo ay silic ugu dhimatay.

Waxyaalihii Ayaan ay ku hadashay waxaa ugu yaabka badnaa markii la yiri maxaa xal ah, waxay ku jawaabtay oo buugeeda Nomad na ku qoran in ay tiri dadka Kirishataanka ah waxaan u soo jeedinayaa inaad tagtaan xaafadaha Muslimku ku noolyahay oo aad ku dadaashaan inaad diintiina soo gelisaan.  Gabadii wariyaha ahayd oo la yaabsan jawaabta Ayaan ayaa tiri oo Ayaan sowdigaan bilaa diinta ah oo aan Ilaahba aaminsanayn “Atheist” , teeda kale soo tani noqon mayso wax dhibaato iyo khilaaf sii kala dhex dhigi karta dadka diimaha kala duwan haysta?  Waxay Ayaan tiri intaan Ilaah ul haysta oo dadka madaxa ka jaraya aan aamini lahaa waxaa dhaama Ciisaha timaha dheer ee baloondada ah leh oo kabaha saandalka ah wata oo nabada badan!

Hadaan isku dayo inaan taabto wax kasta oo Ayaan afkeeda ka soo baxay waxaan filayaa inaanan hal qormo kaga bogan Karin.

Gunaanad:

Waxyaalaha aadka ii cajiibka geliyay waxay ahayd beenta aan kala go’a lahayn ee ay Ayaan buugeedana ku qortay dadkii goobtaas joogayna ku dul akhriday.   Sida aan wada ognahay Ayaan waxay ka dhalatay qoys aad uga dhisan naaxiyad dhaqaale iyo tacliimeedba, Aabaheed wuxuu ahaa nin horaadkii lixdameeyadii ka qalin jabiyay Jaamacaada Columbia University, sidoo kale wax ka bartay Talyaaniga, ahaa ruugcadaa aqoon, siyaasad, diin iyo adabka luqadaba ku xeeldheer. Waxay Ayaan wax ku baratay Kenya, Itoobiya iyo Sacuudigaba, iyadoon Iskuulaad aad ugu horeeya tacliinta ka soo baxday.  Qof silic, qaxootinimo, cadaadis iyo cadaab midna soo aragtay maahayn.   Sidaa awgeed sawirka ay nafteeda ka sawirtay ama sheekada ay ka dhigayso inay iyada ku soo dhacday waa mid ka fog xaqiiqda nololeed ee Ayaan, balse waxaan oran karnaa waa FICTION , iyo male awaal ay ku riyootay Ayaan, taas oo ay nafac aduun iyo mansab aan lagu waarayn uga danleedahay, kuna jaahwareerinayso dadka aqoonta Islaamka ay u leeyihiin ay iska kooban tahay.  Sidaa awgeed maadaama ay buuga ugu yeertay Reer Miye waa in ay iska dhigtaan qof aan habeen magaalo arag, qof aan weligeed iskuul tagin, qof aan waligeen lacag, dayn iyo xaadaarad kaleba arkin, jishaana qof laga soo qabtay duurka iyadoo xayawaanada la xadraynaysa, sidoo kale si ay qabiyada reer Galbeedka ee buugteeda akhrista ugu raaxayso waa in ay muujisaa sida ay uga horeeyaan waxa ay ugu yeertay nolosha Barbeeriga ah ee aan naxariista, xadaarada iyo aqoonta midna lahayn.

Waxaa kale oo naxdin leh sawirka ay ka bixinayso qoyskeeda sida aabaheed, hooyadeed iyo ayaydeen, kaas oo ah mid madow oo cadaadis, dhibaato, jajuub iyo silic ka muuqdo.

Waxaa intaasba isku fuuqsaday aragtida guracan, sawirka naxdinta leh ee ay ka bixisay Islaamka,  dagaalka iyo dabargoynta ay la jeceshahay in lagu qaado Islaamka iyo cadaawada iyo isku dirka ay kala dhexdhigayso dadka Muslimiinta ah iyo dadka diimaha kale aaminsan.

