Home » Faallo »

Soomaaliyeey sidaan ma sameyn karnaa?

Tan iyo markii Soomaaliya ay qaadatay xoriyad 1960-kii ilaa maantadan oo laga joogo 50 sano Soomaaliya ma helin nidaam ama dowlad dimuqaaraadi ah dowlad kastaana oo Soomaaliya ka hana qaaday waxii ka horeeyay 1990-kii waxay laheyd dhaliilo o gooni ah lababdii dowladood ee ka horeeyay dowladii maletariga ku dhisneyd waxay ahaayeen dolwado rayid ah oo si baarlamaani ahna waqtigaas ay shacabku u soo dooranjireen.

Dowladii ugu horaysay ee uu madaxda ka ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar waxaa ka soo ifbaxay musuqmaasuq iyo is jiidjiid dhinaca awooada ah oo markaas ay reer waqooyi galbeed ay tabanayeen in koofur ay isku darsatay Madaxweynihii iyo Ra’iisulwasaarihii xilgaas,dowladaii Cabrashiid Cali Sharmaake waxaa iyadana wiiqay in doorashadiiba marka hore lagu murmay oo isla waqtigiiba ay soo baxday in ay kushubasho dhacday sidas ay tahay Cabdi Rashiid waa soo baxay lakiin askartii loo dhaariyay difaaca qaranka ayaa mid ka mida uu toogtay madaxweyne Rashiid oo xilgaas booqanyay Laascaanood waxaana muuqata in uusan xilgaas jirin biseyl dowladeed

Waxaa xigay Dowladii kacaanka ee madaxweyne maxamed Siyaad Barre 1969-kii uu hogaaminayay, dadku dowladaas waa tageereen kacaankuna dardar ayuu ku bilaabay wax qabad muuqda in kastoo ay dhaceen dilaal siyaasadeed iyo mid lala beegsaday culumo hadana dowladaas waxbadan ayay dalka ka qabatay dhaliilo badana waa xanbaarsatay 21 sano ayay qaadatay dowladaas wadanka inay xukunto balse Jen.Maxmed siyaad sida Aadan cabdulle Cusmaan si dumuqaraadiyad ah xukunka ugama dagin waayo markii horba cod dhiibasho kuma helin taaso sababtay in xukunka ay xoog uga ridaan jabhada sababay in dalka uu sii galo mugdi

Waxii ka danbeeyay 1991-kii dowlad awod leh dalka Soomaaliya kama dhalan waxaa soo maray dowlada wata magac kuwasoo ilaa mantadaan jira qofkii raba ha hogaansho laakiin Soomaaliya wax kuma soo kordhin inay wax ka sii dumiyaan maahane

Faalada aan qalinka u qaatay maanta oo ay tahay malinta dhalinyarada Soomaaliya 15 may 2010 Soomaaliya waa 50 jirsatay laga soo bilaabo maalintoo xoryida laqaatay marka waxaan saldhiga uga dhigaa ujeeda maqaalkayga in Soomaaliya labo qodob bis uu xalkeeda ku jiro.

Qodobka 1-aad (ISCAFIS)

Marka aan ka hadlayo iscafiska maahan wax sahlan waayo inaad wax cafiso waa wax weyn oo raba inaad dhiyad la timaado ilaah dartiisna aad wax u cafiso

Yaa wax Cafinaya Yaase lacafinayaa?

Marka hore waxaa wax cafinaya qofkasta oo Soomaali ah oo qof Soomaali ah wax ka tabanaya qabiil kasta oo qabiil kale wax ka tabanaya, jufo jufo kale wax ka tabnaysa, Urur Urur kale wax katabanaya, siyaasi siyaasi wax katabanaya, haween haween kale wax katabnaya, odey odey kale wax katabanaya, dhalinyaro dhalinyro kale wax katabanaysa, fanaan fanaan kale wax katabanaya, Diktoor diktoor kale wax katabnaya, macalin macalin kale wax katabanaya, Saxafi saxafi kale wax katabanaya, arday arday kale wax katabanaya, aqoon yahan aqoon yahan kale wax katabanaya, farsamayaqaan farsamayaan kale wax katabayanaya, ganacsade gacansade kale wax katabanaya, wadaad wadaad kale wax katabnaya, gacan ku dhiigle gacan ku dhiigle wax ka tabanaya, askari askari wax katabanaya, miyi magaalo wax katabanaya, magaalo miyo wax katabanaysa iyo Gobol Gobol kale wax katabanaya intaas si shaqisi shaqsi ah iyo jamcba ha isku cafiyaan

