Home » Maqaallo »

Reer Buuhoodle oo Bilad Taariikhi ah u Soo Hoyay Magaca Soomaaliyeed iyo Koodaba

Indhawaalaba Soomaali waxa ay ku can baxday dirirta dhexdooda ah, ayagoo ka mashquulay cadowyadeedii soo jireenka ahaa, taasi waxa ay dhaxalsiisay in ay walaal iyo waalidba ka dhigtaan waraabayaashii hororada ahaa ee jiritaankooda hortaagaana abid.

Waraabayaashani ha ahaadeen kuwii gumeysiga amase kuwii usoo tafaxaytay sidii dhulka iyo dadka Soomaaliyeedba qariidada uga suulin lahaayeen.

Mar walba waxaa la helayay halgamayaal Soomaaliyeed oo sifo kasta haku qaadatee u diidayay in ciida Soomaaliyeed ka hirgasho Himilo aan tooda aheyn, horror walbana hootada u qaaday.

Nasiib daro hankii noocaas ahaa guyaal badan dib u dhac xoog leh ayaa hareeyay, horaradii laga hortaagnaa ayagaaba maangaabyada soo kacay lahoos galeen himiladoodii.

Maanta intii cadowga loo yaqaanay ayaa naga harsan la’, iyadoo kuwo naga mid ahi albaabadooda ayaga oo hortaagan qoraxdu ugu soo baxdo, uguna dhacdo, waa laynaga harsan la’yahay, waxa ayna gaadhay heer dal iyo dad beec ah sidii loogu hoos waday, laftigoodii ay ku idaadeen, leeyihiina, “Waar qurub xaaraankiina naga leexiya”.

Taariikhda dunidan wali laguma hayo damiir xumida aan ku suganahay dad gaarey, mar walba waxa la helay kuwo ka dhiidhiya sifayaasha dadnimada ka soo horjeeda.

Liidnimada hareysay Soomaali waayahan ayaa waxa ay ka mid ahaa in markii Wiil Ethiopian-ah ay arkaan in ay Amiir ka yeeshaan, hadii ay dirir tahayna markii layiraahdo ciidamadii Ethiopian-ka ayaa soo galay goobaha la baneeyo.

Tani waxa ay sahashay in ayba shaqo u noqotay dhalinyarada ciidamada Ethiopianka hogaamiya in ay Odayada, Culimadii, waxgaradkii, haweenkii, hablihii iyo kureydiiba, dariiqyada ku jiidaan, kuna karbaashaan, xabsiyada ka buuxiyaan, kii ku hadal ceshana ifkaba laga waayo.

Reer Buuhoodle diritii iyo diidmadii ay ka muujiyeen dulinimadii lala maagaanaa, waa mid taariikhdeena danbe baal dahab leh ka gali doonta, waa mid cadowga dareen naxdin leh ku abuuri karta, waa mid muujineysay sida kuwo naga mid ah anaga Soomaali ah wali dadnimadoodii u nooshahay.

Waa mid fariin hor leh ku noqondoonta Ethiopia, taasoo oraneysa 20sano ka dib Soomaali wali waa diidan tahay dulinimo, waa diidantahay damiir xumo, waa diidan tahay in danaheeda cid kale u dabafariisato, waa diidantahay dilaalada aad dabada ku wadatid.

Reer Buuhoodle waxa ay markii ugu horeysay deegaanada kale ee Soomaaliyeed u fureen albaab tusinaya in hadii ciidooda iyo dadnimadooda taako lagu soo xadgudbo, waxa kuu furan ay tahay buntukha oo aad deegta u radatid, cadowgana wadada kaliya ee uu fahmi karo la martid.

Deegaanada kale ee xadbudubyada noocaanoo kale lagu wado, waxaa u banana in ay wadadaas maraan.

Waxaan rajeynayaa sida maanta Reer Buuhoodle oo Degmo kaliya ah, ay u muujiyeen dadnimadooda, Soomaalina u wada muujiso,kuwa badan oo hoos hoganaya maanta Ethiopian-kana waxaa cad in Reer Buuhoodle tixgalinta iyo dadnimada ay u hayaan Ethiopian-ku ayan u hayn ayaga, oo laga yaabo in magac maamul ama Gobalaba hawanyihiin.

Waxaa wax laguu aqoonsanayaa marka aad kolka hore wax jira isku aragtid, waxa aad diidan tahay iyo waxaa dooneysidna kuu kala asteysan yihiin, balse hadii caynaan kugu jabsan yahay, nacamlena sheekadaadu tahay, dee wax kale ma mudnid eebe weyne oo in uu xaqa ku tuso laguu baryo maahane.

Reer Buuhoodlena waxaan leeyahay Dabkii bakhtiyay ayaad shideen, Soomaalina baal dahab leh ayaa ka gasheen marlabaad, nin diidi karana ma jiro.

Biladii Geesinimada, Reer Buuhoodlaa leh.
Biladii Xornimada, Reer Buuhoodlaa leh
Biladii Dadnimada, Reer Buuhoodlaa leh.

Waxaana ku soo xirayaa tixihaan maanso aan hore u tirshay ku jirtay.

BILAD AAN HORAANTEED

HORAY LOOBA ARAGOO

AADMIGA MIDKII HELA

RABI UU U HIILSHOO

HAREERTIIS ISTAAGAAD

BUUHOODLAAY LA HOYATAY

Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.