Home » Maqaallo »

Xoogga debecsan | Abdulqadir Diriye

 

Dadka Ilaahay abuuray kuwa ugu kibirka badnaa waxaa ka mid ahaa Fircoon oo dadkiisii dullaystay ilaa ay aqbaleen inuu Fircoon yahay Ilaahoodii. Xadgudubyadii Fircoon markay bateen, Ilaahay wuxuu doonay in uu u diro Nebi Muuse (CSWS) si Fircoon iyo dadkiisiiba loo gaarsiiyo fariin ka timi Ilaahii dunida iyo dadkaba abuuray.

Fariin keliya looma dhiibin nebi Muuse (CSWS), ee waxaa kaloo la raaciyey habkii Fircoon wax loogu sheegi lahaa oo Ilaahay isagoo Nebi Muuse iyo Haaruun la hadlaya wuxuu yiri:

“U taga Fircoon wuu kirbaye, kuna dhaha hadal debecsan, waxaa la arkaa inuu is garto ama cabsadee” (Daha, 43-44)

Sidaas ayuu yeelay Nebi Muuse (CSWS) oo markuu u yimi Fircoon oo u sheegay u sido farriin ka timi rabigii caalamka abuuray, waxaa dhex maray wada-hadalkan:

Fircoon: Waa maxay ilaaha caalamiintu?

Nebi Muuse: Waa Ilaaha cirarka, dhulka iyo inta u dhexeysa haddaad wax hubsan kartaan

Fircoon (isagoo la hadlaya dadkii meesha joogay):  ma maqlaysaan wuxuu ku hadlayo?

Nebi Muuse:  Waa Ilaahiina iyo Ilaaha aabayaashiinii hore.

Fircoon: (Isagoo la hadlaya dadkii meesha joogay): Ninka la idiin soo diray waaba nin waalan.

Nebi Muuse: Waa rabbiga abuuray qorrax-ka-soobax iyo qorrax-u-dhaca iyo inta u dhexeysa haddaad wax garanaysaan.

Fircoon: waxaan ku dhaartay haddii aad ilaah aan aniga ahayn yeelato inaan xabsiga kugu tuuri. (Ashucaraa, 23-29)

Hadalada Fircoon waa wada jeesjees, is yeelyeel iyo diidmo cad. Ha yeeshee bal eeg akhristow jawaabaha nebi Muuse iyo sida aanu uga caroonayn hadalka Fircoon ee uu ugu celcelinayo caddaynta farriintii loo soo dhiibay. Edebta ka muuqata jawaabaha nebi Muuse waxay markhaati u tahay sida uu u fuliyey amarkii ilaahay ee ahaa inuu Fircoon si jilicsan ula hadlo.

Nebi muuse ilaahay wuxuu siiyey xoog debecsan oo isugu jirey xujo cad oo cilmiyaysan iyo akhlaaq wanaagsan.

Dhaqanka noocaas ah ee nebiyadu kula dhaqmayeen ummadahooda heerkiisa ugu sarreeya wuxuu ka muuqanayaa taariikhdii nebigeena Muxamed (CSWS) iyo sidii uu dadka diinta ugu sheegayey.

Wuxuu nebigeenu u muuqaney qof dad waalan oo dab isku tuuraya hor taagan oo haddii ay dadkaasu caayaan, ama u gacan qaadaan ama candhuuf wejiga kaga tufaanba aan ka caroonayn ee tabartiisa iyo maskaxdiisa oo dhan isugu geynaya sidii uu u badbaadin lahaa dadkan aan dabka ka war qabin.

Dhibaatooyinka loo geystey nebigeena, ehelkiisa iyo dadkii rumeeyey way badnaayeen, laakiin waxyaabah ugu adkaa waxaa ka mid ahaa in isagoo ku tukanaya kacbada dhinaceeda uu xaggiisa dambe ka yimi nin ka mid ah gaaladii oo uu nebigeena surka maro kaga ceejiyey. Waxaa jirtay isla ninkaas gaalka ah inuu malin kale nebiga oo tukanaya oo sujuudsan dhabarka ka saaray wasakhdii ka hartay neef geel ah oo la qalay. Nebigu (CSWS) sujuuddii kama kicin ilaa gaaladaii isugu timi si looga maadaysto ilaa warkii gaarey gabadhiisii faadumo oo intay timi ka qaadday dhabarkiisa wasakhdii. 