Hadaba markaa aan dhinacyadaan oo dhan aan soo qadanayo waxaan hubaa intaas aan sheegay in ay wax kala tabanayaan sidaas ay tahayna loobahanyahay intuba inay iscafiyaan

Cida lacafinayo waa qof, koox, qabil, urur iyo waxii la mida oo wax gaystay lagana soo qaadayo xalay dhalay sida ay soomaaliduba tiraado

Maxaan lacafineyn?

Waxa aan la cafineyn waa wax kasta oo hada muuqada oo hanti ma guurto ah waxay rabaan ha ahaadaan waayo cafisku waxuu yahay in wax la iska tabanayo la iska cafiyo mahaan in wax hanti ah ama muuqda la cafinayo taasna waxay ka dhigantahay in la isku celsho waxii muuqada ee lakala haysto

Cafiskii South africa iyo waxtarkiisii

South africa waa wadan Africa ku yaala waxbadna oo dhibana ay ka so dhaceen si kastana la isku dilay hadan maanta waxii dhacay waa la iloobay waxaana lagu iloobay cafis dadka dhan ay is cafiyeen taasoo dhaxalgal taariikhi ah u nooqtay

Wadanka koofur Afrika 1994 ayaa waxaa ka dhacay is cafis guud waxaana guushaas horseeday Nelson mandela oo taariiq dahabi ah ka galay aduunka,maanta wadankas waxuu ku jiraa wadanada aduunka dhaqaalaha iyo hormarka haysta waxaana maamlo kadib lagu qabanyaa koobka kubada Cagta ee aduunka

Eric jemu oo ah 50 jir u dhashay koofur Africa waa ganacsade haysta dukaan laga qaato cuntada goobjoogna u soo ahaa waxii dhacay ayaa u warmay jariirada Daily News ee Ka soo baxada wadankaas “wareerkii haystay koofur Africa si loga baxo waa adkeyd cid xalkeeni kartayna waa yareed laakiin hala is cafiyo ayaa waxaas oo dhan hal mar meesha ka saartay waana mida qof walba oo wadankaan u dhashay uu xasuusanyahay ,hadna maantadaan wadankeenu waa wadan qani ah afrikana u horeeya hadii qofkasta oo wadankaan u dhashay waxii loo gaystay ama uu tabanayo uu ku fekarilahaa inuu aarsado Soomaaliya waan ka daraan laheyn sida aysan bada biyuhu uga dhamaan ayuusan arsiguna u dhamaan waayo jiilba jiilbu u dhiibayaa colaada iyo isriixriixa ku adan qabiilka iyo deegaanada la isku haysto”

Marka maqaalka aan ugu hadlayo iscafiska dadbadan ay aqristaana waxaa lagayabaa inay is yiraahdaan see la isku cafinkaraa dhibkaan socda is cafis muu ku dhamaan karaa waxaan qabaa inaadan rajada ka quusan adigu wax cafi isgauna wax ha cafiyo waa dan Soomaalida xalkeedu ku jiro ilahana inaad sabirto waxaa uga halaysaa danbi dhaaf iyo xasanaad badan waayo ilaah ayaa quraankiisa meelo badna ku yiri waxaan la jiraa dadka sabra.

Qodobka 2-aad

Iskaa isaga dhiga hubka

Hubka waa aalada maanta meeshaan dhigay Soomaalida waana dhib badanaatay in hubka laga dhigo dadka haysta taasna waxaa asal u ah inaysan jirin awood keni karta in qofkasta laga dhigo hubka

Hubka Soomaaliya waxuu soo galay iyadoon xoriyada laqaadan waxaan haysan jiray boqortooyinka xilgaas jira iyo gumaystihii oo intabadan wadanka soo galiyay laakiin xilgii xoriyada laqaatay ayaa Soomaaliya u hubku ku soo bilowday waxaana hubka ugu badan la yimid dowladii Maxamed Siyaad Barrre oo aad u qalbaysya ciidankii waqtigaas jiray,waana mida keentay in hubkii qaranka u gacanta u galo shacabka markii lariday xukuumada dakla haysay,waxii intaas ka danbeeyay hubku Soomaaliya sharci daro ayuu ku galayay

