Home » Warar »

Dufcadii sadexaad oo arday Somali ah oo ka qalin jabiyey Jaamacada Madras ee Magaallada Chennai ee Wadanka India.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaaga ay kasoo qeyb galeen somali iyo ajnabi isugu jira Macalimiinta Jaamacada Mohamed Sathak College of Arts & Science ayaa waxaa lagu qabtay Magaallada Chennai ee wadanka Hindiya,taasi oo loo qabtay arday somaliyeed oo ka qalin jabiyey qeybaha kala duwan ee jaamacadaasi,waxaana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaasi kuwaasi oo ku dheeraaday ka hadalka marxaladihii ay soo mareen ardaydan xiliyadii ay ku jireen barashada aqoonta ay maanta dhameysteen.

Madaxa Maamulka Jaamacada Mohamed Sathak College of Arts & Science oo sharaxaad ka bixinayey ardayda somalida ee iminka qalin jabisay iyo kaalinta ay ku lahaayeen doorka waxbarasho ee jaamacadaasi iyo xitaa kuwii kasii horeeyey ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyarada somalida ay ka mid yihiin kuwa ugu horeeya dhinaca waxbarashada,isagoo dhinaca kale sheegay in sida uu dhalinyarada somaliyeed dalkooda iyo dadkooda u dhibaateysan yahay inaysan u liidan heerkooda fahanka iyo la saanqaadida aqoonta waxbarasho oo ay u yimaadeen Hindiy.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Ardaydan Somaliyeed oo isugu jira kuwa ka kala yimid dhamaan gobolada dalka somaliya ayaa iminka waxaa ka muuqda wajiyadooda inay ku faraxsan yihiin inay dhameysteen bilowga waxbarashadii ay ugu soo hayaameen wadanka hindiya,waxaana sidoo kale ay ardaydan isugu jiraan kuwa ka qalinjabiyey dhowr kuliyadood oo kala duwan,waxaana ka mid ah kuliyadaha ay maanta dhameysteen ardaydan somaliyeed:-

  • 1. Business Administration
  • 2. Information Systems Management
  • 3. Microbiology
  • 4. Computer Applications
  • 5. Msc. Information Technology
  • 6. Political Science

Ahmed Abdiweli Ciise oo ka mid ah ardayda maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Madras College oo aan wax ka weydiinay sida uu yahay dareenkiisa maanta,maadaama uu dhameystay waxbarashadiisa uu mudo ku taamayey ayaa yiri ” maanta waxay inoo tahay aniga iyo ardayda kale ee aanu wada dhameysanay waxbarashada mid farxad iyo sharaf u leh nafteena iyo mida umada aanu ka dhalanay ee Somaliyeed,sababtoo ah dalkeena waxa uu ku jiraa xili uu u baahan yahay arday badan oo somaliyeed kuwaasi oo wax usoo barta kadibna dib ugu celiya wixii ay soo barteen,Waxaa mahada guusha aan gaarnay iska leh ilaahay na abuurtay,waxaana mida labaad iska leh macalimiintii iyo intii garabka inagu siisay waxbarashadan aanu dhameysanay”

Arday Soomaaliyeed ayaa waxay ka qalin jabiyeen Jaamacada Madras ee ku taala magaalada Chennai ee koonfurta dalka India. Xafladan oo si aad ah loo soo agaasimay aya waxa ka soo qaybgalay dadwayne aad u farabadan oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi. Ardayda ka qalinjabisay jaamacada Madras,Ma ahan markii ugu horeeysay oo xaflad sidan oo kale ah Jaamacadan Madras loogu qabto arday somaliyeed,waana mid sanadkasta sidan oo kale loogu qabto ardayda ka qalin jabisay aqoonta ay soo raadsadeen.Jaamacadan Mohamed Sathak College of Arts & Science ayaa ah meesha ay ugu badan yihiin oo ay wax ka dhigtaan ardayda somaliyeed ee joogta magallada Chennai ee wadanka Hindiya.

Abdiweli Garyare.
garyare139@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.