Waxaa kale oo doqonimo aan ku tilmaami karaa weerarka qaawan ee ay ku hayso mabaadida Multiculturalism ama dadka kala dhaqamada duwan ee sida nabada iyo wada noolaansha leh ugu wada nool caalamka, gaar ahaan wadamada reer galbeedka.  Anagoo og hadii aan daryeelka danyarta, soo dhawaynta qaxootiga iyo wada noolaansha dadka kala duwan aysan ka mid ahaan lahayn xeerarka wadamadda galbeedku inaysan Ayaan cag soo dhigteen Holland, horumar ka gaarteen halkaasi  kana mid noqonteen Baarlamaanta dalkaasi, sidaa awgeed inay har iyo habeen weerarto xeerarka iyo mabaadida u saamaxday ama siisay fursada hormarineen waa mid doqonimo aan ku tilmaami karno.

Isku soo duuboo, Ayaan waa qof maskax badan, laakiin aad moodid in cadaawadi ka buuxdo, xanaaq badana xambaarsan, nacaykuna ka indho tiray run iyo xaqiiq badan, aad moodid inaysan kala saari Karin dhaqan iyo diin, run iyo been. Nolol silic ah oo aysan amni haysana ay maanta ku sugan tahay, socon karin waardiye la’aan, mari Karin meeshay doonto, dhuumashona ka doorbiday xoriyad.

Dariiqa ay qaadan waa mid aan wada noolaansho, isku soo dhawaansho, is faham iyo is qadarin aan ka dhalin Karin caalamka ay maanta colaada , dagaalada iyo cadaawadu hareeraysan.  Waxay wadaa olole abuuraya sii kala gogaansho, sii hurinaya dhibka iyo dhibaatada, kala oodayana ummadaha caalamka.

Way ku haboonaan lahayd in Ayaan dood cilmiyeed lala sameeyo , balse taasi waa mid aan maanta suurto gal ahayn baan filayaa, balse waxaa haboonaan lahayd in la tago goobaha ay hadalada ka jeediso, lana waydiiyo su’aalo waafi ah, sheekooyinka guracan ee ay dadka ku akhrinaysana si nabad iyo reer magaalnimo ku jirto loo saxo loona radiyo.  Hadii dadka Muslimiinta ama Soomaalida ahi aysan hadlin sheegin waxa ay aaminsan yihiin, aragtida ay ka qabaan waxa ay Ayaan afuufayso, Islaamku waxa uu u taagan yahay, aragtida Islaamku ka qabo dumarka, diimaha kale, iyo wada noolaanshaha, waxaa filayaa maqnaanshahaasi waa kan Ayaan u saamaxay ina dad badan oo aan aqoon u lahayn Islaamka ku jaahwareeriso oo cadaawada iyo sii kala fogaansho ku aaburto.

Waa in aynaan ka yeelin kooxo iyo afraad afduuba Islaamka oo sawir xun oo xaqiiqda ka fog ka bixiya Islaamka , kuwaasi ama ha huwanaadeen cimaamad Islaam ama sida Ayaan Ilaahayba ha inkireene.  Waa in mushtamaca Muslimku xisitaanka khaladka , difaaca mabaa’adida aan aaminsanahay waa inaysan qofna uga haybaysan.  Waxaad moodaa maanta in Islaamkii kooxo xag jir ah, ama afraad raba inay guddaha iyo dibada ka dumiyaan ay caadaysteen inay afduubaan diintaa magaceediina ku qaraabtaan, mid dhaha diintaan dadka qori caaradiis ugu dhaqayaa iyo mid dhaha diintaani waa masiibo in la tirtiro oo la saxo u baahan.  Waa in jamaahiirta kor u dhaaftay Bilyanku hadlaan iskana qabtaan fidma walayaasha guddaha iyo dibadaba.

