Home » Warar »

Gedo Univeristy oo guul iyo soodhaweyn kala kulantay Soomaalidda Boston

Magaaladda Boston ee cariga Mareekanka waxaa lagu qabtay Axaddii lasoo dhaafay May 30, 2010 xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay, xafaladaas oo lacag loogu aruurinayey Jaamacadda Gedo University ee ku taal magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo. Xafladaas waxaa lagu casumay Ayaanle Mohamed Siyaad oo ah wiilkiii uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Ayaanle Maxamed Siyaad oo ka mid ah xubin firfircoon Ururka Horumerinta Soomaaliyeed, xaruntiisuna ay tahay magaaladda Culumbus ee Goboka Ohio.

Waxaa halkaas ka hadlay dad aad u tiro badan oo isugu jiray aqoonyahano, Culimo iyo Arday ka kala timid Magaaladda Boston iyo nawaaxigeeda. Dr. Warsame Ali oo hogaaminayey Ururka Horumarinta Soomaaliyeed iyo xubnihii la socday ayaa waxay faafaahin ka bixiyeen baahida Jaamacadda Gedo iyo dhamaan baahidda waxbarasho ee ka jirta Soomaaliya oo dhan. Shiikh Tawakal oo ka mid ah culimadda reer Boston ayaa mid mid ugu duceeyey dhamaan dadkii wax la baxay oo geesinimadda muujiyey.

Halkan ka daawo sawirada… (pdf)

Gabdhaha Soomaaliyeed ee magaaladda Boston oo ahaa tiir dhexaadka Guushii ka soo hoyatay kulankaas ayaa waxaa Ururka Horumarinta Soomaaliyeed ay gudoonsiiyeen Shahaado sharaf mahad celin ah sida geesinimadda leh ay u go’aansadeen in ay taageeraan dhamaan Shacaka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan. Maryan Gaas oo aheyd hogaamiyaha hayadda RIAC ayey gabdhaha Soomaaliyeed u doorteen in ay gudoonto iyadoo mataleyso dhamaan reer Boston sharfta u soo hoyatay iyo gaar ahaan haweenka Boston oo tiir dhexaad u ahaa Xafladdaas. Xubinhii martida u ahaa reer Boston waxay la noqdeen farxad iyo gacmo buuxo.

Halkan ka daawo sawirada… (pdf)

Abdulkadir Hindi (Senior Community Organizer)

Boston, USA
abdulkadirhindi@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.