Waxaa jirtey in Nebigu (CSWS) markuu reer Maka dhega-nuglaan ka waayey uu maalin u  safray magaala Daa’if oo ilaa 70KM u jirta Maka si uu uga doonto wax u hiiliya oo Ilaahay caabudidiisa ku taageera. Dadkii ka talinayey Daa’if waxay dadkii waalnaa iyo ciyaalkii ku amreen inay ninkaan dhagxiyaan magaaladana ka saaraan. Sidii ayey yeeleen oo nebigeenu (CSWS) isagoo cagaha dhiiggu ka da’ayo ayuu ka baxay magaaladii.

Waxaa loo bixiyey nebiga magacyo cay ah oo badan, waxaa loo soo furay gabdhihiisii laga qabay, waxaa lagu diray wixii dad ahaa ee uu yaqaaney iyo kuwo aanu aqoonba. Waxaa ciqaabo foolxun la mariyey dadki isaga rumeeyey, waxaa la colaadiyey dadkii reer ahaan ugu hiilliyey xataa iyagoon diintiisa qaadan. Waxaa laga cunaqabateeyey in wax laga iibiyo iyo in wax laga iibsado. Irridiisa ayaa qashin iyo qodax loo dhigi jirey. Intaas loogama harin ee waxaa lagu tashaday in dhalinyaro badan oo mindiyo iyo warmo wata ay isku mar nebiga ku dhuftaan hubka si ay u dilaan dhiigiisana si fudud qoloba xoogaa u bixiso.

Waxa intaa loo colaadinayey maahayn dan adduun oo la isla fahmi waayey. Waxaa la isku haystey war dadyohow ilaahay caabuda aad naarta ka badbaadaane iyo ‘maxaa kaa galay’. War dadyohow sharaftiina adduun dhawrta oo ceebta iyo xumaanta ka hara iyo ‘maxaa kaa galay’.

Taasoo jirta, hadana nebigeenu inta badan wuxuu isticmaalayey xoog debecsan, oo ah xujo cilmiyaysan iyo akhlaaq wanaagsan oo wuxuu oran jirey “Waxaan la mid ahay nin dab shitay oo bahalo yaryar oo duul-duulayaa dabkii ku daadanayaan isaguna ka celinayo. Waxaan idinku dheganahay marada guntigeeda si aydaan naarta ugu dhicin idinkuna waxaad rabtaan inaad iga baxsataan oo naarta ku dhacdaan”

Haddii aan isku dayno inaan ka sheekayno akhlaaq wanaagii nebigeena (CSWS) waxaan u baahan doonaa waqti badan iyo khad wax lagu qoro oo biyaha badda ka badan, laakiin waxyaabaha qofka lagu qiyaaso waxaa ka mid ah maalintuu adkaado siduu ula dhaqmo dadkuu ka adkaaday, markuu xoola helo siduu ula dhaqmo dadka baahan, markuu cilmi yeesho siduu ula dhaqmo dadka ka aqoonta yar. Saddex tusaale:

