Home » Announcements »

BUSHAARO…BUSHAARO: Xisaab ma ku leedahay Dahabshiil?

Macaamiisha shirkadda Xisaabaadku uga furan yihiin waxa loogu BUSHAAREYNAYAA inay lacagtooda xisaabta uga furan shirkadda ka qaadan karaan laanta ama xafiiska ugu dhow ee shirkadda Dahabshiil leedahay iyada oo ONLINE looga dhigay ADEEGGA

Macaamiisha cusub ee Shirkadda waxa loogu furi doonaa xisaabta lacag la’aan – BILAASH!

Macmiilka eCash leh iyo ka aan lahayniba waxa uu ka helayaa laamaha Dahabshiil ee gudaha oo idil adeeg buuxa oo dhinac walba ah, lana mid ah kan uu la lahaa goobta uu hore uga diiwaan gashanaa

Macmiilka hore Dahabshiil xiriirka ula lahaa, waxa uu la imanayaa oo keli ah aqoonsi la xidhiidha adeegga uu dalbanayo

Macaamiisha Dahabshiil waxa loogu bushaaraynayaa inay goob kasta oo shirkaddu leedahay adeeg isku mid ah oo hufan ka heli doonaan

Wixii faahfaahin iyo xog-raadis ah ee dheeraad ah, waxa macmiilku ka helayaa dhammaanba laamaha iyo xafiisyada Shirkadda Dahabshiil.

Qormadan kala xiriir
Hassan Heiss
Tel. +252 2 442 3794 / +2522 510299
hassanheiss@dahabshiil.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.