Home » Warar »

“Walad Cabdalla waxa uu qaatay $25 million oo doolar, ayey yiraahdeen, halka DFKMG ay heleen wax ka yar hal million oo doolar” InnercityPress

Qarammada Midoobay oo ka jawaabi la’ go’aankii Walada Cabdalla ku taageeray Xil ka qaadistii Cumar C/rashiid oo markii dambe uu ka laabtay Sheikh Shariif: Daawo Video

Shabakadda InnerCityPress oo wararka kasoo tebisa xarunta  Qarammada Midoobay (QM) ayaa sheegtay in Xoghayaga Guud ee QM Ban Ki Moon uu shirkii Istanbul ka akhriyey qoraal uu si weyn ugu baaqay in taageero lacageed la isla garab taago Dawladda Federaalka Kumeelgaarka oo aagga kooban ee dhawrka Blocks ah ee ay Muqdisho ka xakunto ay ilaaliyaan ciidamada Uganda iyo Burundi kuwaas oo si aan loo meel deyin rasaasta ugu rida aagaga shacabk deggan yahay, waa sida ay shabakadu warka u dhigtay’e.

“Ban Ki Moon ma xusin in Baarlamaanka Soomaaliya ay ka soo horjeedaan Ergayga Khaaska ah ee QM Axmed Walad Cabdalla, oo arrintii ugu dambeysey ee uu murggiyey ay ahayd in uu soo saaray wareegto uu si xooggan ugu taageerayey in Madaxweynaha Soomaaliya (uu xilka ka qaado ra’iisul wasaaraha), arrintaas oo durbadiiba uu (madaxweynahu) ka laabtay.”

InnercityPress waxay is weydiisay: Qarammada Midoobay waxay sida caadiga ah yiraahdaan waxba ka dhehi meyno arrimaha gudaha ee dalalka xorta ah. Laakiin Ban Ki Moon waxa uu  Walad Cabdalla u oglaaday in uu sameeyo wuxuu doono, sida in uu ku dhawaaqay in xanibaad lagu soo rogo warbaahinta si aysan warbixin uga qorin dil dadka shacabka ay u geysanayaan ciidamda Uganda iyo Burundi.

Shabakadda InnerCityPress oo soo xignayeysay wargal ku sugnaa shirkii Istanbul ayaa sheegtay in markii toddobaadkii hore ay waftiga DFKMG la kulmeen Ban Ki Moon  waxay ka cawdeen in Walad Cabdalla uu qaatay dhamman lacagihihii oo uusan ayaga waxba u reebin.

“Waxa uu qaatay $25 million oo doolar, ayey yiraahdeen, halka ay iyagu (DFKMG) ay heleen wax ka yar hal million oo doolar. Ban Ki Moon waxa uu yiri arrintaas anigu ma maqal. Malaha arrintan waxaa lagu sharxi karaa sababta uu Turkiga ugaga baaqay in lacag dheeraad ah ee DFKMG,” ayey qortay shabakadu.


May 18, 2010: Mr. Lee (midig) oo ka socda Inner City Press oo su’aalo weydiiyey Martin Nesirky (bidix) oo ah afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, su’aalahaas oo ku saabsan Walad Cabdalla oo Sheikh Shariif ku taageeray casilaadii Cumar C/rashiid, taas oo QM ay ka jawaabi la’adahay iyo weliba in 300 oo xildhibaan dalbadeen in Walad Cabdalle la casilo: Daawo Video

May 18, 2010 ayaa Innercitypress su’aalo ay weydiisey Martin Nesirky oo ah Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay waxaa ka mid ahaa: Shalay ayaa warsaxaafadeed waxaa soo saaray Qarammada Midoobay ay ku taageerayso in Madaxweynaha Soomaaliya xil ka qaadistii uu ku sameeyey Ra’iisul wasaraha Soomaaliya. Waxaa wareegtadaas soo saaray Xafiiskaaga Qarammada Midoobay taageerada in la casilo ra’iisul wasaaraha. Hadda ra’iisul wasaaruhu waxa uu yiri waxay ahayd sharci darro marka la eego Dastuurka Soomaaliya, iyo in madaxweynahu uusan xaq u lahayn in uu sidaas sameeyo. Waxaan la yaabahan arrinta uu Walad Cabdalla dhinac ula safanayo dhinacyada isku haya Soomaaliya. Maxay arrintaas Qarammada Midoobay ka dhahaysaa?