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Lakulankaygii Ayaan Xirsi | Qore: Farah Aw-Osman "

  1. Nadiira says:

    Asalama caleykum wr br! Dhamaan waan salamay bahda Somalitalk.
    Salam ka bacdi runtii qoraalkaan waa qoraal wanaagsan ,wana ku mahadsan yahay walalkeen Farah M aw osman. Sida uu qoraagu sheegana waa wanaagsanaan laheeyd in Ayaan la waaydiiyo waxa ku kalifay in aay diinta wanaagsan ee Islamka ka baxdo iyadoo hada Sciense caabuda oo aaysan waliba wax aqoon ah u lahaan hadii wax laga waaydiiyo saan filayo. Waa iska dameeri dhaan raacday baan filayaa sheekada ayaan balse qoraagu waa da’daaley in kastoo aay fiicnaan laheeyd in uu su’aalo badan waaydiiyo.

  2. Maxamed says:

    Horta waxaa la yaabay qoraaga marka uu aaday sababta uu aaday iyo wixii ku ka faaiday inuu noo sheego hadii jiraan wax uusan horay u maqal hadii jirto. Aniga shaqsi ahaan ma aadi laheen sababtoo ah qof ilah iyo nabigiisa caynaya inaan hor fadhiisto oo ticket ka bixiyo lacag waa igu dambi. inaan waqti ku bixiyo iska badaa. Mahmahaada u soo qaatay uu yiri nebiga yiri wuxuu meesha ka cadeeyay inuu baahi ay jirtay aad u qabto inaan diinta barato sababtoo ah eraykas oo carab tiri waxaa ka dhag tay inuu nebig yiri. Mida kale fakarkaa ah in diinta la difaaco oo qaybta qofna laga haybaysan waa arin fiican lakiin ogow dadka buun buuniya ayaan ayaa buun buuniya ama fikir qaldan ka bixiyo diinta islaamka iiyo dadka u dagalama. War nin yahow nin wareersan baad u eg tahay is daba qabo idaacadaha ha badsan badso salaada iyo qayr. salamu alaykum

  3. osman says:

    Asalaamu calaykum

    Runtii waxaa iga yaabiyay qoraaga mawduucaan iyo dad badan oo u jawaabayay waxaadna moodaa in uu wali niyad u sii hayo ayaan gaal
    runtiina ma jecli in aan aabaheed wax kla sheego laakiin diinta aad ku sheegtay wax daliil ah uma aadan keenin waxaadna sheegtay in uu raadiyo kulmis ka hadli jiray intaan radio kulmis dhagaysanayayna wax diin ah kuma arag diin ka fogaan mooyee xitaa sheekhii diinta ka akhrin jirnay been abuur iyo taxriif ayuu ayaadaha mushrikiintii carabta ku soo dagay u isticmaali jiray shacabii soomaaliyeed iyo doqwladiisii raadiyahaasna natiijadiisa waa mida aan labaatan sano la dagi la nahay isaga iyo intii dhibka umada u gaysatayna ama xukuumad ama mucaarad ha haadeen ilaahay wuu xisaabinaya waxaan ka baryayaaa in abaalkooda ka waraabiyo

    Ayaan gaal wali ma maqal qof reerkooda ah oo dayrinaya ama gaal nimadeeda u cadeeyay BBC ama wax la mid ah iyagana waxaan ka rabnaa bari in ay ka yihiin in ay cadeeyaan

