Home » Warar »

Walad Cabdalla oo Taageeray Go’aanka Sheekh Shariif uu ku kala diray xukuumadda

Warsaxaafadeed uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayuu ku taageeray go’aankii uu Sheikh Shariif uu ku casilay xukuumaddii Cumar Cabdirashiid. Warsaxaafadeedka aya au qornaa sidan:

WARSAXAAFADEED 012/2010

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo taageeray go’aanka Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku kala diray xukuumadda

Nairobi, 17 May – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa maanta sheegay inuu si buuxda u taageersanyahay go’aanka Madaxweyne Sheekh Shariif uu gaaray kuna saabsan xukuumadda, ka dib markuu ogolaaday iscasilaadda Guddoomiyaha Barlamaanka Sheekh Adan Madoobe. Ergeyga Gaarka ah wuxuu yiri waxaan jeclahay inaan arko in Guddoomihii hore ee Barlamaanka uu ogolaado inuu ku soo biiro Golaha Wasiirrada cusub siduu madaxweynuhu ugu baaqay.

“Iyadoo uu soo waajahay qalalaase dheer ee aan loo baahnayn oo weeciyay kharash, awood iyo dareenba, Madaxweynuhu wuxuu qaatay go’aan habboon oo geesinimo ku jirto si uu u xalliyo ismariwaagii jiray. Waxaan jecelahay inaan fursadan ka faa’idaysto oo aan Madaxweynaha ku dhiirrigeliyo hogaanka wanaagsan ee uu muujiyay waxaana ugu baaqayaa dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo xubnihii hore ee golihii wasiirrada inay taageeraan Madaxweynaha. Tan waa fursad ku habboob in lagu soo magacaabo Gole Wasiirro oo ka tayo badan kii hore, oo aan rajaynayo inuu si aad ah u hormarin karo Geeddi Socodka Nabadeed ee Jabuuti golahaasoo si wanaagsan ugu adeegi doono dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, keeni doonana isla xisaabtan dheeraad ah. Waxaan ku kalsoonahay in doorashada Guddoomiyaha cusub ay noqoto mid furan oona hufan.”

“Madaxweynuhu wuxuu isku halleyn karaa taageerada Qaramada Midoobay iyo Bulshada Caalamka xilligan hadda la joogo. Waxaan qaswadayaasha iyo kuwa qalalaasaha ka faa’idaysanaya uga digayaa inay soo farageliyaan xaaladda hadda taagan,” ayuu yiri Md. Ould-Abdallah.

“Waxaan Bulshada Caalamka ugu baaqayaa inay taageero dhab ah oo la taaban karo siiyaan Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirro ee soo socda. Si tan loo gaaro, waxaa loo baahanyahay in dabacsanaan laga muujiyo bixinta kaalmada caalamiga oo laga dhigo mid waxtar leh oo dhacda waqtigii loogu talagalay.

Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay go’aankiisa shir jaraa’id uu maanta dhuhurnimadii ku qabya magaalada Muqdisho.

“Shirka Istanbul ee loo qabanayo Soomaaliya wuxuu dhacayaa toddobaadkan dhammaadkiisa, annaga dhammaanteena waxaan ku hanweynahay inaan Madaxweyne Sheekh Shariif kula kulano munaasabaddan muhimka ah oo ay soo wada qabaqaabiyeen Qaramada Middobay iyo Dowladda Turkey,” ayuu yiri Md. Ould-Abdallah.

La xiriir: Xafiiska ergeyga oo lagala xiriiri karo: Susannah Price / Donna Cusumano, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel: +254 20 762 6805 / 6869 or +254 733902020 / 737400133
….

Afhayeenkii Golaha Barlamanka Dowlada fedaraalka KMG somaliyeed oo sheegay in u xilkiisii iska casilay iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo aqbalaad ka dib xukumadii Raisalwasare shar’maarke kala direy .

Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ku dhawaaqay in uu soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub oo ay yeelato xukuumadda Federaalka kumeelgaarka.

Dhanka kale Sheikh Aadan madoobe ayaa sheegay in uu iskiis isaga casilay xilkii guddoomiyha baarlamaanka, sheegayna in uu iskiis isu casilay.

Warbixin dheeraad ah:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay shirka Jaraa’id ayaa goobta kaga dhwaaqay inuu xilkiisa iska casilay, kaddib markii uu khilaafka xildhibaanada golaha baarlamaanka, wuxuuna sheegay in danta guud uu ka hormariyey dantiisa islamarkaana uu yahay xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka.

Halkan ka dhegeyso Shirka Jaraa’id

“Markii uu batay muranka Baarlamaanka ayaan go’aan ku gaaray inaan xilka iska casilo” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo isaguna goobta ka hadlay, wuxuuna intaas ku daray inuu ku talogalay inay tani xal u noqoto khilaafka Baarlamaanka.

Arintaa ayaa ka danbeysay shirar dhowr saacadood socday albaabaduna u labnaayeen oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somalia,warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynuhu uu cadaadis ku saray Sheekh Aadan Madoobe inuu iscasilaadiisa ku dhawaaqo

Xaalka ayaa u eg mid qaboojinayo is qabqabsiga u dhaxeyo xildhibaanada golaha baarlamaanka oo noqday mid ka sii darayo maalinba maalinta ka danbeysa, madaxweynaha ayaa sheegay in uu dib u soo magacaabayo raiisal wasaare cusub xildhibaanada ka dalbaday in ay soo doortaan afhayeenkii lagu bedelai lahaa Sheekh Adan Madoobe wuxuuna meesha ka saray in uu aqoonsado Afhayeenkii ay shalay magacaabeen xildhibanadii buuqa badani ku hareeyey gudaha guriga ummadda.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah oo shirka jaraa’id

Dhanka kale waxaa goobta ka maqnaa oo aan joogin Raiisal wasaare Cumar cabdirashiid oo warar hoose ay shegayaan in u ku gacan sayrey in xukuumadiisa afka cida loo galiyo oo ay dhacdo ama lakala diro iyo in lagu sameeyo xilka xayuubinta Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid iyadoo lama ogo arintaa in ay daawo u noqoneyso khilaafka hareeyey dowlada uu hogamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Walad Cabdalla oo Taageeray Go’aanka Sheekh Shariif uu ku kala diray xukuumadda "

  1. Hassan says:

    Isxagxagashada joogtada ah ee dowladda waxaa keenay way fashilmeen dad fashilmayna waxaa lagu yaqaannaa arintaas, haddii ay guul joogi lahaayeen way is wada ammaani lahaayeen, wayna is taageeri lahaayeen.

    Marka waa fashil ku dhacay oo ay fashil kale kaga jawaabeen.