Home » Faallo »

Canada: Ku Xadgudbihii Xuquuqul Insaanka oo Lagu Martiqaaday G20

Dabayaaqada bishatan, hoggaamiyayaasha Ethiopia iyo Malawi ayaa Topronto imanaya ayagoo lagu martiqaaday shirka dawladaha G20. In kasta oo la sugayey in Madaxweynaha Malawi, xilkiisa Madaxweyna-nimada OAU kaga soo qaybgalo shirka, waxaa yaab leh martiqaadka loo fidiyey Raiisul Wasaaraha Ethiopia Mells Zenawi.

Mudane Zenawi wuxuu niyad jab ku ridey Beesha Caalamka. Tan iyo markii uu xilkii qabtay, waxba kama fulin ballanqaadkiisii ahaa inuu Ethiopia ku soo dabbalayo habka demooqraadiyaddaisla markaasna uu baabinayo xadgudubka lagu hayo dadyowga laga tirabanyahay. Meeshii sidaas laga sugayey, Mr Zenawi wuxuu madax u noqday Dawlad ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee USA, Amnisty International iyo Human Right Watch ku tilmaamen inay si qorshaysan isugu deyeyso tirtiridda dadyowga laga tirabadanyahay ee ku nool Ogaadenya iyo Konfurta Ethiopia.

Dawladda Mr..Zenawi waxay kaloo taariikh u leedahay inay cadaadiso kooxaha demoqraadiyiinta ah ee ka soo horjeeda Maamulkooda, ayagoo isla markaas mamnuucaysa amase si xad-dhaaf ah u ciriiryeysa adeegga NGO’s yada si ay faragelin ugu yeeshaan macaawimooyinka cuntada, isla markaasna ay u leexiso meelaha ay joogaan kooxaha ay la leedahay gacansaarka siyaasadeed, iyadoo gaajana ku dileysa kuwa ka soo horjeeda, isla markaasna irdaha u xiraysa warbaahinta xorta ah.

Markii axzaabta mucaaradku ka soo horjeesteen doorashadii guud ee dalka lagu qabtan sannadkii 2005, askarta dawladda Ethiopia waxay rasaas aan loo meeldayin ku fureen dadkii mudaaharaadka sameynayey, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 193 ruux oo rayad ah. Hoggaamiyihii mucaaradka Mr. Birtukan Mideksa, wuxuu weli ku jiraa xabbiska issagoo ku xukuman xabbis daaim. Waxaa ninkaass xaaladdiisa lala meeldhigaa Hogaamisada mucaaradka dalka Brunei Mis. Aung San Suu Kyi.

Dawladda Ethiopia, waxay iska indhatirtaa xuquuqda aadamiga iyo ku dhaqanka sharciga. Dadka Canadiyaanka ahi waxay welwel ka qabaan sida dawladdaasi ula dhaqantay mawaadinkooda Bashir Makhtaal oo muddo saddex sano ka badan ku jira xabbisyada Ethiopia, halkaas oo si sharcidarro ah loogu qabtay Dalka Kenya loona gudbiyey Ethiopia. Dawladda Ethiopia waxay tan iyo haddeer diiddantahay inay Bashir sii deyso si kasta oo dambi loogu caddeeynkari waayey. Wasiirka Gaadiidka ee Dalka Canada ayaa dhowaan saffar ku tegey Ethiopia si uu siideyntiisa muwaadinkaas ugala hadlo, laakiinse Mr. Makhtal weli waa xiranyahay.

Ethipia waxay kaloo tahay xoog qas iyo qalaanqal ku haya Somalia.Si kasta oo Ethipia ay rasmi ahaan u sheegtey inay ciidammadeeda kala baxday Somalia sannadkii 2008, haddana markay doonta ayey soo gashaa iyadoo ku andacoonaysa dagaal ay kula jirto kooxo taageersan dalka Eritrea oo ay colyihiin. Hardankaas waxaa ka yimaada xadgudub weyn oo lagula dhaqmo qaybo ka mid ah dadyowga halkaas deggan. Labadaas Dawladood waxay dalka Soomaaliya ka samaysteen Wakiilo danohooga ugu dagaallama , kuwaas oo ay si joogta ah ugu fidiyaan macaawimo lacageed, tababarro iyo hub milatary arrintaas oo xadgudub ku ah xannibaadii hubka ee Qarammada Midoobay saartay Dalka Soomaaliya.

Laba toddobaad ka hor , ciidamada Ethiopia waxay weerareen Magaala Buuhoodle oo nabad u fadhidey. Waxay ka fuliyeen hawlgal Milatary oo ay ku dhinteen darsin dadah oo rayad ah. Iskudarka hawlgalladaas xun-xun oo ay ku kacday Dawladda Ethiopia waa in loo arkaa Mr. Zenawi hoggaamiye aan istaahilin in lagu casumo G20 Summit. Cassumaaddaas waxay dabamaryo ku tahay siyaasadihi ku riixayey Ethipia iyo Dawladaha kale ee Africanka ku dhaqanka Dimooqraadiyadda iyo kor u qaadidda xuquuqda aadamiga.

Dawladda Canada waxaa laga sugayaa, inay shardi uga dhigto dawladda Ethiopia, sideynta mawaadinkeeda Bashir Makhtal, inta aan Mr. Zenawi soo gelin dalkeeda. Waxaa kaloo habboon in mucaawimda Canada iyo xiriirka Deblomasiga ee ay la leedahay Ethiopia ay saldhig uga dhigto, horumarinta demooqaradiyadda, dhowridda xuquuqda aadamiga, ku dhaqanka shaciga iyo dawlad wawlad wanaag.

Ahmed Hussen waa guddoomiyaha Canadian Somali Congress. Wuxuu lafaguraa waxyaalaha la xiriira, nabadda, nabadgelyada, iyo dawladaha ka jira Afrikada Bari.

La xiriir: cansomcongress@gmail.com

English Version: http://www.nationalpost.com/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Canada: Ku Xadgudbihii Xuquuqul Insaanka oo Lagu Martiqaaday G20 "

  1. Halkan waxa kajeedina qudba yar oo kusabsan arimaha somaliya taas oo kabilaabaneyso dowlada somaliya ineysan bulshada somaliyed waxbo uqabanin qayano iyo dhac ayey is kudareen waxas wax habon miyaa?