Home » Faallo »

Mar uun Madaxweyne I dhaha! | Qore: C/llaahi (Black)

Waa saxafi Soomaaliyeed ka soo qalin jebiyay Kulliyaddii Saxaafadda Soomaaliya 1985. Shaqooyinka uu qabtay waxaa ka mid ah: soo saare Telefishinka Qaranka (1986-1990), Guddoomiyaha Wargayska Qaran (1991-1995), Tifaftiraha Wargayska maamilnlaha “Ayaamaha” (1995-2007), Tifaftiraha Wargayska “Somali National Post” oo ka soo baxa Nairobi (2008-2009). Dhowr urur saxafadeed ayuu oday ka noqday, hadda waa macalliin dhinaca saxaafadda ah, isla markaana waa tifaftiraha Qaybta Soomaaliga ee Shabakadda Alshaahid qaybta Soomaaliga

—–

Tartankii doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ka dhacday Muqdisho dabayaaqadii bishii hore ee May 2010, runtii waxay ahay arrin xusid mudan marka laga eegoo dhowr arrimood oo uu tartankaasi kulansatay.-

Waa midda koowaadee waxay ka dhacday gudaha dalka, waana markii ugu horreysay ee xilkaas oo kale lagu doorto gudaha dalka tan iyo markii waalida siyaasadda Soomaaliya ay bilaabatay, waa midda xigtee waxaa lagu qabtay xaruntii ugu dambaysay ee ay lahaayeen xildhibaannadii Soomaaliyeed oo kulan ay yeeshaan ugu dambaysay 20 sano ka hor, waa midda saddexaadee wuxuu tartankaasi u dhacay si hufnaani iyo xil kasnimo ka muuqato.

Waxaa sidoo kale maanta oo ah Sabti 5-ta bisha June 2010 isla xaruntaa Baarlamaanka lagu qabtay tartankii doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka oo ay ku tartamayeeen ilaa 9 xildhibaan, waxaana xusid mudan in qofkii keliya ee dumar ahaa ee kursigaa u tartamaysay ay muujisay dadaal adag kaddib markii ay soo gaartay wareegii 3-aad ee tartanka, iyadoo looga guulaystay 62 cod, iyadoo heshay 130 cod

Waxaa wax la xuso ah in tartame kasta marka lagu guulaysto, uu si niyad furnaan ah u aqbalayay in laga guulaystay, wuxuuna dadka hortiisa uu ka xusayay in ninka ka guulaystay uu la shaqayn doono.

Labadaas dhacdo waxay muujinayaan in haddii Soomaaliya ay hesho degganaansho iyo nabad ay suurogal tahay inay ka mid noqdaan dowladaha ugu horeeya xagga dowlad wanaaga, wadatashiga iyo dimoqraadiyadda.

Sow ma habboonaan lahayn in xabbadda inta la iska daayo, cid kastoo xukun doon ah ay isa soo sharaxdo, kuna qanacdo codadka ay hesho, cid kasta oo la doortana ay la shaqeeyaan…(Alla nasiib badnaan lahaydaa haddii taa lagu dhaqmi lahaa).

Horumarkaa is-doorashada iyo tartanka leh, waxaa barbar socda cudurka xukun jacaylka ah ee ay Soomaalidu dhaqanka u leedahay, waxaana halkaan doonayaa inaan ku xuso dhacdooyin yaryar oo todobaadyadii la soo dhaafay dhacay oo aan doonayo in aan xoogaa ku maadaysanno.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe markii uu arkay in kursigiisii uu faro ka bax yahay ayuu qaatay go’aan xumbo cuskasho ah oo uu islahaa kursigaaga ku difaaco, hadii uu so noqon waayana kuraas kale salfo, waa tii uu ku dhawaaqay in xukuumaddii KMG ahayd ay dhacday kaddib markii ay weyday kalsoonidii Baarlamaanka.

Kaddib markii uu Madaxweyne Shariif uu isna dhawaaqii Sh. Aadan Madoobe kor u sii qaaday, waxaa isna qayladiisii markiiba la maqlay R/wasaare Sharmaarke oo arkay in kurisigiisii loo soo dhigtay, wuxuuna sheegay in weerarka lagu soo qaaday kursigiisa uu qalad yahay, waddada loo soo marayna aysan sax ahayn.

Midda uga qosolka badanna waxay ahayd markii Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ay ku heshiiyeen inay soo magacowdaan xildhibaanka ug da’da weyn si uu u sii hayo xilka Guddoomiyenimada, ayaa iyadoo da’ la isweydiin koox xildhibaano ah la boodeen Xildhibaan Xaaji Shukri oo loo arkayay inuu raga ugu da’weynaa lagu fariisiyay kursigii Baarlamaanka.

Waxaase dhacday in Xildhibaan kale uu soo istaagay isagoo sheeganaya in Xaaji Shukri uusan ka da’ weynayn uuna diyaar u yahay in la gu’ tirsado, taasina waxay keentay in la isku dayo in Xaaji Shukri laga codsado inuu kursiga ka soo dago inta buuqaan yarkaa la xalinayo, balse Xildhibaan Shuri taas waa ka dhago adaygay.

Wuxuuse xalkii noqday in Xildhinaankii kale laga codsado inuu buuqa joojiyo, iyadoo la tusay xaaladda adaga ee lagu jiro, tanaasulna laga codsaday, taas oo uu ogolaaday Xildhibaanku.

Saaxiibkay Prof. Dhalxa ayaa tan iyo markii uu muranka Baarlamaanku bilowdayba taagnaa “Kursigayga waa sharciyaysan yahay ee yaan loo soo dhowaan” balse markii uu arkay in laga dhago adaygayo ayuu hurdada ka kacay oo ka qaylisiiyay maxkamaddii sare, Golihii garyaqaanada Soomaaliyeedna fadhiga ka kiciyay, xitaa Madaxweynaha ayuu nasiiinnadii u diiday, nasiibdarrose Baarlamaankii ayaa dhegaha ka furaystay qayladii Prof. Dhalxa, doorashadiina gudo galay.

Saakay markii xaruntii Baarlamaanka la isugu yimid Prof. Dhalxa inuu tartanka ka baaqdo iska daayee wuxuuba u soo labistay inuu ku fariisto kursigii gaarka u ahaa ee kuraasta kale uga soocnaa, isagoo weliba kuu qaylinayay “Anigaa ah Guddoomiye kuu xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka”, laakiinse saaxiibkay waa loo awood sheegtay oo ciidamadii amaanka ayaa u diiday hankiisii, waxaana maanta laga qoray Dhalxa “Tartankaani waa naag nin qabay oo nin kale lagu mehrinayo”.

Oraahdan “Mar uun Madaxweyne i dhaha” oo ka soo burqatay maskaxda Abwaanka Soomaaliyeed ee Mustafa Sh. Cilmi, waxay tilmaan cad ka bixinaysaa cudurka xukun jacaylka ee Soomaalida, waxaana kaloo sugaynaa Abwaan kale oo noo soo alifa oraah kale oo maskaxdeena degta oo kan xukunka xoogga ku doonaya u tilmaanta waddada saxda ah ee kursiga lagu tago.

C/llaahi Maxamed Xasan (Black)

abdulahiblack@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.