Home » Warar »

Shirka Istanbul ee Turkiga oo lagu tilmaamey Shimbiriyahaw Heesa

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya Jimcihii ka furmay Magaalada Istanbul ee Caasimadda wadanka Turkiga, waxaana la sheegay in looga hadlayo arrimo fara badan oo la xiriira Xaaladda Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mr BanKin Mon iyo xubno kale oo ka kala socda Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, waxaana shirkaasi uga qaybgalaya Soomaaliya Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madax ka socota maamulada ka jira Dalka.

Shirkaan ayaa waxaa ka horeeyey shir kale oo ka dhacay dalka Biljam kaas oo lagu ballanqaaday hanti gaareysa 250 Milyan oo Doolar, balse lacagtaasi waxaa la sheegay in marka saddex meel loo qaybiyo aysan meel keliya ka soo xaroonin, haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay waxa ka soo bixi kara shirkaan ka soo cusboonaday dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Cali Jaamac Jengeli oo ka hadlay Shirkaasi ayaa sheegay in shirkaan uu ka duwan yahay kuwii hore isla markaana shirkaan lagu soo qaadi doono ka hadalka lacagihii horey loogu yaboohay Dowladda Federaalka iyo waliba yabooh cusub oo loo sameynayo Dowladda sidii looga taageeri dhinacyo badan oo ay ka mid tahay dhinaca Amniga iyo waliba sidii ay Dowladdu awood ugu yeelan lahayd in ay ka taliso Dalka isla markaana ay dhisto xoogan waxtar leh oo hanan karana amniga Wadanka soomaaliya.

Rag siyaasiyiin ah oo si aad ah ugu xeel dheer arrimaha Soomaaliya ayaa shirkaasi ku tilmaamay “shimbarayahow Heesa” isagoo sheegay in aysan waxba ka soo bixi doonin waayo waxay tilmaameen in Beesha Caalamka aysan daacad ka aheyn in soomaaliyaay hesho xal waara, waxaa kale oo ay ku tilmaameen in shirkaan uu yahay mid la doonayo waqtiga looga lumayo Dowladda hadda jirta.

Shirkaan waxa uu ku soo beegmay xili Kooxaha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Dowladda ay ku soo dhawaadeen xarunta Madaxtoonyada kadib markii ciidamadii ku jiray difaaca hore ay halkaas isaga soo dhaqaaqeen kadib markii sida la tilmaamay ay waayeen daryeelkii ay u baahnaayeen ee dhinacyada dhaqaalaha iyo waliba hogaan jiheeya mar haddii madaxda dowladda khilaaf soo kala dhex galay.

Halkan ka eeg sawiro dheeraad ah

Dowladda Turkiga oo iyadu qabanqaabisay shirkaan ayaa la sheegay in ay wadato ajande ku saabsan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan iyadoo dooneysa in Soomaaliya la geeyo ciidan ka socda Wadamada Islaamka oo ay horkaceyso Dowladda Turkiga si looga saaro Soomaaliyada ciidamada kale ee hadda ku sugan ee Burundi iyo Uganda, waxaana la sheegay in qorshahan la sheegay in dowladda Turkiga la wado Qaramada Midoobey waana midda keentay in shirkaas lagu qabto Magaalada Istanbul.

Sidoo kale shirkaas ayaa la filayaa in lagu heshiisiiyo madaxda sare ee dowladda oo khilaaf xoogan soo kala dhex galay, waxanaa la filayaa in kullan dib u heshiisiin ah loo qabto, iyadoo shirkaan uu ka soo bixi doona guddi arrimahaas oo dhan u xil saaran.

Akhri Khudbadii Ban ki Moon maanta (May 22)  ka jeediyey Istanbul

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Ogeysiis Muhiim ah

Waxaa si Xushmad leh looga Codsanaynaa Dhamaan Macaamiishii Shirkaddii Barakaat ee ay uga Xayirmeen hantida lacageed Xawaalad ama Amaano la dhigtay meel kasta oo ay aduunka ka joogaan in ay nagala soo Xiriirraan Email-kaan, bbsmog2010@hotmail.com ama Tell +25215500979 ama 652930, Mog Somalia,  Si loola Socodsiiyo meesha ay wax marayaan fadlan ha nagala Daahina Xiriirkiina

….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.