Hadaba hadii aan qoriga uu qofkastaa haysto oo isku difaacayo ama uu dulmi ku samaynayo ama u dan inuu ku garo u haysto,waxaa ka haboon inuu qof kastaa uu iskiis qoriga isaga dhigo

Qoriga maanta lahaysto waxaaan aaminsanahay in haysashadiisa maanta aanan lagu faraxsaneyn waayo dhibkiisa cid kastuu gaaray xitaa kii haystay ee ku dagaalmayay waa gaaray marka heerkas ay gaartana waxa kaliya ee lagu dhigi karaa waa inuu qofku iskiis u gartaa inu qoriga tuuro

Maahan inay kugu dhib badnaato in aad qoriga dhigto adigoo walib aad uga shalaayaya dhibkiisa waxaana ku jira xalka umadaada iyo diintaada iyo dalkaaga,waana inaad aamintaa inaad nabad galayso hadii aad qoriga dhigto

Dalka Maraykanka oo ah hada dalka dhaqaale ahaan iyo cudud ahaan aduunka maanta ugu weyn waxay soo mareen dagaalo xunxun waxayna dagalamayeen 1861-1865 waxaa la Yiraahdaa (The U. S. civil war) oo micnehedu yahay dagaalkii sokeeye

Waxaa ka heli kartaa historyplase hadii aad rabto inad waxbadan ku ogaato.

Hadaba markii ay dagaalada ka daaleen oo dhibkiina uu ku batay maxay sameyeen shacabkii maraykanka?

Qof kasta oo u dhashay wadankaas oo qori haystay guriisa hortiisa ayuu soo dhigay qoriga iskiis ayuu u dhiibay isagoon sharuud ku xirin waxuna hubkaas dhoqday mid lala yaabo guri kasta hortiisa qori ayuu noqday maalintaas cid hub rabtay majirin waa la aruuriyay waana lagubay dadkuna waa is raceen iyagoo ka qoomameeyay dhibkii soo maray dadkii wagaas sameeyay inay iskood hubka isaga dhigaan waxay ka tageen guul taariiqi ah maantana waxaa laga helayaa meelaha taariiqaha maraykanku uu keydsayado ama buugaata laga qoray

Qoriga maanta uu haysto qof Soomaali ah maxu u haystaa waxuu u haystaa inuu ku dhibaateeyo dadkiisa waana wax sax ah waayo cid u ku difaacayo ma jirto waxuu ku haystaa gurigisa ama deegaankiisa xabada ka baxdaana waxay ku dhacdaa qof Soomaali ah marka in aad aminto weeye inaadan ku difaaceyn Diin ama Dal waayo Diin hadii aad ku difaacayso walaakaa kuma disheen oo ilaah kaa xarimay dhiigiisa ama maalkiisa, Dal hadii aad ku difaacaysana ma ku disheen shacabkiisa dhibaataysan ee darxumada layaala meel kasta

In kastoo maanta qoriga qofka sidaa u yahay 80% dhalinyaro hadana waxuu ku dilayaa waa umadiisa markaa aan si fiican u dhexgalo sida qoriga maanta lo sito inta badan

Markii aan k hadlo gobolada maamulada ka jiraan intabadan hubka waxaa gacnata ku haya ciidamda maamulkaas in kastoo uu shacabku hubaysanyahay hadana qoriga lahaysto waa mid maamulka hayo kan shacabkuna waa mid u hugaansan maamulkaas lakiin ujeeda aan uga danleeyahay waa in hubka aan cid isku haleyn ee aad iska dhigtaa

Marka aan ka hadlo koofurta Soomaaliya oo ah meesha hada dagaladu ka jiraan hubka waxaa inta badan haysto dhinacyada is haya ujeedka ay hubka u haystaana waa inuu ku difaaco mabd’a u aaminsanyahay ama la aaminsiiyay

Hadaba mabd’a waa aminkartaa waana hirgalinkartaa laakiin see u maraysaa ama wadadee u maraysaa adigu hubka iska dhig ninka qoriga wada koley dumrku kuma jiraan ama waa ku yaryihiin markaad qoriga dhigto waxbaro hadii aad wax taqaano ujeedkaaga dadka u soo bandhig samey si aad dadka uga gado wax aad wado adigoo xoog ku raadin, adigoo handaad wadin waa qasab hadii fikirkaagu saxanyahay in lagula qaato hadii uu qaldantahayna lagaa diido.

