Waxaan isu diyaarinayaa in aan xafiiska iskaga tago bisha July: Ergeyga gaarka ee UN-ta ayaa sidaas u sheegay Asharq Awsat….
Walad Cabdalla: Dhibaatada Soomaaliya waa jirtay aniga ka hor, waana jiri doontaa aniga gadaashay.. iyo dublomaasi reer Tanzania oo u muuqda in uu bedelayo….
- Warbixintii: Khaalid Maxamuud, Asharq Awsat, Qaahira | iyo Tarjumadii: SomaliTalk.com
Axmed Walad Cabdalla, Ergeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobay (QM) u qaabilsan Soomaaliya, ayaa jariidada Asharq Awsat waxa u sheegay “In uu go’aansaday in uu xilka uu u hayo UN iskaga tago bisha July ee soo socota (2010), laakiin isla markaas waxa uu diidey in go’aankaas ay sabab u ahaa hadalkii uu muranka dhaliyey ee ku saabsanaa muranka ka dhexjirey DFKMG ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweynaha kumeelgaarka ah Sheikh Shariif Sheikh Axmed.” Sidaas waxaa ku bilowday jariidadda Asharq Awsat war ay faafisay June 3, 2010.
Jariidadu waxay xustay in Ban Ki-moon, xoghayaha Guud ee QM ay u badan tahay in uu xilkaas u magcaabo nin reer Tanzania ah oo bedeli doona Walad Cabdalla, halka ilo Soomaaliyeed laga soo xigtey in xilkaas loo magacaabi doono Saalim Axmed Saalim, oo hore u ahaan jirey xoghaynta-guud ee ururka Midowga Afrika.
Walad Cabdalla waxa uu jariidadda Asharq Awsat telefoon ugu sheegay isagoo joogey Addis Ababa oo uu kaga qaybgelayey kulankii ugu dambeeyey ee uu kaga qayb galo xarunta Midowga Afrika, waxana uu xoghayaha Guud ee QM arrintaas la socodsiiyey bishii April (2010) ee la soo dhaafay, isagoo ku wargeliyey in uusan doonayn in uu sii joogo xafiskaas, oo uusan doonayn in loo cusboonaysiiyo qandaraaska, laakiin uu xoghayaha guud kala talin doono xaalado kale.” Waxana uu intaas ku daray “Waxan xilka aan hayo ka tegayaa bisha July (2010) ee soo socota, taasi waa go’aan kama damabays ah, waa waqtigii ugu dheeraa ee xilkaas la soo hayo marka loo barbardhigo kuwii iiga horeeyay xilkan, shaqsi ahaan waa ku qanacsanahay hawshii aan qabtay, laakiin waxaan ka xumahay Soomaaliya, khaasatan caasumadda in ay tahay meel ku jirta xaalad la haysato.”
Waxa uu sharaxaad ka bixiyey in uu qorshe cusub u gudbiyey Midowag Afrika, qorshahaas oo xambaarsan dhawr arrimood oo lagu taageerayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, arrimahaas oo garab siinaya xagga ammaanka iyo dhaqaalaha sida laga soo saaray shrikii Istanbul, waxaa intaas dheer in laga shaqeeyo xaqiijinta xuquuqul insaanka. Waxana uu carrabka u adkeeyey in loo baahan yahay in la taageero IGAD iyo Ciidamada Midowga Afrika, isagoo yiri waxaa loo baahnaa taageerada ciidankaas iyo in la siiyo mushaharkooda, oo la korshiyo tiradooda, oo lagu taageero agabka iyo sahayda iyo taagerada militari ee loo baahnaa.
Waxa uu tilmaamay in qorshihiisan uu ka mid yahay in qofka ama kooxda ha ku sugnaadaan Soomaaliya ama bannaankeeda ee ka soo horjeeda deganaanshaha in lagu dhaqan geliyo xeerka Golaha Ammaanka ee UN ee la xiriira Argagaxisada.
Walad cabdalla waxa uu beeniyey, sida uu u sheegay Asharq Awsat, in go’aankiisa uu ka tagayo xilka ay ku xiriirsan tahay hadalkiisii muranka dhaliyey ee uu ku taageeray madaxweynaha (DFKMG) Sheikh Shariif Sheikh Axmed, go’aankiisii uu ku cayriyey ra’iisul wasaaraha, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, taas oo salka ku sii haysay muran kala dhexeeyey guddoomiyahii hore ee Barlamaanka Aaden Madoobe, ka hor intii aan Sheikh Shariif ka laaban go’aankiisaas oo ku cayriyey Sharmaarke.