Afhayeenka Xoghaya Guud ee Qarammada Midoobay waxa uu ku jawaabay: marka hore mudane Walad Cabdalle waa nin war haya – waxana uu u leeyahay khibarad. Waxa uu ka hadli doonaa shirka Istanbul ee arrimaha Soomaaliya. Waxaana hubaa in ugu yaraan kulanka looga hadlo doono arrimaha gaarka ah. Intaas ma jiro wax aan ku darayo.

Jawaabihii uu bixiyey Afhayeenku Daawo Video


Sawirka: Walad Cabdalla iyo Ban ki Moon (Innercitypress.com)

InnerCityPress waxay Afhayeenka Xoghaya QM weydiisay su’aal kale oo ahayd: Waxaa jirta markii Walad Cabdalla aan weydiinay in 300 xildhibaan Soomaaliyeed ay Qarammada Midoobay ka dalbadeen in Walad Cabdalla laga qaado xilka, waxa uu Walad ku jawaabay waa wax ay qorteen Website. Dabcan warka waxaa qoray AP oo leh website. Marka maxay Xoghaynta Qarammada Midoobay arrintaas ka dhehaysaa – waa 300 oo xildhibaan oo dalka martida loo yahay. Waa maxay jawaabta arrintaasi?

Afhayeenka Ban Ki Moon waxa uu ku jawaabey: Waxaan ogahay in ay kala duwaanansho u dhaxayso xukuumadda iyo baarlamaanka ee dal.

Su’aalaha oo loogu celcelinayo, oo uusan ka jawaabayn Afhayeenka Xoghaya Guud ka Daawo Video.

April 28, 2010 ayey ahayd markii Warsaxaafadeed ay soo saareen 301 Xildhibaan oo Muqdisho ku sugan  shaaca kaga qaadeen in dhibaatada ka dhex taagan Baarlamaanka Federaalka Kumeelgaarka uu masuul ka yahay Axmed Walad Cabdalla oo ah Ergeyga Gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay (QM).

Walad Cabdalla waxa uu si Jees-Jees ah uga Jawaabay eedayntii ay u soo jeediyeen 300 Xildhibaanada Soomaaliya (Daawo Video)..

Bishii Febraayo 2009 ayey ahayd markii hayadda u dooda xuquuqul insaanku ay  Axmed Walad Cabdalla ka dalbatey in uu degdeg uga laabto hadalkiisii uu weriyaasha Soomaalida ee ka warbixiyey dhacdadii (Muqdisho ee Feb 2, 2009) uu ku barbar dhigay Radio Mille Collines, oo ahaa raadiyihii  loo adeegsadey sidii loo kicin  lahaa shacabka reer Rwanda sannadkii 1994 si ay uga qayb qaataan xasuuqii lagu diley dad gaarayey ilaa 800,000 oo qof. (Walada Cabdalla oo dalbaday Moratorium ama xanibaad in la saaro werita wararka ka imanaya Soomaaliya)

Walad Cabdalla oo Taageeray Go’aanka Sheekh Shariif uu ku kala diray xukuumadda

Warsaxaafadeedkii Walad Cabdalla May 24 2010 ka soo saaray Istanbul

Sidoo kale Akhri Istanbul Declaration (Istanbul, Turkey)

Sidoo kale Akhri: On Somalia, UN Ban’s Ould Abdallah “Takes All the Money,” Bumbles in Politics

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " “Walad Cabdalla waxa uu qaatay $25 million oo doolar, ayey yiraahdeen, halka DFKMG ay heleen wax ka yar hal million oo doolar” InnercityPress "

  1. Shucayb says:

    marka hore A/C somalitalk waxaan halka ka cadaynayaa in uu yahay Somali u dood, runtii aad ayaan ugu farxsanahay sida sharafta leh ee uga doodo waxa Somaali dhibaya haday tahay Badaha la iibsaday Lacagaha waxaana leeyahay haka daalin arrimaha somaaliya, waxaana lagaaga fadhiyaa in aad usoo gudbisid Hantidii soamaaliya halka ay ku danbaysay