Mataal ayaa siinayaa hada Soomaaliya Diinbaa la isku hayastaa hadii aad qori soo garaarsato oo aad qof muslim ah aad tiraaa ama shacab muslim ah tiraa ciyaar lama dheeli karo ama lama dawankaro cadii dawanta waa ciqaabayaa waxaa ka wanaagsan adigoo si cilmi ah uga dhaadhicaya inaysan waxaan qofku faa’do ugu jirin qofka aad wax ku qasbaysid adigu wax bar u sheeg wax laakiin caruurtu dilka wax kuma barto ayaa ladhahaa, tan kale kumaan kun oo islaamiyiin ah oo qoryo wadata ayaa jirta sookama wanaagsana inaadan qori inaas aysan qaadin ee ay diinta xanbaaraan iyagoo shacaba dadka gaarsiiyiin masaajida meesha ay bambada uga xirayaan ay dadka wacyigaliyaan ku dhiiri galiyaan inay is cafiyaan isku dulqataan isu dhaxariistaan.

Alshabaab,Alxisbul islaam, Alsuna, al ictisaam, kuligood diinbay ku dagaalamayaan, yey Diinta kula dagaalamayaan, yey Diinta qasab ku barayaan, yey diinta soo galinyaan, yey ka bixinyaan aniga waxaan aaminsanahay in qof Soomaali ah oo dukanaya ama cibaadaysanaya in qof kale uu dilo hadna u yiraa diintuu ka baxay waa wax diinta looga beensheegayo adiga qofka qalbiisa ma ku jirtid waana in aad ogaataa markii aad qof muslim ah dilaysid inaysan wax sahlan aheyn

Diinta hadii aad u adeygaysid hubka iska dhig faafi cilmiga hadii aad jihaadaysid bar dadka cilmiga jahidadku maahan inaad ku jihadid walaalkii muslim ah hooyooyin caruur.

Hadii dalka la dhiso awooda dalkuna ay naqoto mid muuqato lana gaarsiiiyo in aduunka aad wax kasta uu haysto aad samaysatoo adigoo ku gaaray cilmi iyo aqoon laga soo bilaabay hoosta dadkuna aad ka joojisid inaad xabada ugu dhigtid daruus laqaato waxaa lagaraayaa xili aad awooda wadankaaga aad ku difaaci kartid Diinta waxaa tiranaa laqadanayo islaamakaan aad magangalinkartid kii dulman laakiin micnuhu jahaadka yuusan noqon iyadoo gaajo cuduro ay baanaanda la jiifaan Caruur, odayaal iyo Dumar dhibaataysan dadkuna ay baahi dhulka layaalaan inaad tiraa aduunbaan badalayaa oo aan wax kaqabanayaa waariyo aan soconeyn

Wiilka dhalinyarada ah ee qoriga loo dhiibay ama hoobiyaha ridaya ujeedka laga dhaadhiciyayna uu yahay waxaan difacaya ciraaq afganistaan falstiin ma is waydiisay inuusan qorigaan intaasba uu gaarin ee u gaaro hooyadaa oo meel gaajo la jiifto inuu ku dhacayo dib u feker diinta waa rabtaaa laakiin baro adigoon hoobiye rideyn adigoon qof dileyn kadibana dadka wax u sheeg

Qiyaas yar ayaan biixnayaa maanta masaajiada muqdisho markii salaada la aadayo welel ayaa lagu galayaa awalna masaajidkaa lagu baxsan jiray Diin maa soo kordhisay inaad masaajid qarxido inaad babuur qarxiso inaad suuq qarxiso yaa ku dhimanyaa yaa dilaysa ma umalaynsaa inad Diintii dadka aad ka raacdaynayso.

