Home » Maqaallo »

Gabadha Soomaaliyeed iyadaa Sabab u ah Guurlaanta – Qaybta 1aad | Ilyas Ahmed|

Marka hore waxan salaamayaa bahda somalitalk.
marlabaad waxan aad ula dhacay qoraal ay gabadh soomaalieed kusoo qortay bog kamida bogaga soomaaliyeed ee internetka.

Waxan rabaa inaan wax ka idhaahdo aragtidayda ku wajahan arintan.

Gabadha walaashay ahi waxay tibaaxday xaqiiqo intabadan dumarka somalidu is baalmariyaan ama aanay jeclayn inay taabtaan, waxanan qabaa waa run wakhtigeedii lagaadhay in laga dhawaajiyo.

waxan si cad usoo baxday 10kiisanee udambeeyay nasiibdarrada ku habsatay darteeed dadka iyo dalka soomaaliyeed taasoo wiilasha soomaaliyeed gaadhsiisay in intii waddanka kuhadhayna qaad ay raadiyaan mooyee noloshooda inay wax kusookordhiyaan inay kufakaraan ay yartahay, inyaroo fara kutirisa maahee, kuwii dibbadda tagayna laba qaybood oo aan kadhicin uun ah. gabadhii soomaaliyeed yaa usoosocda??????

Dumar wakhtigoodu waakakoobanyahaykan ragga, gabadhu waxay kuquruxbadantahay inay noqoto marwo guri ayleedahay kasoojeedda kuna asturnaato nin akhyaara oo dhaqankara iyada iyo ubadkeedana noloshooda kufillaankara.

Hadaba dhan kale haddaan iska taago qoraalka walaalo Hibo anigu waxan arkaa inay qaybta ugu badan dumarku sabab u yihiin guumaysnimada(guurla’aanta).

Kaddib markay arkaan wiilashu culayska reer cusub agabkiisa qaalinimadiisa iyo shaqo xumada waddanka taalla iyo duruufta adagee dadka iyo dalkuba marayaan, dhan walba markuu ka joogsaday noloshii ku hareeraysnayd, waxay uqayb sameen saddex qaybood:-

1- mid waxa u soobaxday inuu buuqa aduunyada isku illowsiiyo-waa sida ay naloqotaye-qaad iyo bal wad fikirkale kufurta oo waxyaabo aanu gaadhi Karin kafakaro inta uu geedkaa gadhaadh ruugayo, kadib ay kakala daadato marka uukakaco.

2- Midkale waxa usoobaxday inuu badda isku halaago ama geeri ama nolol ama jeel ama rafaad iyo himiladiisii oo uu hore ugaadh is yidhaa.

3- Midka ugu dambeeya waana tiro aad iyo aad uyaree mittidday ee waddanka aaminay aqoon iyo aduunba inay qayrkood lajaanqaadaan isku dayay wax ilaahay lakulmiyaba latacaalla duruufta ku hareeraysan.

hadaba conditions ka ay gabadha qoraalka hore lahaydi taxday ee ay kasoo xigatay buuga ninka reer galbeed qoray, miyaanay haboonayn in gabadha somaliyeed qaar kamida shuruudahaaas hoos uga dagto iyadoo eegaysa xaaladdeeda gaarka ah ee dadka iyo dalkasoomaaliyeed marayo ???

shuruudaha ay haboontahay inay ka tanaazulaan gabdhaha somaliyed waxa kamid ah:-

1- in ay iska daayaan gabadhaha soomaaliyeed shuruudda lacaadaystay in
lagu xidho wiilka somaliyed ee akhyaarta ah lacag aanu awoodin, taasi oo dumarka wadanka ku hadhay ha ubadnaadaane ay dalbadaan wax dib uga joojiya intii akhyaarta ahayd ee kudhiirranlahayd guur, hotel hebel hala iigu tumo, fadhiga noocaasa ha lla iidhigo, intaasoo baabuur ha igu galbiyo, fannaaniinta wadanka halla iidalbo.
Waxa ila haboon inay gabadha soomaliyed kafakarto in ay habontahay inay kafaa iidaysato wakhtigeeda yaree kooban sidii ay uheli lahayd nin akhyaara aduun waa lahelaa nin akhyaara sida loohelaa waa adagtahay, shuruudaha lasoosheegay inay iska dayso oo ay qiimayso ninka wanaagsan hadii rabbi lakulmiyo.