    waxaad tiri waa qof maskax badan ma jiro wax caqli ay hayso ama maskax, waxbarasha aduun ay leedahayna ma jiro oo xitaa luuqada ayay sixi karin waxa ay sheegtana wa ereyo cay ah oo kaniisadaha iyo gaalada ka dhilaysata ay u soo qoraan oo waa erayo isku mid ah mana garanayo aqoonta aad ku sheegayso oo ay ka soo baratay Kenya iyo ethiopiya ma sheegin dugsi dhexe oo laga soo baxaa oo xabashi leeday in uu yahay aqoon , xitaa gaalada qaarkeed ayaa ka yaqyaqsata oo ku tilmaanta naag ZIna badan oo raga naagaha qaba daba oroda sida hada lagu sheegay ninka ay u gogol dhaafto bal eeg .Ayaan uma baahna in lala doodo wayo ma istaahisho ,islaamkana wax ay u dhimayso ma jiro diinatan ilaah ayaa dhowray markaan imanayay manasota qol ay niman sucuudiyaan kireeyeen ayaan ku tukan jirnay maanta muslin iyo masaajid meel laga maro ayaa la la yahay oo safafka hore waxaa ku tukada niman cadaan iyo madow leh oo aan maligood islaam maqal toban sano ka hor , adigana in aad tagtaaba ma banaanayn meel ilaah iyo nabigiisa lagu caynayo waana xaaraan hadaad ogayd ee ilaahay u towbad keen hana danaynin naagtaas khamri wax ay ku gadato ayay gaalada ka shaqshaqanaysaaye ilaahayn wuu ku duleeyay aduunka oo meel aya seexato ayay la dahay oo gabadha ariga raacaysa ee baadiyaha joogta ayaa nolol aduun ahaan ka fiican aakhirana tii rabi ayaa sugaysa ee dadkaan labada bilyan gaaraya waxba kama qaadaysee wakhtiga hanooga luminina

  4. Liibaan says:

    Assalaamu calaykum walaal waxaan u sheegayaa Qoraaga in aysan Xadiith Nebi aheen Odhaahda ” Laysal alkhabaru kal mucaayanah” ee ay tahay maahmaah carbeed Maamulka website kana waxaan ka codsanayaa in ay ilaaliyaan waxyaabaha sidan oo kale ah

  5. saacid yare says:

    waxaan aad kaga mahad celinyaa walaalka isku soo taxalujiyay soo qorista maqaalkaan dareenka kicinaya, oo warbinta kaa siinaya murtadad diinta ka baxaday Ayaan Xirsi Magac , waxaase leeyahay qoraaga meesha aad inantan ku sheegtay qof maskax badan waad ku fogaatay maxaa yeelay ruux diintiisa sharafta leh ka noqday maahan qof maskaxbadne ah, ruux ay gadisay dhalaalka dunida maahan maskax badane, ruuxa ka been sheegay diintiisa dadkiisa dalkiisa iyo dhaqankiisa maahan maskax badane, ruuxaa ku qaraabanay sidaad sheegaty beenta maahan maska badane ee waa doqon, nacas, maaan- gaaban,caqliga la’ oo diinta ka baxday, oo ka liidata xeyawaanka, uu Alle duleeyay
    ugu danbeyn waxaan leeyahay Allo soo hanuuni, hadii ay hanuun u qorneeyna alloo gacanteeyda ku sabab. aaamiin allow aamiin

  6. Shukri sh. says:

    A.c waan gartey ayaan iyo waxay tahay e waxan la yaabay dadka beenta ka dhageysanayey, o ah qof lo so diday waxbarasho o hadana qoraa ah, waxan filaya in ay mansab iyo magac doon ay diinta oga baxday, tan kale hangarariye ama fara badane lug ka go’day uma dhutiyo, diintena cadaaladda, naxariirta iyo dhowrsanaanta faraysa, xumantana reebaysa ninki caqli u saaxiib ahina qaadanayo, Allena dadka iyaga u baahan e isaga wa kali ka hufan waxay la sintay Ayaan. Xiliba xiliga ka danbeya waxa la fahmaya oyna qaadanayan dowladaha aan muslimka ahayn sharciyada islamka qodobo ka mid ah sida ninki qof dila in la dilo. Haday ayaan ogan laheydna waxan ma sameysen, xaqana af laguma demin karo.

