Home » Warar »

Hay’adda CDHR oo siminaarku saabsan Doorka Bulshada Rayidka kaga qayb qaadan karto Cadaaladda u qabatey

Hotelka Ambaasadoor ee Magaaladda Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyey siminaar socdey Muddo Saddex Maalin ka soo ay soo qaban qaabisey Hayadda Center For Democracy And Human Rights CDHR waxaana ka qaybgaley Dad gaaraya 30 xubnodd oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culama’udiin, Odayaasha dhaqanka, Hayadaha Xuquuqda Aadanaha , Haween,Dhalinyaro iyo Bahda Warbaahinta waxaana lagu baranayey Casharo la xiriira doorka Bulshada Rayidka kaga qaybqaadan karto Cadaaladda  iyo waxaan Macalin  ka ahaa Prof Cabdalla Macalin Maxamed waxaana qabanqaabadiisa lahaa  intii uu socdey siminaarkaas Ing Cabdulaahi Yuusuf (Siyaasi)

Siminaarkaan oo ay maaligelinteeda lahayd National Endowment for Democracy (NED) ayaa macalimiinta wax ka dhigeysey siminaarkaas waxay si qota dheer uga hadleen sida lagu heli karo Cadaalad iyadoo ka qaybgalayaasha loo qaybiyey Kooxo kooxo si ay uga hadlaan aaraadooda ku saabsan Cadaaladda  waxaana halkaa ka soo baxay  oraahyo ku saabsan sida lagu heli karo Cadaalad

Intii uu socdey siminaarka ayaa waxaa hadalo Maaweelo iyo Guubaabo ah  ka soo jeedisey Caasho warsame oo ka socotey Hayadda HINNA taasoo ay si aad ah ugu riyaaqeen ka qaybgalayaashii siminaarkaas

            Ma aha markii ugu horeysey ay Hayadaan ay qabato siminaaro noocaan oo kale waxna ka taraya sidii xal loogu heli lahaa arrimaha soomaaliya  iyadoo ka qaygalayaasha ay codsadeen in loo balaariyo siminaarada noocaan ah waayo ayey yiraahdeen laba ama sadex waxba laguma baran karo iyadoo masuuliyiintii ka socotey Hayadda ay balan qaadeen in ay sii laba laabi doonaan siminaarada Noocaan ah ee wax ka taraya Nabada iyo dib u heshiisiinta iwuxuuna siminaarkaas ku dhamaadey sidii loogu talagaly iyadoo ka qaybgalayaasha ay u mahadceliyeen intii soo qaban qaabisey iyo intii isku soo dubaridey oo ugu horeysa Hayadda CDHR

Halkan ka daawo sawirada siminaarka


 
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.