  1. Sannadakii sideedaad ee hijrada ayuu nebigeenu (CSWS) isagoo ciidamo toban kun ku dhaw wata qabsaday magaaladii Maka ee weligii lagu dhibi jirey. Hogaamiye walbaa markuu adkaado wuxuu ka bogtaa wixii uu  u ciil qabay sida inuu hanti ka fara qabsado, raggii uu necbaa inuu ka aarguto iyo dhammaan baahidiisa shakhsiga ah inuu dherjiyo. Nebigeenu (CSWS) wuxuu ahaa hogaamiye guulaystay, wuxuu ku dhaqaaqay inuu wixii uu u ciil qabay ka ciil bogto, wuxuu u ciil qabay cibaadada ilaahay, markuu magaaldada soo gelayey, damaashaad iyo kibir kama muuqan. Markiiba wuxuu abbaaray kacbada oo ku dawaafay, wuxuu gudaha u galay kacbada wuxuuna bilaabay cibaadadii uu u oomanaa. Markuu dibedda u soo baxay wuxuu arkay dhammaan dadkii odayaasha u ahaa reer Maka oo isu soo baxay. Waa kuwii dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnay u geystay. Wuu la hadlay oo wuxuu ku yiri “Maxaad iga filaysaan?” waxay yiraahdeen “Kolley waxaad tahay wiilkeenii fiicnaa, aabahaana wuxuu ahaa nin fiican!”. Nebigeenu isagoo awooda inuu naftiisa iyo dadkiisii la laayey ama la dhibay uu ar gudo, wuxuu ogaa in qasadkiisu ahaa inuu dadkaan ka badbaadiyo naarta uguna yeero jannada, marka wuxuu ku yiri “xor ayaa tihiin ee iska dhaqaaqa”. Cafiska iyo qalbiga saafiga ah waxay nebigeena u ahaayeen xoog debecsan oo dadku ku jeclaadaan.
  2. Weligiis hanta adduun oo la weydiistay nebigeenu ‘maya’ ma oran. Waxaa jirtey inuu u yimi nin oo ku yiri ‘wax i sii’ markaasaa nebigu (CSWS) xoolo aad u badan siiyey, ninkii intuu reerkiisii u tegey ayuu ‘war hooy soo islaama wallee Maxamed siduu wax u bixinayo, nin faqri ka baqaya iilama eka’. Waxaa in badan dhici jirtey in dad soo islaamaan iyagoo doonaya xoolo, markay xoogaa diinta ku jiraan ayay diinta ka jeclaan jireen adduunka iyo xoolaha saaran oo idil. Sadaqada iyo deeqsinimadu waxay nebigeena u ahaayeen xoog debecsan oo dadku isaga iyo diinataba ku jeclaadaan.
  3. Waxaa in badan dhici jirey in dad meelo fog ka yimi oo aan magaalada dhaqankeeda aqoon ay u yimaadaan nebiga (CSWS) iyagoo cilmi doon ah. Dadkaas intooda badan ma aqoon sida qofka aqoonta leh loo qadariyo. Meel fog ayey ka soo qaylin jireen “Maxamadoow!”. Haddii qaar ka mid ah asxaabtiisu dhibsadaan dadkaas hab-dhaqankooda, nebigu wuxuu oran jirey ‘iska daaya’. Su’aalaha dadkaasu nebiga weydiin jireen  waxaa ka mid ahaa “Ilaah baan kugu dhaariyaye, nebi miyaa tahay?”. Su’aalaha adag waxaa ka darnaa in mararka qaarkood ay ku kici jireen dhaqamo la yaab leh sida in maalin nin raggaas ka mid ah uu masjidka dhexdiisa kaadi la fariistay. Dadkii ku jirey masjidka ayaa ku qayliyey ninkii, laakiin nebiga (CSWS) ayaa ku yiri daaya oo ha ku kala goynina kaadida. Markuu dhamaystay ayuu nebigu faray saxaabadii inay kaadida ka nadiifiyaan masaajidka. Ninkiina kuma qaylin, waayo ninku isuma haysan inuu wax qalad ah sameeyey. Nebigu ninkii wuxuu ku yiri “masaajidda kuma habboona wixii wasakh ah, waxaa loogu talo galay salaadda, quraanka iyo ilaahay xuskiisa “. sida uu nebigu ugu nuglaa dadka uu ka aqoonta badan yahay ee aanu isaga weyneysiin jirin waxay u ahayd xoog debecsan oo dadku ku gartaan inuu yahay qof sare oo oo Ilaahay soo diray.
    Qof walba oo sheegta inuu dariiqii nebiga hayo, waxaa xujo ku ah inuu isu eego dhaqankiisa iyo kii nebigeena (CSWS). Dhaqankeenu waa muraayad ama diinta lagu jeclaado ama looga cararo. 

Abdulqadir Diriye

Awjaamac2000@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.