Waxaad leedahay gaalo ayaa wadanka joogto waa runtaa gaalo waa joogtaa laakin hada meeqa gaal ayaad dishay meeqa muslim ah ayaad dishay xisaabta isku dhufso adigo ku daraya kan soomaaliga ah ee ka soo horjeeda meeqa ayaad dhaawacday meeqa ayaad qaxisay waxaan lahadalaya waa qofka aminsan inuu Diin wax ku wado waxaad tahay dhalinayro wali aan diinta si fiican u baran marka ujeedkaygu waxuu yahay inaad qoriga dhigto qof Soomaali ahna aadan dilin cafisna ilaah waydiisato adigan lagu cafiyo

Mida kale aan ka hadlayo waa wiilka isna qoriga wata oo laftigiisa aminsan inuu dowlad yahay adiga laftigaaga waa qaldantahay hadii adan sida ay tahay u aminsaneyd dalkaaga ama diintada iyo dadkaaga

Qoriga waxaa ku dilaysaa qof Soomaali ah oo laga yaabo inaad u amisantahay inuu yahay ajnabi ama Diin uu ku qarabanyo iyo shacabkiiba intaba waa ku dilaysaa waxaa lagugu sheegay iskari qaran hadii aad adugi ay dacad kaa tahay xitaa kana ad dowlada u taqaan ayaa ah mid aan jidka saxan kugu hugaamineyn ee qoriga aad wado laftigaaga is ka dhig ilaa aad ogaato ujeedka qoriga laguugu dhiibay inuu yahay mid saxan

Askariga shisheeyaha ee wadnka yimid difaacana aad kula jirto isku meeshana aad ka soo wada jeedaan waxuu dilayaa shacbakaaga maahan inuu adiga ku difaacayo waa been taas mataal yar aan ku sinayaa waxaad la joogtaa KM4 oo ah meesh ay ugaandheysku daganyihiin markii dagaal lagu soo qado oo ad meesha xabada kawada ridaan waxuu ridayaa madaafiic culus hooyada amam abaaha oo dad kuugu dhow ayaa lagu dilayaa madfacaas waxuuna ku dhufanyo bakaaraha ama towfiiq ama xamar jadiid hoyadaa ku dhashay ayuu dilay ma ku diifacay adiga dal ma ku diifacay maxuu kuu qabtay maxaa meesha loo keenay ma is waydiisay ujeedkaas wax badan ayaa qaldan adigu iska diid qorigana xabada ka bixi isagu wuu tagayaa weheel fiican kuuma ahan

Marka Soomaaliyeed saas masameyn karnaa qoriga iskiis ma isaga dhigi karnaa cafisna ma usu sameynkarnaa anigu waxaann aaminsanahay inaan sameyn karno intaas kadibna aan tadlada ay wadi karaan dad aqoon diin iyo wadaniyad xanbaarsan

Qabiil iska tuur qorigana iska tuur cafisna qaado adiga halgu cafiyo waa sida aan ku soo ceshenkarno sharafteena iyo dadnimadeena

Kan maanta jooga Soomaaliya mahaysto sharaf iyo dadninmo kan manata jooga aduunka kale mahaysto sharaf iyo dadninmo maxaa saas noo galay waa isku samir la’aan iyo qoriga qabiilka oo dan lamooday

Adiga waxaa ku dan ah in waalaalkaa aad nabad galyo kula noolaato umadana ay is dhexgasho iskuulada loo dareero ganacsiga lawada wadaago aqoonta lawada wadaago guriga kaa soo horjeeda aad u aragtid inuu waalkaa dariska ah yahay gobolka kugu dhegen aad u argatid inuu hormarkiisa yahay hormarkaaga ha isku koobin cariiri aadan ku noolaan Karin hamigaagu ha ahaado mid balaraan hadii la qaldamo hala isa saxo si wanagsan waxaa danteeno ku jirtaa inay umadu is cafiso

Qofka kasta oo Soomaali ah shisheeyo ayuu adeyanayaa oo waxuu leyahay dalkay qasayaan waa run waa jiraan laakin Soomalidu waxay yiraahdaan faragalin mahaan faragalin waa maskax galin adiga faraha laguma soo galin maskaxdaa lagaa soo galay adeega jooji dantada aqonso waxbaan kaa dhigayaa yaan lagu dhihin waan ku taageersanahay yaan lagu dhihin adigana damca iska dhaaf aamin inaad adigu wax hesho inay karoontahay in dadka dhan oo Soomaalida ah ay wax helaan hormarna ay garaan

Dowlada mucaarad iyo maxaafid shacab iyo cidkasta waa inay raadisaa in la is cafiyo hubkana la iska dhigo hadii intaas ana garno cid ku faragalin karta ma jiro

Seen ku gaaraynaa marka intaas?

