Waxaa xaqiiqa ah in mudo rubuc qarni ka badan aanay Soomaalidu helin wixii ay mudnaayeen sababtu si kastaba haku timaaddee, wax kastana waan filanayay aniga iyo inta igu maanka ihiba laakiin wax aanan u fadhiyin balse cashar wax laga barto noqon kara ayaa ah in Yuhuud markii la yiri halagu caayo kelmadda ugu sareeysa ee la is yiri malaha waa lagu aflagaadeyn karaa ay noqotay “`waxaad la mid tihiin Burcad badeedda Soomaalida“.
Hadaba waa yaabe maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed iyo wiilasha qoryaha la tooxan ee badaha fog iyo kuwa dhowba ugu jira inay ka macaashaan madax furashada ay ka qaadaan maraakiibta ujeedooyinka badan usoo gala marinada u dhow xeebaha Soomaaliya iyo kuwa berigii ka oogaya dagaal aan ujeed iyo ka jeed lahayn oo quraac iyo qado looga dhigay shacabka qowsaar la’aanta ah?
Wax kale maahee tan iyo markii ay bilowdeen dagaaladan la isku qashay ee u dhexeeya qaraabada Soomaaliyeed oo yimi kagadaal markii uu dhacay nidaamkii Siyaad Barre oo u muuqdey mid aad usii bololay kahor intii aanu meesha ka bixin ayaa waxaa Soomaali usoo hoyatey nasiib darro inta qaybood ee ay noqon kartey.
Sidaa darteed waxaa taa ka dhashay in khilaafyadii bilowday ay sababaan dhibaatooyin maxali ah iyo kuwa caalami ah intaba, kuwas oo inta badan ay Soomaalida laftoodu yihiin kuwa gudooma ee ay ku dhacdo boqolleeyda ugu badan dhibaatadaasi oo ay iska kaashadaan nacas sokeeye iyo nacab shisheeye.
Wixii ay Yuhuudi ku kacday Isniintii in dhaaftay oo ahaa fal aad looga yaqyaqsoodo balse aan ahayn wax ugub ku ah Israel oo ku sifowdey Qaran dhan oo ku dhisan argagixisanimo iyo boob dal Islaameed ama dilka dad Islaameed, in laga badbadiyay ayaan aaminsanahay marka ay timaado in lagu misaalo inay Soomaali la mid yihiin waloow ayba jiraan meelo badan oo aan uga liidano sida tafaraaruqa iyo is naceybka dhexdeena ah ee ay dadku isu urayaan.
Madax fara badan iyo dad muxaliliin ah oo u dhuun oo ka hadlayay dhacdo dhiigleeydaas ayaa afkoodu ku bas belay Yuhuudu waxay u dhaqmeen sidii Soomaalidii iyo tacbiiro kuwaas kasii takooran iyadoo ay hada caadi noqotay in markii uu hogaamiye doonayo inuu dadkiisa beer laxowsigu uu si jees jees ah u yiraahdo “Ha noqonina Soomaaliya oo kale“
Balse inta aan qiiradu ila xera taraarin aan anagu marka hore muraayadda isku eegno, waloow aanay weli jirin dhul ay Soomaaliyi boobtay mid iyada ka maqan mooyee oo aanay jirin wax sifaale ah oo aan la wadaagi karno ama la wadaagno Yuhuudda misna ma loo qiil sameeyn karaa waxyaabaha aynu dhaqanka ka dhiganay sanadihii lasoo dhaafay oo dhan.
Marka aad eegto will yar oo qori afkiis ku haysta habar iyo oday musaafiriin ahaa oo markii horaba tooda u meel la’aa oo la sheegayo in laga rabo kumanaan kun oo doolar oo aanay haysan iyo marka aad eegto weriye dalka u tegey inuu soo duwo sheekooyinka aan inta badan warba laga haynin ee ka daahan caalamka oo ku dambeeya afduub ama qof u shaqeeya hay’ad gargaar oo qudha la dhaafsiiyo ama bilo iyo sanado loo qabsado madax furasho.?
Ka waran marka safaarad ay Soomaaliyi leedahay oo loo yagleelay inay wax u qabato umada habqanka ah ee aan cidina ceelka ugu jirin, wax ay u qabato ha joogtee ay dhiigooda ka baayac mushtarto iyadoo qandaraas kula galaysa askarta dalka ay joogto inay kala shaqeeyaan sidii Soomaalida loosoo xiri lahaa kaddibna loo iibin lahaa, tusaale waxaa inoogu filan waxa ka socda Liibiya IWM oo ay dadka xiran ku yiraahdaan “hadii aad doonaysaan in indhihiinu qorax arkaan bixiya intaas“.?