  7. Cumar says:

    Asc,
    Qoraagu waa mahadsanayahay, balse su’aali waxay ka joogtaa ruux hammuun u qaba laablakaca sidaad sheegtayba been iska mutaxan ah. Maxaad ka buunbuunisaa ducfigeeda. Waxaad ku redin “critics” laheydba fadlan u gudbi kuwa ay la weynatahay. Kama danbeys qoftaa xarigga goosatay iyadaa ku dhib qabta, waxay saameyn dhib ah ay soo ziyaadin kartaa aad u yar.
    (

  8. Nabiga Calayhisaalatu wasalaam wuxuu yiri: Yasiruu walaa tu casiruu, bashiruu walaa tuna firuu” marka kuwa maanta dadka muslimiinta ah ula dhaqmaya sidii gaalo la musliminayo, dadka gaajada iyo colaadu ka noolaatay meeshay naxariis iyo wanaaga iyo macaanka diinta ugu yeeri lahaayeen, xasuuqa, sur-gooyada, qabuuro fagashada iyo arxan darada tuseen. Caruuraha iyo dumarka hortooda dadka ku rajminaya, waxaan leeyahay diintu awliyaad iyo kala horayn bay u baahan tahay, tartiib iyo takhdiid bay u baahan tahay. Culimada oo lala tashado iyo caamada oo loo caqli celiyo bay u baahan tahay. Hadaba kuwa Ayaan xaabada u noqday oo ay ku doodayso ama sawirka xun ka bixinayso oo ay ku qaraabataa waa kuwa ana kor ku soo sheegay.

    Sidaa awgeed qoraagu wuu ku saxsan yahay gunaanadka , maxaa yeelay cadaaladu waa in la taabtaa koox kasta oo khatar ku ah , sumcada iyo sharafta Islaamkana meel uga dhacaysa sida Ayaan iyo kuwa bilaa diinta ah, iyo kuwa aysan wiilasha yar yar ee qafaalka inta lagu soo qabqabto miinooyinka lagu xirayo laguna haligayo Muslimiinta nabada iyo nolosha u baahan.

    Dhamaantiin mahadsanidiin, Somalitalk waxaan leeyahay difaaca diinta iyo dalka meeshaas ka sii wada.

  9. wacane says:

    bimilaaah

    ilaahay baa mahad iska leh nabadgelyo iyo naxariisi ha ahaato rasuulkii ilaahay iyo ehelkiisaba aamiiin …..

    run ahaantii maqaalkani aad buu u wanaagsan yahay waxay ka dhigan tahay inta akhriday maaqaalkan oo indhaha kusoo arkay gabadhan lagu magaabo AYYAAN -DARAN waxaa igu soo maaxda murugo iyo ciil mar waxaan ma murugoodaa cadaawada ayyaan daran u hayso islaamka iyo muslimiinta marna waxaa ciil iga qabtaa qorraaga oo laftiisu aan wax su’aal ah weydiin isaga oo talo aah waliba inoogu soo jeediyay waxaa loo baahnaa hadiiba meeshaas aad joogtay kana qayb gashay aqoon intaas leegna aad u, leedahay taariikhda ayyaan daran iyo qoyskeeda inaad si geesino leh u weydiiso su’aalo uguna kashifto goobta laakiin maad samayn taas …….

    waxaa hubaal ah oo soomalidu ku maahmaahdaa ( NIN ILAAHAY KA DAMBEYO KABTIIS MA YEELNA ) waxaan uga jeedaa qof ilaahay ka dambeeyo oo camalkiisa iyo ficilkiisuba usoo noqon doono inaanu ka baxsanayn ilaahay …. diinta islaamka isaga ayaa soo rogay isaga ayaana muslimiinta ugu bishaareeyay inuu ilaalinayo sida quraanka ku cad hadii kun ayyan daran ka baxaan islaamka hoog iyo halaag mooyaane waxba kasban maayaaan ….

