Home » Faallo »

Zenawi: Waxaan ka soo dhex saaraney kuwo lagu magacaabo “Qunyar socod”

Wareysi dheer oo uu siiyey Raisal wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi barnaamijka Talk to Aljazeera oo laga daawado TV-ga Aljazeera qeybta Engriiska maalmo ka hor (May 23, 2010) inta aan doorashooyinka ka dhicin. Zenawi wuxuu ka hadaley arimo dhowr ah oo ay ugu horeeyeen dooda wabiga Niil, Somaliya, caburinta u ku haayo mucaaradka, Ereteeriya  iyo Musuqmaasuqa loo isticmaalo barnaamijka dhaqaalo kobcinta.

Arimaha Somaliya waxaa wax laga weydiiyey sida uu arko khilaafkii TFG-da Sh. Sharif iyo Cumar C/Rashid, wuxuu yiri “Weli dhibka ma dhamaan dowladuna Ahlu Sunnah kama mid ma ahan” hadalkan waa mid dareen siyaasadeed oo mug leh ku jiro. Wuxuu hadalkiisa raaciyey in Ahlu Sunnah ay maamusho dhul baaxad weyn leh oo ku yaalo gobolada Dhexe ee Somaliya.

Zenawi wuxuu kaloo yiri mar uu u jawaabey su’aal ahayd iney u dhamaatey TFG oo khaati taagan tahay, wuxuu yiri, ka fiiri dhinaca kale Al-Shabaab iyaga dhexdooda ayaa is dilaya, khilaaf weyn dhexdooda ku jiro, dagaaladii ay sheegi jireen iney TFG-da ugu dhamayn doonaan aysan dhicin.

Waxaa kaloo weydiiyey in qabsashadii ay qabsadeen Somaliya qasaaro weyn ka soo gaartey uuna ka qoomameeyey, wuxuu yiri waa jirtaa balse hadaf kaanu ka lahayn baynu ka gaarney, mida kale daahida aan ku daaheyna waxay ahayd inaan sugeyney in AMISOM imaadaan. Waxaa la weydiiyey tirada askarta naftooda ku waayey Somaliya oo xitaa uu diidey in Baarlamaanka dalkaas hordhigo, wuxuu ku jawaabey eheladii askarta dhimatey waa loo sheegey.

Halkan ka dhegeyso qayb mid ah waraysiga

Mar uu sharxayey hadafka ay ka lahaayeen wuxuu yiri waxaan kala soo dhex baxney koox lagu magacaabo “Qunyar Socod” waxaan ka soo dejiney faraskii Al-Shabaab.

Waxaan tacliiq ku samaynayaa in aan faahfaahiyo hadaladisa oo runtii igu waajibtey inaan ummadayda inta caqliga lihi u bandhigo dhibaatooyinka lala damacsan yahay.

Zenawi hadalkiisa uu leeyahay TFG-da kama tirsana oo weli dhibka ma dhamaan waxaa uu ula dan leeyahay in Ahlu Sunah marka lagu soo daro TFG-da uu khilaaf cusub imaan doona oo sidii caadadu ahayda hadhowdi Addis looga wici doono Sh Shariifna sidaas loogu dhamayn doono.

Taasi waxaa kaaga marqaati ah sida Shariif Xasan uu uga dhex baxey khilaaf cusub oo ka dhex dhashay TFG-da Ina C/Rashid+Ahlu Sunnah vs Sh Shariif. Waayo Shariif Xasan wuu og yahay in Ethiopia ay rabto in xubnaheeda metalaya lagu soo celiyo TFG-da, waxay gacanta ku dhigi doonaan mukhaabaradka iyo ciidanka TFG-da oo dhan. Waayo kuwa hada ay ku leedahay sida Cabdi Qeybdiid iyo Xaabsade awood wanaagsan kuma lahan.

Ethiopia waxaa ka go’an iney ka takhlusto Sh Shariif iyo kooxdiisa ARS-ta, kuwa maanta garbihiisa fadhiya waxba ma qaban karaan waana kuwa ugu karti darnaa, tan iyo intii garbihiisa ka baxeen afartii wasiir ee ugu firfircooneyd Illaahey ha u naxriistee oo dhamaantood cadowga Somalida ku dileen Hotel Shamow 3 December 2009.

Hadaba hadalkan waxaa ka muuqda in mudada TFG ay khilaaf ku sii dhamaysan doonto, madaxda TFG-da ay Ahlu Sunnah kooxda isku sheegta ee Zenawi u khidmeysa ay gacantooda geli doonto.

Balse tani waxay fursad weyn u tahay shacabka Somaliyeed oo markale arki doona dowlad magac u yaal ah oo Ethiopia dabada ka wadata, waxayna sahli doontaa in Al-Shabaab markale helaan taageero badan.