Ka waran marka marka aad aragto gabar Soomaaliyeed oo la leeyahay ilmo ay dhashay ayay boorso ku sidey si ay meel ugu tuurto iyadoo joogta dal uu fisqigu nolosha ka mid yahay, kase waran marka Soomaalida joogta Itoobiya IWM la yiraahdo urur aad ku mideysantihiin keena oo ay ku fashilmaan oo deeto la yiraahdo isma dhaantooy dhegeysta “anagaa idiin garnaqeynee qofkiiniiba ha bixiyo 100 Bir“ waa calaa bishii waloow ay dadka qaar sheegayaan inayba tahay calaa maalin.?
Ka waran marka ilmo wax ku baranayay xaalada ka taagan magaalada Muqdisho isla maalintii ay guran lahaayeen maxsuulkii iyo mirihii dadaalkooda tarab tarab loo laayo ama la qarxiyo masaajid malcaamad ama meel kale oo muqadas ah.?
Kolleey iyo kolleey waxa la sheegayo wax uunbaa ka jiree aan isku noqono waad aragtaan halka aan taaganehee, hadii kale waxaan ka liidan doonaa dadka loo yaqaanno “chipsy-ga“ oo ah dad wareegaalaysta Yurub iyo meela kale balse aan lahayn dal ay gaar u leeyihiin isla markaana mihnadaha ay ku faanaan ay ka mid yihiin tuugada iyo tuugsiga
Waa gef iyo ka badbadis in Soomaalida lala meel dhigo Yuhuudda waloow ay iima badan leeyihiin laakiin waxaan soo jeedin lahaa in kooxaha burbad badeeda u miiriyaan waxa ay falayaan oo u miidaamiyaan qorshayaashooda is barbaryaaca ah ee aan waxba la dhaafayn isla markaana aan laga dheefeynin wax aan dhib iyo dheg xumo ahayn, taasoo uga sii dareysa kaluumaysigii sharci darada ahaa iyo wasakhdii lagu shubayay xeebeheene baylahda ah maadaama uu dal kastaahi iminka danihiisa ku ilaaliyo maraakiib dagaal taasoo xitaa kaluumaysatadii Soomaalida ku adkaysay inay bada u qaraab tagaan.
Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa in maamullada ka taliya dhulalka ay saldhigtaan burcad badeeddu ay la yimaadaan istaraatijiyad ka caana badan mida iminka lagu xanto ee ah inay galaangal la leeyihiin burcad badeedda laftooda hadii ay xitaa taasi jirtana waa inay u sheegaan wiilasha yaryar inay u dhaqmaan sidii dad oo kale oo ay wax xeeriyaan kalana saaraan kaluumeysiga, markabka socdaalka ah, kan dalxiiska ah IWM.
Xaqiiqatan dooni maayo inaan ceebta Soomaali haraysay aan kasoo qaado burcad badeednimada oo qura laakiin runtii waa mid kaalimaha hore uga jirta ceebaha ay Soomaaliyi la ciirciiraysey casrigan inkastoo burcad badeednimo aanay ahayn cillad ay Soomaaliyi curisayna waxaa ila cudoon inaan ku cibra qaadano casharradii nasoo maray inta aan nalaka faanin oo aanu xaalku noqonin wixii xunba Xaawaa leh.
Ugu dambeyn waxaan qormadeyda kusoo afmeeri lahaa gabay ay tirisay abwaanad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caasha-Luul Maxamuud Yuusuf tibxo ka mid ahaa oo uu dhacayay qaabkan :-
- Wiilasheennii waa kuwa dhammaan, jeelka lagu dhoobay
- EE aan sidii dhidir bakhtiyay, cidina dhaadeeynin
- Hablaheennii waa kuwaa dheg-xumo, dhababacaynaaya,
- Magaceennii waa kaa dhinteen, cidina dhoowreeynin
- Dhibkaa taa ka sii daran, dadyow aan la dhuganaynin
- Dhaqan adag hadduu beri jiriyo, dhaabe iyo xeerre
- Oday talada loo dhiibo oon, hadalku dhaafaaynin
- Marwo sharaf ku dhimanaysa, oo dhaqanka xaaleeysa
- Oo dheelligoow diidda oo, hoowsha dhinac taagan,
- Dhaqankaa wax lagu beddeley, dhediyo ceeyryaame
- Dhunkaal baa la qooshtoo sidii geel la dhugatoowye
- Dhaan baa la rarayiyo haamo aan, dhibicna loo heeyne
- Dhamaca iyo dabaa lagu socdaa iyo dhuxulo naareede
- Dhalanteed ku guurnee halkeey, ina dhigtaan eegi
Qalinkii:- Maxamed Xaaji Xuseen Raage
maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.