Waxaan ku gaari karnaa culimada, odayaasha dhaqanka, siyaasiinta, dhalinyarda, ganacsatada iyo haweenka intaas inay isla qaataan oo marka laqadanyo fikirkaasana la amino inuusan jirin qof ama koox ku fekertaa maxaa ka hilkartaan ee lagu fekaro kaliya see intaas loo gaari karaa see hal mar waxaan u dhicikraan intubna ay isu yimadan si hose iyo sareba loo radiyaa dadkuna ay isgu yimadaan meel kasta deegaan kastaa dadka ku nool ay is cafiyaan hubkana iska dhigaan tuulada ama xaafada ugu yar waxaa ku nool odey sheikh ganacsade dhalinyaro hawaeen intaba waa laga helayaa ha u naqaaqaan intaas inay sameeyaan

Waa inaan loo kaashan dad ajnabi ah arintaas waa in dalka gudiihisa lagu qabtaa kulmada iyo shirka lagu baadigoobiyo cafiska iyo hubka iska dhigistiisa markaas ayaa laga wada tashanayaa in lahelo dad waxlagu aamino qofki wax cafiya hubkana isa dhiga waa aminsanahay inuu isna wax qaldeyn hadi wax loo dhiibo

Maqabo in la raadiyo shirar ku saleyn kooxo ama dad siyaasiyiin ah lagu heshiisiinayo oo wax lagu dhisyo ay tahay dowlad ka qaawan hoosta sharkeeduna yahay Xarfaha la isku geeya ee ka kooban lixda xaraf DOWLAD waa in la helaa dhibaatada salkeeda waayo dadkaan waa is dileen waa is dheceen wax kasta oo la isku sameeyo waa la sameeyay waa in lahelaa in shacbku ay iyagu is cafiyaan

Shir la qabto bilo wax maku hagayaan waxana kuma soconayaan waa in arinta Soomaaliya loo heelaa waqti dheer oo dadka isa saamaxaan dhibatada ay ku sabraan deegaan kastana lagaarsiiyaa cafiska iyo hubka in la iska arooriyo oo xitaa ay arinto gaarto yaa qoriga iska dhigaya oo duco loo baryaa oo xitaa saxaafduna ay ka shaqaysaa in loo guntado,islamarkaana abaal marino la siiyo cida wax cafisa ama hubka iska dhigta una gaysa cuqaasha iyo culimada

Waxaan ku soo gaban gabaynayaa maqaalkaygaan in laga gudbo xaalada maanta jirta dowlad wax qabanaysa ma muuqato koox Diin ah wax qabanysan ma jirto waxa umada haystana waa la arkaa adiguba iska wax uqabo yaana cidna lagu haleyn arinta

Maanta waa malinti dhalinyarada 15 may arinta xoogeyda waxa qaban kara oo aan maqaalkaan kulahadlayaana waxaa u badna dhalinyarada aan hubka dhigno cafisna aan waydiisano umada dadkan aan u horseedno inay wax qabsadana badbaadaan noolaadaan aana ahaano dad is qadariya oo waxaa Soomaalida ku badatay qof hebel maxuu yahay anigaa aqaan waa jaahil waa wadad aan wax ka seyn waa madaxweyne aan wax baran waa dhalinyaro qabiil ah waa jaaliyad nin qabiila haysto waa siyaasi maal raadisa waa wasiir lacag lunsaday waa hugaamiye kooxeed isbaaro raba waa wariye anaga wax naga sheega waa muuml goboleed danteena duminya waa burcad badeed iska dhigayaa maamul waa fanaan hees uusan aqoon ama laheyn qaday intaas ayaa Soomaali dishay adiga qofka tixgali sharftiisa waxa qofka hayana u ogolow inuu isku day sameeyay waxii qaldan ka toosi adigoo aan bananada ku caayin ama ku xaman

Ujeedka maqaalkaan maahan mid si gooni ah cid wax uga shegaya waxaa aan ka hadlayaan waa fakir aan aminsanahay inuu wax u tarayo bulashada Soomaaliyeed hadii uua saxanayahay waaba saxay laakiin hadii uu qaldanyaahay waa qalad iga dhacay laakiin waxu u furanyahay in qoraa kasta oo Soomaali ah oo ka hadlo inaan sidaan wax ku qaban karno dadkana aan fahansiin karno

