Home » Faallo »

YAAN UGA DACWOONAA?!!

Ma u malaynayo oo ma is dhahayo baahi dhaqaale ayaa ku xambaareysa, sidoo kale ilama aha in ogaalka iyo garashadu ay ku yar tahay, ilamana aha in ugu yaraan wax dadku garan karo ay iyagu garan waayeen, si kasta haddii aan u rogrogay ma fahmin ilaa iyo hadda ujeeddada iyo go’aan qaadashada arrinkaasi sameyntiisa ku tirtirsiinaya.

Arrinka aan cabashadiisa soo bandhigayo waa arrin dadka badankiis dhib ku ah oo ay ka cabanayaan, balse aysan aqoonin cid iyo meel ay kaga dacwoodaan.

Qofna ma jecla in qof kale wax dan u ah isaga noloshiisa wax loogu dhimo, wax walibana xilli munaasib ku ah fulintooda ayaa jira.

Dacwada iyo doodda maqaalkani waxa ay ku socotaa shirkadaha Isgaarsiinta ee ka jira dalka Soomaaliya, waxaana dacwoonaya oo doodda maqaalkani soo bandhigaya waa shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala telefoonnada gacanta ee Mobaylada loo yaqaano oo aan codkooda ku halqabasanayo.

Shacabku si kasta iyo xaalad kasta ayay u daalan yihiin, maba ugu sii jirto kuwa madfaca iyo Hoobiyuhu ka dul dhacayo mar waliba, kuwaasoo qaarkood maskax daal iyo xannuuno kawada qaaday xaaladaha cakiran ee jira, qaar baa dhiig-kar la taahaya, kuwo baa cudurka macaan sokorowga la liita, qaar baa neerfaha ka jiranoo maskaxdoodu qafiif tahay, kuwo da’ iyo gabow iyo cudur baa dilooday, kuwo fakar adduun bay hurdo beel la yihiin, kuwo baa xilli dambe hurdadu ka soo dhacdaa oo gadgadoon iyo go’ la rafasho ku jira, kuwaasoo dhibkaas heysata loogu sii daro dhib kale oo ay kala kulmaan shirkadaha Isgaarsiinta qaarkood.

Dadkaasi dhibaateysan xilliyada ay nasiinada helaan ayaa la oran karaa waa xilliyada habeenkii oo ay helaan hurdo yar oo ay dhibtaas ay la daala dhacayeen isku ilowsiiyaan, balse haddana xilliyadaas ayaa looga daba yimidoo hurddadii lagu dhibaa ama si aan munaasib ah mararka qaar looga toosiyaa, gaar ahaan xilliyada ay ugu macaan tahay hurdada ee ah saqde dhexe ee habeenkii, xilliyadaasoo qofka hurdaya uusan jeclayn in hurdada laga qaso haddiiba aanay jirin arrin dareen gaar ah ama masiibo xambaarsan oo lagu wargelinayo.

Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa ka caado yeeshay inay dadka hurdada ka qasaan iyagoo aan u eegeynin xaaladaha cakiran ee dadka kala duwani ay ku sugan yihiin, isla markaana aan kala jeclayn kan jiran, kan waayeelka ah, kan xannuunsan iyo kan kale ee caadiga ah, waxayna badiyaaba la eegtaan xilliyada ay gama’san yihiin ee ay ku jiraan macansiga hurdada, markaasoo ay kaga toosiyaan gambaleelka telefoonnada gacanta oo ay ku soo gudbiyaan fariimo xayeysiin ay ugu samaynayaan shirkado ganacsi, hay’ado NGO ah, ama shaqsiyaad gaar ah, fariimahaas oo dadka ku rida hurdo salal.