Hadalka Zenawi ee uu leeyahay Ahlu Sunnah waxay heysataa dhul weyn oo ku yaala gobolada Dhexe ee Somaliya, taasi waa been cad oon marqaati u baahneyn, waayo Ahlu Sunah kuwa sheegta ama Sufida oo ah sedex jufo waxay joogaan Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caabudwaaq. Waa sedex degmo oo shacabkooda dhaafsiineyn hadii la isku daro 20,000. Tani Zenawi wuxuu uga dan leeyahay in qabaailada Somaliya sida kuwa sedexdaas degmo degan hunguri u soo galo oo qori u qaataan Al-Shabaab, hadhowna TFG-da boos looga siyo.

Zenawi hadalka uu leeyahay ee ah Al-Shabaab ayagaa is dilaya, tanina waa been meel ay Al-Shabaab isku leyneyso ma aanan arag, malaha waxaa laga yabaa in boga qurunka ah ka soo qaxweystey. Tanina waa mid niyada loogu dhisayo Ahlu Sunah oo min London ilaa Australia kuwo magac beel ka socda raba in dhiig shacab mansab ku helaan.

Hadalkiisa kale ee ah in hadafkii ay ka lahaayeen iney duulaan qaadaan waa ka gaareen, taasi waa been waayo intey Jufooyinka iyaga xuduuda la ah iney soo hubeyaan jabahado ka dhigeen amaba iyagana ma soo dhafeen xuduuda ay la wadaagaan Somaliya. Hadii hadafkiisu ahaa in “Qunyar socod” si xoog leh uga dhex soo saaraan Al-Shabaab, waa ay heleen waana Sh SHariif, balse su’aashu waxay tahay hadan “Qunyar socoda” iyo Zenawiga ayaanba is anficin. Waxaana ula muuqaataa in “Qunyar socodnimada” Shariif aysan weli Ethiopia isku halayn Karin, balse ay ka sii jeceshahay iney keensato midka ayada soo naas nuujisey.

Ugu damabeyn hadalkii la weydiiyey oo ah tirada askarta uga baqtisey Somaliya ee uu diidey inuu ka jawaabo, taasi waxaa jawaab cad u tahay iney Somaliya ku jabeen aysan weligood ka kabsan doonin, hadii tirada ay ahaan lahayd tiro yar kama xishoodeen inuu ku faano sida uu ugu faanayo in Ahlu Sunnah dhulweyn ayay heystaan oo aan weli ognahay iney been tahay.

Somalida inta badan Zenawi aqoon uma laha amaba Ethiopia siyaasadeeda ku aadan Somaliya. Zenawi raisal wasaarinimadiisa waxaa u dheer inuu xubin aan joogto ka yahay G20 wadamada la isku yiraahado ee aduunka dhaqaalaha badan wuxuuna u metelaa Africa oo dhan, wuxuu kaloo la-gudoomiye ka yahay ururka ay ku bahoobeen Africa iyo China, xarunta African Union dalkiisa ayay ku taalaa, IGADn-na wax aan isaga oran kamaba socdaan waayo inta hartey Ereteriya oo mar hore isaga baxdey, waa daciif. Wuxuu madax ka yahay gudi lagu magacaabo “Somali Forum”, waxaana gudigas xunbo ka ah wasiirkiisa arimaha dibeda, taliyihiisa qeybta sirdoonka, kan Somaliya u qaabilsan Gen Gabre, Col Yamani oo isna horey ugu qaabilsanaa shirkii Eldoret.

Waxaan hadalkay ku gunaanudayaa in kuwa TFG-da sheeganayo in la idiin digey, cidii Zenawi caanaha ka cabi jireen, kuwo cusub baa soo socda oo iyagoo Zenawi ku digrinaya Villa Somaliya soo geli doona dhowaan.

A Ibrahim

Aibrahim2010@live.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Zenawi: Waxaan ka soo dhex saaraney kuwo lagu magacaabo “Qunyar socod” "

  1. abdishakur says:

    asc. wiilka dhabaalkaan qorey waxaad ka mid tahay dadka Alle aragtid dheer ku manastay, Waadna ku mahadsan tahay aragtidaa sharafta leh ee aad ummadda soomaaliyeed aad uga faaideys, waxaana ku leeyahay haka daalin inaad faalooyinkaas oo kale qorti marwalba, waayo arin anfacaysa dadka soomaaliyeed meel ay jooggaanba.Abdshukr

  2. dalyaqaan says:

    scwr wiilka soqorey wuu ku mahad sanyahay mida kale midka labaxay NASRIIN ilahay hasooo hanuuniyo wax uu fahmayaa iska yare malaha maba kala yaqaan xaq iyo baadhilka haduu kala yaqaan saas umuuunan hadleen wax ladifaacabo ma zanaawi buu difaaco mise daba dhilifka lasoco ilahaahay hasoo hanuuniyo asaga iyo kuwo lamidka ah aaaaaaaaamin

