Home » Maqaallo »

Agoonta ha ka inkaarsan…!! | Kaalmoy

 

Heshiis-shaqo( Caqdi-camal ) ayaan la saxeexday Wasaaradda W. iyo Barbaarinta ee dalka Yemen, sannad dhexdaas ahaa; kaas oo macallinnimo la iiga hawl-geliyay Gobolka “Xaja” ee isagu ku yaalla dhanka Woqooyi-Galbeed ee Sanca.

Dugsiga aan ku meeleysnaa, ayaa wuxuu ku yaallaa deegaanka buuraleyda ah ee “Washxa”, kaas oo dhinaca ku haya xadka uu dalka Yemen la wadaago dalka Sacuudiga. Waxay nolosha dadka deegaankaasu ku tiirsan tahay: dhaqashada Xoolaha,Ganacsiga iyo Beero-falasho u badan kuwa Qaadka, iyo weliba soo saarka Malabka Shinnida.

Maalin ayaa goor ay xisaddii 3-aad soo dhammaatay, laguna jiray xilliga Quraacda, ayay dagaallameen laba Arday oo dhowr iyo toban jirro ahaa; kuwaas oo aan dherer iyo lixaad kale toonna is-dheerayn.. Ka-dib, annagii macallimiinta ahayn, ayaa kala dhex-galnay oo kala canaanannay labada Wiil.

Labada arday ee dagaallantay midkood wuxuu ahaa “Agoon”, aad ayuuna u akhlaaq iyo aqoon fiicnaa. Ardayga kale, waxaa dhalay nin aad u xoog weynaa, dhaqaale-ahaanna iska ladnaa, oo muddo ka soo fara-qabsaday ganacsi uu gudaha Sacuudiga ku heysan jiray.

Daqiiqado ka-dib, markii ay dhamaatay Dirirtii labada arday iyo heshiisiintoodiiba, ayaa waxaa soo caga-dhigtay; Xoog-weynihii aabbaha u ahaa labada arday midkood. Salaan ka-dibna wuxuu toos u abbaaray Ardaygii Agoonka ahaa. Laad, Feer iyo Dhirbaaxo ayuu isugu daray “Agoonkii”.

Annagii macallimiinta ahayn, Ardadii iyo dad kaloo isu soo baxay, ayuu yaabkii naga dhammaaday:-Waa maxay ninka weyn ee dilaya Agoonka yar ?!!- ayaa la wada yiri.

Xoog-weynuhu wuu isla sii qumanaa oo caaytamayay, Agoonkiina wuxuu ku barooranayay oo lahaa:-“Haddii uu Aabahay noolaan lahaa,ima uu dileen doqonkan”. Illintii ayaannu ka tirnay Agoonka,waxaannu ku niri:-“Iska aamus oo ha ooyin, hadduusan aabbahaa noolayn, ilaah baa jooga, oo ma dhinte ah, isagaana ku kaafiya:…!!.

Mr.Xoog-weyne,waxaannu u dhiibnay Booliska degmada, dhowr cashuuna xirnaa. Waxaa laga qaaday Ganaax-lacageed. Wuxuu xaal-marin siiyay macallimiinta iyo Odayaasha deegaanka. Xooluuna qalay, laakin intaas oo dhan ma ayan daweyn,mana ayan raalli-gelin Agoonkii loo itaal sheegtay; caradii Eebbana halkeeda ayay ahayd..!!.

Intii uusan dhammaan Sannad-Dugsiyeedkii, ayaa xag Allah looga yimid “Aw-Xoog-weyne”. Gacantiisii midig oo uu Agoonka ku darbeeyay ayaa qallashay(dhimatay). Dhinaciisii midig ilaa Kellida ayuu asiibay Cudur aan heybtiisa la aqoon. Saxaradii iyo Kaadidii ninka ayaa iska diiday in ay dibadda u soo baxaan.

Takhaatiirta waaweyn ee Cisbitaallada “Xaja”, “Sacda” iyo “Sanca” oo isugu jira Yemen,Masaari,Ruush iyo Jarmal iyo qalabkii casriga ahaa ee ay adeegsanayeen, ayaa irrid u yeeli kari waayay Cudurka asiibay “Xoog-weyne”.Maalmo ka-dibna, Malakul-Mowd ayaa soo xaadiray, ka-dibna, sidii uu u taahayay ayuu geeriyooday Ninkii.

Oday Deegaanka “Washxa” ka tirsan oo Sanca iigu warramayay ayaa igu yiri:-“Ustaadow, arrintu intaas kuma ay koobnaan,ee weliba wiilkii weynaa ee ninkana cudur “Kud” ah ayuu ku baxay,Xaaskii iyo Caruurtii yar-yarayd ee Xoog-weynana, xanuunno aan la aqoon bay la yaallaan, waxaanna kaba baqaynaa in ay reerku meesha wada-banneeyaan, lana waayo guud ahaanba firka(faraca) Xoog-weyne”.

Diinteenna ayaa ka digta dulmiga, xad-gudubka iyo wax u dhimidda Agoonta ama Xoolahooda oo lagu cuno xaq-darro. Dhanka kale, waxay Diintu bogaadinaysaa oo dhiirri-gelinaysaa: u adeegidda, kaalmeynta, quudinta, xannaaneynta iyo kafaala-qaadidda Agoonta. Jannada ayaana loogu bishaareeyay ruuxii wanaaggaas geysta….

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy – kalmoi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Agoonta ha ka inkaarsan…!! | Kaalmoy "

  1. shahiiana says:

    Walal waxad ksheekeysay arin mucjiza ah waxaan filayaa dad badan oo soo maali ah ayaa ku tagri falah xaqa aqoonta ama ku sameeyah xadgudubyoh aan lasoo koobi karin , hadaba cidii akhrisatah maqaalkaaga waxay ilatahay in ay ugu filantahay cibro iyo waano qaadasho
    adna sida aad usoo codbisay ilaahay ajar iyo xasanaad hakaasiiyo
    walal
    waad mahadsanatahy

  2. abdinasir says:

    War Kaalmoy Sxb Arrintu Waa CIBRO, Waxase iga sii yaabiyey Afsomaliga NAXWAHA ahee aad kuqortay maqaalka, Dabcan waxan oran karaa waa WAANO, WACDI, BARASHO AFSOMALI, & HABQORAALBA
    Jazakallahu khayran

  3. Kalmoy ilah ajar ha ka siyo wa runta wana wax lagu tusalo qato ogowna qof walbow dulmiga jizihisa ama ha so daho ama ha so da dago lakin wa la huba in laga abal marin sas darted waxan ogu baqaya dhalinta manta dagalmeysa inay ku fikiran hada sax san tahay wa kheyr lkn ka waran hada khaldantahay kuna dhimato ama dad dulmiso ka waran haday xabada wiftada ah ed turtay disho abo u xamalayay carurtisa intasna ad cadab ku mutesato maxay ku tartay xamasadi iyo nin jeclaysigi mad qadatid xadiski rasulkena subana nnkeh e aha isaga tag waxi shaki ka galo o ad waxa hubto ala badana wax la hubo o jano lagu galo by cisman pagvild/natal