W/D: Bile Gurxan Axmed

Amsterdam/Nederlnad

Bilegurxan109@hotmail.com

31684648367

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaaliyeey sidaan ma sameyn karnaa? "

  1. ismail says:

    Horta saaxibkay aad iyo ad yu mahadsanyahay sida fiican u noga dhargiyay mawduuca. Kaasi o ku aad u adag ah o maantana aad logu bahi badanyahay. Anigu hadan mid ku dari laha: ilama ah in sidu walaalakay ba sheegay in xalku ku jiro kolba shir la qabanqaabiyo ay dabadeedna ka abuuraman khilaaf ka daran kii la doonayay in lala dagaalamo. Taasi waxa cadaynaysa in marwalba oo dowlad jidiidi la dhiso, ama loo soo “dhoofiyo” somalia, in tassi dhaliso jabhado iyo koxo cusub o ku soo bira kuwi marki hore sii jiray: oon waan arag no dawladan shariifka dabadeed waxa dhashay kuwan la baxay “xisbul-islam” iyo “ahlu suna waa jamaaca” oo xaaladii sii cakiriyay. Waxa soo raaca tan dowlad isku sheega oo dhexdeeda u ka abuurmo khilaaf iyo madax adayg oo intuba salaka xanun kii dilaaga ah ee QABYAALAD iyo dana gaara ah. Tasna waxay keenta in dowladii lagu haqanltaagayay ay iskeed u baa ba’do (implosion) iyado ciid kale farta dhaqaajin. Markale xal kuma jiro dawlad la dhiso dabadeedna la isku qabsado “kan bu xilku dhamaaday” “kan ba disturrka jabiayay” oo add marar qaar moodi inay ku noolyihin gasirad ka go’an somalia oo nabad ah. Waxay ilowsan yihin (waxa sakhraamiyay kursi jacayl) in agtooda nimanki ka soo horjeeday sefta lisanayan. Tana ku darsoo: inta ay mamulanba ma dhafsana madaxtooyada, oo dhulka badidiisa budhcad bu gacanta ugu jira.
    marka waan in la dag dag san xal u helida dhibta ka jirta somalia. Xooga in la saaro jiirka soo koraya iyo kan soo socda. Oo laga kafiyo xaga oqonta gaajada hoyla’anta. Intaana dowlad qudhahaatay ma keente sida dad badan aminsan yhin (fikrada waa ta keentay in shacabka somali aw ku sii hobto dagaalo gaajo iyo tahriib) ee waxa shakhwalba kalinta aw ka jogo nolosha: wadadka, macalinka, hooyada, aabaha, saxafiga, aqoonyahanka, iwm, Dhamanba bulshalka heerarkeega kala duwan ee lugu magacabo bulshada rayadka.
    dabadeedna laga dalbo dhalinyarada wax qabad iyo natiijoyin oo wax ku ool ah. oo Waxay noqonaysa midhihi maal galinta. Waxan anagi o wax mal galina ku samayn dhalinti yaan doonayna inan ka sugno dhinocoga diin, edeb wadan jacayl, howl kar. oo waxan la yaabayna kuwan yaraanta budhbadeed ku noqday iyo kan kale qoriga jeeni qaatay. Waa natiijoyinki ka dhashay hawshi ay bulshadu dayacday (hoyada iyo abuhu ha horeye).
    Waan la sabro midkasto hawl wadana dareensanado inu halkiisa wax ka qabanayo uu ku jiro dhismaha iyo dib u dhiska qaranka somalia. Aw ku qasbanayn in kolba shir iyo kolba hoteelsexdo dabdeeda na yidhahdo “anago hadan qabiil ka hebel nahay cad fiican na nama siin” u dabkiina halka sii horo.
    Marka faaldayda waxan ku gaba gabaynaya: seexo, cun, sheeqe, salada tuko, qoyskaga wanaji, wax baro, wax fiican dadka u sheeg, adu is xisab intanad kan kale aad xisabin, u arag kan xilka loo dhiibay ku culays la saaray oo la wadayn doono malinta qiyame o u damqo o u duce. waka waad wada dib u dhiski qaranka, adigo kox urur qabil iyo meel dheer aadin kaanlintaadi waad ciyaaraysa.
    Waa inan badino fikrada ba’an ee ah in kursigon fadhiistan ku keeni xal: waa qalad qalad ku sax.

    assalamou calaykum
    ismaaciil