Dadka qaar ayaa marka fariimahaasi gaarto u malaynaya kuwo si gaar ah iyaga ugu socdo ama dan u ah, kuwo baa mooda in lacagaha kaararka loogu soo tuuro ee shirkaduhu mararka qaar bixiyaan ay ugu soo dhacday, markaasay mashquul ku noqodaan akhrinta fariinta shirkadda kaga timid, kuwo ayaa u maleeya in fariimo kale oo muhim ah ama akhbaaro si degdeg ah loo soo gaarsiinayo loo soo gudbiyey, kuwo kale oo akhrinta far soomaaligu dhibeyso ama indhahoodu arki karin ayaa waxaa dhacda in qof kale hurdada ka toosiyaan kuna yiraahdaan fariin baa ii soo dhacdee xilligan dareen inuu jiro ayaana laga yaabaaye yaa ii soo diray bal ii akhri inay wax dan ii ah la ii sheegayo ayaa suuragal ahe, laakiin waxay indhaha ku kala bikaacshaan shirkad duulimaad oo ogeysiis loo sameynayo iyagoo sheegaya in xilli hebel ay shirkaddu bilaabayso duulimaadyadeeda, hay’ad hebel ama isbitaal hebel oo daweyn lacag la’aan ah samaynaya iyo shirkadaha qudhooda oo is xayeysiiya oo adeeg ay soo kordhiyeen ku faafinaya telefoonnada.

Waa suuragal in ogeysiisyada ay faafinayaan shirkadaha isgaarsiintu ay dad gaar ahi danaynayaan ama ay rabaan, shirkaduhuna ay u arkaan in arrin wanaag ah ay u samaynayaan dadkaas, laakiin sida muuqata shirkaduhu hal dhan kaliya ayay ka eegeen arrinka, waxaana badan inta qof ee aan danayneynin, haddana dhibsanaya in xilliyadaas lagu soo wargeliyo, waa iyagoon danaynin oo haddana lagu sii dhibayo.

Run ahaantii maqaalkan iskama aanan qorin oo waxaa igu xambaaray kadib markaan arkay dad badan oo dhibsaday arrinka ay samaynayaan shirkadaha, si aad ahna uga cabanaya, xitaa kuwo badan oo habaartamaya ayaan arkay oo mar ma aha mar labaad ma aha, mar saddexaadna ma aha, waa ay tiro beeshay cabashadu.

Waxaan arkay dad badan oo dhahaya YAAN UGA DACWOONAA..?, waana middaas midda aan cinwaanka sare uga dhigay qormadaydan ku wajahan shirkadaha isgaarsiinta.

“Haddii aan telefoonnadooda u dhaafi lahayna waxay ogaadeen inaan telefoon iyo isgaarsiin ka maarmeyn” ayay dadka qaar ku cataabayaan, kuwo badan ayaa xilliyada habeennkii sababtaas awgeed telefoonnada isaga damiya oo danihii ay u wateen telefoonnada arrimahaas darted ku waaya xilliyada habeenkii.

Arrinkan dadku dhibsadeen ayaan qaar ka mid ah shaqaalaha isgaarsiinta kala sheekeystay balse si isdifaac ah ayay iigaga jawaabeen iyagoo dhahaya “Mey iska xiraan codadka fariimaha telefoonnada haddii ay dhibsanayaan” ma isweydiiyeen in dadka qaar aysan aqoon u lahayn sida iyo qaabka la iskaga xiro codadka fariimaha, kaliyana yaqaana ku hadalkiisa iyo dirsashadiisa oo qura.

Shirkadaha Isgaarsiinta ee hurdo beelka iyo madax wareerka ku riday dadka moog miyey u qabaan in Xayeysiis, Iidheh ama Ogeysiis baahin ay xilligan howshoodu tahay Idaacadaha, Wargeysyada, Telefishinnada, Internetyada amaba ay jiraan qaabab kale oo lagu baahin karo.

Haddaba haddii shirkaduhu aysan ka maarmeyn inay shirkado ama hay’ado NGO ah u sameeyaan Xayeysiis, Iidheh ama Ogeysiis si kasta iyo dan kasta haku xambaartee waxaan dhihi lahaa fariimaha noocaas ahi dira maalintii haddii aadanba ka maarmeynin diristooda, waayo arrinkaas dadku waa uu dhibsaday, talada aan idiin siinayana waxay tahay macaamiishiina ha dhibinee si kale arrinka u maareeya oo ka fakara aqoonta iyo garashadu idinkuma yaree.

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe

{Caaqil Dalmar}

caaqildalmar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.