    mid aan kusoo koobayo maqaalkan qaybtiisa gunaanadka ah ee qoraaagu kusoo gunaanaday ma habooona mana fiicana runtiii maqaaalku wuxuu ka dheeliyay gunaanadka dambe qoraagu waa ku khaladay inuu cid gaaara ku weeraro waxay samaynayso ayyan daran waxaa muudaa inuu masuuliyada saaro kooxo u sheegayo inay islaamka ku xad gudbayaan taas oo aaanse marnaba tusaale loogu soo qaadan karin ayyaan daran iyo kuwa la midka ee dagaalka ku haya islaamka iyo muslimiinta ….

    waad mahadsan tahay sxb marlabaad farah aw-osman waanad qortay maqaal iyo muqaal wanaagsan oo aad nooga sheegtay xaqiiqada wixii aanu maqalnay anaguba sidaana …. hadiii aan goobtaas nasiib u yeesho goob aan kula kulmo ayyan daran waan la sheeekayn doonin mar dabe ee waaan ku shahiiidi lahaaa ilaahayna hayga dhigo mid ku shahiiiidda kuwaas diinta ka baxay ……………………………………………………………………..

  10. Isuqabe says:

    Waa maqaal wanaagsan oo tusaale iyo dulqaadna ka buuxo, qoraagu xitaa kama quusan Ayaan ee weli waxaa uu leeyahay waa in lala hadlaa, waa karti iyo xilkasnimo, Ninka la baxay Sakiinna waxaan leeyahay adigu diinta sakiin ha ku sarin, hadaad xagjir tahayna aagga hore ee dagaalka aad si aad wax u disho ama laguu dilo ileyn sidaasaad xal u aragtaaye.

  11. sakiin says:

    Ascwrwb.
    Marka hore Allaah Yaa mahad leh, Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaato Nabi Muxamed SCW.

    Runtii maqaalkan waxaan ku akhrinayay qol aan sidaa u nuur badneyn oo nal yar oo ka akhriskaa uun ii shidnaa, markaan mudo akhrinayay kuna dhawaa gaba gabadii qormada ayaa xoogaa indhihii igu xanuuneen markaasoon damcay inaan bal xoogaa gabagabada maqaalka quruxda badan u gudbo.

    Nasiib daradii iigu weyneyd een kala kulmo qurmadu waxey aheyd waxaan usoo booday paragraphka ugu dambeeya ee ku bilowda “”Waa in aynaan ka yeelin kooxo iyo afraad afduuba Islaamka “” Runtii aadbaan uga naxay gabagabada qormada iyo halka qoraagu uu kusoo gaba gabeeyey iyo waliba waxa uu duuduubay ee u ekaa in ulajeedaduba aheyd in uu qolo dhaleeceeyo ama uu dacniyo jihaadka xaqa ah ee maanta caalamka ka socda dadkana ugu yeero in laga qeyb qaato dhageysiga ama la doodida kuwa ardaalada ah ee diintoodii ka ridoobay.

    Hadii aysan saas aheynoo qoraaga qalinkii gabagabada uu gafay garana waayay meel uu ku gunto hadalku waxaan ku sixi lahaa in uu umada ugu baaqo in dadka diintooda ka ridooba ee midaan oo kale ah madaxa loo xiiro ama hadaan la gaareynin aan la dhageysan lana buun buunin gaalnimadooda.

    Wabillaahi tawfiiq

  12. Warsame says:

    Aad baan maqaalkaan ugu dhacay, waxaanan ugu hambalyaynayaa qoraaga geesinimada uu muujiyay, xog waranka iyo talooyinka uu noosoo bandhigay. Islaamka iyo dhaqankeena waan inaan ka difaacanayaa cidkasta oo khatar ku ah.

    Warsame Ali