  3. rabiile says:

    midka isku sheegay naasriin ninkan dadaalfiican ayuu muujiyay xaqiiqdiina waa ka hadlay ee alle ha waafajiyo xaqa adigana gaalo jaceelka hakaa madoobeeyo

  4. naasriin says:

    saxb, way muuqataa inaad is kaliftay, lakiin aqristayaasha waad u geftay waayo kaagama ay baahna inaad adigu u fasirto hadalka Meles, waxaa ku filleyd inaad hadalkiisa keliya soo gudbiso una deyso in aqristayaashu sida ay doonaan u fahmaan qasabna maaha iney u fahmaan sida adigu aad u fahamtay, waxaaba aad ka dhigtay sidii wax qiimo weyn leh, tan ahlussunah iyo jufooyinka aad sheegtay, waxaa uun ay muujineysaa aragtidaada siyaasadeed iyo halka aad wax ku waddo. iyo malaha kooxda aad taargeersantahay. waa nasiib darro in uusan qofku mararka qar kala garan karin waxa isaga gubaya iyo waxa ay dhabtu tahay.

  5. GEELLE says:

    Asalamu caleykum aad ayaad ugu mahadsan tihiin inta wax fahmaysa inta aan fahmayna illaah ha fahansiiyo ninkaas la yiraagdo SANAWI somaali ayuusan garanayn mida ku dhacda aan ka warsugno waxaan ula jeedaa somalida sikasta uu u khiyaameeyo waxba ka qaadi maayo inshaallaah guushu soomali ayeey ku danbeyneysaa yaanan la niyad jabin. Waxaan illaah ka baryayaa inuu soomlida fahansiiyo diinta iyo midnimada iyo wadaninimada salama calaykum.

  6. mahadsanid qora maqaalka masuliyada ayad mujisay oo waxad aragto oo wajalada ethopia ah ayad fahfahisay inta kadib waxaan leyahay bulshada somalida laba la iskuma helo xornimo an lo dhiman lona dhididin dhiigna loo qobin cadowna loo wajahin sida darted an wajahno cadowga inaga oo dhimashadana u diyar ahno hadi kale waxaynu wa halbacaad lagu lisay

  7. hussein says:

    walaale waad ku mahadsantahey faah faahintada aad faah faahisey dhagarta
    ay zanwi iyo eithopia ku- ama ka wadaan soomalia, laakinse maah maaah
    soomaliyeed ba oraneysa waano abuur baa ka horeyey oo adiga iyo anigaba soomali baan ka dhalaney oo ilaah baa nabidey waa dad aanan kala fahmi karin danta guud iyo danta khaaska ah mar haduu qofka kala garan waayo labadaas qofkaasi waa khaaro dhibta ugu weyn ee haysato so- waa kuba madaxweyne sheeganaya iyo barlamaan iyo kuba janaraala sheeganayo
    waa dad kuligood iyaga oo waaway geelkii ay raaci jiren ka soo tagey oo sarwaal iyo shaati soo xirtey nin haduu geel raacijirey geel buu garanayaa
    ee in janaraal iyo madaxweyne iyo barlamaan iyo wasiir laga dhigo waa khaladka wadankeena ka jira inta geeljire xukuumad u dhiibaneyno waligeen ma aflaxeyno zanaawina geeljiruu jecelyahay maxaa yeley geeljire dowladnimo shaqadiisa ma ahen mana garanaayo waxaa kaloo soo raaca geeljire waa kuba dhuunta wax kamaqla oo aan laheyn diin iyo wadaninimo midna waxaan soomalida kula talin lahaa in ay keensadaan dad aanan Qaadka Cunin sigaarka cabin iyo dad kala garanayo danta guud iyo danta khaaska ah waa hadii aa dantiina garaneysaan wa bilaa tofiiq thanks
    laakinse rajada alle lagama quusto

  8. c/salaan says:

    s/c salaan kadib waxaan u mahadnaqayaa sida wanaagsan aad soomaalida dhamaan aad ugu ifisay shar wadaha meles senewi laakiin nasiib daro soomaali ayaa ka dhalatay oo sidaas wax kuula fahmayn, kuwa hada talada haayana warba uma haayaan ninkaas dhegertiisa mideeda kale hada meles shaqadiisa waxaa usii wada ciidamada amisom oo malin walba shacabka ku xasuuqa madaafiicda asagana nasiino ayuu ku jiraa markay kuwaan daalaan ayuu asagana soo noqonayaa asagoo soo nastay marka walaal waad ku mahadsantahay dadaalkaaga aad ku muujisay waxa socda iyo kuwa soo socdaba. many thanks