Home » Warar »

Guddi loo xilsaaray samaynta sharci ay yeeshaan suxufiyiinta Qaxootiga ku ah Uganda

iyo Haweenay iyo Afar carruur oo ku geeriyooday hilib sumeysan

Guddi loo xilsaaray in ay soo sameeyaan Sharci ay yeelanayaan urur Suxufiyiinta Qaxootoga ku ah Kampaala oo la dhamaystiray.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen wariyaasha Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah Magaalada kampala ayaa guddi farsamo oo horay loogu xilsaaray in ay soo sameeyaan sharcigii lagu maamuli lahaa ururka ayaa la soo hordhigay wariyasha.

Sharcigan ayaa la isla gartay in uu yahay mid rasmi ah inkastoo ay jireen qodobo wax laga badalay iyo kuwo lagu soo kordhiyay.

Magaca ururka ayaa la sheegay in uu noqonayo Somali Rufegee journalist Association in Uganda (SORJA).
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen kudhawaad labaatan Suxufi ayaa waxaa ka hadlay Qusulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Xasan Maxamed Xaaji (Duusoos) ayaa ka waarbixiyay mihiimadaa uu qofka suxufigaa ah ugu fadhiyo bulshada, isaga oo sheegay in qof walba uu rabo in uu ogaado wixii war ah, sidaa darteedna ay tahay waxa akhbaarta gaarsiiya Dadka ku nool caalamka wariyaasha kala duwan oo qaar talafeeshino ku gudbiyaan, kuwo wargaysyo iyo website-yo halka kuwana ay ideecad ku gudbiyaan.
Mudane Xasan Dusoos oo xil weyn iska saaray sidii uu wax ugu qaban lahaa wariyaasha ayaa tilmaamay sida uu u sahli karo Ururkan, qaabkii ay wax ugu qaban lahaayeen Hay,adaha caalamiga ah isaga oo carabaabay in ay tahay wadiiqihii loo mari lahaa horumar ay gaadhaan.

Sidoo kale Abukaate Cumar Mohamed Cabdulle (Cumar-dhagey) oo sharciyaqaan Xaquuqda Aadanaha u dooda ah ayaa ku tilmaamaay Shaarciga guddiga in uu yahay mid rasmi ah isaga oo waxbaadana ka toosiyay, Abukaate Cumar-dhagay oo sharxayay Faa,iidada uu sidiisaba maamul leeyahay ayaa sheegay in Maamulka wanaagsan uu ka bilowdo Sharciga wanaagsan.

Shirka suxufiyiinta ayaa magaca ururka laagu Canbaareeyay Dhicii iyo weerarkii loo gaystay Ideecadii Soomaaliweyn ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo ku tilmaamay in Qayb katahay Dhibaatada lagu Hayo Saxaafada Soomaaliya.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Guddigan sharci dajinta ayaa waxaa kamid ahaa Cumar Nuur Guutaale , Mulki Caydiid, Axmed Taajir, Cabdinuur Maxamed Kadiye, Canab Maxamed Yare iyo Maxamed Cumar Abiib oo dhamaantodba manta fadhiyay kulanka hortiisa.

Aritan oo dad badan ay qabaan in ay wax weyn u tari doonto wariyaasha kampala Qaxootiga ku ah , ayaa taladeeda waxaa wax kalahaa Gudoomiyaha ururka Saxaafada ,dib u Iftiiminta Nabada iyo Dulqaadka ee dalka Uganda Ciise Kararira

Sharciga Ururkan ayaa lagu xusay in uu gacansaar la yeelanayo, ururada Saxaafada Caalamka iyo tan gudahaba.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Haweenay iyo Afar carruur oo ku geeriyooday hilib sumeysan

Wararka naga soo gaaraya tuulo ku dhow degamada Buulabarde ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in tuuladaasi ay ku geeriyoodeen haweenay iyo afar caruur ah oo ay dhashay kadib markii ay sumoobeyn.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay qoyska halkaasi ku geeriyooday, qaar waxay sheegayaan in ay cuneen hilib sumeysan, hase yeeshee warar kale ayaa sheegayaan in ay biyo ku shubteen fuusto markii hore lagu keenay suntan xoolaha, iyadoo qoyskaasi ay ka badbaadeen Aabihii iyo gabar yar oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaala degmada Buulabarde, waxaana lagu waramay in goobtii ay mashaqadaasi ka dhacay ay u gurmadeen xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo iyagu bilaabay in ay baaritaano ku sameeyaan waxa keenay geerida iyo Haweeneydaasi iyo afarta caruurta ah ee dhashay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qoysas soomaaliyeed ku dhintaa walxo sumeysan taasina waxaa ugu wacan iyadoo aysan ka fiirsan wiilsha ay wax ku cabayaan oo qaarkood lagu keeno walxo sumeysan, kal hore ayay ahayd markii qoys sidaan oo kale ku noolaa goboka J/hoose ay u geeriyoodaan biyo sumeysan oo ay cabeen.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.