Waxa uu yiri: “Is casilaadaydu lug kuma laha arrintaas, waxaan taageeray oo ilaa hadda taageerayaa go’aanka madaxweyne-dhariif iyo dawladda, taasi waa mid cad, laakiin go’aankayga in aan iskaga tago xilka waa mid shakhsi ama gaar ii ah.” Waxana uu intaas raaciyey: “markii ugu horeysey xilkaas xafiiska waxaan qabtay bishii November 2007, waxaan xilkaas soo hayey ku dhawaad saddex sano taas oo ah waqti dheer marka loo barbar dhigo kuwii aniga iga horeeyey, laakiin hadda waxaa ii yaal arrimo kale oo aniga ii khaas ah.”
Waxa uu hadalka sii raaciyey: “Xushmad weyn ayaan u ahaa Xoghaya Guud ee QM oo xilkaas ii magacaabay, laakiin waxaan hadda leeyahay dano kale iyo qoys. Tani waxay ii tahay fursad aan markale ku cadaynayo xushmadda aan u hayo dadka wada shaqayntu naga dhexeysey ee Carabta iyo ururada gobolka ee aan ka wada xaajooney arrimaha Soomaaliya.” Waxa uu rumaysan yahay in uu sii jiro xafiis UN ee wakiil u ah arrimaha cakiran ee Soomaaliya. Arrimahaas oo uu ka tilmaamay ganacsiga iyo dhaqaalaha la musuqmaasuqayo, iyo isagoo sheegay in ay jiraan xagjiraan Islaamiyiin ah iyo saraakiisha dawladda oo aan khibrad lahayn, taas oo ay sii dheertahay dagaalka ahliga ee socdey laga soo bilaabo 1991.
Walad Cabdalla waxa uu doonayaa in beesha caalamku ay sii wado taagiirada DFKMG si ay nabad u gaarsiiso dalka oo dhan,waxana uu intaas ku daray “Masuuliyad ayaa saaran beesha caalamka in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed kuwaas oo lahaystayaal u ah siyaasad laga tiro badan yahay.”
Walad Cabdalla waxa uu difaacay waqtigii uu xilkaas hayey, gaar ahaan eedaymaha ay u soo jeediyeen qaar kamid ah saraakiisha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo hor jeeda DFKMG, waxana uu arrintaas ka yiri: “Dhibaatada Soomaaliya waxay soo jirtey in ka badan labatan sano, waxaa xitaa la yiri aniga ayaa masuul ka ah, dhibaatada Soomaaliya waa soo jirtey aniga ka hor, waana jiri doontaa aniga ka gadaashay, iska dhaaf waxay doonaan ha sheegeene, qofkasta oo si xeel dheer arrinta u eegaya wax dan ah ka geli maayo eedeymahaas beenta ah.”
Waxa kale oo Walad Cabdalla uu beeniyey in uu masuul ka yahay dhibaatada la soo gudboonaatey DFKMG iyo awooda ay u yeelan weydey in ay bixiso mushaharka ciidamada jaalka la ah ama mushaharka xildhibaanada baarlamaanka, waxana uu yiri: “Mushaharka ciidamada iyo booliska si ay u hawl galaan waxaa bixiya Midowga Yurub. Laakiin nasiib darro waxaan lacagtaas mushahaarka ah weydiisanay hal sano iyo bar ka hor, laakiin ilaa hadda ma jiraan wax jawaab ah oo na soo gaarey.”
Walad Cabdalla waxa kale oo uu yiri “Had iyo jeer dagaalka ahliga ah waxay leeyihiin xal, waxay ka dhacday Sierra Leone iyo Liberia, xaaladda Soomaaliya sidaas kuma sii socon karto weligeed, dadka waayen, dumarka iyo carruurta ayaa ah la haystayaal..”
Gabagabadii Walad Cabdalla waxa uu Asharq Awsat u sheegay “Waan ka xumahay, sababtoo ah Soomaalidu waxay ka cararayaan masuuliyadooda, ayagoo ku leexinaya in cidkale masuul ka tahay.”
Qoraalka Alsharq Awsat oo dhamaystiran Ka akhri Halkan: www.aawsat.com (Arabic).
ISHA: http://www.aawsat.com | Tarjumadii: SomaliTalk.com June 4, 2010
Taariikhda Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya
Xafiiska Ergeyga Khaaska ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo hadda xaruntiisu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa madax xilligan ka ah Axmed Walad Cabdalla. Haddaba waxaan si kooban u guud maraynaa taariikh ahaan sidii uu ku bilowday iyo ciddii xilalka ka soo qabatay iyo shaqada xafiiskaas.
Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (January 1, 1982 – January 1, 1992) Javier Pérez de Cuéllar, oo u dhashay dalka Peru, ayaa Decmber 1991 waxa uu Soomaaliya u diray wafti xaqiiqo raadis ah si ay u soo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirtay Soomaaliya. Waftigaas waxaa hoggaaminayey James O.C. Jonah, oo u dhashay dalka Sierra Leone. Waftigaasi waxay soo diyaariyeen warbixin ay aad uga dayriyeen xaaladda Soomaaliya. Warbixintaas ayaa la tilmaamaa in ay sabab u ahayd in Qarammada Midoobay ay Ergey ama wakiil gaar ah u magacawdo Soomaaliya.
Xoghayahii Guud ee Qarammada Midoobay (1 January 1992 – 1 January 1997) Boutros Boutros-Ghali, oo u dhashay dalka Masar, ayaa April 28, 1992 waxa uu Wakiilkiisa Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Maxamed Sahnoun, oo u dhashay dalka Algeria. Waa xilligii UNOSOM I (April 1992 – March 1993). Laakiin October 26, 1992 ayaa Sahnoun iska casilay xilkaas kaddib, sida la sheegay, markii khilaaf soo kala dhex-galay isaga xoghayaha guud QM.
Markaas ayaa waxaa Xoghayaha Guud ee QM waxa uu November 8, 1992 Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Ismat T. Kittani oo reer Ciraaq ah. Ismat Kittani waxa uu ahaa ergeyga gaarka ilaa March 1993 markaas oo ay bilaabatay UNOSOM II (March 1993 – March 1995) iyo xilligii hawlgalkii UNITAF ee “raja soo celinta Soomaaliya” (December 5, 1992 ilaa May 4, 1993).
March 9, 1993 ayaa Admiral Jonathan T. Howe, oo u dhashay Maraykanka, waxaa uu noqday Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya. Waxana uu xilkaas hayey ilaa February 1994 markaas oo uu is-casilay.
Waxaa markaas (February 1994) Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya si kumeel gaar ah u sii qabtay kuxigeenkii oo ahaa Lansana Kouyaté, oo dhashay dalka Guinea.
July 1, 1994 ayaa Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, Boutros-Ghali, waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Victor Gbeho (oo ah reer Ghana).
March 1995 markii ay ciidamadii UNOSOM II ay ka baxeen Muqdisho, waxaa Qarammada Midoobay u muuqatay xagga nabadgelyada awgeed in aysan xafiiskeeda ergeyga gaarka ah uusan sii ahaan karin Muqdisho.
Sidaas daraadeed waxaa April 15, 1995 ay Qarammada Midoobay xafiis qaabilsan arrimaha Soomaaliya ka furtay Nairobi, xafiiskaas oo loo bixiyay United Nations Political Office for Somalia (UNPOS). Qarammada Midoobay waxay sheegtay in xafiiskaasi loogu talo galay “Horumarinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ayadoo lala kulmayo hoggaamiyaasha Soomaalida, ururada bulshada iyo dalalka iyo ururada danaynaya.”
Sida ku cad shabakada un-Somalia.org, xafiiska UNPOS hawshiisu waa mid siyaasadeed, waxaana garab siiya oo korka kala socda Qarammada Midoobay Waaxdeeda Arrimaha Siyaasadda ee loo soo gaabiyo DPA (Department of Political Affairs).
Waxaa xafiiskaas UNPOS madax ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, kaas oo si dhaw ula socda xaaladda gudaha Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira Soomaaliya. Ergeyga Khaaska ah waxa uu Xoghayaha Guud ee QM u gudbiyaa warbixinno waqtiyo ah oo kooban, waxa kale oo uu warbixino u gudbiyaa Golaha Ammaanka ee QM. Xafiiska Soomaaliya u qaabilsan QM (UNPOS) waxa uu bixiyaa hagid siyaasadeed markii loo baahdo, oo uu siinayo rugaha Qarammada Midoobay iyo hay’adaha UN-ta ee maaraynaya mucaawinada bini’aadamino iyo ururada UN-ta ee dalka Soomaaliya, sidaas waxaa qortay shabaka xafiiskaas ee Nairobi.
Waxa kale oo shabakada xafiiska UNPOS ku qoran in Xafiiskaasi uu taageero soojeedinta dalalka gobolka ee ku aadan in la horumariyo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxa kale oo shabakaasi (www.un-somalia.org) xustay in ammaanka Soomaaliya oo liita awgeed uu xafiiska UNPOS ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya in uu ka hawl galo Nairobi Kenya.
Dabayaaqadii September 1995 ayaa Ergeyga Soomaaliya loo maagacaabay Dr. Abdul Hamid Kabia oo u dhashay Sierra Leone, isagoo xilka hayey ilaa October 1996.
