Markii ciida lala simay daarihii ganacsiga ahaa ee ku oolay magaalada new York ee wadanka mareykanka ,waxaa waqtigaa wixii xigay soo ifbaxay erayo badan,kuwasoo wax loogu dhimayo ama lagu waxyeelenaayo umada muslimiinta ah ee markaa kunool ama siyaabo kale u jooga goobaha ka baxsan dalalka ay jinsi ahaan kasoo jeedaan.-
Dal hebal xuduudiisa waxaa ku dhuumalaysanaya kooxo looga shakisan yahay argagixiso,hebel wuxuu cilaaqaad laleeyahay Al qaacida,hebal waxaa uu isku qarxiyay koox heblaayo iyo erayo ama ohraahyo kuwaani lamacno ah.-
Fikradahaani ayaa ah kuwo markaa si hufan u soo shaac baxeen,waqtigii la qarxiyey daarihii ganacsiga ahaa,inkastoo intabadan erayadaan ay isticmaalaan dowladaha sheegta inay iyagu ugu awood badan yihiin.-
24kii bishii tagtay ee april ee sanadkaan aynu ku jirno ayay aheed markii qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka ay go’aan buuxa ku gaareen inaan la qaadan Karin ama aan la xiran Karin niqaabka {indho shareer}, go’aankaan ayaa xiligaan wuxuu si rasmi ahi uga dhaqan galay dalal badan oo qeyb ka ah qaarada yurub.-
Waxaa jirta wadamado ay ka mid yihiin biljimka denmaark filand in baarlamaanada wadamadaasi goor hore an sixiyeen inaan la xiran Karin niqaabka {indho shareer},iyadoo hadii lagu arkaa ruuxii ku labisan niqaabka in ruuxaasi lagu qaadi doona waxa uu sharciga wadanka ka qabo arinkaan.-
Wadanka biljimka oo goor hore u ka dhaqan galay arinka la xiriira niqaabka ayaa lagu soo waramayaa in baarlamaanka wadankaasi uu hoosta ka xariiqay in ruuxii xiran niqaabka uu muteysan doono inuu bixiyo lacag aan cadadeeda la shaacin iyo muddo asbuuc ah oo uu xabsiga ku xirnaan doono.-
Wadamada kale ee kuyaala qaarada yurub ayaa iyana doodo qilaaf baahan dhaliyey haatan ka taagan,inkastoo waqti walba la filan karo in ay markaa doodahaasi ka soo baxaan go’aamo wax ku ool ah,taasoo markaa ku dhiira galin karta inay hakiyaan xirashada niqaabka.-
Madaxweynaha wadanka faransiiska ayaa isagu waxaa uu u olaleeynayaa sidii markaa loo mamnuuci lahaa qaadashada niqaabka,wuxuu baarlamaanka ka horjeediyey dhowr jeer oo hore qudbado oo uu xiligaa diirada ku saaraayey xijaabka,niqaabka iyo dhibaatada mustaqbalka dhow ka imaankarta.-
Baarlamaanka wadanka faransiiska oo aan wali wax qaraar ah ka soo saarin arinta ku aadan niqaabka,inkastoo asxaabta qaarkood ay u olaleenayaan sidii loo joojin lahaa ayaa hadana waxaa jirta dhibaatooyin ay la kulmaan haweenka muslimiinta ah ee kunool magaalada paris oo xarun u ah wadanka faransiiska.-
Haweenkaan oo intabadan dhibaato ka soo gaarta xiliyada ay u shaqa tagaan Makaatibta ama xafiisyada ay ka shaqeeyaan,madaarista lagu barto culuumta diiniga,iyo waqtiyada kale oo ay adeeg u doontaan suuqyada kuyaala xarunta paris oo magaalo madax u ah wadanka faransiiska.-
Samiya cumar waa gabar 18 sano jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka tuunis,balse iyada iyo reerkeeda haysta jinsiyada wadanka faransiiska,saamiya ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa ay xiraty sida caadada u ahaan jirtay niqaab,ayadoo xiligaa kusii jeeday madaraso oo ay wax ka baran jirtay,taasoo ku tiilay magaalada paris ee wadanka faransiiska.-
Hadaba saamiya cumar maxaa qabsaday maalinkaa,waatan iyada oo ka sheekeynaysa “maalintaas ma ahan maalin aan iloobi karayo inta ay xayaatadaan igu jirto,waayo waxaa niqaabkii aan xirnaa si awood ay ku jirto iiga furay kooxo aan garaneyn heybtooda balse waxa ay ku labisnaayeen dharka lagu garto ciidamada suga amaanka wadanka faransiiska,intaa ka dib waxay ii sheegeen ama igu wargeliyeen inaan markale soo xiran Karin,aniguse wan cabsaday oo ma aanan qiyaasi Karin sida uu markaa dareenkaygu ahaa” saamiya cumar ayaa sidaa dhacdada ka dib uga faalootay idaacada bbc-da qeybta ku hadasha luuqada carabiga.
Qoraa: Axmed Shariif C/llaahi {Axmed Cadde}-
Khartoum/sudan-
E-mail: Cadde23@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.