Home » Warar »

“Maxkamadda Sare oo baaritaan ku wada Shariif Xasan” Websiteka FKMG:

iyo Shariif Axmed oo ka fikiraya soo magcaabidda ra’iisul wasaare… Sidaas waxaa qortay shabakadda rasmiga ah ee DFKMG.

Baaritaanka ay wado maxkamadda sare waxa uu kusalaysan yahay Wasiirka Maaliyadda DFKMG  Shariif Xasan oo hadda noqday guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG. Lama oga in Shariif Axmed uu arrintaas ka hadli doono inta uu safark aku marayo Jarmalka iyo Faransiiska oo uu maanta u dhoofay.

Dhanka kale lama oga waxa baarlamaanka DFKMG ka yeeli doono guddoomiyahooda oo dacwad la xisaabtan ah ku socoto.

Baarlamaanka DFKMG ayaa doorasho ka dhacday shalay (May 28, 2010) waxaa guddoomiye u noqday Shariif Xasan oo xilka wasiirka maaliyadda iska casilay laba maalmood ka hor doorashadaas. Wareegii 1aad ee doorashada musharaxii ku soo xigey oo ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hor intii aan loo gudbin wareegga 2aad si caro leh u yiri sidan:

“Baarlamaanka Sharafta leh waxaan u sheegayaa anigu wixii aan qaban lahaa haddii la i doorto waan soo bandhigay, waxaana rabey in aan ummaada Soomaaliyeed u adeego, laakiin halkan waxaa ka soo baxday dareen aad iyo aad u cajaa’ib badan, oo aad mooddo in baarlamaankani uunan rabin ummadda in uu dhibaatada ka saaro.. ….  war waxaad doontaan dhaha, ama buuqa ama ha buuqina aniga damiirkaygu wuu buuxaa waana soo bandhigay.” Halkan ka dhegeyso Hadalkaas iyo Dhaartii.

Shabakadda ku hadasha afka DFKMG (somaligov) warka ay faafisay May 26, 2010 waxa uu u qornaa sidan:

“(Wararka Dowladda ee Maanta): Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaliya Dr. C/llaahi Daahir Barre ayaa saxaafadda u xaqiijiyay inay soo gaareen dacwooyinka 10-wasiir oo Dowladda ka tirsan, isagoo sheegay inay baaritaanno wadaan.

Dr. C/llaahi Daahir Barre wuxuu sheegay in dacwooyinkaan ay soo gudbiyeen guddiga dhowrista iyo hantida Qaranka ee Baarlamaanka, isagoo ka gaabsaday inuu sheego xubnaha dacwooyinkooda loo keenay ee ku jira golaha Wasiirrada.

Guddigan oo horay uga hadlay dacwooyinkan ayaa sheegay in Wasiirrada la dacweeyay ay ku jiraan Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadda u sharraxan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya (noqday guddoomiyaha), Wasiirka Lacagta Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo Wasiirro kale.

Xeer ilaaliyaha oo wax laga weydiiyay khilaafka u dhexeeya Madaxda dalka ugu sarrreysa ayaa sheegay inuusa xilligaan ka hadlayn, balse ay dhowrayaan waxa kasoo baxa khilaafkooda, iyadoo la sheegayo in Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka fikirayo inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub oo badala Cumar C/rashiid.

“Labada mas’uul waxay ku kala bixi karaan Maxkamadda sare, waayo dowladdu waa mid dhisan qaab saddex qaybood ah howlahoodu kala duwan yihiin, innagu hadda faraha lama geli karo khilaafka” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Dhanka kale, maruu ka hadlay xilka guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka oo la sheegay in loo tartamayo ayuu ku sheegay inay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn, balse loo tartami karo xilalka la iska casilay oo kaliye.

Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay in guddiga doorshooyinka ay tahay inay dib u eegaan qodobadkaas, isagoo sheegay in Prof. Dalxa uu xilkaas hayo, haddii laga tallaabsadana aysan doorashadu noqonayn mid sharciga waafaqsan.”

Sidaas waxaa qortay shabakadda RASMIGA ah ee DFKMG. Warkaasna waxay shabakaddu faafisay May 26, 2010 oo ah laba maalmood ka hor intii Shariif Xasan uusan noqon afhayeenka baarlamaanka.

Saamayn intee leeg ayey arrintaasi ku yeelan doontaa Baarlamaanka DFKMG, Xukuumadda iyo Maxkamadda Sare (DASTUUR AHAAN)? Arrintaas waxaa laga filayaa in uu ka jawaabo Shariif Axmed oo maanta (May 29, 2010) u dhoofay dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, haddii loo ogolaado in ay su’aalo weydiiyaan saxaafadda ka madax bannaan.

Xigasho: Website DFKMG (somaligov).

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.