November 1996 ilaa September 1997 waxaa Ergeyga Soomaaliya ee QM hayey Felix Mosha oo u dhashay Tanzania.
October 1997 ilaa February 2002 Ergeyga Soomaaliya waxaa haa David Stephen oo u dhashay dalka Britain.
Xoghayahii Guud ee QM (1 January 1997 – 1 January 2007) Kofi Atta Annan, oo u dhashay dalka Ghana, ayaa February 25, 2002 waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay Winston A. Tubman oo u dhashay Liberia. Waxana uu xilkaas hayey ilaa April 2005.
Kofi Annan waxa markaas kaddib ergeygiisa khaaska ah ee Soomaaliya uu May 3, 2005 u magacaabay François Lonseny Fall, oo u dhashay dalka Guinea, waxa uu xilkaas hayey ilaa September 2007. (Waxay ku beegan tahay xilligii ciidamada Itoobiya ay galeen Muqdisho December 28, 2006 ilaa Janauary 15, 2009).
Xoghaha Guud ee QM (ee xilka qabtay January 1, 2007) Ban Ki-moon, oo u dhashay dalka South Korean, ayaa Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu September 12, 2007 u magacaabay Axmed Walad Cabdalla (Ahmedou Ould-Abdallah) oo u dhashay dalka Mauritania, oo xilkaas hadda haya, isagoo ah madaxa xafiiska UNPOS. Walad Cabdalla waxa uu bilowgii June 2010 waraysi uu siiyey Asharq Awsat ku sheegay in uu is casilayo bisha July 2010 oo uu xilkaas ka tegi doono.
Tarjumadii: SomaliTalk.com: http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda108.html
Waan wada ognahay howsha uu ka qabtay somalia Wakiilka UN kuwii soo dirsaday si wanagsan ayuu ugu qabtay shaqadii ay u soo direen, walina howshii waa qabyo waxaana la soo wadaa mid sii dhamaystiro wixii u qabsoomi waayey, Somalidu aydaa laga rabaa siday uga bixi laheed wakiilka UN, xisaabtamka waa uun soo ma aha waa reer hebal iyo reer habel ?????
Waxay aniga ila tahay haduu tago inuu dhib iyo fara gelin siyaada somalia isagoo positionka UN uu u fadhiya is ticmaalaya.
Mida kale waa ninkii ka dambeeyay dilaalidii Badda somalia ee Kenya loo gacangelin lahaa.
Waa ninka ka dambeeyay fawdada iyo ixtiraam la’ aanta axdiga kumeel gaadhka ah ee somalia u degsan . iyo weliba fawdada hadda ka taagan baarlamaankii diiday in la xalaalaysto badda somalia . yaa og waxa soo socda iyo waxa imaan doona berito madaama aanan sharcigii wadanka u dagsanaa aanay kuwii dejiyay aanay qaarkood u hogaan samaynin. waxaas oo fawdo ah inuu ku luglahaa ayay u badan tahay
Walad Cabdalaa waa tegayaa , laakiin ninkale oo ajnebi ah ayaa lagu bedeli doonaa . Waa yaabe goorma ayey somalida howlahooda u madax banaan doonaan , mise hadba nin ajnebi ah ayey mushkaladeeda dusha uga tuuraysaa ? .
nin kasta oo la keeno cidii keensatay ayuu u shaqeeyaa taasna soomaali wax ka badali mayso laakiin dhib ayay u kordhin.
walad abdala wa nin ad u khatera wa ninki kenay kooxda maxakimta oo lo adegsaday kala jabki kooxdi asmara waxa kalo an oganahy inu yahay nin markasta isku daya inu siyasad somalida dejiyo lakiin ilaah aya og wax kadanbeya iyo ujedadisa dhabta ah kolba danta somalia kuma jirto in shisheye faraha kula jiro wax ad uficnan lahayd in qaramada midobay ay somalida isu dayso culuskedana saarto kaalmada ay shegan inay dad gaadhsiyan inkasto aysan ahayn mid gaadha dadka logu talo galay
midan kale ee ah inu is casilayo waxay ilatahay horta
qaramada midobay ee la shego waxay ushaqaysa dawaladaha wawayn oo ay danohada fulisa sida darted waxa sura gala in cabdala uu somalia dan dawaldo kale uu ka soo fushay shaqadisuna intaas ahayd saa darted marku ujedadisi gaadhay xilka u iska casilayo
Good riddance, instead of helping somalia mr. Abdalla tried to sell the somali
coast to the gready kenyans.and he watched the wayana invade somalia.