2-waxa dummarka soomaaliyeed horyaalla inay garowsadaan oo ay ogolaadaan xaqiiqada dhabta ah ee kusaabsan xikmadda ilaahay ujideeyay in wiilku 4dumara guursado hadda ayayna taagantahay markaan ka eegno dhinacyadan:-

a-gabdhihii oo iskusoogadhay sadex jiil ama generations iyo kabadan.
b-wilashii oo ay yaraatay intii xil guur qaadikarilahayd.
c-tiradi dumarka oo marwalba kabadan tii raga, siina kordhaysa.
d-noloshii oo siicakirmaysa marba marka kadambaysa.

waa inay gabadha soomaaliyeed ee wiilka akhyaarta ah kaligeed hoosta kuhaysataa, unaxdaa hablaha walaaleheeda oo ay jaanis siisaa ama u ogolaataa ninkeeda in uu mid walaasheeda oo mudan in marwo aynoqoto ubadna u hamuum qabta kudhiiri galisaa inuu heblaayo la guursado.

markaan eegay hablaha soomaaliyeed siiba kuwa woqooyi kasoojeeda naxariisdarrada kamuuqata inay ninkooda naagkale sooqaadikarin , iyaga ayaan dambiga dusha kasaarayaa cuqubada hablaha soomaaliyeed ee akhyaarta ah ee is gaadhay ee nasiib uyeelan waayay sidoodookale inay marwo ama hooyo ubadkeeda dhexjoogta noqdaan.

waxa kale oo aan eedd noocaasoo kale ah usoojeedinayaa hay’adaha udooda xuquuqda dumarka oo baalmaray xaquuqdoodii, una tusay dumarku inay difaac kagalaan sidii ragga la iskaga caabbin lahaa kaliya, taasina ay dhaxalsiisay gabdho badan inay kuwaayeen hooyonimo iyo marwonimo inay nasiib u yeeshaan.

NB:- maqabo in si xilkasnimada kabaxsan looguursado dumar badan ee waxan ka wadaa ninkii awooda inuu kasoobaxo waajibka iyo culayska xilka noocaas ah oo kudhisan caddaaladda oo asal u ah guurka hal dumara waxa kabadan .

Ilyas Ahmed
ilyaassom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gabadha Soomaaliyeed iyadaa Sabab u ah Guurlaanta – Qaybta 1aad | Ilyas Ahmed| "

  1. muslimah says:

    As Salam caleykum waraxamtullaahi wabarakaatuh

    @ILYAS AHMED…..runahaanti waxaa qoraalkaaka inta badan aad eed saartey gabadha Soomaliyeed, adigoon eegin ragga Soomaliyeed meel kastaba ha joogeen siibaa reer Soomaliya,akhaladakood ugu weyn oo ah QAADKA iyo KHAMRADA ku waasheen maalmahaan, siiba kuwa wadanka dibadiisa joogaan, markaa waxaa iga suaal ah, mar haddii rageena Soomaliyeed oo aan shaqaynin, oo ay intooda badan kuwa dibada joogaan 80% ay Qaad iyo khamro nolol u noqdeen, oo aysan marna kala jecleyn haddi ay xaas iyo caruur leeyihin iyo inkale, ma inaan gabdhahaa Soomaliyeed kuwa la qabo iyo kuwa aan la qabin eed saarnaa, mise, runta ayaa haboon in la sheego, oo ah rageena waa inay xil isusaraan oo ay waajiibkooda fuliyaan, oo ay iska joojiyaan qaadka iyo khamarada, ayna ogadaan in qaadka maalin walba cunaan, lacagtaas ay bixiyaan oo ah lacagtii qaadka in lagu dhiso kaniisado ee wadankaa Ethopia iyo Kenya.caruurtoodana iyo xaasaskoodana ay gaajo u dhimanayaan.
    Markaa waxaa haboon in markii hore laga hortago, ama la joojiyo Qaadka, khamrada iyo Qabiilka. Sidaasna ayaa Soomaliweyn hormar ku gaari karaan, haddikale waa aduun khasaaro iyo aakhiero khasaaro kale..
    wa billaahitawfiiq.
    wa salaam caleykum waraxamtullaahi wabarakaatuh.