Home » Warar »

Sheekh Aadan Madoobey oo si weyn carooday in dib loo soo celiyo Ra’isul Wasaare Sharmaake…

 iyo Hayadda PRADO oo Maalmahan Cunaqaybin ka wadey Deegaano ka tirsan Degmada Guriceel

……….

Sheekh Aadan Madoobey oo si weyn carooday in dib loo soo celiyo Ra’isul Wasaare Sharmaake…

Warar aanu ka helnay rag ku dhow dhow guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe) uu si weyn uga carooday in Madaxweyne Sheekh Shariif dib u soo celiyo Ra’isul Wasaare Cumar C/Rashiid.

“Sheekh Shariif waxa uu ka baxay ballantii aanu wada galnay ee ahayd in labadeenaba meesha ka wada baxno” ayuu si kulul u yiri Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay in go’aankii uu qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif ay keeni karto in gebi ahaanba burburto Dowladdii lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa la sheegay in uu qoraal u diray Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ahmed Walldi Cabdalla, waxa uuna qoraalkiisa ku sheegay in Sheekh Shariif uu ka baxay ballamadii ay wada galeen isla markaana uu la saftay Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxa uuna ka codsaday in deg deg loo soo farageliyo arrimaha Soomaaliya.

Aadan Madoobe oo kullamo la leh Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa lagu gorfeeyey go’aankii uu qaatay Madaxweyne Sheekh Shariif ee ahaa in dib loo soo celiyio Cumar Cabdirashiid, waxayna sheegeen in Dowladdu ay ku dhisan tahay 4.5 sidaasi darteedna ay arrintu in si siman loo baneeyo xilka, waa haddii la doonayo in ay sii shaqeyso dowladdii lagu soo dhisay dalka Jabuuti sida ay sheegeen.

Rag xildhibaano ah oo ka soo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid ay markii hore ahaayeen rag wadajira meesha la doonayey in laga saaro Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo sheegay in ay taasi muujineysa markii labo maalin kadib dib loo soo celiyey Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in sababta uu Sheekh Shariif dib ugu soo celiyey Cumar Cabdirashiid ay tahay kadib markii uu cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka, sidoo kale warar ayaa tibaaxaya in sababtu ay tahay iyadoo la waayey kusime mar haddii Madaxweynuhu u ka qaybgalayo Shirka Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya, taasina ay keentay in dib loo soo celiyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid, haddaba maxaa ka imaan doona Gudodomiyihii Baarlamaanka oo horey loogu qanciyey in Dowladda la dhisi doono uu xil ku yeelan doono taasina aad moodo in ay meesha ka baxday, maadaama nin ay siyaasadda isaga soo horjeedeen uu madaxweyne Sheekh Shariif dib u soo celiyey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Ogeysiis Muhiim ah

Waxaa si Xushmad leh looga Codsanaynaa Dhamaan Macaamiishii Shirkaddii Barakaat ee ay uga Xayirmeen hantida lacageed Xawaalad ama Amaano la dhigtay meel kasta oo ay aduunka ka joogaan in ay nagala soo Xiriirraan Email-kaan, bbsmog2010@hotmail.com ama Tell +25215500979 ama 652930, Mog Somalia,  Si loola Socodsiiyo meesha ay wax marayaan fadlan ha nagala Daahina Xiriirkiina

….

Hayadda PRADO oo Maalmahan Cunaqaybin ka wadey Deegaano ka tirsan Degmada Guriceel

Wararka naga soo gaaraya Degmadda Guriceel ee Gobolka Galduud ayaa waxay sheegayaan in maalmihii la soo dhaafay ay deegaankaas ka bilaabatey Cunno qaybin , waxaana Raashinka gargaarka bixiyey Hayadda Cunadda ee ee Qaramada Midoobey ee Marka la soo gaabiyo tahay WFP

Cunadaan ayaa loo qaybiyey Xerooyin ay ku jiraan dad soo barakacay iyo kuwo Masiin ah waxaana Cuna qaybintaas fulinayey Haya’d Maxali ah lagu magacaabo PRADO oo ka howlgasha Gobolka Galgaduud waxayna cunaqaybintaan ku soo beegan tahay xilli ay dadka u baahnaayeen madaama ay soo mareen abaar daba dheeratey iyo Duruufo kale
Cunadaan oo ka koobneyd Galey, Masago Saliid iyo Digir ayaa waxaa la sheegay in si wanaagsan loo qaybiyeyey iyado dadkii loo qaybiyey ay aad ugu farxeen waxayna ka codsadeen Hayada PRADO in ay markasta ka warqabto dadka ku jira xeryahaa ee ku dhow duleedka Degmada Guriceel sidoo kale waxay dadkaas u mahadceliyeen intii isku soo dubaridey Gargaarkaas

Haweeney oo si aad ah ugu faraxsaneyd ayaa markii la siiyey raashin waxay tiri “Runtii Mucaawinadaan waxay noogu soo beegantey xilli aan si aad ah ugu baahnaayeen waayo waqti badan ayaa ku soo jirney Dhibaatooyin kala duwan marka waxaan ka codsanayaa HayaddaWFP iyo Hayadda Wakiilka uga ah Deegaanka ee PRADDO in ay il gaar ah ku hayaan dadka Brakacayaasha ee ku jira Xeryaha iyo kuwa kale ee dhibaateysan

Masuulliyiinta Haya’da PRADO ayaa u mahadceliyey intii kala qayb qaadatey in cuntadaas si wanaagsan loo qaybiyo islamarkaana si nabadgelyo ah loo gaarsiiyo dadkii u baahnaa Mucaawinadaas

Maxame Cismaan Dhakade
E-Mail Dhakade1@hotmail.com

Waxaa soo tabiyey Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.